< Daanyeel 2 >

1 Oo sannaddii labaad oo boqornimadii Nebukadnesar ayaa Nebukadnesar riyooyin ku riyooday, markaasuu argaggaxay oo ay hurdadiisii ka baabba'day.
In the second year of Nebuchadnezzar's reign the king had dreams that upset him so much that he found it difficult to sleep.
2 Markaasaa boqorkii wuxuu ku amray in loo yeedho saaxiriintii, iyo xiddigiyayaashii iyo falalowyadii, iyo kuwii reer Kaldayiin ahaa, inay boqorka u sheegaan riyooyinkiisii. Markaasay soo galeen oo boqorkii hortiisa istaageen.
So the king summoned the magicians, enchanters, sorcerers, and astrologers to tell him what he had dreamed. They came in and stood before him.
3 Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Riyaan ku riyooday, waxaanan la argaggaxsanahay inaan ogaado waxa riyada micneheedu yahay.
“I've had a dream that has really upset me,” he told them. “I need to know what it means.”
4 Markaasaa kuwii reer Kaldayiin ahaa boqorkii kula hadleen afkii reer Suuriya, waxayna ku yidhaahdeen, Boqorow, weligaaba noolow. Bal riyadaada noo sheeg annagoo addoommadaada ah oo annana waxaannu kuu caddayn doonnaa fasirkeeda.
The astrologers answered the king in Aramaic, “May Your Majesty the king live forever! Tell us your dream and we your servants will interpret it for you.”
5 Boqorkii waa u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi kuwii reer Kaldayiin ahaa, Wixii waa iga tegey, oo haddaydnan ii caddayn riyadii iyo fasirkeediiba, waa laydin googooyn doonaa, guryahiinnana waxaa laga dhigi doonaa meel digo lagu tuulo.
“I can't recall it,” the king told the astrologers. “If you can't reveal the dream to me, and its meaning, you will be cut into pieces and your houses will be totally destroyed!
6 Laakiinse haddaad ii caddaysaan riyadii iyo fasirkeediiba, waxaan idin siin doonaa hadiyad iyo abaalgud iyo ciso weyn; haddaba sidaas daraaddeed ii caddeeya riyadii iyo fasirkeediiba.
But if you can tell me the dream and its meaning you will receive from me gifts, rewards, and great honor. So tell me the dream and what it means!”
7 Iyana mar labaad bay u jawaabeen oo waxay yidhaahdeen, Boqorow, annagoo ah addoommadaada, riyadii noo sheeg, oo annana waxaannu caddayn doonnaa fasirkeedii.
Again they said the same thing: “If Your Majesty the king would tell us his servants the dream, we will explain what it means.”
8 Boqorkiina waa jawaabay oo wuxuu yidhi, Xaqiiqa waan garanayaa inaad wakhti dheer qaadanaysaan, maxaa yeelay, waad og tihiin in wixii iga tegey.
“It's obvious to me that you're just trying to buy time!” said the king. “You can see that I can't remember the dream.
9 Laakiinse haddaydnan riyadii ii caddayn, de markaas sharci keliya ayaad leedihiin, waayo, waxaad soo diyaarsateen hadal been ah oo kharriban inaad igula hadashaan ilaa uu wakhtigu beddelmo. Haddaba riyadii ii sheega, dabadeedna waan ogaan doonaa inaad fasirkeediina ii caddayn kartaan.
If you can't reveal the dream to me, you will all receive the same punishment! You have conspired against me, telling me lies, hoping things will change. So tell me what my dream was and then I'll know that you can explain what it means.”
10 Kuwii reer Kaldayiin ahaana boqorkii bay u jawaabeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Dhulka ma joogo nin caddayn karaa xaalkaaga, boqorow; waayo, lama arag boqor, ama sayid, ama taliye waxan oo kale weyddiiyey saaxir ama xiddigiye, ama mid ka mid ah reer Kaldayiin toona.
The astrologers answered the king, “No one on earth could tell the king what he dreamed! Never before has a king, however great and powerful, demanded this of any magician, enchanter, or astrologer!
11 Waxaad weyddiisay, boqorow, waa wax aan badanaa la weyddiin dadka, qof kale oo boqorka u caddayn karaana ma jiro ilaahyada mooyaane, kuwaasoo aan hoygoodu binu-aadmiga la jirin.
What Your Majesty is asking is impossible! No one can tell Your Majesty what you dreamed, except the gods, and they do not live among us mortals.”
12 Sababtaas daraaddeed ayaa boqorkii cadhooday oo aad buu u dhirfay, oo wuxuu amray in la baabbi'iyo raggii Baabuloon oo xigmadda lahaa oo dhan.
