< Sharciga Kunoqoshadiisa 25 >

1 Haddii niman muran dhex maro, oo ay garsoorid u yimaadaan, oo loo garsooro, markaas kii gar leh, gartiisa ha la siiyo, kii gardaranna ciqaab ha lagu xukumo.
Iwapo kutakuwa na malumbano kati ya wanaume na wakaenda mahakamani, na waamuzi wakawahukumu, basi watamwachilia mtakatifu na kumhukumu muovu.
2 Oo haddii ninkii gardarnaa karbaash istaahilo xaakinku waa inuu hortiisa jiifiyaa si isaga loogu hor karbaasho, oo intii gardarradiisu ahayd ha loo tiriyo.
Iwapo mwanamume mwenye hatia anastahili kupigwa, basi muamuzi atamfanya alale chini na kupigwa mbele zake kwa idadi iliyoamriwa kulingana na kosa lake.
3 Wuxuu ku xukumi karaa afartan karbaash, laakiinse yuusan uga sii badin, waaba intaasoo hadduu intaas uga sii badiyo oo karbaash badan la dhaco aad walaalkaa fududaysataa.
Muamuzi anaweza kumpatia mapigo arobaini, lakini hapaswi kuvuka idadi hiyo; kwa maana akivuka idadi hiyo na kumpiga kwa mapigo mengi zaidi, basi Muisraeli mwenzako atakuwa kaaibishwa mbele ya macho yenu.
4 Waa inaadan dibiga af xidhin markuu sarreenka burburinayo.
Haupaswi kumfunga punda wako pua na mdomo anapokuwa akilima shamba lako.
5 Haddii walaalo wada deggan yihiin, oo midkood dhinto, laakiinse uusan wiil lahayn, kan dhintay naagtiisu yaanay dibadda ka guursan mid shisheeye ah. Ninkeedii walaalkiis waa inuu u guri galo oo dumaalo, oo uu ku sameeyo wixii ku habboon ninkeedii walaalkiis inuu ku sameeyo.
Iwapo kaka wanaishi pamoja na mmoja wao akafariki bila kuwa na mwana, basi mke wa marehemu hatakiwi kuolewa na mtu nje ya familia. Badala yake, kaka yake mumewe anapaswa kulala naye na kumchukua kuwa mke wake na kutekeleza wajibu wa kaka wa mume kwake.
6 Si uusan ku dhintay magiciisu reer binu Israa'iil uga dhex baabbi'in ninkeedu wiilka ugu horreeya oo ay dhali doonto ha u bixiyo magicii walaalkiisii dhintay.
Hii ni kwamba mtoto wa kwanza atakayezaliwa arithi chini ya jina la kaka yake mwanamume aliyefariki, ili jina lake lisiangamie ndani ya Israeli.
7 Laakiinse hadduusan ninku doonaynin inuu dumaalo naagtii walaalkiis, markaas naagta walaalkiis waa inay odayaasha ugu tagtaa iridda magaalada oo ay ku tidhaahdaa, Ninkaygii walaalkiis wuu diiday inuu walaalkiis magac uga dhex kiciyo reer binu Israa'iil, oo dooni maayo inuu igu sameeyo waxa ku habboon in dumaashigay igu sameeyo.
Lakini kama mwanamume hataki kumchukua mke wa kaka yake awe wake, basi mke wa kaka yake anapaswa kwenda malangoni mpaka kwa wazee na kusema, “Kaka wa mume wangu amekataa kuwajibika kwa niaba ya jina la kaka yake humu Israeli; hataki kufanya wajibu wa kaka wa mume kwangu”.
8 Oo markaas odayaasha magaaladiisu waa inay isaga u yeedhaan oo la hadlaan, oo markaas hadduu ka soo istaago oo yidhaahdo, Dooni maayo inaan dumaalo,
Kisha wazee wa mji wake wanapaswa kumuita na kuzungumza naye. Lakini tuseme atasisitiza na kusema, “Sitaki kumchukua”.
9 markaas naagta walaalkiis waa inay ugu timaadaa odayaasha hortooda, oo ay kabtiisa ka siibtaa, oo ay wejigana candhuuf uga tuftaa, oo iyadu waa inay jawaabtaa oo tidhaahdaa, Saas ha lagu sameeyo ninkii aan dhisin reerka walaalkiis.
