< Daanyeel 3 >

1 Boqor Nebukadnesar wuxuu sameeyey ekaan dahab ah, oo jooggeedu lixdan dhudhun yahay, ballaadhkeeduna lix dhudhun yahay, oo wuxuu qotomiyey bannaankii Duuraa oo ku yaal gobolka Baabuloon.
Sarki Nebukadnezzar ya yi gunkin zinariya, tsawonsa kamu tasa’in, fāɗinsa kuma kamu tara ne, ya kafa shi a filin Dura a yankin Babilon.
2 Markaasaa Boqor Nebukadnesar wuxuu cid u diray amiirradii, iyo taliyayaashii, iyo saraakiishii, iyo xaakinnadii, iyo khasnajiyadii, iyo waaniyayaashii, iyo madaxdii boliiska, iyo kuwii gobollada xukumay oo dhan, inay u yimaadaan furitaanka ekaanta uu Boqor Nebukadnesar qotomiyey.
Sa’an nan ya aika a kira hakimai da wakilai da gwamnoni da mashawarta, da ma’aji, da alƙalai, da marubutan kotu, da dukan sauran ma’aikatan yankunan, suka hallara domin a rusuna wa wannan siffar da ya kafa.
3 Markaasaa amiirradii, iyo taliyayaashii, iyo saraakiishii, iyo xaakinnadii, iyo khasnajiyadii, iyo waaniyayaashii, iyo madaxdii boliiska, iyo kuwii gobollada xukumi jiray oo dhammu u wada yimaadeen furitaankii ekaantii Boqor Nebukadnesar qotomiyey, oo waxay hor istaageen ekaantii uu Nebukadnesar qotomiyey.
Saboda haka sai hakimai, da wakilai da gwamnoni, mashawarta da ma’aji da alƙalai, da marubutan alƙalai, da kuma dukan ma’aikatan yankunan suka tattaru domin kaddamar da siffar da Nebukadnezzar ya kafa, suka kuma tsaya a gabansa.
4 Markaasaa naadiye aad u dhawaaqay, oo yidhi, Dadyowga, iyo quruumaha, iyo kuwa kala afka ahow, waxaa laydinku amray,
Sai mai shela ya daga murya da ƙarfi ya ce, “Wannan shi ne abin da aka umarce ku ku yi, ya ku mutane da al’umma da kowane yare.
5 in markii aad maqashaan codka buunka, iyo biibiilaha, iyo kataaradda, iyo shareeradda, iyo kiraarka, iyo cayn kasta oo muusiko ah, aad hoos u dhacdaan oo u sujuuddaan ekaanta dahabka ah oo Boqor Nebukadnesar qotomiyey,
Da zarar kuka ji karar ƙaho, da sarewa, da garaya da goge da molo da algaita da kowane irin kaɗe-kaɗe da bushe-bushe ku rusuna ku yi sujada ga wannan gunkin da sarki Nebukadnezzar ya kafa.
6 oo mid kasta oo aan hoos u dhicin oo aan u sujuudin, isla saacaddiiba waxaa lagu dhex tuuri doonaa foorno dab ah oo ololaysa.
Duk wanda bai rusuna ya yi sujada ba, nan take za a jefa shi a cikin tendarun wuta.”
7 Haddaba markii dadkii oo dhammu maqleen codkii buunka, iyo biibiilaha, iyo kataaradda, iyo shareeradda, iyo kiraarka, iyo cayn kasta oo muusiko ah ayaa dadyowgii, iyo quruumihii, iyo kuwii kala afka ahaa oo dhammu hoos u dhaceen oo u sujuudeen ekaantii dahabka ahayd oo Boqor Nebukadnesar qotomiyey.
