< Daanyeel 8 >

1 Sannaddii saddexaad oo boqornimadii Boqor Beelshaasar ayaa riyo ii muuqatay anigan Daanyeel ah, taasuna way ka dambaysay tii markii hore ii muuqatay.
A shekara ta uku ta mulkin sarki Belshazar, ni, Daniyel, na ga wahayi, bayan wancan da na riga gani.
2 Oo wax baan riyadii ku arkay, oo haddaba saas bay ahayd in markaan riyada arkay aan joogay daartii weynayd oo ku tiil Shuushan oo ku jirtay gobolka Ceelaam; oo riyadii baan haddana arkay oo waxaan ag joogay Webi Uulay.
A cikin wahayin, na ga kaina a mafakar Shusha a yankin Elam; a wahayin na ga ina a bakin Kogin Ulai.
3 Markaasaan indhahaygii kor u qaaday, oo waxaan arkay wan laba gees leh oo webiga hortiisa taagan; oo labada geesna way dheerdheeraayeen, laakiinse mid baa ka dheeraa midka kale; oo kii dheeraa baa markii dambe soo baxay.
Na ɗaga ido, a gabana kuwa sai ga rago mai ƙahoni biyu, yana tsaye a gefen mashigin kogin, ƙahonin kuma suna da tsawo. Ɗaya daga cikin ƙahonin ya fi ɗayan tsawo. Wanda ya fi tsawon shi ne ya tsiro daga baya.
4 Oo waxaan arkay wankii oo wax u riixaya xagga galbeed iyo xagga woqooyi, iyo xagga koonfureed, oo bahalna ma hor istaagi karin, mana jirin mid gacantiisa wax ka bixin karay; laakiinse siduu doonayay ayuu yeeli jiray, wuuna isweyneeyey.
Na lura da ragon sa’ad da ya kai karo wajen yamma da arewa da kudu. Babu wata dabbar da ta iya ƙarawa da shi, babu kuma wanda ya iya kuɓuta daga ikonsa. Ya yi yadda ya ga dama, ya kuma zama mai girma.
5 Oo intii aan ka fiirsanayay ayaa waxaa galbeed ka yimid orgi, wuxuuna kor maray dhulka dushiisa oo dhan, dhulkana ma uusan taaban: orgiguna wuxuu labada indhood dhexdooda ku lahaa gees weyn.
Yayinda nake tunani game da wannan, farat ɗaya sai ga bunsurun da yake da sanannen ƙaho tsakanin idanunsa ya ɓullo daga wajen yamma, yana ratsa dukan duniya ba ya ko taɓa ƙasa.
6 Oo wuxuu u yimid wankii labada gees lahaa oo aan arkay, isagoo webiga hortiisa taagan, kolkaasuu ku orday isagoo aad u cadhaysan.
Ya zo wajen rago mai ƙahoni biyu ɗin nan da na riga na gani tsaye a gefen mashigin kogin nan ya tasar masa da fushi mai zafi.
7 Oo waxaan arkay isagoo wankii u soo dhowaaday, aad buuna ugu xanaaqay, oo wankii buu hardiyey, labadiisii geesna wuu ka jebiyey. Wankiina ma lahayn xoog uu iskaga celiyo, laakiinse dhulkuu ku tuuray, wuuna ku tuntay, mana jirin mid wanka orgiga ka samatabbixin karaa.
Na ga ya zo kusa da ragon, ya husata da shi ƙwarai, ya kai wa ragon hari. Ya kakkarya ƙahoninsa nan biyu. Ƙarfin ragon ya kāsa, bai iya kāre kansa daga bunsurun ba. Bunsurun ya buge shi ƙasa ya tattake shi. Ba wanda ya iya ceton ragon daga bunsurun.
8 Markaasaa orgigii aad iyo aad isu weyneeyey, oo markuu aad xoog u yeeshay ayaa geeskii weynaa ka jabay; markaasaa beddelkiisii waxaa u soo baxay afar gees oo waaweyn oo u jeeday samada afarteeda jaho.
Bunsurun kuwa ya ƙasaita, amma a ƙwanƙolin ikonsa sai aka karye babban ƙahonsa, kuma a wurin da ƙahon nan ya kasance waɗansu sanannun ƙahoni huɗu suka tsiro suna fuskantar kusurwoyin nan huɗu.
