< Sharciga Kunoqoshadiisa 14 >
1 Idinku waxaad tihiin Rabbiga Ilaahiinna ah carruurtiisii, haddaba qof dhintay aawadiis jidhkiinna ha u goynina, oo indhihiinna dhexdoodana ha u xiirina.
你們是上主你們天主的兒女。你們不應為死者割傷自己,不應將頭頂剃光,
2 Waayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin dad quduus ah, oo Rabbigu wuxuu idiin doortay inaad ahaataan dad hanti isaga uga ah dadyowga dhulka jooga oo dhan.
因為你是屬於上主你天主的聖潔人民,上主由地上的萬民中,特選了你做他自己的人民。
3 Waa inaydaan cunin innaba wax karaahiyo ah.
凡是可憎惡之物,你不可吃。
4 Kuwanu waa xayawaanka aad hilibkooda cunaysaan, oo waa lo'da, iyo idaha, iyo riyaha,
你們可吃的走獸如下:牛、綿羊、山羊、
5 iyo deerada, iyo cawsha, iyo dibtaagta, iyo garannuugta, iyo goodirka, iyo biciidka, iyo adhidibadeedka.
鹿、羚羊、黈鹿、野山羊、臆羚、野牛和野羊。
6 Xayawaan kasta oo raafkiisu kala jeexan yahay, oo calyanaqsiga raamsado oo xayawaanka ka mid ah kaas waa inaad cuntaan.
走獸中,凡有偶蹄分趾而又反芻的走獸,你們都可以吃。
7 Habase yeeshee kuwa caynkan ah oo calyanaqsiga raamsado oo raafka jeexan leh waa inaydaan cunin, kuwaasoo ah geela iyo bakaylaha iyo walada, maxaa yeelay, calyanaqsiga way raamsadaan laakiinse raafkoodu ma kala jeexna, oo iyagu waa idinka nijaas,
但是在反芻或有偶蹄分趾的走獸中,你們不可吃的:有駱駝、兔子或岩狸,因為牠們雖反芻,蹄卻不分趾,對你們仍是不潔的。
8 oo doofaarkana ha cunina, maxaa yeelay, isaga raafkiisu waa kala jeexan yahay, calyanaqsigase ma raamsado, sidaas daraaddeed waa idinka nijaas, oo kuwaas hilibkooda waa inaydaan cunin, bakhtigoodana waa inaydaan taaban.
至於豬,雖有偶蹄,卻不反芻,對你們也是不潔的;你們不可吃這些走獸的肉,也不可摸牠們的屍體。
9 Waxa biyaha ku dhex jira oo dhan kuwan ka cuna: wax alla wixii baalal iyo qolfo leh cuna,
水族中你們可吃的如下:凡有鰭有鱗的,都可以吃;
10 laakiinse wax alla wixii aan baalal iyo qolfo lahayn waa inaydaan cunin, maxaa yeelay, waa idinka nijaas.
凡無鰭無鱗的,都不可吃;這一切對你們都是不潔的。
11 Haadda daahirka ah oo dhan waad cuni kartaan.
凡是潔淨的飛禽,都可以吃。
12 Laakiinse ha cunina haadda caynkan ah: baqalyada, iyo babawga, iyo saratoosiyaha,
飛禽中不可吃的:有鷹、鶚、禿鷲、
13 iyo xuunshada, iyo shimbirlaayaha, iyo faragooysta caynkeeda,
鳶隼、鵰類,
14 iyo cayn kasta oo tuke ah,
凡烏鴉之類,
15 iyo gorayada, iyo aboodiga, iyo shimbirbadeedda, iyo cayn kasta oo haadka adag ah,
駝鳥、夜鷹、海鷗,凡蒼鷹之類,
16 iyo guumaysta yar, iyo guumaysta weyn, iyo guumaysgeesaleyda,
小梟、鴟梟、梟、白鷺、
17 iyo cantalyaaga, iyo gorgorka, iyo xeebajoogta,
塘鵝、鴇、鸕鶿、
18 iyo xuurta, iyo haadbiyoodda iyo caynteeda, iyo ceelaljoogta, iyo fiidmeerta.
