< Daanyeel 11 >

1 Daariyus oo reer Maaday ahaa, sannaddiisii kowaad ayaan u istaagay inaan caawiyo oo xoogaysiiyo isaga.
Y EN el año primero de Darío el de Media, yo estuve para animarlo y fortalecerlo.
2 Oo haatan runtaan kuu sheegayaa, Bal ogow, weliba saddex boqor baa Faaris ka kici doonee, kan afraadna kulligood waa ka wada maal badnaan doonaa, oo markuu maalkiisa aad ugu xoogaysto, ayuu dhammaan boqortooyada Gariigta ku kicin doonaa.
Y ahora yo te mostraré la verdad. He aquí que aun habrá tres reyes en Persia, y el cuarto se hará de grandes riquezas más que todos; y fortificándose con sus riquezas, despertará á todos contra el reino de Javán.
3 Oo waxaa kici doona boqor xoog badan, oo talo weyn ku talin doona, hadba siduu doonayana yeeli doonaa.
Levantaráse luego un rey valiente, el cual se enseñoreará sobre gran dominio, y hará su voluntad.
4 Oo markuu kaco, ayaa boqortooyadiisu jabi doontaa, waxaana loo kala qaybin doonaa afarta jaho oo samada, laakiin farcankiisa iyo sida dowladnimadiisu ahayd toona looma qaybin doono, waayo, boqortooyadiisa waa la rujin doonaa, oo waxaa yeelan doona kuwo kale oo aan kuwan ahayn.
Pero cuando estará enseñoreado, será quebrantado su reino, y repartido por los cuatro vientos del cielo; y no á sus descendientes, ni según el señorío con que él se enseñoreó: porque su reino será arrancado, y para otros fuera de aquellos.
5 Oo boqorka koonfureed ayaa xoog yeelan doona, oo mid amiirradiisa ka mid ah ayaa ka sii xoog badnaan doona, wuxuuna yeelan doonaa dowladnimo, oo dowladnimadiisuna waxay noqon doontaa dowladnimo weyn.
Y haráse fuerte el rey del mediodía: mas [uno] de los príncipes de aquél le sobrepujará, y se hará poderoso; su señorío será grande señorío.
6 Sannado dabadoodna way isku darsami doonaan kulligood, oo boqorka koonfureed gabadhiisa ayaa u iman doonta boqorka woqooyi inay heshiis la dhigato; laakiinse gacanteedu xoog ma sii yeelan doonto; isaga iyo gacantiisuna sii ma taagnaan doonaan, laakiinse waa la sii dayn doonaa iyada, iyo kuwii keenay, iyo kii dhalay, iyo kii waayahaas iyada xoogayn jirayba.
Y al cabo de años se concertarán, y la hija del rey del mediodía vendrá al rey del norte para hacer los conciertos. Empero ella no podrá retener la fuerza del brazo: ni permanecerá él, ni su brazo; porque será entregada ella, y los que la habían traído, asimismo su hijo, y los que estaban de parte de ella en aquel tiempo.
7 Laakiinse biqil ka baxay jiriddii ay ka soo farcantay ayaa meeshiisa istaagi doona oo u iman doona ciidanka, oo wuxuu soo geli doonaa boqorka woqooyi qalcaddiisa, wuuna ka gees ahaan doonaa iyaga, kolkaasuu ka adkaan doonaa.
Mas del renuevo de sus raíces se levantará uno sobre su silla, y vendrá con ejército, y entrará en la fortaleza del rey del norte, y hará en ellos [á su arbitrio], y predominará.
8 Oo weliba wuxuu xagga Masar qaadan doonaa ilaahyadooda, iyo sanamyadooda la shubay, iyo weelashoodii wanaagsanaa ee laga sameeyey lacagta iyo dahabka, oo intii dhawr sannadood ah ayuu ka hadhi doonaa boqorka woqooyi.