This made the king extremely angry, and he ordered all the wise men of Babylon executed.
13 Amarkiina waa baxay, nimankii xigmadda lahaana waxaa la doonayay in la wada laayo, markaasay dooneen Daanyeel iyo saaxiibbadiis in la laayo.
The decree was issued. The wise men were about to be executed, and the king's men went looking for Daniel and his friends.
14 Daanyeelna jawaab buu talo iyo miyir ugu celiyey Aryoog oo ahaa sirkaalkii waardiyaha boqorka, oo u soo baxay inuu laayo raggii xigmadda lahaa oo Baabuloon oo dhan.
Daniel approached Arioch, the commander of the imperial guard, whom the king had put in charge of the order to execute all the wise men of Babylon. Wisely and tactfully
15 Wuxuu Aryoog oo ahaa sirkaalkii boqorka ugu jawaabay, Boqorku muxuu amarka ugu degdegay? Markaasaa Aryoog xaalkii ogeysiiyey Daanyeel.
Daniel asked him, “Why would the king issue such a harsh decree?” So Arioch explained to Daniel what had happened.
16 Markaasaa Daanyeel u galay, oo boqorkii weyddiistay inuu u qabto wakhti uu boqorka ugu caddeeyo riyada fasirkeedii.
Daniel immediately went to see the king and asked for more time to explain the dream and its meaning to him.
17 Markaasaa Daanyeel gurigiisii tegey, oo xaalkii ogeysiiyey Xananyaah, iyo Miishaa'eel, iyo Casaryaah, oo ahaa saaxiibbadiis,
Then Daniel went home and shared with Hananiah, Mishael, and Azariah what was going on.
18 inay Ilaaha samada weyddiistaan naxariis ku saabsan qarsoodigan, oo ayan Daanyeel iyo saaxiibbadiis la baabbi'in raggii Baabuloon oo xigmadda lahaa intoodii kale.
He told them to pray to the God of heaven, asking for help regarding this mystery, so that he and his friends would not be killed along with the rest of the wise men of Babylon.
19 Markaasaa qarsoodigii Daanyeel tusniin loogu muujiyey goor habeen ah. Daanyeelna Ilaaha samada ayuu u mahadnaqay.
That night the mystery was revealed to Daniel in a vision. Then Daniel praised the God of heaven:
20 Daanyeelna waa jawaabay oo wuxuu yidhi, Ammaan waxaa leh magaca Ilaah weligiis iyo weligiis; waayo, isagaa leh xigmad iyo xoogba;
“Praise the wonderful nature of God forever and ever, for he is wise and powerful.
21 oo wakhtiyada iyo xilliyadana isagaa kala bedbeddela; isagaa boqorro dejiya oo boqorro saara. Xigmad buu siiyaa kuwa xigmadda leh, aqoonna wuu siiyaa kuwa wax garta.
He is in charge of time and history. He removes kings, and he sets kings in place. He gives wisdom to make people wise; he gives knowledge to people so they can understand.
22 Wuu muujiyaa waxyaalaha fog iyo qarsoodigaba; wuuna yaqaan waxa gudcurka ku jira, nuurkuna isaguu la joogaa.
He reveals deep, mysterious things. He knows what lies in darkness, and light lives in his presence.
23 Waan kugu mahadnaqayaa, oo waan ku ammaanayaa, Ilaaha awowayaashayow, oo i siiyey xigmad iyo xoog, oo haatan i ogeysiiyey wixii aannu kaa doonaynay; waayo, waad na ogeysiisay xaalkii boqorka.
I give thanks and praise to you, God of my fathers, for you have given me wisdom and power. Now you have revealed to me what we asked you; you have revealed to us the king's dream.”
24 Sidaas daraaddeed Daanyeel wuxuu u galay Aryoog, oo boqorku u doortay inuu baabbi'iyo raggii xigmadda lahaa oo Baabuloon. Bal i gee boqorka hortiisa, oo anna waxaan boqorka u caddayn doonaa fasirkii riyada.
So Daniel went to Arioch whom the king had ordered to execute the wise men of Babylon and told him, “Don't execute the wise men of Babylon! Take me to see the king and I will explain to him his dream.”
25 Markaasaa Aryoog haddiiba Daanyeel boqorka u soo geliyey oo wuxuu ku yidhi, Maxaabiistii reer Yahuudah ayaan ka helay nin ku ogeysiin doona fasirkii riyadaada, boqorow.
Arioch immediately took Daniel to the king and told him, “I've found one of the captives from Judah who can tell Your Majesty what your dream means.”
26 Markaasaa boqorkii u jawaabay oo ku yidhi Daanyeel, oo magiciisa la odhan jiray Beelteshaasar, Ma i ogeysiin kartaa riyadii aan arkay iyo fasirkeediiba?