Saboda haka, da zarar suka ji karar ƙaho, da sarewa, garaya da goge da kowane irin kaɗe-kaɗe da bushe-bushe da kowane irin kaɗe-kaɗe kowane mutum da ko wace al’umma da kowane irin yare suka sunkuya suka yi sujada ga wannan siffa ta zinariya da sarki Nebukadnezzar ya kafa.
8 Haddaba wakhtigaas kuwo reer Kaldayiin ah ayaa soo dhowaaday oo Yuhuuddii dacweeyey.
A wannan lokaci sai waɗansu masanan taurari suka zo gaba suka yi karar Yahudawa.
9 Oo intay u jawaabeen bay ku yidhaahdeen Boqor Nebukadnesar, Boqorow, weligaaba noolow.
Suka ce wa sarki Nebukadnezzar, “Ran sarki yă daɗe,
10 Boqorow, amar baad ku bixisay in nin kastaaba markuu maqlo codka buunka, iyo biibiilaha, iyo kataaradda, iyo shareeradda, iyo kiraarka, iyo cayn kasta oo muusiko ah, uu hoos u dhaco oo u sujuudo ekaanta dahabka ah,
Ya sarki, ka fitar da doka, cewa duk wanda ya ji karar ƙaho, da sarewa, da garayu da goge, da molo da algaita da kowane irin kayan kaɗe-kaɗe da bushe-bushe sai yă rusuna yă yi sujada ga siffar zinariya,
11 iyo in mid kasta oo aan hoos u dhicin oo aan u sujuudin, lagu dhex tuuri doono foorno dab ah oo ololaysa.
kuma cewa duk wanda bai rusuna ya yi sujadar ba za a jefa shi cikin tanderun wuta.
12 Waxaa jira kuwo Yuhuud ah oo aad u dooratay inay axwaalkii gobolkii Baabuloon u taliyaan, waana Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo; haddaba, Boqorow, nimankaasu dan kaama ay lahayn; iyagu uma adeegaan ilaahyadaada, umana sujuudaan ekaanta dahabka ah oo aad qotomisay.
Amma sai ga waɗansu Yahudawa waɗanda ka ɗora su a kan harkokin yankin Babilon, wato, Shadrak, Meshak da Abednego waɗanda ba su kula da umarninka ba, ya sarki. Ba su bauta wa allolin ba balle su yi sujada ga gunkin zinariya da ka kafa.”
13 Markaasaa Nebukadnesar intuu dhirfay oo aad u cadhooday ayuu amray in la keeno Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo. Markaasay nimankan soo hor taageen boqorkii.
Cikin fushi da hasala, Nebukadnezzar ya aika a kira Shadrak, Meshak da Abednego. Aka kawo waɗannan mutane a gaban sarki,
14 Nebukadnesarna wuu u jawaabay oo ku yidhi iyagii, Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoow, Ma kas baad u yeesheen inaydnaan u adeegin ilaahayga ama aydnaan u sujuudin ekaantayda dahabka ah oo aan qotomiyey?
sai Nebukadnezzar ya ce musu, “Gaskiya ne Shadrak, Meshak da Abednego, cewa kun ƙi ku bauta wa alloli kuka kuma ƙi yi sujada ga gunkin da na kafa?
15 Haddaba haddaad diyaar tihiin in wakhtigii aad maqashaan codka buunka, iyo biibiilaha, iyo kataaradda, iyo shareeradda, iyo kiraarka, iyo cayn kasta oo muusiko ah, aad hoos u dhacdaan oo aad u sujuuddaan ekaanta aan sameeyey, hagaag, laakiinse haddaad u sujuudi weydaan, waxaa isla saacaddiiba laydinku dhex tuuri doonaa foorno dab ah oo ololaysa. Kolkaas waa ayo Ilaaha gacantayda idinka badbaadin doonaa?
