< Sharciga Kunoqoshadiisa 22 >

1 Walaalkaa dibigiisa ama laxdiisa oo baxsi ah intaad aragtid waa inaadan ka dhuuman, laakiinse hubaal waa inaad walaalkaa u soo celisaa.
In kun ga saniya ko tunkiyar ɗan’uwanku wadda ta ɓace, kada ku ƙyale ta, amma ku tabbata kun komar da ita gare shi.
2 Oo walaalkaagii lahaa hadduusan kuu dhowayn, ama haddaadan isaga aqoon, markaas waa inaad neefka baxsiga ah gurigaaga keentaa oo waa inaad haysaa ilaa uu kuu yimaado walaalkaa oo doondoonaya, oo markaas waa inaad isaga u celisaa.
In ɗan’uwan ba ya zama kusa da ku, ko kuwa ba ku san shi ba, sai ku kai ta gida ku ajiye ta sai ya zo nemanta. Sa’an nan ku ba shi ita.
3 Oo waa inaad sidaas oo kale u gashaa dameerkiisa, iyo dharkiisaba, oo waa inaad sidaas oo kale u gashaa wax alla wixii walaalkaa ka lumay ee aad adigu heshid. Waa inaadan ka dhuuman.
Ku yi haka in kun sami jakin ɗan’uwanku, ko rigarsa, ko kowane abin da ya ɓace. Kada ku ƙyale shi.
4 Haddaad aragtid walaalkaa dameerkiisa ama dibigiisa oo jidka ku dhacay, waa inaadan ka dhuuman, laakiinse hubaal waa inaad isaga caawisaa oo la istaajisaa.
In kuka ga jakin ɗan’uwanku, ko saniyarsa ya fāɗi a kan hanya, kada ku ƙyale shi. Ku taimaka, ku tā da shi.
5 Naagu waa inayan xidhan waxa nin leeyahay, oo ninna waa inuusan guntan dhar naageed, waayo, ku alla kii waxaa sameeyaa waa u karaahiyo Rabbiga Ilaahaaga ah.
Kada mace ta sa suturar maza, kada kuma namiji ya sa suturar mata, gama Ubangiji Allahnku yana ƙyamar duk mai yin haka.
6 Jidka hortaadaa haddaad ka heshid shimbir buulkeed oo geed ama dhulka ku yaal, oo ay buulka ku jiraan dhal ama ugxan iyo hooyadood oo ku fadhida dhashii ama ugxantii waa inaadan hooyada la qaadan dhasha.
In kuka ga gidan tsuntsu kusa da hanya, ko a kan itace, ko kuma a ƙasa, mahaifiyar tsuntsun kuwa tana kwance a kan’ya’yanta, ko kuwa a kan ƙwanta, kada ku kama mahaifiyar duk da’ya’yan.
7 Si kasta ha ahaatee waa inaad hooyada sii daysaa, laakiinse dhasha waad qaadan kartaa, inaad nabdoonaatid oo uu cimrigaagu ku dheeraado.
Za ku iya kwashe’ya’yan, amma ku tabbata kun bar mahaifiyar tă tafi. Yin haka zai sa ku sami zaman lafiya da tsawon rai.
8 Markaad dhisatid guri cusub, saqafkiisa waa inaad derbi ku wareejisaa si aadan reerkaaga dhiig ugu soo jiidin haddii nin halkaas ka soo dhaco.
Sa’ad da kuka gina sabon gida, ku ja masa dakali kewaye da rufinku don kada ku jawo laifin zub da jini a kan gidanku in wani ya fāɗi daga kan rufin.
9 Beertaada canabka ah waa inaadan ku wada beeran iniino laba cayn oo kala duwan ah, waaba intaasoo ay midhaha oo dhammu quduus kaa noqdaan, kuwaasoo ah iniinihii aad beeratay iyo midhihii beerta canabka ah kaaga baxayba.
Kada ku shuka iri biyu a gonar inabinku; in kuka yi haka, ba abin da kuka shuka ne kaɗai zai ƙazantu ba, amma har da inabinku ma.
