< Daanyeel 6 >
1 Daariyus waxaa la wanaagsanaa inuu boqortooyadiisa u yeelo boqol iyo labaatan amiir, oo boqortooyada oo dhan wada gaadha;
Ya gamshi Dariyus ya naɗa muƙaddasai 120 su yi shugabanci a duk fāɗin masarautar,
2 oo wuxuu iyagii ka sara mariyey saddex taliye, oo Daanyeel ka mid ahaa; inay amiirradu iyaga la xisaabtamaan, oo aan boqorka khasaare ku dhicin.
ya naɗa mutum uku a bisa waɗannan muƙaddasan, Daniyel yana ɗaya daga cikin mutum ukun nan. Sai aka sa muƙaddasan nan a ƙarƙashin waɗannan uku ɗin domin kada sarki ya yi hasarar kome.
3 Markaasaa Daanyeel laga soocay taliyayaashii iyo amiirradii, maxaa yeelay, waxaa isaga ku jiray ruux aad u wanaagsan; boqorkiina wuxuu ku fikiray inuu talada boqortooyada oo dhan u dhiibo.
To, Daniyel dai ya yi ficce a cikin shugabannin nan uku har da muƙaddasan ma, saboda waɗansu halaye nagari da yake da su, wanda ya sa sarki ya yi shiri ya ɗora shi a kan dukan mulkinsa.
4 Markaasaa taliyayaashii iyo amiirradii waxay doondooneen sabab ay Daanyeel ku dacweeyaan oo xagga boqortooyada ku saabsan; laakiinse way waayeen sabab iyo xumaan toona; maxaa yeelay, isagu wuxuu ahaa aamin, oo qalad iyo xumaan toona lagama helin.
A kan haka, shugabannin nan uku da muƙaddasan nan suka yi ƙoƙari su sami wani laifi a kan Daniyel a yadda yake tafiyar da aikin shugabancinsa, amma ba su samu ba. Ba su same shi da wani laifin cin hanci ba, domin shi amintacce ne kuma babu wani aibi a kansa ko rashin kula.
5 Markaasay nimankaasu waxay isku yidhaahdeen, Sabab ku heli mayno Daanyeelkan, haddaynan ku helin xagga sharciga ku saabsan Ilaahiisa.
A ƙarshe waɗannan mutane suka ce; “Ba za mu taɓa samun wani laifin da za mu kama Daniyel da shi ba, sai dai ko abin ya shafi dokar Allahnsa.”
6 Markaasaa taliyayaashii iyo amiirradii la shireen boqorkii, oo waxay ku yidhaahdeen, Boqor Daariyusow, weligaaba noolow.
Saboda haka shugabannin nan suka haɗu da muƙaddasan nan suka tafi wurin sarki a ƙungiyance suka ce, “Ya Sarki Dariyus, ranka yă daɗe!
7 Madaxweynayaashii boqortooyada oo dhan, iyo taliyayaashii, iyo amiirradii, iyo waaniyayaashii, iyo saraakiishii, waxay ku tashadeen inay dhisaan qaynuun boqornimo iyo amar leh, Ku alla kii intii soddon maalmood ah wax weyddiista ilaah kale ama nin, adiga mooyaane, Boqorow, waa in lagu rido bohosha libaaxyada.
Shugabannin masarauta, da masu mulki, da muƙaddasai, da mashawarta da gwamnoni duk sun amince cewa sarki yă kafa doka yă kuma yi umarni cewa a cikin kwana talatin nan gaba duk wanda ya yi addu’a ga wani allah ko mutum, in ba a gare ka ba, ya sarki, jefa shi cikin kogon zakoki.
8 Haddaba, Boqorow, amarka dhis, oo qorniinka saxeex si uusan u beddelmin, sida sharciga reer Maaday iyo reer Faaris uusan u beddelmin oo kale.
Yanzu, ya sarki, sai ka yi umarni ka kuma yi shi a rubuce saboda kada a canja shi, bisa ga dokar Medes da Farisa, waɗanda ba a iya sokewa.”
9 Sidaas daraaddeed Boqor Daariyus waa saxeexay qorniinkii iyo amarkii.
Sai Sarki Dariyus ya ba da umarnin a rubuce.
10 Daanyeelna markuu ogaaday in qorniinkii la saxeexay ayuu gurigiisii galay, haddaba daaqadihii qolkiisa oo xagga Yeruusaalem u jeeday way furnaayeen, oo saddex jeer buu maalintiiba jilbo joogsan jiray oo tukan jiray, oo Ilaahiis ku mahadnaqi jiray, siduu hore u yeeli jiray.
