< Daanyeel 7 >

1 Sannaddii kowaad oo boqorkii Baabuloon oo ahaa Beelshaasar, ayaa Daanyeel riyooday, waxna waa la tusay isagoo sariirtiisa ku jiifa; markaasuu riyadii qoray, waxyaalihii dhammaantoodna wuu sheegay.
В первое лето Валтасара царя Халдейска, Даниил сон виде и видения главы его на ложи его, и сон свой вписа:
2 Daanyeel wuu hadlay oo yidhi, Waxaan riyadaydii habeennimo ku arkay afartii dabaylood oo samada, oo badda weyn ku soo dhacaysa.
аз Даниил видех в видении моем нощию: и се, четыри ветри небеснии налегоша на море великое,
3 Oo waxaa baddii ka soo baxay afar bahal oo waaweyn, ee midba kan kale ka duwan yahay.
и четыри зверие велицыи исхождаху из моря, различни между собою:
4 Midkii kowaad wuxuu u ekaa libaax, baalal gorgorna wuu lahaa, oo waan fiirinayay ilaa baalashiisii laga rifay, oo dhulka kor baa looga qaaday, oo waxaa lagu taagay laba lugood sidii nin oo kale, nin qalbigiisna waa la siiyey.
первый аки львица имый криле, криле же его аки орли, зрях, дондеже исторжена быша крила его, и воздвижеся от земли, и на ногу человечу ста, и сердце человечо дадеся ему:
5 Oo bal eeg, bahal kale oo labaad oo orso u ekaa, oo dhinac keliya ayuu ku taagnaa, oo saddex feedhood baa afka ugu jiray ilkihiisa dhexdood: oo waxaa lagu yidhi, War kac, oo dad badan cun.
и се, зверь вторый подобен медведице, и на стране единей ста, и три ребра во устех его, среде зубов его, и сице глаголаху ему: востани, яждь плоти многи:
6 Dabadeedna waxaan arkay mid kale oo shabeel u eg, oo dhabarka ku leh afar baal oo haadeed, bahalku wuxuu kaloo lahaa afar madax; oo waxaa la siiyey dowladnimo.
созади сего видех: и се, зверь ин аки рысь, томуже крила четыри птичия над ним и четыри главы зверю, и власть дадеся ему:
7 Dabadeedna waxaan riyadii habeennimada ku arkay bahalkii afraad, oo ahaa mid laga cabsado oo xoog badan, aad buuna u darnaa; oo wuxuu lahaa ilko waaweyn oo bir ah; wax buuna cunay oo burburiyey, intii hadhayna wuu ku tuntay; oo wuu ka wada duwanaa bahalladii kale oo ka horreeyey isaga; oo wuxuu lahaa toban gees.
созади сего видех: и се, зверь четвертый страшен и ужасен и крепок излиха, зубы же его железни велии, ядый и истончевая, останки же ногама своима попираше, тойже различаяся излиха паче всех зверей прежних, и рогов десять ему:
8 Waxaan ka fiirsaday geesihii, oo bal eeg, waxaa dhexdoodii ka soo baxay gees kale oo yar; markaasaa hortiisa waxaa ka ruqay saddex gees oo kuwii hore ka mid ah, geeskaas waxaa ku yiil indho u eg indho dad, iyo af ku hadlaya waxyaalo waaweyn.
разсмотрях в розех его, и се, рог другий мал взыде среде их, и трие рози преднии его исторгнушася от лица его, и се, очи аки очи человечи в розе том, и уста глаголюща великая.
9 Waxaan fiirinayay ilaa carshiyo meel la dhigay, oo waxaa ku fadhiistay mid da' weyn; oo dharkiisu wuxuu u caddaa sida barafka cad, timaha madaxiisuna waxay u ekaayeen sida suuf saafi ah, carshigiisu wuxuu ahaa olol dab ah, giringirihiisuna waxay ahaayeen dab wax gubaya.