10 Waa inaadan beer ku jeexin dibi iyo dameer wada jira.
Kada ku haɗa bijimi da jaki su yi noma tare.
11 Waa inaadan guntan dhar isku darsan oo laga sameeyey dhogor idaad iyo geed linen la yidhaahdo oo isku jira.
Kada ku sa rigar ulu da aka gauraye da lilin aka saƙa.
12 Oo dharka aad guntato afartiisa darafba waa inaad faraq u yeeshaa.
Ku yi tuntu a kusurwan huɗu na rigar da kuke sa.
13 Oo haddii nin naag guursado oo uu u tago, dabadeedna uu necbaado,
In mutum ya auri mace, bayan ya kwana da ita, sa’an nan ya ƙi ta
14 oo uu waxyaalo ceeb ah ka sheego ee uu magac ceeb ah u soo jiido isagoo leh, Naagtan waan guursaday oo markaan u soo dhowaaday kama aanan helin calaamadihii bikradnimada,
ya kuma zarge ta, ya ba ta mummunan suna, yana cewa, “Na auri wannan mata, amma sa’ad da na kusace ta, ban sami tabbaci cewa ita budurwa ba ce,”
15 markaas gabadha aabbaheed iyo hooyadeed ha soo qaadeen calaamadihii bikradnimada gabadhooda, oo odayaasha magaalada ha ugu keeneen iridda magaalada,
sai mahaifin yarinyar da mahaifiyarta su kawo shaida cewa ita budurwa ce wa dattawan gari a ƙofar garin.
16 oo markaas gabadha aabbaheed odayaasha ha ku yidhaahdo, Anigu gabadhayda ayaan ninkan siiyey inuu guursado, oo imminkana wuu neceb yahay,
Mahaifin yarinyar zai ce wa dattawa, “Na ba da’yata aure ga wannan mutum, amma ya ƙi ta.
17 oo bal eega, wuxuu ka soo sheegay waxyaalo ceeb ah, oo wuxuu yidhi, Gabadhaada kama aanan helin calaamadihii bikradnimada, iyadoo calaamadihii bikradnimadeedu ay kuwan yihiin. Oo iyana dharka ha ku kala bixiyeen odayaasha magaalada hortooda.
Yanzu ya zage ta cewa, ‘Ban sami’yarku budurwa ba.’ Amma ga shaidar budurcin’yata.” Sa’an nan iyayenta za su shimfiɗa zanen a gaban dattawan garin,
18 Oo markaas odayaasha magaaladaasu waa inay ninka qabtaan oo ay edbiyaan,
dattawan kuwa za su ɗauki mutumin su hukunta shi.
19 oo weliba waa inay ku ganaaxaan boqol sheqel oo lacag ah oo ay siiyaan gabadha aabbaheed, maxaa yeelay, isagu magac ceeb ah buu u soo jiiday bikrad reer binu Israa'iil ah. Iyana naagtiisii ha ahaato, oo isna cimrigiisa oo dhan waa inuusan furin.
Za su ci masa tara shekel azurfa ɗari, su ba mahaifin yarinyar, domin wannan mutum ya ba wa budurwa mutuniyar Isra’ila mummunan suna. Za tă ci gaba da zama matarsa; ba kuwa zai sake ta ba muddin ransa.
20 Laakiinse haddii waxyaalahaasu run yihiin oo gabadha laga waayo calaamadihii bikradnimada,
Amma fa in zarge gaskiya ne, ba a kuwa sami shaidar budurcin yarinyar ba,
21 markaas gabadha dibadda ha u soo bixiyeen oo ha keeneen guriga aabbaheed iriddiisa, oo dadka magaaladaas jooga oo dhammu iyada ha dhagxiyeen si ay u dhimato, maxaa yeelay, iyadu nacasnimo bay ku dhex samaysay reer binu Israa'iil oo waxay ku dhillowday gurigii aabbaheed, oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan.
sai a kawo ta a ƙofar gidan mahaifinta, a can mazan gari za su jajjefe ta da dutse har tă mutu. Ta yi abin kunya a Isra’ila ta wurin lalaci a yayinda take a gidan mahaifinta. Dole ku fid da mugu daga cikinku.