To, da Daniyel ya ji labarin cewa an fitar da doka, sai ya tafi gidansa a ɗakinsa na sama inda tagogin ɗakin suke duban wajen Urushalima. Sau uku yakan durƙusa yă yi addu’a yana yin godiya ga Allahnsa, kamar yadda ya saba yi.
11 Markaasay nimankii isu soo shireen, oo waxay heleen Daanyeel oo wax weyddiisanaya oo baryaya Ilaahiis.
Sai waɗannan mutane suka tafi a ƙungiyance suka kuma iske Daniyel yana addu’a yana roƙon Allah yă taimake shi.
12 Markaasay u soo dhowaadeen, oo waxay boqorka hortiisii kaga hadlen wax ku saabsan amarkii boqorka, oo waxay yidhaahdeen, Miyaadan saxeexin amar leh, Ku alla kii, intii soddon maalmood ah, wax weyddiista ilaah kale ama nin, adiga mooyaane, waa in lagu rido bohosha libaaxyada? Boqorkiina waa u jawaabay oo ku yidhi, Taasu waa run, sida sharciga reer Maaday iyo reer Faaris ku qoran oo aan beddelmi karin.
Sai suka tafi wurin sarki suka yi masa magana game da dokar mulkinsa, suka ce, “Ashe, ba ka yi doka cewa a cikin kwana talatin nan gaba duk wanda aka tarar yana addu’a ga wani allah ko mutum in ba kai ba, ya sarki, za ka jefa shi a cikin ramin zakoki ba?” Sarki ya amsa ya ce, “Dokar tana nan daram bisa ga dokar Medes da Farisa, waɗanda ba a iya sokewa.”
13 Markaasay jawaabeen oo waxay boqorkii hortiisa ka yidhaahdeen, Boqorow, Daanyeelkii ka mid ahaa kuwii Yahuudah laga soo dhacay, dan kama leh adiga iyo amarkii aad saxeexday toona, laakiinse saddex jeer buu maalin walba Ilaahiisa wax weyddiistaa.
Sai suka ce wa sarki, “Daniyel ɗin nan, wanda yake ɗaya daga cikin waɗanda aka kwaso daga Yahuda, bai kula da kai ba, ya sarki, balle fa dokar da ka yi. Har yanzu yana addu’a sau uku a rana.”
14 Markaasaa boqorkii markuu hadalkaas maqlay ayuu aad uga xumaaday, oo isku dayay inuu Daanyeel samatabbixiyo; oo ilaa qorraxdu ka dhacday ayuu hawshoonayay inuu isaga badbaadiyo.
Da sarki ya ji haka, sai ya damu sosai, ya ƙudura yă ceci Daniyel, ya yi ta fama har fāɗuwar rana yadda zai yi yă kuɓutar da shi.
15 Markaasay nimankii giddigood boqorkii ku soo shireen, oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Bal ogow, Boqorow, inay sharci reer Maaday iyo reer Faaris tahay inaan la beddelin qaynuun ama amar uu boqorku dhiso.
Sai mutanen nan suka je wurin sarki a ƙungiyance suka ce masa, “Ka tuna, ya sarki; cewa bisa ga dokar Medes da Farisa, babu umarni ko dokar da sarki ya yi da za a iya sokewa.”
16 Markaasaa boqorkii amray, oo Daanyeel waa la soo kexeeyey oo lagu dhex tuuray bohoshii libaaxyada. Boqorkiina waa la hadlay Daanyeel, oo ku yidhi, Ilaahaaga aad had iyo goorba u adeegto ayaa ku samatabbixin doona.
Saboda haka sai sarki ya ba da umarni suka kuma kawo Daniyel suka jefa shi cikin ramin zakoki. Sarki ya ce wa Daniyel, “Bari Allahn nan wanda kake bauta masa kullum, yă cece ka!”
17 Markaasaa dhagax la keenay, oo bohoshii afkeedii la saaray; oo boqorkii baa ku shaabadeeyey shaabaddiisii, iyo shaabaddii saraakiishiisa, inaan waxba laga beddelin xaaladda Daanyeel.
Aka kawo dutsen aka rufe bakin ramin, sa’an nan sarki ya hatimce shi da zobensa da kuma zoban manyan mutanensa, don kada wani yă canja yanayin Daniyel.
18 Dabadeedna boqorkii baa gurigiisii tegey, oo habeenkaas wuu soomanaa: alaabtii muusikadana looma keenin, hurdadiina waa ka duushay.
Sa’an nan sarki ya koma fadarsa ya kwana bai ci ba, kuma babu wata liyafar da aka kawo masa. Ya kuma kāsa barci.