Y aun los dioses de ellos, con sus príncipes, con sus vasos preciosos de plata y de oro, llevará cautivos á Egipto: y por años se mantendrá él contra el rey del norte.
9 Oo wuxuu iman doonaa boqortooyada boqorka koonfureed, laakiin waddankiisuu ku noqon doonaa.
Así entrará en el reino el rey del mediodía, y volverá á su tierra.
10 Wiilashiisuna way dagaallami doonaan, oo waxay urursan doonaan ciidan faro badan oo imanaya, oo dhulka qarqinaya, oo dhex maraya, markaasuu soo noqon doonaa oo la dagaallami doonaa ilaa qalcaddiisa.
Mas los hijos de aquél se airarán, y reunirán multitud de grandes ejércitos: y vendrá á gran priesa, é inundará, y pasará, y tornará, y llegará con ira hasta su fortaleza.
11 Oo boqorka koonfureed wuu cadhoon doonaa, kolkaasuu soo bixi doonaa oo la dagaallami doonaa boqorka woqooyi, oo wuxuu soo bixin doonaa dad faro badan, dadka faraha badanna isagaa gacanta loo gelin doonaa.
Por lo cual se enfurecerá el rey del mediodía, y saldrá, y peleará con el mismo rey del norte; y pondrá en campo gran multitud, y toda aquella multitud será entregada en su mano.
12 Oo dadka faraha badanna waa la qaadi doonaa, qalbigiisuna wuu kibri doonaa; oo tobanyaal kun buu hoos u tuuri doonaa, mase adkaan doono.
Y la multitud se ensoberbecerá, elevaráse su corazón, y derribará muchos millares; mas no prevalecerá.
13 Oo markaasaa waxaa soo noqon doona boqorkii woqooyi, oo wuxuu soo bixin doonaa dad faro badan oo kuwii hore ka sii badan; oo sannado dabadood wuxuu la iman doonaa ciidan badan iyo maal badan.
Y el rey del norte volverá á poner en campo mayor multitud que primero, y á cabo del tiempo de años vendrá á gran priesa con grande ejército y con muchas riquezas.
14 Oo wakhtigaasna dad badan baa ka gees noqon doona boqorka koonfureed; oo weliba kuwa wax dulma oo dadkaaga ku dhex jira ayaa kici doona si ay riyadu u dhisanto; laakiinse way dhici doonaan.
Y en aquellos tiempos se levantarán muchos contra el rey del mediodía; é hijos de disipadores de tu pueblo se levantarán para confirmar la profecía, y caerán.
15 Sidaasuu boqorkii woqooyi u iman doonaa, oo tuulmo buu tuuli doonaa, oo magaalo deyr lehna wuu qaadan doonaa, ciidanka koonfureedna isma hor taagi doonaan, iyo dadkiisa uu doortay toona, oo xoog ay isku hor taagaanna ma jiri doono.
Vendrá pues el rey del norte, y fundará baluartes, y tomará la ciudad fuerte; y los brazos del mediodía no podrán permanecer, ni su pueblo escogido, ni habrá fortaleza que pueda resistir.
16 Laakiin kan isaga ku kaca ayaa hadba siduu doonayo yeeli doona, oo ninna isma hor taagi doono. Oo wuxuu dhex istaagi doonaa dhulka quruxda leh, gacantiisana waxaa ku jiri doona baabbi'in.
Y el que vendrá contra él, hará á su voluntad, ni habrá quien se le pueda parar delante; y estará en la tierra deseable, la cual será consumida en su poder.
17 Inuu xoogga boqortooyadiisa oo dhan la yimaado aawadeed ayuu wejigiisa u jeedin doonaa, waxaana la jiri doona kuwa qumman, markaasuu siduu doonayo yeeli doonaa; oo waxaa la siin doonaa gabadha dumarka si uu u kharribo, laakiin ma ay istaagi doonto, tiisiina ma ay noqon doonto.
