< Sharciga Kunoqoshadiisa 16 >

1 Bisha Aabiib dhawra, oo Rabbiga Ilaahiinna ah Iiddii Kormaridda u sameeya, waayo, bisha Aabiib ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu habeennimo idinka soo bixiyey dalkii Masar.
שמור את חדש האביב ועשית פסח ליהוה אלהיך כי בחדש האביב הוציאך יהוה אלהיך ממצרים לילה׃
2 Oo Iidda Kormaridda waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u bixisaan neef aad ka qaaddaan idaha iyo lo'da, uguna bixiya meesha uu Rabbiga u dooranayo inuu magiciisa dhigo.
וזבחת פסח ליהוה אלהיך צאן ובקר במקום אשר יבחר יהוה לשכן שמו שם׃
3 Oo allabariga waa inaydaan kibis khamiir leh ku cunin, toddoba maalmoodse waa inaad ku cuntaan kibis aan khamiir lahayn oo ah kibistii dhibka, waayo, dalkii Masar degdeg baad kaga soo baxdeen. Waa inaad cimrigiinna oo dhan xusuusnaataan maalintii aad dalkii Masar ka soo baxdeen.
לא תאכל עליו חמץ שבעת ימים תאכל עליו מצות לחם עני כי בחפזון יצאת מארץ מצרים למען תזכר את יום צאתך מארץ מצרים כל ימי חייך׃
4 Oo intii toddoba maalmood ah soohdimihiinna gudahooda oo dhan waa inaan khamiir lagu arag, oo allabariga aad fiidka maalinta kowaad bixisaan hilibkiisu waa inuusan habeenkii oo dhan oollin oo subaxdii gaadhin.
ולא יראה לך שאר בכל גבלך שבעת ימים ולא ילין מן הבשר אשר תזבח בערב ביום הראשון לבקר׃
5 Idiinma bannaana inaad allabariga Iidda Kormaridda ku bixisaan irdihiinna gudahooda oo Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo,
לא תוכל לזבח את הפסח באחד שעריך אשר יהוה אלהיך נתן לך׃
6 laakiinse meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo waa inaad allabariga Kormaridda ku bixisaan markay fiidka tahay, oo qorraxdu dhacdo, oo ah xilligii aad Masar ka soo baxdeen.
כי אם אל המקום אשר יבחר יהוה אלהיך לשכן שמו שם תזבח את הפסח בערב כבוא השמש מועד צאתך ממצרים׃
7 Hilibka waa inaad dubtaan oo ku cuntaan meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dooranayo, oo subaxdii waa inaad noqotaan oo teendhooyinkiinna tagtaan.
ובשלת ואכלת במקום אשר יבחר יהוה אלהיך בו ופנית בבקר והלכת לאהליך׃
8 Lix maalmood waa inaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn, oo maalinta toddobaadna shir quduus ah waa inaad u qabataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo maalintaas waa inaydaan waxba shuqul qaban.
ששת ימים תאכל מצות וביום השביעי עצרת ליהוה אלהיך לא תעשה מלאכה׃
9 Waxaad tirsataan toddoba toddobaad, oo hadhuudhka taagan markaad manjada ku bilowdaan kolkaas waa inaad bilowdaan inaad tirsataan toddoba toddobaad.
שבעה שבעת תספר לך מהחל חרמש בקמה תחל לספר שבעה שבעות׃
10 Oo Iiddii Toddobaadyada ee Rabbiga Ilaahiinna ah waa inaad ugu samaysaan waxyaalaha aad ikhtiyaarkiinna gacmaha ugu bixisaan, oo taas waxaad u bixisaan sida Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin barakeeyo.
ועשית חג שבעות ליהוה אלהיך מסת נדבת ידך אשר תתן כאשר יברכך יהוה אלהיך׃
11 Midkiin kasta iyo wiilkiisa, iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa, iyo addoontiisa, iyo kii reer Laawi oo irdihiisa ku jira, iyo qariibka, iyo agoonta iyo carmalka idin dhex joogaaba waa inay ku wada farxaan Rabbiga Ilaahooda ah hortiisa taasoo ah meesha Rabbiga Ilaahooda ahu uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo.
