< Daanyeel 12 >

1 Oo wakhtigaas waxaa kici doona Mikaa'iil oo ah amiirka weyn oo dadkaaga u kici doona, oo waxaa jiri doona wakhti dhib badan, oo aan isagoo kale weli la arag intii quruunu jirtay ilaa waagaas, oo wakhtigaas dadkaaga waa la samatabbixin doonaa, mid kasta oo laga helo isagoo ku qoran kitaabka.
Katika kipindi hicho, Mikaeli, jemedari mkuu ambaye huwalinda watu wako, atainuka. Kutakuwa na wakati wa mateso ambao haujawahi kutokea tangu mwanzo wa taifa lolote mpaka kipindi hicho. Katika muda huo watu wako wataokolewa, yeyote ambaye jina lake litapatikana katika kitabu.
2 Oo qaar badan oo ku hurda ciidda dhulka ayaa soo toosi doona, qaarkood waxay u soo toosi doonaan nolol weligeed ah, qaarkoodna waxay u soo toosi doonaan ceeb iyo quudhsasho weligeed ah.
Na wengi wa wale waliolala katika mavumbi ya dunia watainuka. baadhi kwa uzima wa milele na baadhi kwa ajili ya fedheha na matwezo ya milele.
3 Oo kuwa xigmadda lahu waxay u dhalaali doonaan sida nuurka samada; kuwii kuwo badan xaqnimada u soo jeediyaana sida xiddigaha weligood iyo weligood.
Wale wenye hekima watang'ara kama mng'ao wa anga la juu, na wale wenye kuwaelekeza wengine katika haki, watakuwa kama nyota milele na milele.
4 Laakiinse adigu Daanyeelow, erayada xidh, kitaabkana shaabadee, ilaa wakhtiga ugu dambaysta. Kuwo badan baa hore iyo dib u roori doona, aqoontuna waa kordhi doontaa.
Lakini wewe, Danieli, yafunge maneno haya; kihifadhi kitabu kikiwa kimetiwa chapa mpaka nyakati za mwisho. Watu wengi watakimbia huku na kule, na maarifa yataongezeka.
5 Markaasaan anigoo Daanyeel ah wax fiiriyey, oo bal eeg, waxaan arkay laba kale oo taagtaagan, mid wuxuu taagnaa webiga qarkiisa soke, kan kalena wuxuu taagnaa webiga qarkiisa shishe.
Kisha mimi, Danieli, nilitazama, na kulikuwa na malaika wengine wawili wamesimama. Mmoja alisimama katika upande huu wa ukingo wa mto, na mwingine alisimama katika ukingo wa upande mwingine wa mto.
6 Oo mid baa ku yidhi ninkii dharka wanaagsan qabay, oo biyaha webiga dushooda joogay, Ilaa goormuu ahaan doonaa dhammaadka yaababkanu?
Mmoja wao alimwambia mtu aliyevaa nguo za kitani, yeye aliyekuwa juu ya mkondo wa mto, “Je itachukua muda gani mpaka mwisho wa matukio haya ya kushangaza?”
7 Oo waxaan maqlay ninkii dharka wanaagsan qabay, oo biyaha webiga dushooda joogay, markuu gacantiisii midig iyo gacantiisii bidix samada u taagay oo ku dhaartay kan weligiis nool inay noqon doonto wakhti iyo wakhtiyo iyo wakhti badhkiis; oo markay dhammeeyaan jejebinta xoogga dadka quduuska ah ayaa waxyaalahan oo dhammu dhammaan doonaan.
Nilimsikia mtu yule aliyevaa nguo za kitani, aliyekuwa juu katika mkondo wa mto, aliinua mkono wake wa kuume na mkono wake wa kushoto kuelekea mbinguni na kuapa kwa yeye aishiye milele kwamba itakuwa kwa wakati, nyakati, na nusu wakati. Na wakati nguvu za watu watakatifu zitakapokuwa zimeshaharibiwa, mambo haya yote yatakuwa yamemalizika.
8 Oo anigu waan maqlay, mase garanin, markaasaan idhi, Sayidkaygiiyow, waxyaalahan dhammaadkoodu muxuu ahaan doonaa?
Nilisikia, lakini sikufahamu. Basi nikamwuliza, “Bwana wangu, mambo haya yote yatakuwa na matokeo gani?”
9 Markaasuu wuxuu igu yidhi, Daanyeelow, iska tag, waayo, erayadii waa la xidhay oo la shaabadeeyey ilaa wakhtiga ugu dambaysta.
Alisema, “Nenda zako Danieli, kwa kuwa maneno yamefungwa na kutiwa chapa mpaka wakati wa mwisho.
10 Qaar badan baa isdaahirin doona, oo iscaddayn doona, waana la tijaabin doonaa; laakiinse kuwa sharka ahu sharnimay samayn doonaan; oo inta sharka ah midkoodna wax ma garan doono, laakiinse kuwa xigmadda leh ayaa wax garan doona.
Watu wengi watakuwa wametakaswa, wameoshwa, na kusafishwa, lakini waovu wataenenda katika uovu.
11 Oo wakhtiga qurbaanka joogtada ah la qaadi doono, ilaa la taagi doono waxa baas oo wax baabbi'iya, waxaa jiri doona kun iyo laba boqol iyo sagaashan maalmood.
Katika muda ule ambapo sadaka ya kawaida ya kuteketezwa itakapokuwa imeondolewa na chukizo la uharibifu liliosababisha ukiwa limesimamishwa, kutakuwa na siku zipatazo 1, 290.
12 Waxaa barakaysan ka suga ee gaadha kunka iyo saddexda boqol iyo shan iyo soddonka maalmood.
Ana heri mtu yule anayengojea mpaka mwisho wa siku 1, 335.
13 Laakiinse iska tag ilaa wakhtiga ugu dambaystu ahaado, waayo, waad nasan doontaa, maalmaha dabaadigoodana qaybtaadaad isu taagi doontaa.
Unapaswa uondoke uende njia yako hata mwisho, na kisha utapumzika. Utainuka katika sehemu uliyopewa, mwishoni mwa siku.”

< Daanyeel 12 >