Зрях дондеже престоли поставшася, и Ветхий денми седе, и одежда Его бела аки снег, и власи главы Его аки волна чиста, престол Его пламень огнен, колеса Его огнь палящь:
10 Oo waxaa hortiisa ka soo dareeray oo ka soo baxay durdur dab ah; oo waxaa u adeegayay kumaan kun iyo kumaan kun, hortiisana waxaa taagnaa toban kun oo min toban kun ah; oo xukunkiina waa la dhigay, kitaabbadiina waa la furay.
река огненна течаше исходящи пред Ним: тысящя тысящ служаху Ему, и тмы тем предстояху Ему: судище седе, и книги отверзошася.
11 Wakhtigaas aad baan u fiiriyey, codkii hadallada waaweynaa oo geesku ku hadlay aawadiis; oo waxaan fiirinayay ilaa bahalkii la dilay, bakhtigiisiina waa la baabbi'iyey, oo waxaa loo dhiibay si dab loogu gubo.
Видех тогда от гласа словес великих, яже рог оный глаголаше, дондеже убися зверь и погибе, и тело его дадеся во сожжение огненно:
12 Oo bahalladii kale ee hadhayna dowladnimadoodii waa laga qaaday, cimrigoodiise waa la dheereeyey ilaa waa iyo wakhti.
и прочих зверей преставися власть, и продолжение жития дадеся им до времене и времене.
13 Riyadii habeennimada waxaan ku arkay mid u eg wiilkii aadan aha oo ku yimid daruuraha samada, oo wuxuu u yimid, kii da'da weynaa, oo waa loo soo dhoweeyey oo hortiisaa la soo taagay.
Видех во сне нощию, и се, на облацех небесных яко Сын человечь идый бяше и даже до Ветхаго денми дойде и пред Него приведеся:
14 Oo waxaa la siiyey dowladnimo iyo ammaan iyo boqortooyo, inay dadyowga, iyo quruumaha, iyo kuwa kala afka ahu u wada adeegaan. Dowladnimadiisu waa dowladnimo weligeed jiraysa, oo aan dhammaanayn, boqortooyadiisuna waa mid aan la baabbi'in doonin.
и Тому дадеся власть и честь и царство, и вси людие, племена и языцы Тому поработают: власть Его власть вечная, яже не прейдет, и царство Его не разсыплется.
15 Anigan Daanyeel ahna, ruuxaygu jidhkayguu ku murugaysnaa oo waxyaalihii lay tusayna, way iga argaggixiyeen.
Вострепета дух мой в состоянии моем, аз Даниил, и видения главы моея смущаху мя.
16 Oo waxaan ku soo dhowaaday kuwii meeshaas taagnaa midkood, oo waxaan weyddiiyey runta ku saabsan waxyaalahan oo dhan. Markaasuu ii sheegay oo ii caddeeyey waxyaalahaas fasirkoodii oo dhan.
И приидох ко единому от стоящих и известия просих от него научитися о всех сих. И поведа ми известие и сказание словес возвести ми:
17 Afartan bahal oo waaweynaa waa afar boqor, oo dunida ka kici doona.
сии зверие велицыи четыри, четыри царства востанут на земли,
18 Laakiinse Ka ugu Sarreeya quduusiintiisa ayaa boqortooyada qaadan doonta, oo waxay yeelan doonaan boqortooyada weligood iyo xataa weligood iyo weligoodba.
яже возмутся: и преймут царство святии Вышняго и содержати будут оное даже до века веков.
