< Daanyeel 7 >

1 Sannaddii kowaad oo boqorkii Baabuloon oo ahaa Beelshaasar, ayaa Daanyeel riyooday, waxna waa la tusay isagoo sariirtiisa ku jiifa; markaasuu riyadii qoray, waxyaalihii dhammaantoodna wuu sheegay.
A shekara ta fari ta mulkin Belshazar sarkin Babilon, Daniyel ya yi mafarki, wahayoyi kuma suka ratsa tunaninsa a sa’ad da yake a kwance a gadonsa. Sai ya rubuta abin da mafarkin ya ƙunsa.
2 Daanyeel wuu hadlay oo yidhi, Waxaan riyadaydii habeennimo ku arkay afartii dabaylood oo samada, oo badda weyn ku soo dhacaysa.
Daniyel ya ce, “A cikin wahayina da dare na duba, a gabana kuwa ga kusurwoyi huɗu na sama suna gurɓata babban teku.
3 Oo waxaa baddii ka soo baxay afar bahal oo waaweyn, ee midba kan kale ka duwan yahay.
Sai ga dabbobi huɗu, kowannensu ya yi dabam da sauran, suna fitowa daga teku.
4 Midkii kowaad wuxuu u ekaa libaax, baalal gorgorna wuu lahaa, oo waan fiirinayay ilaa baalashiisii laga rifay, oo dhulka kor baa looga qaaday, oo waxaa lagu taagay laba lugood sidii nin oo kale, nin qalbigiisna waa la siiyey.
“Na farkon ya yi kamar zaki kuma yana da fikafikai kamar gaggafa. Ina kallo, sai aka fizge fikafikanta, aka ɗaga ta sama, aka sa ta tsaya a kan ƙafafu biyu kamar mutum, aka ba ta tunani irin na mutum.
5 Oo bal eeg, bahal kale oo labaad oo orso u ekaa, oo dhinac keliya ayuu ku taagnaa, oo saddex feedhood baa afka ugu jiray ilkihiisa dhexdood: oo waxaa lagu yidhi, War kac, oo dad badan cun.
“A gabana kuma ga dabba ta biyu, wadda ta yi kamar beyar. Aka ɗaga ta a gefenta guda, tana kuwa da haƙarƙarai uku a bakinta a tsakanin haƙoranta. Aka faɗa mata, ‘Tashi ki cika cikinki da ɗanyen nama!’
6 Dabadeedna waxaan arkay mid kale oo shabeel u eg, oo dhabarka ku leh afar baal oo haadeed, bahalku wuxuu kaloo lahaa afar madax; oo waxaa la siiyey dowladnimo.
“Bayan haka, na duba, a gabana kuwa ga wata dabba wadda ta yi kamar Damisa, a bayanta kuma tana da fikafikai huɗu irin na tsuntsu. Wannan dabbar tana da kawuna huɗu, aka kuma ba ta iko tă yi mulki.
7 Dabadeedna waxaan riyadii habeennimada ku arkay bahalkii afraad, oo ahaa mid laga cabsado oo xoog badan, aad buuna u darnaa; oo wuxuu lahaa ilko waaweyn oo bir ah; wax buuna cunay oo burburiyey, intii hadhayna wuu ku tuntay; oo wuu ka wada duwanaa bahalladii kale oo ka horreeyey isaga; oo wuxuu lahaa toban gees.
“Bayan haka, a cikin wahayina da dare na duba, a gabana kuwa ga dabba ta huɗu, wadda take da bantsoro da banrazana da kuma iko ƙwarai. Tana da manyan haƙoran ƙarfe; ta ragargaje ta cinye abin da ta kama, ta kuma tattaka duk abin da ya rage a ƙarƙashin ƙafafunta. Ta bambanta da dukan sauran dabbobin da suka riga ta, tana kuma da ƙahoni goma.
8 Waxaan ka fiirsaday geesihii, oo bal eeg, waxaa dhexdoodii ka soo baxay gees kale oo yar; markaasaa hortiisa waxaa ka ruqay saddex gees oo kuwii hore ka mid ah, geeskaas waxaa ku yiil indho u eg indho dad, iyo af ku hadlaya waxyaalo waaweyn.
“Yayinda nake cikin tunani game da ƙahonin nan, a gabana kuwa ga wani ƙaho, ɗan ƙanƙani, wanda ya fito daga cikinsu; kuma an tumɓuke uku daga cikin ƙahonin farko kafin wannan. Wannan ƙaho yana da idanu kamar na mutum da kuma bakin da yake maganganun fariya.
9 Waxaan fiirinayay ilaa carshiyo meel la dhigay, oo waxaa ku fadhiistay mid da' weyn; oo dharkiisu wuxuu u caddaa sida barafka cad, timaha madaxiisuna waxay u ekaayeen sida suuf saafi ah, carshigiisu wuxuu ahaa olol dab ah, giringirihiisuna waxay ahaayeen dab wax gubaya.