9 Markaasaa midkood waxaa ka soo baxay gees yar oo aad ugu weynaaday xagga koonfureed iyo xagga bari, iyo xagga waddankii quruxda lahaa.
Daga cikin ɗayansu kuma wani ƙaramin ƙaho ya fito, ya yi girma ya ƙasaita ƙwarai zuwa kudu da kuma gabas da wajen Kyakkyawar Ƙasa.
10 Oo xataa wuu ka xoog weynaaday ciidanka samada, markaasuu ciidankii qaarkiis iyo xiddigihii qaarkood dhulka ku soo tuuray, wuuna ku tuntay.
Ya yi girma sai da ya kai rundunar sammai, ya kuma fid da waɗansu rundunar taurari zuwa ƙasa ya kuma tattake su.
11 Oo weliba wuu ka sii xoog weynaaday amiirkii ciidanka, oo wuxuu ka qaaday qurbaankii la gubanayay oo joogtada ahaa, oo meeshiisii quduuska ahaydna hoos baa loo tuuray.
Sai ya ɗora kansa ya zama mai girma kamar Sarkin runduna; sai aka ɗauke hadaya ta kullayaumi daga gare shi, aka kuma saukar da wurin masujadarsa ƙasa.
12 Markaasaa ciidankii iyo qurbaankii joogtada ahaaba isagii la siiyey, waxaana loo siiyey xadgudub, markaasuu runtii dhulka ku soo tuuray, wuxuu sameeyey ayuuna ku barwaaqoobay.
Saboda tawaye, sai aka ba da rundunar tsarkaka da kuma hadayar ƙonawa ta kowace rana ga ƙahon. Sai ya yi watsi da gaskiya, ya yi abin da ya ga dama, ya kuwa yi nasara.
13 Dabadeedna waxaan maqlay mid quduus ah oo hadlaya, markaasaa mid kale oo quduus ahu wuxuu ku yidhi kii hadlay, Ilaa goormay ahaan doontaa riyada ku saabsan qurbaanka joogtada ah, iyo xadgudubka wax baabbi'iya, si meesha quduuska ah iyo ciidankaba loogu tunto?
Sa’an nan na ji mai tsarkin nan yana magana, wani mai tsarki kuma ya ce da wancan, “Har yaushe wannan wahayi zai tabbata, wahayi game da hadaya ta kullayaumi, da tawayen da yake kawo lalacewa, da kuma miƙa wuri mai tsarki da kuma na rundunar da za a tattake a ƙarƙashin sawu?”
14 Markaasuu igu yidhi, Ilaa laba kun iyo saddex boqol oo fiid iyo subax, dabadeedna meesha quduuska ah waa la nadiifin doonaa.
Sai ya ce mini, “Zai ɗauki safiya da yamma 2,300; sa’an nan za a sāke tsarkake wuri mai tsarki.”
15 Oo markaan anigoo Daanyeel ah arkay riyadii ayaan doondoonay inaan garto, oo bal eeg, waxaa i soo hor istaagay wax nin u eg.
Yayinda ni, Daniyel, nake duban wahayi ina ƙoƙari in fahimce shi, sai ga wani a gabana wanda ya yi kama da mutum.
16 Oo nin codkiis ayaan ka dhex maqlay Webi Uulay wuuna dhawaaqay, oo yidhi, Jibriilow, ninkan riyada garansii.
Sai na ji muryar wani mutum daga Ulai tana cewa, “Jibra’ilu, faɗa wa wannan mutum ma’anar wahayin.”
17 Sidaas daraaddeed ayuu u soo dhowaaday meeshii aan taagnaa, oo markuu yimid waan baqay, wejigaanna u dhacay, laakiinse wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, garo, waayo, riyada waxaa leh wakhtiga ugudambaysta.
Da ya zo kusa da inda nake tsaye, na firgita na kuma fāɗi rubda ciki. Ya ce da ni “Ɗan mutum, ka gane da cewa wannan wahayi yana magana ne a kan kwanakin ƙarshe.”
18 Oo intuu ila hadlayay ayaan hurdo aad u weyn la dhacay anigoo wejiga dhulka ku hayo, laakiinse isagii baa i taabtay oo i sara joojiyey.