鸛鷺類、戴勝和蝙蝠。
19 Oo wax baalal leh oo gurguurta oo dhammu waa idinka nijaas, oo iyaga waa inaan la cunin.
凡有翅的昆蟲,對你們都是不潔的,都不可吃。
20 Laakiinse haadda daahirka ah oo dhan waad cuni kartaan.
凡潔淨的飛禽,都可以吃。
21 Oo wax alla wixii iska dhinta waa inaydaan cunin, laakiinse shisheeyihii irdihiinna ku jira waad siin kartaan isagu ha cunee, amase ajnabiga waad ka iibsan karaysaan, waayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin dad quduus ah. Oo waxar waa inaydaan ku karsan caanihii hooyadeed.
凡自死的動物,你們不可吃,卻可送給在你城內的外方人吃,或賣給外邦人,因為你是屬於上主你天主的聖潔人民。不可煮羊羔在其母奶之中。
22 Oo waa inaad toban meelood meel ka bixisaa midhaha abuurkaaga oo ah waxa sannad kasta beerta kaaga baxa oo dhan.
你每年在田地內播種所得的出產,應繳納十分之一。
23 Oo Rabbiga Ilaahaaga ah meesha uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo hortiisa waa inaad ku cuntaa meel tobnaadka hadhuudhkaaga, iyo kan khamrigaaga, iyo kan saliiddaada, iyo curadyada lo'daada iyo kuwa adhigaaga, inaad barato inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka cabsato had iyo goorba.
你應在上主選定為立自己名號的地方,於上主你的天主面前,吃那五穀、酒、油的十分之一,及你的頭胎牛羊,好使你能學習著常敬畏上主你的天主。
24 Oo haddii jidku kugu dheer yahay, oo aad u qaadi kari weydo, meesha kaa fog aawadeed oo uu Rabbiga Ilaahaaga ahu u dooranayo inuu magiciisa dhigo, markii Rabbiga Ilaahaaga ahu ku barakeeyo,
如果為你路途太遠,你不能把十分之一之物運去,因為上主你的天主選定為立自己名號的地方離你太遠,那麼若上主你的天主祝福了你,
25 markaas waa inaad lacag u beddeshaa, oo aad lacagta gacanta ku qabsataa, oo markaas waa inaad tagtaa meesha Rabbiga Ilaahaaga ahu dooranayo,
你可以把物品換成銀錢,手中帶著銀錢,往上主你的天主所選的地方,
26 oo markaas waxaad lacagta ku soo iibsataa wax alla wixii naftaadu doonayso oo ah dibi, ama ido, ama khamri, ama wax lagu sakhraamo, ama wax alla wixii nafsaddaadu ku weyddiisato, oo waxaad ku cuntaa Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa, oo waa inaad adiga iyo reerkaaguba faraxdaan.
在那裏可隨意用銀錢買牛羊、清酒和濃酒,以及你願意要的,在上主你的天主面前吃喝,與你的家屬一同歡樂;
27 Oo waa inaadan dayrin kan reer Laawi oo irdahaaga ku jira, maxaa yeelay, isagu qayb iyo dhaxal midna idinlama laha.
但在你城內的肋未人,你不可忘記,因為他在你中間沒有分得產業。
28 Oo saddex sannadood oo kasta markay dhammaadaanba waa inaad soo bixisaa meeltobnaadka waxa sannaddaas kuu baxay, oo waxaad ku kaydsataa irdahaaga gudahooda.
每過三年,你應取出全部出產的十分之一,儲藏在你城鎮內,
29 Oo markaas waxaa iman oo ka cuni oo ka dhergi doona kan reer Laawi, waayo, isagu idinlama laha qayb iyo dhaxal toona, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu barakeeyo shuqulka aad gacantaada ku qabato oo dhan.
那沒有與你分得產業的肋未人,和在你城鎮內的外方人、孤兒、寡婦都可來吃喝,得享飽飫,好叫上主你的天主,在你所做的一切事業上祝福你。