< Sharciga Kunoqoshadiisa 16 >

1 Bisha Aabiib dhawra, oo Rabbiga Ilaahiinna ah Iiddii Kormaridda u sameeya, waayo, bisha Aabiib ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu habeennimo idinka soo bixiyey dalkii Masar.
Angalia mwezi wa Abibu, na uishike pasaka ya Yahwe Mungu wako, kwa kuwa katika mwezi wa Abibu Yahwe Mungu wako alikuleta toka Misri usiku.
2 Oo Iidda Kormaridda waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u bixisaan neef aad ka qaaddaan idaha iyo lo'da, uguna bixiya meesha uu Rabbiga u dooranayo inuu magiciisa dhigo.
Utamtolea dhabibu ya pasaka Yahwe Mungu wako na baadhi ya mifugo na wanyama kwenye eneo ambalo Yahwe atachagua kama patakatifu pake.
3 Oo allabariga waa inaydaan kibis khamiir leh ku cunin, toddoba maalmoodse waa inaad ku cuntaan kibis aan khamiir lahayn oo ah kibistii dhibka, waayo, dalkii Masar degdeg baad kaga soo baxdeen. Waa inaad cimrigiinna oo dhan xusuusnaataan maalintii aad dalkii Masar ka soo baxdeen.
Hautakula mkate wa chachu pamoja nayo, siku saba utakula mkate usio na chachu, mkate wa mateso; kwa kuwa mlitoka katika nchi ya Misri kwa haraka. Fanya haya katika siku zako zote za maisha yako ili uweze kukumbuka akilini siku mliotoka nchi ya Misri.
4 Oo intii toddoba maalmood ah soohdimihiinna gudahooda oo dhan waa inaan khamiir lagu arag, oo allabariga aad fiidka maalinta kowaad bixisaan hilibkiisu waa inuusan habeenkii oo dhan oollin oo subaxdii gaadhin.
Hakuna chachu inapaswa kuonekana miongoni mwenu ndani ya mipaka yenu wakati wa siku saba; wala nyama yoyote mnayotoa dhabihu jioni kwa siku ya kwanza inabaki mpaka asubuhi.
5 Idiinma bannaana inaad allabariga Iidda Kormaridda ku bixisaan irdihiinna gudahooda oo Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo,
Msitoe dhabihu ya pasaka kati ya malango yenu ya ndani ambayo Yahwe Mungu wenu anawapa.
6 laakiinse meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo waa inaad allabariga Kormaridda ku bixisaan markay fiidka tahay, oo qorraxdu dhacdo, oo ah xilligii aad Masar ka soo baxdeen.
Badala yake, toa dhabihu katika eneo ambalo Yahwe Mungu wenu atachagua kama patakatifu pake. Hapo mtatoa dhabihu ya pasaka jioni wakati jua linazama, kwa wakati huo wa mwaka mlitoka Misri.
7 Hilibka waa inaad dubtaan oo ku cuntaan meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dooranayo, oo subaxdii waa inaad noqotaan oo teendhooyinkiinna tagtaan.
Mtapaswa kuichoma na kuila katika eneo ambalo Yahwe Mungu wenu atachagua; asubuhi mtageuka na kwenda kwenye mahema yenu.
8 Lix maalmood waa inaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn, oo maalinta toddobaadna shir quduus ah waa inaad u qabataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo maalintaas waa inaydaan waxba shuqul qaban.
Kwa siku sita mtakula mkate usiotia chachu; katika siku ya saba kutakuwa na kusanyiko makini kwa ajili ya Yahwe Mungu wenu; katika siku hiyo hamtafanya kazi.
9 Waxaad tirsataan toddoba toddobaad, oo hadhuudhka taagan markaad manjada ku bilowdaan kolkaas waa inaad bilowdaan inaad tirsataan toddoba toddobaad.
Mtahesabu wiki saba kwa ajili yenu; tangu wakati mlipoanza kuweka mundu kwenye nafaka iliyosimama mtapaswa kuanza kuhesabu wiki saba.
10 Oo Iiddii Toddobaadyada ee Rabbiga Ilaahiinna ah waa inaad ugu samaysaan waxyaalaha aad ikhtiyaarkiinna gacmaha ugu bixisaan, oo taas waxaad u bixisaan sida Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin barakeeyo.
Mtapaswa kushika wiki za sherehe ya Yahwe Mungu wenu pamoja na mchango wa sadaka ya utayari kutoka mkono wako ambayo utatoa, kulingana na Yahwe alivyokubariki.
11 Midkiin kasta iyo wiilkiisa, iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa, iyo addoontiisa, iyo kii reer Laawi oo irdihiisa ku jira, iyo qariibka, iyo agoonta iyo carmalka idin dhex joogaaba waa inay ku wada farxaan Rabbiga Ilaahooda ah hortiisa taasoo ah meesha Rabbiga Ilaahooda ahu uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo.