22 Oo haddii la helo nin la jiifa naag nin kale qabo, markaas labadooduba waa inay dhintaan, ninkii naagta la jiifsaday iyo naagtaba, oo sidaas waa inaad sharka reer binu Israa'iil dhexdooda uga saartaan.
In aka kama wani yana kwance da matar wani, dole a kashe dukansu biyu, wato, mutumin da ya kwana da matar da kuma matar. Dole a fid da mugu daga Isra’ila.
23 Oo haddii nin magaalada dhexdeeda ka helo gabadh bikrad ah oo nin kale u doonan, oo uu iyada la jiifsado,
In mutum ya sadu da budurwa a gari wadda aka yi alkawarin aure, ya kuma kwana da ita
24 markaas labadoodaba waa inaad soo bixisaan oo keentaan magaaladaas iriddeeda, oo waa inaad dhagxisaan si ay u dhintaan, maxaa yeelay, gabadhu magaaladay joogtay, mana ay qaylin, ninkuna ceeb buu ku hoosaysiiyey tii deriskiisa u doonanayd, oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan.
sai ku ɗauki su biyu zuwa ƙofar wannan gari, ku jajjefe su da dutse har su mutum, za a kashe yarinyar domin tana a cikin gari ba ta kuwa yi ihu neman taimako ba, za a kashe mutumin domin ya yi lalata da matar wani. Dole ku fi da mugu daga cikinku.
25 Laakiinse haddii nin duurka ka helo gabadh nin u doonan, oo uu ninku gabadhaas xoogo oo la jiifsado, markaas ninka iyada la jiifsaday keliyahu waa inuu dhintaa,
Amma in a bayan gari ne mutumin ya sadu da yarinyar da aka yi alkawari aure, ya kuma yi mata fyaɗe, mutumin da ya yi wannan ne kaɗai zai mutu.
26 laakiinse gabadha waxba ha yeelin, maxaa yeelay, gabadha dembi dhimasho istaahilaa kuma jiro, waayo, xaalkanu wuxuu la mid yahay markii nin deriskiisa ku kaco oo dilo,
Kada ku yi wa yarinyar kome, ba tă yi zunubin da ya cancanci mutuwa ba. Wannan batu ya yi kamar da na mutumin da ya fāɗa wa maƙwabcinsa ya kuma kashe shi.
27 waayo, iyada wuxuu ka helay duurka, oo gabadha ninka u doonanuna way qaylisay oo cid iyada badbaadisana la ma arag.
Tun da ya same ta a jeji ne, wataƙila yarinyar ta yi kukan neman taimako, amma babu wani da zai cece ta.
28 Haddii nin helo gabadh bikrad ah oo aan ninna u doonanayn, oo intuu qabsado uu iyada la jiifsado, oo markaas iyaga la helo,
In mutum ya sadu da yarinyar da ba a yi alkawarin aurenta ba, ya kuma yi mata fyaɗe, aka kuma kama su,
29 markaas ninkii gabadha la jiifsaday waa inuu gabadha aabbaheed siiyaa konton sheqel oo lacag ah. Iyana naagtiisa ha ahaato, maxaa yeelay, isagu ceeb buu ku hoosaysiiyey, oo isna waa inuusan furin cimrigiisa oo dhan.
sai yă biya mahaifin yarinyar shekel hamsin na azurfa. Dole yă auri yarinyar, gama ya yi lalata da ita. Ba zai taɓa sake ta ba muddin ransa.
30 Ninna waa inuusan qaadan naagtii aabbihiis, oo waa inuusan aabbihiis marada ka bannayn.
Kada mutum yă auri matar mahaifinsa, kada yă ƙasƙantar gādon mahaifinsa.

< Sharciga Kunoqoshadiisa 22 >