“Ina cikin dubawa, “sai aka ajiye kursiyoyi, sai ga wani wanda yake tun fil azal ya zauna a mazauninsa. Rigarsa ta yi fari fat kamar ƙanƙara; gashin kansa sun yi fari kamar ulu. Kursiyinsa kuma harshen wuta, dukan ƙafafun kursiyin masu kama da keken yaƙin, wuta ne.
10 Oo waxaa hortiisa ka soo dareeray oo ka soo baxay durdur dab ah; oo waxaa u adeegayay kumaan kun iyo kumaan kun, hortiisana waxaa taagnaa toban kun oo min toban kun ah; oo xukunkiina waa la dhigay, kitaabbadiina waa la furay.
Kogin wuta yana gudu, yana fitowa daga gabansa. Dubun dubbai sun yi masa hidima; dubu goma sau dubu goma sun tsaya a gabansa. Aka zauna don shari’a, aka kuma buɗe littattafai.
11 Wakhtigaas aad baan u fiiriyey, codkii hadallada waaweynaa oo geesku ku hadlay aawadiis; oo waxaan fiirinayay ilaa bahalkii la dilay, bakhtigiisiina waa la baabbi'iyey, oo waxaa loo dhiibay si dab loogu gubo.
“Sa’an nan na ci gaba da kallo saboda kalmomin fariyar da wannan ƙaho yake furtawa. Na yi ta kallo har sai da aka yanke dabbar, aka kuma hallaka jikinta a cikin wuta.
12 Oo bahalladii kale ee hadhayna dowladnimadoodii waa laga qaaday, cimrigoodiise waa la dheereeyey ilaa waa iyo wakhti.
(An tuɓe sauran dabbobin daga mulkinsu, amma aka bar su su rayu na wani lokaci.)
13 Riyadii habeennimada waxaan ku arkay mid u eg wiilkii aadan aha oo ku yimid daruuraha samada, oo wuxuu u yimid, kii da'da weynaa, oo waa loo soo dhoweeyey oo hortiisaa la soo taagay.
“A wahayina na dare, na ga a gabana wani kamar ɗan mutum yana saukowa tare da gizagizan sama. Ya kusaci Wannan wanda yake Tun fil azal aka kuma kai shi gabansa.
14 Oo waxaa la siiyey dowladnimo iyo ammaan iyo boqortooyo, inay dadyowga, iyo quruumaha, iyo kuwa kala afka ahu u wada adeegaan. Dowladnimadiisu waa dowladnimo weligeed jiraysa, oo aan dhammaanayn, boqortooyadiisuna waa mid aan la baabbi'in doonin.
Aka ba shi mulki, daraja da kuma mafificin iko; dukan mutane, da al’ummai, da mutane daga kowane harshe suka yi masa sujada. Mulkinsa kuwa dawwammamen mulki ne da ba zai ƙare ba, sarautarsa kuma ba ta taɓa lalacewa.
15 Anigan Daanyeel ahna, ruuxaygu jidhkayguu ku murugaysnaa oo waxyaalihii lay tusayna, way iga argaggixiyeen.
“Ni, Daniyel, ruhuna ya damu ƙwarai, kuma wahayin da ya ratsa tunanina ya dame ni.
16 Oo waxaan ku soo dhowaaday kuwii meeshaas taagnaa midkood, oo waxaan weyddiiyey runta ku saabsan waxyaalahan oo dhan. Markaasuu ii sheegay oo ii caddeeyey waxyaalahaas fasirkoodii oo dhan.
Sai na matsa kusa da ɗaya daga cikin waɗanda suke tsaye a can, na tambaye shi gaskiya ma’anar waɗannan al’amura. “Don haka sai ya faɗa mini, ya kuma ba ni fassarar waɗannan al’amura.
17 Afartan bahal oo waaweynaa waa afar boqor, oo dunida ka kici doona.
‘Waɗannan manyan dabbobi huɗu, Masarautai ne huɗu waɗanda za su taso a duniya.
18 Laakiinse Ka ugu Sarreeya quduusiintiisa ayaa boqortooyada qaadan doonta, oo waxay yeelan doonaan boqortooyada weligood iyo xataa weligood iyo weligoodba.
Amma tsarkaka na Mafi Ɗaukaka za su karɓi wannan sarauta, za su kuwa mallake ta har abada, I, har abada abadin.’
19 Dabadeedna waxaan jeclaaday inaan ogaado runtii ku saabsanayd bahalkii afraad, oo ka duwanaa dhammaantood, oo aad iyo aad cabsida u lahaa, oo ilkihiisu birta ahaayeen, oo ciddiyahiisuna naxaasta ahaayeen; oo wax cunayay, oo waxna burbursanayay, intii hadhayna ku tumanayay,
“Sa’an nan kuma sai na so in san ma’anar wannan dabba ta huɗu, wadda ta yi dabam da sauran dabbobin da suke da matuƙar bantsoro, da take da haƙoran ƙarfe da kuma farcen tagulla, dabbar ta ragargaje ta cinye abin da ta kama, ta kuma tattaka duk abin da ya rage a ƙarƙashin ƙafafunta.