Basi mke wa kaka yake anatakiwa kuja kwake mbele ya wazee, kumvua ndara zake miguuni mwake, na kumtemea usoni. Anapaswa kumjibu na kusema, “Hivi ndivyo kinachofanyika kwa mwanamume asiyetaka kujenga nyumba ya kaka yake”.
10 Oo magiciisa reer binu Israa'iil dhexdooda ha loogu yeedho, Reerkii kan kabtiisii laga siibay.
Jina lake Israeli litaitwa, “Nyumba ya mtu aliyevuliwa ndara zake”.
11 Oo markii niman isdiriraan, haddii mid naagtiisu u soo dhowaato si ay ninkeeda uga samatabbixiso gacanta kan isaga dilaya, hadday gacanta soo fidiso oo ay isaga xiniinyaha ku dhegto,
Iwapo wanamume wamepigana wao kwa wao, na mke wa mmoja wao kaja kumkomboa mumewe dhidi ya yule aliyempiga, naye akanyosha mkono wake na kumshika sehemu za siri,
12 markaas waa inaad iyada gacanta ka gooysaa oo aadan innaba u nixin.
basi unapaswa kuukata mkono yake; jicho lako halipaswi kuwa na huruma.
13 Waa inaadan kolaygaaga ku haysan miisaanno kala cayn ah oo ah mid weyn iyo mid yar.
Haupaswi kuwa na mizani ya uzito tofauti katika mfuko wako, mkubwa na mdogo.
14 Oo waa inaadan gurigaaga ku haysan weelal qiyaaseed oo kala cayn ah oo ah mid weyn iyo mid yar.
Hautakiwi kuwa na vipimo tofauti ndani ya nyumba yako, vikubwa na vidogo.
15 Waa inaad haysataa miisaan qumman oo xaq ah, oo waa inaad haysataa weel qiyaaseed oo qumman oo xaq ah, in cimrigaagu ku dheeraado dalka Rabbiga Ilaahaaga ahu uu ku siinayo.
Unatakiwa kuwa na uzito kamili na wa haki; unatakiwa kuwa na vipimo kamili na vya haki, ili siku zako ziwe ndefu katika nchi ambayo Yahwe Mungu wako anakupatia.
16 Waayo, kuwa waxyaalahaas oo kale sameeya oo ah kuwa si aan xaq ahayn wax u sameeya oo dhan waa u karaahiyo Rabbiga Ilaahaaga ah.
Kwa maana wote wanaofanya vitu hivi, wote wanaovunja haki, ni chukizo kwa Yahwe Mungu wako.
17 Bal xusuusta wixii ay reer Camaaleq idinku sameeyeen markaad jidka soo socoteen oo aad Masar ka soo baxdeen,
Kumbuka ni jambo gani Amaleki alichofanya kwako barabarani ulipokuwa ukitoka Misri,
18 iyo siday jidka idiinkaga hor yimaadeen oo ay u laayeen dabaadigiinnii, kuwaas oo ahaa kulli intiinnii taagta darnayd oo dambaysay, markaad tabarta darnaydeen oo daallanaydeen. Iyaguse Ilaah kama ay cabsan.
jinsi alivyokutana na wewe barabarani na kuwashambulia kati yenu kwa nyuma, wale waliokuwa wamelegea nyuma, mlipokuwa dhaifu na kuchoka, hakumheshimu Mungu.
19 Sidaas daraaddeed markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinka nasiyo cadaawayaashiinna hareerahiinna ku wareegsan oo dhan, idinkoo jooga dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxal idiin siinayo inaad hantidaan aawadeed, waa inaad reer Camaaleq ka baabbi'isaan inta samada ka hoosaysa, oo taas ha illoobina.
Kwa hiyo, Yahwe Mungu wako atakapowapa pumziko kutoka kwa maadui zako kila sehemu, katika nchi ambayo Yahwe Mungu wako anawapatia kumiliki kama urithi, hautakiwi kusahau kuwa unapaswa kufuta kumbukumbu ya Waamaleki chini ya mbingu.

< Sharciga Kunoqoshadiisa 25 >