< Daanyeel 2 >

1 Oo sannaddii labaad oo boqornimadii Nebukadnesar ayaa Nebukadnesar riyooyin ku riyooday, markaasuu argaggaxay oo ay hurdadiisii ka baabba'day.
A shekara ta biyu ta mulkinsa, Nebukadnezzar ya yi mafarkai; hankalinsa ya tashi har ya kāsa barci.
2 Markaasaa boqorkii wuxuu ku amray in loo yeedho saaxiriintii, iyo xiddigiyayaashii iyo falalowyadii, iyo kuwii reer Kaldayiin ahaa, inay boqorka u sheegaan riyooyinkiisii. Markaasay soo galeen oo boqorkii hortiisa istaageen.
Sai sarki ya sa aka tattara masa masu sihiri da masu dabo da bokaye da masanan taurari domin su faɗi abin da ya yi mafarki a kai. Da suka shigo suka tsaya a gaban sarki,
3 Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Riyaan ku riyooday, waxaanan la argaggaxsanahay inaan ogaado waxa riyada micneheedu yahay.
sai ya ce musu, “Na yi mafarkin da ya dame ni kuma ina so in san me yake nufi.”
4 Markaasaa kuwii reer Kaldayiin ahaa boqorkii kula hadleen afkii reer Suuriya, waxayna ku yidhaahdeen, Boqorow, weligaaba noolow. Bal riyadaada noo sheeg annagoo addoommadaada ah oo annana waxaannu kuu caddayn doonnaa fasirkeeda.
Sai masanan taurarin suka amsa wa sarki da Arameyanci “Ran sarki yă daɗe! Ka faɗa wa bayinka mafarkin, mu kuma sai mu fassara.”
5 Boqorkii waa u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi kuwii reer Kaldayiin ahaa, Wixii waa iga tegey, oo haddaydnan ii caddayn riyadii iyo fasirkeediiba, waa laydin googooyn doonaa, guryahiinnana waxaa laga dhigi doonaa meel digo lagu tuulo.
Sai sarki ya amsa wa masanan taurarin ya ce, “Na mance da abin, idan ba ku tuno mini mafarkin, duk da fassararsa ba, to, za a daddatse ku gunduwa-gunduwa, a mai da gidajenku juji.
6 Laakiinse haddaad ii caddaysaan riyadii iyo fasirkeediiba, waxaan idin siin doonaa hadiyad iyo abaalgud iyo ciso weyn; haddaba sidaas daraaddeed ii caddeeya riyadii iyo fasirkeediiba.
Amma in har kuka faɗa mini mafarkina kuka kuma bayyana fassararsa, za ku sami lada mai girma. Saboda haka ku faɗa mini mafarkin da kuma fassararsa.”
7 Iyana mar labaad bay u jawaabeen oo waxay yidhaahdeen, Boqorow, annagoo ah addoommadaada, riyadii noo sheeg, oo annana waxaannu caddayn doonnaa fasirkeedii.
Sai suka sāke amsa masa suka ce, “Ran sarki yă daɗe, faɗa wa bayinka mafarkin, mu kuma za mu fassara shi.”
8 Boqorkiina waa jawaabay oo wuxuu yidhi, Xaqiiqa waan garanayaa inaad wakhti dheer qaadanaysaan, maxaa yeelay, waad og tihiin in wixii iga tegey.
Sai sarki ya amsa ya ce, “Na gane cewa kuna ƙoƙari ku ɓata lokaci ne kawai domin ku ga na manta da abin.
9 Laakiinse haddaydnan riyadii ii caddayn, de markaas sharci keliya ayaad leedihiin, waayo, waxaad soo diyaarsateen hadal been ah oo kharriban inaad igula hadashaan ilaa uu wakhtigu beddelmo. Haddaba riyadii ii sheega, dabadeedna waan ogaan doonaa inaad fasirkeediina ii caddayn kartaan.
In ba ku faɗa mini mafarkin ba, akwai hukunci guda ɗaya kurum dominku. Kun haɗa baki domin ku faɗa mini munanan al’amura domin ku ruɗe ni har lokaci yă wuce. Sai ku faɗa mini mafarkin, ta haka kuwa zan sani za ku iya yi mini fassararsa.”
10 Kuwii reer Kaldayiin ahaana boqorkii bay u jawaabeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Dhulka ma joogo nin caddayn karaa xaalkaaga, boqorow; waayo, lama arag boqor, ama sayid, ama taliye waxan oo kale weyddiiyey saaxir ama xiddigiye, ama mid ka mid ah reer Kaldayiin toona.