19 Boqorkii intuu aroor hore kacay ayuu degdeg u tegey bohoshii libaaxyada.
Gari yana wayewa, sai sarki ya tashi ya hanzarta zuwa ramin zakoki.
20 Oo markuu u soo dhowaaday bohoshii Daanyeel ku jiray ayuu si weyn u ooyay; markaasa boqorkii hadlay oo Daanyeel ku yidhi, Daanyeelow, Ilaaha nool midiidinkiisow, Ilaahaaga aad had iyo goor u adeegtaa ma awoodi karaa inuu libaaxyada kaa samatabbixiyo?
Da ya yi kusa da ramin zakokin, sai ya kira Daniyel da muryar mai cike da damuwa ya ce, “Daniyel bawan Allah mai rai, ko Allahn nan naka wanda kake bauta wa kullum, ya iya cetonka daga zakoki?”
21 Markaasaa Daanyeel boqorkii ku yidhi, Boqorow, weligaaba noolow.
Sai Daniyel ya amsa ya ce, “Ran sarki, yă daɗe!
22 Ilaahay malaa'igtiisii buu soo diray, oo waxay xidhay libaaxyada afkoodii, oo waxba ima ay yeelin; waayo, wuxuu arkay inaanan xaq qabin; xaggaagana, Boqorow, waxba kuma aanan yeelin.
Allahna ya aiko da mala’ikansa, ya kuwa rufe bakunan zakoki. Ba su yi mini rauni ba, gama an same ni marar laifi ne a gabansa. Ban kuwa taɓa yin wani abu marar kyau a gabanka ba, ya sarki.”
23 Dabadeedna boqorkii aad iyo aad buu u farxay, oo wuxuu ku amray in Daanyeel bohosha laga soo bixiyo. Sidaasaana Daanyeel bohoshii looga soo bixiyey, korkiisiina innaba waxyeello lagama helin, maxaa yeelay, Ilaahiis buu isku halleeyey.
Sai sarki ya cika da murna ƙwarai, ya kuma yi umarni a ciro Daniyel daga ramin zakoki. Kuma da aka fito da Daniyel daga ramin, ba a sami wani rauni a jikinsa ba, domin ya dogara ga Allahnsa.
24 Dabadeedna boqorkii baa amar bixiyey oo waxaa la keenay nimankii Daanyeel dacweeyey, oo bohoshii libaaxyada ayaa lagu dhex tuuray, iyagii iyo carruurtoodii iyo naagahoodiiba; markaasaa libaaxyadii qabsadeen intayan bohoshii salkeeda soo gaadhin, lafahoodii oo dhanna way burbursadeen.
Sai sarki ya umarta, a kawo mutanen nan da suka yi wa Daniyel maƙarƙashiya, a tura su, da’ya’yansu, da matansu cikin ramin zakoki. Kafin ma su kai ƙurewar ramin, sai zakoki suka hallaka su suka yayyage su, suka yi kaca-kaca da su.
25 Markaasaa boqorkii Daariyus warqado u qoray dadyowgii, iyo quruumihii, iyo kuwii kala afka ahaa oo dhan, oo dhulka oo dhan degganaa; oo wuxuu ku yidhi, Nabadu ha idinku badato.
Sa’an nan Sarki Dariyus ya rubuta wa dukan mutane, da al’ummai da kuma mutanen dukan harsunan a duk fāɗin ƙasar. “Bari yă yi nasara sosai!
26 Waxaan amar ku bixinayaa in dadka dowladnimada boqortooyadayda oo dhan ay ku hor gariiraan oo ka cabsadaan Ilaaha Daanyeel; waayo, isagu waa Ilaaha nool, oo weligiis jiraya, boqortooyadiisuna waa mid aan la baabbi'in karayn, dowladnimadiisuna way jiri doontaa ilaa ugudambaysta.
“Na fitar da doka cewa a cikin dukan iyakar ƙasar mulkina, dole mutane su ji tsoro su kuma girmama Allah na Daniyel.
27 Isagu wax waa samatabbixiyaa oo badbaadiyaa, samada iyo dhulkana wuxuu ku sameeyaa calaamado iyo yaabab, waana kii Daanyeel ka samatabbixiyey xooggii libaaxyada.
Yakan kuɓutar ya kuma ceci;
28 Sidaasuu Daanyeelkanu ugu barwaaqoobay boqornimadii Daariyus, iyo boqornimadii Kuuroskii reer Faaris.
Daniyel kuwa ya bunkasa a lokacin mulkin Dariyus da kuma mulkin Sairus na Farisa.