19 Dabadeedna waxaan jeclaaday inaan ogaado runtii ku saabsanayd bahalkii afraad, oo ka duwanaa dhammaantood, oo aad iyo aad cabsida u lahaa, oo ilkihiisu birta ahaayeen, oo ciddiyahiisuna naxaasta ahaayeen; oo wax cunayay, oo waxna burbursanayay, intii hadhayna ku tumanayay,
И вопрошах испытно о звери четвертем, яко бяше различен паче всякаго зверя, страшен вельми, зубы его железни и ногти его медяни, ядый и истончевая, останки же ногама своима попираше:
20 iyo tobankii gees oo madaxiisa ku yiil, iyo geeskii kale oo soo baxay oo hortiisa ay saddexdu ka dhaceen, kaasu waa geeskii indhaha lahaa, iyo afka waxyaalaha waaweyn ku hadlayay, oo araggiisu kuwa kale ka xoog badnaa.
и о десяти розех его иже на главе его, и о друзем возшедшем и истрясшем первыя три, рог же той емуже очи и уста глаголюща великая, и видение его более прочиих:
21 Waan fiiriyey, oo isla geeskaas ayaa quduusiinta la diriray; wuuna ka adkaaday;
зрях, и рог той творяше рать со святыми и укрепися на них,
22 ilaa uu kii da'da weynaa yimid, oo xukunkii la siiyey quduusiintii Ka ugu Sarreeya, oo uu yimid wakhtigii ay quduusiintu yeelan lahayd boqortooyada.
дондеже прииде Ветхий денми и суд даде святым Вышняго: и время приспе, и царство прияша святии.
23 Sidan buu yidhi, Bahalka afraad wuxuu ahaan doonaa boqortooyo afraad o dunida ka kici doonta, taasu waa ka duwanaan doontaa boqortooyooyinka kale oo dhan, oo waxay cuni doontaa dunida oo dhan, wayna ku tuman doontaa, oo burburin doontaa.
И рече: зверь четвертый царство четвертое будет на земли, еже превзыдет вся царства и пояст всю зеемлю, и поперет ю и посечет:
24 Tobanka gees xaggoodana, waxaa boqortooyadaas ka kici doona toban boqor, dabadeedna mid kalaa kici doona iyaga ka dib, oo isagu waa ka duwanaan doonaa kuwii hore, oo saddex boqor buu dejin doonaa.
и десять рогов его десять царей востанут, и по них востанет другий, иже превзыдет злобами всех прежних и три цари смирит,
25 Oo hadal ka gees ah Ka ugu Sarreeya ayuu ku hadli doonaa, wuxuuna aad u dhibi doonaa quduusiinta Ka ugu Sarreeya, oo wuxuu ku fikiri doonaa inuu beddelo wakhtiyada iyo sharciga, oo gacantiisaana loo gelin doonaa ilaa wakhti iyo wakhtiyo iyo wakhti badhkiis.
и словеса на Вышняго возглаголет и святых Вышняго смирит, и помыслит пременити времена и закон, и дастся в руку его даже до времене и времен и полувремене:
26 Laakiinse xukunku wuu ahaan doonaa, oo waxaa laga qaadi doonaa dowladnimadiisa, si loo dhammeeyo oo loo baabbi'iyo ilaa ugudambaysta.
и судище сядет, и власть его преставят еже потребити и погубити до конца:
27 Markaasaa boqortooyada iyo dowladnimada, iyo weynaanta boqortooyooyinka samada ka hooseeya oo dhan, waxaa la siin doonaa dadka quduusiinta Ka ugu Sarreeya. Boqortooyadiisu waa boqortooyo weligeed jiraysa, oo dowladaha oo dhammuna isagay u adeegi doonaan oo addeeci doonaan.
царство же и власть и величество царей, иже под всем небесем, дастся святым Вышняго: и царство Его царство вечное, и вся власти Тому работати будут и слушати.
28 Waa kan xaalka dabaadigiisii. Aniga Daanyeel ah, fikirradaydu aad bay iiga argaggixiyeen, wejigaygiina waa beddelmay, laakiinse qalbigaygaan ku hayay.
До зде скончание словесе. Аз Даниил, надолзе размышления моя смущаху мя, и зрак мой пременися на мне, и глагол в сердцы моем соблюдох.

< Daanyeel 7 >