Yanzu sa’ad da kuka ji karar ƙaho, da sarewa, da garaya, da goge, da molo da algaita da kowane irin kaɗe-kaɗe da bushe-bushe, in kuna a shirye ku rusuna ƙasa ku yi wa wannan gunkin da na yi sujada, to, da kyau. Amma in ba ku yi sujada ba, za a je fa ku yanzu a cikin tanderun wutar nan. In ga kowane ne allahn nan da zai kuɓutar da ku daga hannuna?”
16 Markaasaa Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo u jawaabeen boqorkii, oo waxay ku yidhaahdeen, Nebukadnesarow, annagu uma baahnin inaannu kaaga jawaabno xaalkan.
Sai Shadrak, Meshak da Abednego suka amsa wa sarki suka ce, “Ya Nebukadnezzar, ba mu bukata mu kāre kanmu a gabanka a kan wannan batu.
17 Haddaba hadday saas tahay, Ilaahayaga aannu u adeegnaa waa awoodaa inuu naga samatabbixiyo foornada dabka ah oo ololaysa; oo isagu waa naga samatabbixin doonaa gacantaada, Boqorow.
In an jefa mu cikin tanderun wutar nan, Allahn da muke bauta wa zai iya cetonmu daga ita, kuma ya sarki, zai cece mu daga hannunka.
18 Laakiinse haddaanay ahayn, Boqorow, haddaba ogow, inaannan u adeegayn ilaahyadaada, ama aannan u sujuudayn ekaanta dahabka ah oo aad qotomisay.
Amma ko da bai cece mu ba, muna so ka sani, ya sarki; cewa ba za mu bauta wa allolinka ba ko kuma mu yi sujada ga gunkin zinariyar da ka kafa ba.”
19 Markaasaa Nebukadnesar aad ugu cadhooday Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, wejigiisiina waa beddelmay; kolkaasuu hadlay oo wuxuu ku amray in foornada laga sii kululeeyo toddoba jeer intii hore loo kululayn jiray.
Sai Nebukadnezzar ya husata da Shadrak, Meshak da Abednego, sai al’amuransa a kansu ya canja. Sai ya umarta a ƙara zuga wutar har sau bakwai domin tă yi zafi fiye da yadda take a dā.
20 Oo wuxuu ku amray niman xoog badan oo ciidankiisa ku jiray inay xidhxidhaan Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, oo ay ku dhex tuuraan foornada dabka ah oo ololaysa.
Kuma ya umarci waɗansu ƙarfafan sojoji a cikin rundunarsa su daure Shadrak, Meshak da Abednego su jefa su cikin tanderun wutar.
21 Markaasaa nimankii la xidhxidhay iyagoo qaba sirwaalladoodii, iyo khamiisyadoodii, iyo go'yaashoodii, iyo dharkoodii kaleba, oo waxaa lagu dhex tuuray foornadii dabka ahayd oo ololaysay.
Waɗannan mutanen suna sanye da riguna, da wanduna, da rawani da waɗansu kayan sawa, aka daure su, aka jefa su cikin tanderun wuta.
22 Boqorka amarkiisu wuxuu ahaa degdeg, foornaduna aad iyo aad bay u kululayd, sidaas daraaddeed ololkii dabku wuxuu dilay nimankii waday Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo.
Sarki ya ba da umarnin da gaggawa kuma wutar ta yi zafi ƙwarai har harshen wutar ya kashe sojojin nan da suka ɗauki Shadrak, Meshak da Abednego,
23 Saddexdii nin ee ahaa Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoona waxay iyagoo xidhxidhan ku dhex dheceen foornadii dabka ahayd oo ololaysay.
waɗannan mutane uku kuma a daure, suka fāɗa cikin tanderun wutar.
24 Markaasaa Boqor Nebukadnesar yaabay, oo haddiiba kacay; oo intuu hadlay ayuu ku yidhi waaniyayaashiisii, Miyaynan saddex nin oo xidhxidhan dabka ku dhex ridin? Markaasay u jawaabeen oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Taasu waa run, Boqorow.