The king asked Daniel (also called Belteshazzar), “Are you really able to tell me what my dream was, and what it means?”
27 Daanyeelna waa jawaabay isagoo boqorkii hor taagan, oo wuxuu yidhi, Qarsoodigii aad weyddiisay, boqorow, kuuma caddayn karaan rag xigmad lahu, ama xiddigiyayaal, ama saaxiriin, ama kuwa wax sii sheega toona;
“No wise men or enchanters or magicians or diviners can explain the mystery Your Majesty wants to know,” Daniel replied.
28 laakiinse samada waxaa jooga Ilaah muujiya waxyaalaha qarsoon, oo isagu wuxuu ku ogeysiiyey, boqor Nebukadnesarow, waxa jiri doona ugu dambaysta.
“But there is a God in heaven who reveals mysteries, and he has revealed to King Nebuchadnezzar what will happen in the last days. Your dream and the visions that came to your mind as you were lying in bed were these.
29 Riyadaadii iyo waxyaalihii lagu tusay adoo sariirtaada ku jiifa waa kuwan: Boqorow, sariirtaada ayaad ku dul fikirtay, oo waxaad istidhi, Maxaa dhici doona hadda ka dib? Oo kan waxyaalo qarsoon muujiyaa wuxuu ku ogeysiiyey waxa dhici doona.
As Your Majesty lay there, your thoughts turned to the future, and the revealer of mysteries showed you what would take place.
30 Laakiinse aniga qarsoodigan la iiguma muujin xigmad aan dheerahay dad kale oo nool, laakiinse sababtu waa in lagu ogeysiiyo fasirkii riyadaada, boqorow, iyo inaad ogaatid fikirrada qalbigaaga.
It's not because I have any more wisdom than anyone else that this mystery has been revealed to me, but to explain to Your Majesty what you were thinking about so you could understand.
31 Boqorow, waxaad aragtay ekaan weyn. Ekaantan xoogga weynayd, oo dhalaalkeedu aad u wanaagsanaa, hortaaday istaagtay; soojeedkeeduna wuxuu ahaa mid laga cabsado.
Your Majesty, as you looked, there before you stood a great statue. The statue standing in front of you was huge, and blazingly bright. It looked terrifying!
32 Ekaantaasna madaxeedu wuxuu ahaa dahab wanaagsan, laabteeda iyo gacmaheeduna waxay ahaayeen lacag, caloosheeda iyo bowdooyinkeeduna waxay ahaayeen naxaas.
The head of the statue was gold, the chest and arms were silver, its middle and thighs were bronze,
33 Lugaheeduna waxay ahaayeen bir, cagaheeda qaar wuxuu ahaa bir, qaarna wuxuu ahaa dhoobo.
its legs were iron, and its feet were iron and baked clay.
34 Oo waxaad aragtay ilaa uu dhagax aan gacmo lagu gooyn ekaantii kaga dhacay cagihii ahaa birta iyo dhoobada, wayna kala burbureen.
While you were watching, a stone was quarried, but not by human hands. It struck the iron and clay feet of the statue and smashed them to pieces.
35 Markaasaa birtii, iyo dhoobadii, iyo naxaastii, iyo lacagtii, iyo dahabkiiba wada burbureen, oo waxay noqdeen sida buunshaha meelaha wax lagu tumo; dabayl baana la tagtay, si aan meella loogu helin; markaasaa dhagaxii ekaanta ku dhacay wuxuu noqday buur weyn, oo dhulka oo dhan buuxiyey.
Then the rest of the statue—the bronze, the silver, and the gold—broke into pieces like the iron and clay. The wind blew them all away like chaff from the summer threshing floor, so that no trace of them could be found. But the stone that struck the statue became a great mountain and filled the whole earth.
36 Riyadii waa tan, fasirkiina annagaa ku sheegi doonna boqorka hortiisa.
This was the dream, and now we will explain what it means to the king.
37 Adigu, Boqorow, waxaad tahay boqorkii boqorrada, oo Ilaaha samadu siiyey boqortooyada, iyo xoogga, iyo itaalka iyo ammaanta.
Your Majesty, you are the king of kings to whom the God of heaven has given the kingdom, and power, strength, and glory.
38 Oo meel kasta oo binu-aadmigu joogo, dugaagga duurka, iyo haadka samadaba gacantuu kuu geliyey, wuxuuna ka dhigay inaad xukunto kulligood; adigu madaxii dahabka ahaa baad tahay.
He gave you control over all peoples, as well as the wild animals and birds. He made you ruler of all of them. You are the head of gold.