ושמחת לפני יהוה אלהיך אתה ובנך ובתך ועבדך ואמתך והלוי אשר בשעריך והגר והיתום והאלמנה אשר בקרבך במקום אשר יבחר יהוה אלהיך לשכן שמו שם׃
12 Oo waa inaad xusuusnaataan inaad addoommo ku ahaydeen dalkii Masar, oo waa inaad dhawrtaan oo samaysaan qaynuunnadan.
וזכרת כי עבד היית במצרים ושמרת ועשית את החקים האלה׃
13 Oo markaad wax ka soo urursataan goobihiinna hadhuudhka lagu tumo iyo macsarooyinkiinna canabka, dabadeed waa inaad dhawrtaan Iidda Waababka intii toddoba maalmood ah.
חג הסכת תעשה לך שבעת ימים באספך מגרנך ומיקבך׃
14 Oo midkiin kasta iyo wiilkiisa, iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa, iyo addoontiisa, iyo ka reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka irdahooda ku jiraaba waa inay ku wada farxaan iiddiinna.
ושמחת בחגך אתה ובנך ובתך ועבדך ואמתך והלוי והגר והיתום והאלמנה אשר בשעריך׃
15 Oo intii toddoba maalmood ah waa inaad iid Rabbiga Ilaahiinna ah ugu qabataan meesha Rabbigu dooranayo, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idinku barakayn doonaa waxa idiin kordha oo dhan iyo shuqulka gacmihiinna oo dhan, oo dhammaantiin waxaad ahaan doontaan farax miidhan.
שבעת ימים תחג ליהוה אלהיך במקום אשר יבחר יהוה כי יברכך יהוה אלהיך בכל תבואתך ובכל מעשה ידיך והיית אך שמח׃
16 Oo sannaddiiba saddex jeer raggiinna oo dhammu waa inay Rabbiga Ilaahiinna ah kaga hor muuqdaan meeshuu dooranayo, oo saddexdaas jeer waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyo Iidda Toddobaadyada, iyo Iidda Waababka, oo waa inaanay iyagoo fara madhan Rabbiga hortiisa ka muuqan.
שלוש פעמים בשנה יראה כל זכורך את פני יהוה אלהיך במקום אשר יבחר בחג המצות ובחג השבעות ובחג הסכות ולא יראה את פני יהוה ריקם׃
17 Nin waluba waa inuu bixiyo wixii uu awoodo sida ay tahay barakada Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey.
איש כמתנת ידו כברכת יהוה אלהיך אשר נתן לך׃
18 Oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo irdihiinna oo dhan siday qabiilooyinkiinnu yihiin u samee xaakinno iyo saraakiil, oo iyana dadka ha ugu garsooreen garsoor xaq ah.
שפטים ושטרים תתן לך בכל שעריך אשר יהוה אלהיך נתן לך לשבטיך ושפטו את העם משפט צדק׃
19 Waa inaydaan garta qalloocin, oo dadkana waa inaydaan u kala eexan, oo laaluushna waa inaydaan qaadan, waayo, laaluushku wuu indhatiraa kuwa xigmadda leh, oo erayada kuwa xaqa ahna wuu qalloociyaa.
לא תטה משפט לא תכיר פנים ולא תקח שחד כי השחד יעור עיני חכמים ויסלף דברי צדיקם׃
20 Oo wixii dhammaan xaq ah waa inaad raacdaan, inaad noolaataan, oo aad dhaxashaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo.
צדק צדק תרדף למען תחיה וירשת את הארץ אשר יהוה אלהיך נתן לך׃
21 Oo meesha allabariga ee Rabbiga Ilaahiinna ah oo aad samayn doontaan agtiisa ha ka beeran geed Asheeraah cayn kastoo uu yahay toona.
לא תטע לך אשרה כל עץ אצל מזבח יהוה אלהיך אשר תעשה לך׃
22 Oo hana qotonsan tiir uu Rabbiga Ilaahiinna ahu neceb yahay.
ולא תקים לך מצבה אשר שנא יהוה אלהיך׃

< Sharciga Kunoqoshadiisa 16 >