Sai masanan taurarin suka amsa wa sarki suka ce, “Babu wani mutum a duniyan nan da zai iya yin abin da sarki yake nema! Babu wani sarki mai daraja da girma wanda ya taɓa yin irin wannan tambaya ga masu sihiri ko masu dabo ko masanan taurari.
11 Waxaad weyddiisay, boqorow, waa wax aan badanaa la weyddiin dadka, qof kale oo boqorka u caddayn karaana ma jiro ilaahyada mooyaane, kuwaasoo aan hoygoodu binu-aadmiga la jirin.
Abin da sarki yake nema yana da wuya matuƙa. Babu wani da zai iya bayyana wannan ga sarki sai dai alloli; kuma ba su zama tare da’yan adam.”
12 Sababtaas daraaddeed ayaa boqorkii cadhooday oo aad buu u dhirfay, oo wuxuu amray in la baabbi'iyo raggii Baabuloon oo xigmadda lahaa oo dhan.
Wannan ya sa sarki ya fusata ƙwarai, ya ba da umarni a tafi da dukan masu hikima na Babilon a kashe su.
13 Amarkiina waa baxay, nimankii xigmadda lahaana waxaa la doonayay in la wada laayo, markaasay dooneen Daanyeel iyo saaxiibbadiis in la laayo.
Sai aka ba da dokar da za a kashe masu hikima, sa’an nan aka aika mutane su je su nemo Daniyel da abokansa domin a kashe su.
14 Daanyeelna jawaab buu talo iyo miyir ugu celiyey Aryoog oo ahaa sirkaalkii waardiyaha boqorka, oo u soo baxay inuu laayo raggii xigmadda lahaa oo Baabuloon oo dhan.
Sa’ad da Ariyok, shugaban ƙungiyar matsaran sarki, ya fita domin yă kashe masu hikima na Babilon, sai Daniyel ya yi masa magana cikin hikima da dabara.
15 Wuxuu Aryoog oo ahaa sirkaalkii boqorka ugu jawaabay, Boqorku muxuu amarka ugu degdegay? Markaasaa Aryoog xaalkii ogeysiiyey Daanyeel.
Ya tambayi mai tsaro na sarki, “Me ya sa sarki ya fitar da wannan doka haka da fushi?” Sai Ariyok ya yi wa Daniyel bayanin batun.
16 Markaasaa Daanyeel u galay, oo boqorkii weyddiistay inuu u qabto wakhti uu boqorka ugu caddeeyo riyada fasirkeedii.
Da jin haka sai Daniyel ya tafi wurin sarki ya nemi ƙarin lokaci, domin yă bayyana wa sarki mafarkin da kuma fassararsa.
17 Markaasaa Daanyeel gurigiisii tegey, oo xaalkii ogeysiiyey Xananyaah, iyo Miishaa'eel, iyo Casaryaah, oo ahaa saaxiibbadiis,
Sa’an nan Daniyel ya komo gida ya kuma sanar wa abokansa Hananiya, Mishayel da Azariya, batun nan duka.
18 inay Ilaaha samada weyddiistaan naxariis ku saabsan qarsoodigan, oo ayan Daanyeel iyo saaxiibbadiis la baabbi'in raggii Baabuloon oo xigmadda lahaa intoodii kale.
Ya roƙe su su roƙi jinƙan Allah na sama domin wannan mafarki, saboda kada a kashe shi da abokansa tare da sauran masu hikima na Babilon.
19 Markaasaa qarsoodigii Daanyeel tusniin loogu muujiyey goor habeen ah. Daanyeelna Ilaaha samada ayuu u mahadnaqay.
A wannan dare sai aka bayyana wa Daniyel mafarkin cikin wahayi. Daniyel kuwa ya ɗaukaka Allah na sama.
20 Daanyeelna waa jawaabay oo wuxuu yidhi, Ammaan waxaa leh magaca Ilaah weligiis iyo weligiis; waayo, isagaa leh xigmad iyo xoogba;
Ya ce, “Yabo ya tabbata ga sunan Allah har abada abadin; hikima da iko nasa ne.
21 oo wakhtiyada iyo xilliyadana isagaa kala bedbeddela; isagaa boqorro dejiya oo boqorro saara. Xigmad buu siiyaa kuwa xigmadda leh, aqoonna wuu siiyaa kuwa wax garta.
Yana sāke lokuta, yana tuɓe sarakuna yana kuma naɗa waɗansu. Yana ba da hikima ga masu hikima kuma ilimi ga masu basira.