Utafurahi mbele ya Yahwe Mungu wako- wewe, kijana wako, binti wako, mjakazi wako wa kiume, mjakazi wako wa kike, Mlawi aliye katika malango yako, na mgeni, yatima, na mjane alio miongoni mwenu, katika eneo ambalo Yahwe Mungu wako atachagua kwa ajili ya patakatifu pake.
12 Oo waa inaad xusuusnaataan inaad addoommo ku ahaydeen dalkii Masar, oo waa inaad dhawrtaan oo samaysaan qaynuunnadan.
Utakumbuka akilini kwamba ulikuwa mtumwa Misri; unapaswa kuangalia na kuzishika amri hizi.
13 Oo markaad wax ka soo urursataan goobihiinna hadhuudhka lagu tumo iyo macsarooyinkiinna canabka, dabadeed waa inaad dhawrtaan Iidda Waababka intii toddoba maalmood ah.
Unapaswa kushika sherehe za vibanda kwa siku saba baada ya kuwa mmekusanya mavuno toka kwenye sakafu ya mapura na kutoka kwenye kinu chako cha divai.
14 Oo midkiin kasta iyo wiilkiisa, iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa, iyo addoontiisa, iyo ka reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka irdahooda ku jiraaba waa inay ku wada farxaan iiddiinna.
Utafurahi wakati wa sherehe- wewe, kijana wako, binti wako, mjakazi wako wa kiume, mjakazi wako wa kike, Mlawi, na mgeni, na yatima na mjane walio ndani ya malango yako.
15 Oo intii toddoba maalmood ah waa inaad iid Rabbiga Ilaahiinna ah ugu qabataan meesha Rabbigu dooranayo, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idinku barakayn doonaa waxa idiin kordha oo dhan iyo shuqulka gacmihiinna oo dhan, oo dhammaantiin waxaad ahaan doontaan farax miidhan.
Kwa siku saba unapaswa kuangalia sherehe ya Yahwe Mungu wako katika eneo ambalo Yahwe atachagua, kwa sababu Yahwe Mungu wako atakubariki katika mavuno yako yote na kazi ya mikono yako yote, na unapaswa kuwa na furaha kabisa.
16 Oo sannaddiiba saddex jeer raggiinna oo dhammu waa inay Rabbiga Ilaahiinna ah kaga hor muuqdaan meeshuu dooranayo, oo saddexdaas jeer waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyo Iidda Toddobaadyada, iyo Iidda Waababka, oo waa inaanay iyagoo fara madhan Rabbiga hortiisa ka muuqan.
Mara tatu kwa mwaka wanaume wako wote wanapaswa kuonekana mbele za Yahwe Mungu wako katika eneo ambalo atachagua: katika sherehe ya mkate usiotiwa chachu, katika sherehe za wiki, na sherehe ya vibanda; na hawataonekana mbele za Yahwe mikono mitupu;
17 Nin waluba waa inuu bixiyo wixii uu awoodo sida ay tahay barakada Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey.
badala yake, kila mtu atatoa kama awezavyo, kwamba mtajua baraka kwamba Yahwe Mungu wako amekupa.
18 Oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo irdihiinna oo dhan siday qabiilooyinkiinnu yihiin u samee xaakinno iyo saraakiil, oo iyana dadka ha ugu garsooreen garsoor xaq ah.
Unapaswa kufanya waamuzi na maakida ndani ya malango yako ambayo Yahwe Mungu wako anakupa; watachukuliwa toka kila kabila, and watahukumu watu kwa hukumu ya haki.
19 Waa inaydaan garta qalloocin, oo dadkana waa inaydaan u kala eexan, oo laaluushna waa inaydaan qaadan, waayo, laaluushku wuu indhatiraa kuwa xigmadda leh, oo erayada kuwa xaqa ahna wuu qalloociyaa.
Haupaswi kuiondoa haki kwa nguvu; haupaswi kuonesha upendeleo wala kuchukua rushwa, kwa kuwa rushwa upofusha macho ya hekima na kupotosha maneno ya haki.
20 Oo wixii dhammaan xaq ah waa inaad raacdaan, inaad noolaataan, oo aad dhaxashaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo.
Unapaswa kufata baada ya haki, baada ya haki peke yake, ili kwamba uishi na kurithi nchi ambayo Yahwe Mungu wako anakupa.
21 Oo meesha allabariga ee Rabbiga Ilaahiinna ah oo aad samayn doontaan agtiisa ha ka beeran geed Asheeraah cayn kastoo uu yahay toona.
Haupaswi kujitengenezea Asherahi, aina yoyote ya mti, kando ya madhabahu ya Yahwe Mungu wako ambayo utakayojitengenezea.
22 Oo hana qotonsan tiir uu Rabbiga Ilaahiinna ahu neceb yahay.
Wala usijitengenezee jiwe takatifu la nguzo, ambalo Yahwe Mungu wako anachukia.

< Sharciga Kunoqoshadiisa 16 >