Yayinda yake magana da ni, barci mai nauyi ya kwashe ni, da nake kwance rubda ciki. Sai ya taɓa ni ya kuma tashe ni tsaye.
19 Oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waxaan ku ogeysiinayaa waxa ahaan doona wakhtiga ugu dambaysta ee cadhada, waayo, waxaa leh wakhtiga la ballamay ee ugu dambaysta ah.
Sai ya ce, “Zan faɗa maka abin da zai faru a lokacin fushi, saboda wahayin yana magana ne a kan lokacin da aka ƙayyade na ƙarshe.
20 Wankii aad aragtay oo labada gees lahaa waa labada boqor ee dalka Maaday iyo dalka Faaris.
Rago mai ƙahoni biyu da ka gani, yana a madadin sarakunan Medes da Farisa ne.
21 Orgigiina waa boqorka dalka Gariigta, oo geeskii weynaa oo labadiisa indhood dhexdooda ku yiilna waa boqorka kowaad.
Bunsurun kuwa sarkin Girka ne, kuma babban ƙahon da yake tsakanin idanunsa, sarki na farko ne.
22 Oo midkii ka jabay meeshii afartu soo istaagtay, quruuntaas waxaa ka soo bixi doonta afar boqortooyo, laakiinse xooggiisa ma yeelan doonaan.
Ƙahoni huɗu da suka maya wannan da ya karye yana a madadin masarautu huɗu da za su tashi daga cikin al’ummarsa amma ba za su sami irin ikonsa ba.
23 Marka ugu dambaysta boqortooyadooda, ee uu dembilayaasha wakhtigoodu buuxsamo waxaa kici doona boqor wejigiisa laga cabsado, oo garanaya waxyaalaha daahan.
“Can wajen ƙarshe mulkinsu, sa’ad da muguntarsu ta kai intaha, wani mugun sarki mai rashin hankali, uban makirci, zai fito.
24 Oo xooggiisuna wuu weynaan doonaa, laakiinse ma aha xagga isaga xooggiisa, oo aad buu si yaab leh wax u baabbi'in doonaa, wuuna ku barwaaqoobi doonaa wuxuu sameeyo, oo wuxuu baabbi'in doonaa kuwa xoogga badan iyo dadka quduuska ah.
Zai yi ƙarfi ƙwarai da gaske, amma ba da ikonsa ba. Zai jawo mummunar hallakarwa kuma zai yi nasara a duk abin da ya sa gaba. Zai hallakar da majiya ƙarfi da kuma tsarkaka.
25 Oo siyaasaddiisa ayuu khiyaanada gacantiisa kaga guulaysan doonaa; markaasuu xagga qalbiga iska weynayn doonaa, oo kuwo badan oo nabadgelyaysan ayuu baabbi'in doonaa. Wuxuu kaloo is-hor taagi doonaa Amiirka amiirrada; laakiinse waa la jejebin doonaa isagoo aan gacan la saarin.
Zai sa yaudara ta ƙara yin yawa, zai ɗaukaka kansa. Sa’ad da suke ji sun sami mafaka, zai hallaka mutane da yawa sa’an nan kuma yă fara gāba da Sarkin sarakuna. Duk da haka za a hallaka shi, amma ba da ikon mutum ba.
26 Oo riyadii fiidadka iyo subaxyada ee laguu sheegay waa run, laakiinse adigu riyada xidh, waayo, waxaa iska leh maalmo badan oo iman doona.
“Wahayin nan na safiya da yamma da aka nuna maka gaskiya ne, amma ka ɓoye wahayin, gama ya shafi nan gaba mai tsawo ne.”
27 Markaasaan anigoo Daanyeel ahu suuxay, dhawr maalmoodna waan bukay, dabadeedna waan kacay, oo shuqulkii boqorka qabtay: oo riyadii waan la yaabay, laakiinse ciduna ma garan.
Ni, Daniyel, na gaji matuƙa na kuma yi rashin lafiya na kwanaki masu yawa. Sa’an nan sai na tashi na ci gaba da hidimar sarki. Wahayin ya shige mini duhu, ya fi ƙarfin fahimtata.

< Daanyeel 8 >