22 Wuu muujiyaa waxyaalaha fog iyo qarsoodigaba; wuuna yaqaan waxa gudcurka ku jira, nuurkuna isaguu la joogaa.
Yakan bayyana zurfafa da ɓoyayyun abubuwa; ya san abin da yake cikin dare, haske kuwa yana zaune tare da shi.
23 Waan kugu mahadnaqayaa, oo waan ku ammaanayaa, Ilaaha awowayaashayow, oo i siiyey xigmad iyo xoog, oo haatan i ogeysiiyey wixii aannu kaa doonaynay; waayo, waad na ogeysiisay xaalkii boqorka.
Na gode maka ina yabonka, Allah na kakannina. Kai ka san hikima da iko, ka sanar da ni abin da muka tambaye ka, ka kuma sanar da mu mafarkin sarki.”
24 Sidaas daraaddeed Daanyeel wuxuu u galay Aryoog, oo boqorku u doortay inuu baabbi'iyo raggii xigmadda lahaa oo Baabuloon. Bal i gee boqorka hortiisa, oo anna waxaan boqorka u caddayn doonaa fasirkii riyada.
Sai Daniyel ya tafi wurin Ariyok, wanda sarki ya sa yă kashe masu hikiman Babilon, ya kuma ce masa, “Kada ka kashe masu hikiman Babilon ka kai ni wurin sarki, ni kuma zan fassara masa mafarkinsa.”
25 Markaasaa Aryoog haddiiba Daanyeel boqorka u soo geliyey oo wuxuu ku yidhi, Maxaabiistii reer Yahuudah ayaan ka helay nin ku ogeysiin doona fasirkii riyadaada, boqorow.
Sai Ariyok ya kai Daniyel wurin sarki nan take ya ce masa, “Na gano wani mutum daga cikin kamammun kabilar Yahuda wanda zai faɗa wa sarki abin da mafarkin yake nufi.”
26 Markaasaa boqorkii u jawaabay oo ku yidhi Daanyeel, oo magiciisa la odhan jiray Beelteshaasar, Ma i ogeysiin kartaa riyadii aan arkay iyo fasirkeediiba?
Sarki ya tambayi Daniyel (wanda ake kira Belteshazar), za ka iya faɗa mini mafarkin da na yi ka kuma fassara shi?
27 Daanyeelna waa jawaabay isagoo boqorkii hor taagan, oo wuxuu yidhi, Qarsoodigii aad weyddiisay, boqorow, kuuma caddayn karaan rag xigmad lahu, ama xiddigiyayaal, ama saaxiriin, ama kuwa wax sii sheega toona;
Daniyel ya amsa, “Babu wani mai hikima, ko mai sihiri, ko mai dabo ko mai duban da zai iya warware wa sarki wannan matsala da ta dame shi,
28 laakiinse samada waxaa jooga Ilaah muujiya waxyaalaha qarsoon, oo isagu wuxuu ku ogeysiiyey, boqor Nebukadnesarow, waxa jiri doona ugu dambaysta.
amma akwai Allahn da yake a sama wanda yake bayyana asirai, ya nuna wa sarki Nebukadnezzar abin da zai faru a kwanaki masu zuwa. Mafarkinka da wahayin da ya wuce cikin tunaninka a sa’ad da kake kwance a gadonka su ne,
29 Riyadaadii iyo waxyaalihii lagu tusay adoo sariirtaada ku jiifa waa kuwan: Boqorow, sariirtaada ayaad ku dul fikirtay, oo waxaad istidhi, Maxaa dhici doona hadda ka dib? Oo kan waxyaalo qarsoon muujiyaa wuxuu ku ogeysiiyey waxa dhici doona.
“A sa’ad da kake kwance, ya sarki, tunaninka ya ga al’amuran da suke zuwa, kuma shi mai bayyana al’amuran ya bayyana maka asiran abubuwan da za su faru.
30 Laakiinse aniga qarsoodigan la iiguma muujin xigmad aan dheerahay dad kale oo nool, laakiinse sababtu waa in lagu ogeysiiyo fasirkii riyadaada, boqorow, iyo inaad ogaatid fikirrada qalbigaaga.
Amma ba a bayyana mini wannan asiri saboda ina da wata hikima fiye da sauran mutane ba, sai dai domin a sanar wa sarki da fassarar, ka kuma san tunanin da ya shiga zuciyarka.
31 Boqorow, waxaad aragtay ekaan weyn. Ekaantan xoogga weynayd, oo dhalaalkeedu aad u wanaagsanaa, hortaaday istaagtay; soojeedkeeduna wuxuu ahaa mid laga cabsado.