20 iyo tobankii gees oo madaxiisa ku yiil, iyo geeskii kale oo soo baxay oo hortiisa ay saddexdu ka dhaceen, kaasu waa geeskii indhaha lahaa, iyo afka waxyaalaha waaweyn ku hadlayay, oo araggiisu kuwa kale ka xoog badnaa.
Na kuma so in gane game da ƙahonin nan guda goma da suke a kanta da kuma game da ƙahon nan da ya fito, wanda aka tumɓuke ƙahoni uku a gabansa, ƙahon nan da yake da idanu da bakin da yake furta manyan maganganun fariya, wanda ya yi kamar ya fi sauran girma.
21 Waan fiiriyey, oo isla geeskaas ayaa quduusiinta la diriray; wuuna ka adkaaday;
Ina cikin dubawa, sai ga wannan ƙaho yana yaƙi da tsarkaka yana kuma cin nasara a kansu,
22 ilaa uu kii da'da weynaa yimid, oo xukunkii la siiyey quduusiintii Ka ugu Sarreeya, oo uu yimid wakhtigii ay quduusiintu yeelan lahayd boqortooyada.
sai da Wannan wanda yake tun fil azal ya zo ya furta hukunci, aka kuma ba tsarkaka na Mafi Ɗaukaka gaskiya, lokaci kuwa ya cika sai suka karɓi mulki.
23 Sidan buu yidhi, Bahalka afraad wuxuu ahaan doonaa boqortooyo afraad o dunida ka kici doonta, taasu waa ka duwanaan doontaa boqortooyooyinka kale oo dhan, oo waxay cuni doontaa dunida oo dhan, wayna ku tuman doontaa, oo burburin doontaa.
“Sai ya ba ni wannan bayani, ‘Dabbar nan ta huɗu, ita ce mulki na huɗu da zai bayyana a duniya. Zai bambanta da dukan sauran mulkoki, zai kuma cinye dukan duniya, yă tattake ta, yă kuma ragargaje ta.
24 Tobanka gees xaggoodana, waxaa boqortooyadaas ka kici doona toban boqor, dabadeedna mid kalaa kici doona iyaga ka dib, oo isagu waa ka duwanaan doonaa kuwii hore, oo saddex boqor buu dejin doonaa.
Ƙahonin nan goma, sarakuna ne goma waɗanda za su taso daga wannan mulki. Bayansu kuma, wani sarki zai taso, wanda ya sha dabam da waɗanda suka riga shi. Zai rinjayi sarakunan nan uku.
25 Oo hadal ka gees ah Ka ugu Sarreeya ayuu ku hadli doonaa, wuxuuna aad u dhibi doonaa quduusiinta Ka ugu Sarreeya, oo wuxuu ku fikiri doonaa inuu beddelo wakhtiyada iyo sharciga, oo gacantiisaana loo gelin doonaa ilaa wakhti iyo wakhtiyo iyo wakhti badhkiis.
Zai yi maganar saɓo a kan Mafi Ɗaukaka, zai kuma tsananta wa tsarkaka yă kuma yi ƙoƙarin sāke lokuta da shari’u. Za a miƙa tsarkaka a hannunsa na wani lokaci, lokuta da kuma rabin lokaci.
26 Laakiinse xukunku wuu ahaan doonaa, oo waxaa laga qaadi doonaa dowladnimadiisa, si loo dhammeeyo oo loo baabbi'iyo ilaa ugudambaysta.
“‘Amma majalisa za tă yi zama, za a karɓe ikonsa, a kuma hallaka shi gaba ɗaya har abada.
27 Markaasaa boqortooyada iyo dowladnimada, iyo weynaanta boqortooyooyinka samada ka hooseeya oo dhan, waxaa la siin doonaa dadka quduusiinta Ka ugu Sarreeya. Boqortooyadiisu waa boqortooyo weligeed jiraysa, oo dowladaha oo dhammuna isagay u adeegi doonaan oo addeeci doonaan.
Sa’an nan za a ba da mulki, iko da girma na mulkokin da suke a ƙarƙashin dukan sammai ga tsarkaka, mutane na Mafi Ɗaukaka. Mulkinsa kuwa mulki ne marar matuƙa, kuma dukan masu mulki za su yabe shi, su kuma yi masa biyayya.’
28 Waa kan xaalka dabaadigiisii. Aniga Daanyeel ah, fikirradaydu aad bay iiga argaggixiyeen, wejigaygiina waa beddelmay, laakiinse qalbigaygaan ku hayay.
“Wannan shi ne ƙarshen batun. Ni, Daniyel na damu ƙwarai da irin tunanina, kuma fuskata ta rikice, amma na riƙe batun a zuciyata.”

< Daanyeel 7 >