39 Oo waxaa adiga dabadaa kici doona boqortooyo kaa xoog yar, iyo boqortooyo kale oo saddexaad oo naxaas ah oo dhulka oo dhan xukumi doonta.
But after you another kingdom will rise that is inferior to your kingdom and will replace yours. After that a third kingdom that is bronze will rise and rule over the whole world.
40 Oo boqortooyada afraadna waxay u xoog badnaan doontaa sida birta; waayo, birtu way jejebisaa, wayna ka adkaataa wax walba; oo sida birtu u burburiso kuwan oo dhan ayay u jejebin oo ay u burburin doontaa.
The fourth kingdom will be strong as iron and in the same way that iron crushes and smashes everything; it will crush and smash all others.
41 Oo sidaad u aragtay cagaha iyo faraha lugeed oo qaar yahay dhoobadii dheryasameeyaha, qaarna yahay birta, ayay u noqon doontaa boqortooyo kala qaybsan, laakiinse waxaa ku jiri doona xooggii birta, sidaad u aragtay birta ku qasan dhoobada dheryaha laga sameeyo.
You saw the feet and toes made from iron and baked clay, and this indicates it will be a divided kingdom. It will have some of the strength of iron but mixed with clay.
42 Oo sidii faraha cagaha qaarkood bir u ahaa, qaarna dhoobo u ahaa, ayaa boqortooyada qaarkeedna u xoog badnaan doonaa, qaarkeedna u jabi doonaa.
As the toes were partly iron and partly clay, the kingdom will be partly strong and partly brittle.
43 Oo sidaad u aragtay dhoobada dheryaha laga sameeyo iyo birta isku qasan, ayay isugu qasi doonaan farcanka dadka; laakiinse isma ay qabsan doonaan, sida aanay birtu ugu qasmi karin dhoobada.
In the same way that you saw the iron mixed with ordinary clay, so the people will mix but they will not stick together just as iron and clay do not mix.
44 Oo wakhtiga boqorradaas ayaa Ilaaha samadu dhisi doonaa boqortooyo aan weligeed la baabbi'inayn, ama dowladnimadeedu aanay dad kale uga wareegayn, laakiinse way jejebin doontaa oo baabbi'in doontaa boqortooyooyinkaas oo dhan, markaasay weligeed taagnaan doontaa.
During the time of these kings the God of heaven will set up an eternal kingdom that will never be destroyed or taken over by others. It will crush all these kingdoms, bringing them to an end, and it will last forever,
45 Waayo, waxaad aragtay dhagax buurta laga soo gooyay oo aan gacmo lagu gooyn, oo kala jejebiyey birtii, iyo naxaastii, iyo dhoobadii, iyo lacagtii, iyo dahabkii; Ilaaha weynu wuxuu, boqorow, ku ogeysiiyey waxa dhici doona hadda dabadeed, riyaduna waa dhab, fasirkeeduna waa wax la hubo.
in the same way that you saw the stone quarried from the mountain, but not by human hands, crush the iron, bronze, clay, silver, and gold. The great God has revealed to Your Majesty what is to come. The dream is true, and the explanation is trustworthy.”
46 Markaasaa boqorkii ahaa Nebukadnesar wejigiisa u dhacay, oo u sujuuday Daanyeel, oo wuxuu amray inay u bixiyaan qurbaan iyo foox udgoon.
Then King Nebuchadnezzar fell down before Daniel and worshiped him, and ordered offerings of grain and incense to be made to him.
47 Boqorkiina waa u jawaabay Daanyeel oo wuxuu ku yidhi, Sida runta ah Ilaahaagu waa Ilaaha ilaahyada iyo Sayidka boqorrada, iyo mid muujiya waxyaalo qarsoon, maxaa yeelay, waxaad awoodday inaad daaha ka qaaddid qarsoodigan.
The king said to Daniel, “Truly, your God is the God of gods, the Lord of kings, the revealer of mysteries, for you have been able to reveal this mystery.”
48 Markaasaa boqorkii Daanyeel derejeeyey, oo wuxuu siiyey hadiyado badan oo waaweyn, wuuna u dhiibay taladii gobolkii Baabuloon oo dhan, oo wuxuu ka dhigay taliyaha madaxda u ah ragga xigmadda leh oo Baabuloon oo dhan.
Then the king promoted Daniel to a high position and gave him many expensive gifts, making him governor over the whole province of Babylon and head of all the wise men of Babylon.
49 Daanyeelna boqorkuu weyddiistay inuu ka dhigo Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo inay axwaalkii gobolkii Baabuloon u taliyaan, Daanyeelse wuxuu joogay iridda boqorka.
At Daniel's request, the king placed Shadrach, Meshach, and Abednego in charge of the province of Babylon, and Daniel remained at the king's court.

< Daanyeel 2 >