“Ya sarki, ka ga wata babbar siffa, mai girma, siffa ce mai haske, abar bantsoro tana tsaye a gabanka.
32 Ekaantaasna madaxeedu wuxuu ahaa dahab wanaagsan, laabteeda iyo gacmaheeduna waxay ahaayeen lacag, caloosheeda iyo bowdooyinkeeduna waxay ahaayeen naxaas.
An yi kan wannan siffa da zinariya zalla, ƙirjinta da kuma hannuwanta an yi su da azurfa, cikinta da kuma cinyarta da tagulla ne.
33 Lugaheeduna waxay ahaayeen bir, cagaheeda qaar wuxuu ahaa bir, qaarna wuxuu ahaa dhoobo.
An yi ƙafafun da ƙarfe, tafin ƙafafunta kuma an yi rabi da ƙarfe rabi kuma da yumɓu.
34 Oo waxaad aragtay ilaa uu dhagax aan gacmo lagu gooyn ekaantii kaga dhacay cagihii ahaa birta iyo dhoobada, wayna kala burbureen.
A lokacin da kake dubawa, sai aka yanko wani dutse, amma ba da hannun mutum ba. Ya fāɗa a kan ƙafafun siffar na ƙarfen da aka haɗa da yumɓu aka kuma ragargaje su.
35 Markaasaa birtii, iyo dhoobadii, iyo naxaastii, iyo lacagtii, iyo dahabkiiba wada burbureen, oo waxay noqdeen sida buunshaha meelaha wax lagu tumo; dabayl baana la tagtay, si aan meella loogu helin; markaasaa dhagaxii ekaanta ku dhacay wuxuu noqday buur weyn, oo dhulka oo dhan buuxiyey.
Sai ƙarfen da yambun da tagulla da azurfan da kuma zinariyan suka ragargaje a lokaci ɗaya ya zama kamar ƙaiƙayi a masussuka a lokacin kaka. Sai iska ta kwashe su ta tafi, har ba a iya ganin ko alamarsu. Amma dutsen da ya fāɗo a siffar ya girke ya zama tsauni ya kuma cika dukan duniya.
36 Riyadii waa tan, fasirkiina annagaa ku sheegi doonna boqorka hortiisa.
“Wannan shi ne mafarkin, yanzu kuma za mu fassara ta wa sarki.
37 Adigu, Boqorow, waxaad tahay boqorkii boqorrada, oo Ilaaha samadu siiyey boqortooyada, iyo xoogga, iyo itaalka iyo ammaanta.
Ya, sarki, kai ne sarkin sarakuna. Allah na sama ya ba ka iko da girma da suna;
38 Oo meel kasta oo binu-aadmigu joogo, dugaagga duurka, iyo haadka samadaba gacantuu kuu geliyey, wuxuuna ka dhigay inaad xukunto kulligood; adigu madaxii dahabka ahaa baad tahay.
a cikin hannunka ya sanya ɗan adam, da namun jeji da tsuntsayen sama. A duk inda suke zaune, ya maishe ka ka yi mulki a bisansu kai ne kan zinariyan nan na siffar.
39 Oo waxaa adiga dabadaa kici doona boqortooyo kaa xoog yar, iyo boqortooyo kale oo saddexaad oo naxaas ah oo dhulka oo dhan xukumi doonta.
“A bayanka, za a yi wani mulki, wanda bai kai naka ba. A gaba kuma, za a yi mulki na uku wanda yake na tagulla, zai yi mulkin dukan duniya.
40 Oo boqortooyada afraadna waxay u xoog badnaan doontaa sida birta; waayo, birtu way jejebisaa, wayna ka adkaataa wax walba; oo sida birtu u burburiso kuwan oo dhan ayay u jejebin oo ay u burburin doontaa.
A ƙarshe, za a yi mulki na huɗu, mai ƙarfi kamar ƙarfe, Da yake baƙin ƙarfe yakan kakkarya, ya ragargaje abubuwa, haka nan wannan mulki zai ragargaje sauran mulkoki
41 Oo sidaad u aragtay cagaha iyo faraha lugeed oo qaar yahay dhoobadii dheryasameeyaha, qaarna yahay birta, ayay u noqon doontaa boqortooyo kala qaybsan, laakiinse waxaa ku jiri doona xooggii birta, sidaad u aragtay birta ku qasan dhoobada dheryaha laga sameeyo.
Ka kuma ga an yi ƙafafun da yatsotsin da baƙin ƙarfe gauraye da yumɓu, wato, mulkin zai rabu, amma zai kasance da ƙarfi kamar na baƙin ƙarfe da yake gauraye da yumɓu.