Sai Sarki Nebukadnezzar ya miƙe tsaye, cike da mamaki ya tambayi mashawartansa, “Shin ba mutum uku ba ne muka daure muka jefa cikin wutar?” Suka amsa, “Tabbatacce haka yake ya sarki.”
25 Kolkaasuu jawaabay oo yidhi, Bal eega, waxaan arkaa afar nin oo furan, oo dabka ku dhex socda, ee aan waxyeello gaadhin; oo midka afraad soojeedkiisu wuxuu u eg yahay mid ka mid ah wiilasha ilaahyada.
Sai ya ce, “Ku duba ina ganin mutum huɗu suna tafiya suna yawo a cikin wutar, a sake kuma babu abin da ya same su, na huɗun sai ka ce ɗan alloli.”
26 Markaasaa Nebukadnesar wuxuu ag yimid foornadii dabka ahayd oo ololaysay afkeedii, oo intuu hadlay buu yidhi, Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoow, Ilaaha ugu Sarreeya addoommadiisow, soo baxa, oo halkan kaalaya. Markaasaa Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo dabkii ka soo dhex bexeen.
Sai Nebukadnezzar ya matsa kusa da ƙofar tanderun wutar ya yi kira da ƙarfi, “Shedrak, Meshak da Abednego, bayin Allah Mafi Ɗaukaka ku fito! Ku zo nan!” Sai Shadrak, Meshak da Abednego suka fita daga cikin wutar,
27 Markaasaa amiirradii, iyo taliyayaashii, iyo saraakiishii, iyo boqorka waaniyayaashiisii, iyagoo isku urursan, waxay arkeen inaanu dabku ka adkaan nimankaas jidhkooda, ama aanu timahoodiina halow marin, ama aan sirwaalladoodii beddelmin, ama aan dadka urtiisii gaadhin.
Sa’an nan hakimai, da wakilai, da gwamnoni da masu ba wa sarki shawara suka kewaya su. Suka ga wutar ba tă yi musu wani lahani a jikinsu ba, babu ko gashin kansu da ya ƙuna; ko warin wuta ma ba su yi ba.
28 Markaasaa Nebukadnesar hadlay oo wuxuu yidhi, Mahad waxaa leh Ilaaha Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, oo u soo diray malaa'igtiisa, oo badbaadiyey addoommadiisa isaga isku halleeyey, oo beddelay hadalkii boqorka, oo jidhkooda bixiyey, inayan u adeegin, ama u sujuudin ilaah kale Ilaahooda mooyaane.
Sa’an nan Nebukadnezzar ya ce, “Yabo ya tabbata ga Allahn Shadrak, Meshak da Abednego wanda ya aiko da mala’ikansa ya ceci bayinsa da suka dogara matuƙa a gare shi, suka ki bin umarnin sarki kuma su na a shirye domin su ba da ransu da suka ƙi bauta ko su yi sujada ga wani allah sai dai Allahnsu.
29 Sidaas daraaddeed waxaan amar ku bixinayaa in dad kasta, iyo quruun kasta, iyo kuwa kasta oo kala af ah, oo wax xun kaga hadla Ilaaha Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, la googooyn doono, guryahoodana laga dhigi doono meel digo lagu tuulo, maxaa yeelay, ma jiro ilaah kale oo sidaas wax u badbaadin karaa.
Domin haka ina ba da doka cewa duk mutane da kowace al’umma ko kowane yaren da ya ce wani abu mummuna a kan Allahn Shadrak, Meshak da Abednego za a yanka shi gunduwa-gunduwa kuma gidansu zai zama wurin zuba shara, domin babu wani allahn da zai iya ceto ta irin wannan hanya.”
30 Markaasaa boqorkii Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo derejo sare ku siiyey gobolkii Baabuloon.
Sa’an nan sarki ya ƙara wa su Shadrak, Meshak da Abednego girma a yankin Babilon.

< Daanyeel 3 >