42 Oo sidii faraha cagaha qaarkood bir u ahaa, qaarna dhoobo u ahaa, ayaa boqortooyada qaarkeedna u xoog badnaan doonaa, qaarkeedna u jabi doonaa.
Kamar yadda yatsotsin rabi na ƙarfe rabi kuma na yumɓu ne, haka wannan mulki zai zama rabi mai ƙarfi rabi kuma marar ƙarfi.
43 Oo sidaad u aragtay dhoobada dheryaha laga sameeyo iyo birta isku qasan, ayay isugu qasi doonaan farcanka dadka; laakiinse isma ay qabsan doonaan, sida aanay birtu ugu qasmi karin dhoobada.
Kamar dai yadda ka ga ƙarfen ya gauraye da yumɓu, haka mutanen za su zama a gauraye amma ba za su haɗu da juna ba, kamar yadda baƙin ƙarfe da yumɓu ba su haɗuwa.
44 Oo wakhtiga boqorradaas ayaa Ilaaha samadu dhisi doonaa boqortooyo aan weligeed la baabbi'inayn, ama dowladnimadeedu aanay dad kale uga wareegayn, laakiinse way jejebin doontaa oo baabbi'in doontaa boqortooyooyinkaas oo dhan, markaasay weligeed taagnaan doontaa.
“A lokacin mulkin waɗannan sarakunan, Allah na sama zai kafa mulki da ba zai taɓa rushewa ba, ba kuma za a ba ma waɗansu mutane ba. Zai ragargaje waɗannan mulkokin da kuma kawo su ga ƙarshe, amma shi wannan mulki zai dawwama har abada.
45 Waayo, waxaad aragtay dhagax buurta laga soo gooyay oo aan gacmo lagu gooyn, oo kala jejebiyey birtii, iyo naxaastii, iyo dhoobadii, iyo lacagtii, iyo dahabkii; Ilaaha weynu wuxuu, boqorow, ku ogeysiiyey waxa dhici doona hadda dabadeed, riyaduna waa dhab, fasirkeeduna waa wax la hubo.
Wannan shi ne ma’anar wannan wahayin da ka gani na dutsen da aka yanko daga jikin tsaunin, amma ba da hannun ɗan adam ba, dutsen da ya ragargaza ƙarfen, da tagullar, da yumɓun da azurfar da kuma zinariyar. “Allah mai girma ya nuna wa sarki abin da zai faru nan gaba. Mafarkin gaskiya ne, fassararsa kuma abin dogara ne.”
46 Markaasaa boqorkii ahaa Nebukadnesar wejigiisa u dhacay, oo u sujuuday Daanyeel, oo wuxuu amray inay u bixiyaan qurbaan iyo foox udgoon.
Sai sarki Nebukadnezzar ya fāɗi da fuskarsa har ƙasa a gaban Daniyel domin ya girmama shi ya kuma umarta a miƙa hadaya da kuma hadayar ƙonawa ta turare ga Daniyel.
47 Boqorkiina waa u jawaabay Daanyeel oo wuxuu ku yidhi, Sida runta ah Ilaahaagu waa Ilaaha ilaahyada iyo Sayidka boqorrada, iyo mid muujiya waxyaalo qarsoon, maxaa yeelay, waxaad awoodday inaad daaha ka qaaddid qarsoodigan.
Sarki ya kuma ce wa Daniyel, “Tabbatacce Allahnka shi ne Allahn alloli da kuma Sarkin sarakuna da mai bayyana asirai, gama ka iya bayyana wannan asiri.”
48 Markaasaa boqorkii Daanyeel derejeeyey, oo wuxuu siiyey hadiyado badan oo waaweyn, wuuna u dhiibay taladii gobolkii Baabuloon oo dhan, oo wuxuu ka dhigay taliyaha madaxda u ah ragga xigmadda leh oo Baabuloon oo dhan.
Sai sarki ya ɗora Daniyel a babban matsayi ya kuma sanya shi mai mulki a kan dukan yankin ƙasar Babilon; ya kuma ɗora shi yă zama mai kula da duk masu hikima.
49 Daanyeelna boqorkuu weyddiistay inuu ka dhigo Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo inay axwaalkii gobolkii Baabuloon u taliyaan, Daanyeelse wuxuu joogay iridda boqorka.
Bugu da ƙari, bisa ga bukatar Daniyel sai sarki yă naɗa Shadrak da Meshak da Abednego su zama masu kula da harkokin lardin Babilon, amma Daniyel kuma ya tsaya a fadar sarki.

< Daanyeel 2 >