Pondrá luego su rostro para venir con el poder de todo su reino; y hará con aquél cosas rectas, y darále una hija de mujeres para trastornarla: mas no estará ni será por él.
18 Taas dabadeedna wuxuu u jeesan doonaa xagga gasiiradaha, kuwo badanna wuu qaadan doonaa, laakiinse mid amiir ah ayaa caydii uu caayay joojin doona; oo weliba caydiisii isaguu ku celin doonaa.
Volverá después su rostro á las islas, y tomará muchas; mas un príncipe le hará parar su afrenta, y aun tornará sobre él su oprobio.
19 Markaasuu haddana u jeesan doona xagga qalcadaha waddankiisa, laakiinse wuu turunturoon doonaa oo dhici doonaa, lamana heli doono.
Luego volverá su rostro á las fortalezas de su tierra: mas tropezará y caerá, y no parecerá más.
20 Dabadeedna waxaa meeshiisii istaagi doona mid ka dhigi doona in cashuurqaade boqortooyada ammaanteeda dhex maro, laakiin dhawr maalmood dabadood ayaa la jebin doonaa, lagumase jebin doono cadho ama dagaal.
Entonces sucederá en su silla uno que hará pasar exactor por la gloria del reino; mas en pocos días será quebrantado, no en enojo, ni en batalla.
21 Oo waxaa meeshiisii qaadan doona mid la quudhsado, oo aan la siinin murwaddii boqortooyada, laakiin wuxuu iman doonaa wakhtiga nabadgelyada, oo boqortooyadana sasabashuu ku qaadan doonaa.
Y sucederá en su lugar un vil, al cual no darán la honra del reino: vendrá empero con paz, y tomará el reino con halagos.
22 Oo iyaga hortiisa ayaa laga xaaqi doonaa, sida daadku wax u qarqiyo oo kale, waana la jebin doonaa iyagii, iyo weliba amiirkii axdigaba.
Y con los brazos de inundación serán inundados delante de él, y serán quebrantados; y aun también el príncipe del pacto.
23 Oo markii wacad lala dhigto dabadeed ayuu si khiyaano ah ku shaqaysan doonaa, waayo, dad yar buu la soo bixi doonaa, wuuna xoog badnaan doonaa.
Y después de los conciertos con él, él hará engaño, y subirá, y saldrá vencedor con poca gente.
24 Wakhtiga nabadgelyada ayuu iman doonaa xataa meelaha gobolka ugu barwaaqo badan, markaasuu wuxuu samayn doonaa wax aan awowayaashiis iyo abkowyadiis midkoodna samayn; oo wuxuu ku dhex firdhin doonaa wax la boobay iyo dhac iyo maal: oo intii wakhti ayuu wax qalcadaha ka gees ah ku fikiri doonaa.
Estando la provincia en paz y en abundancia, entrará y hará lo que no hicieron sus padres, ni los padres de sus padres; presa, y despojos, y riquezas repartirá á sus soldados; y contra las fortalezas formará sus designios: y [esto] por tiempo.
25 Markaasuu xooggiisa iyo geesinimadiisa ku kicin doonaa boqorka koonfureed, isagoo ciidan badan wata, boqorka koonfureedna isaguu la dagaallami doona isagoo wata ciidan aad u xoog badan, laakiinse isma uu taagi doono, maxaa yeelay, wax ka gees ah bay ku fikiri doonaan.
Y despertará sus fuerzas y su corazón contra el rey del mediodía con grande ejército: y el rey del mediodía se moverá á la guerra con grande y muy fuerte ejército; mas no prevalecerá, porque le harán traición.
26 Oo kuwii quudkiisii cunay ayaa jebin doona isaga, oo ciidankiisuna dalkuu qarqin doonaa, oo kuwo badan baa dhici doona iyagoo la laayay.
Aun los que comerán su pan, le quebrantarán; y su ejército será destruído, y caerán muchos muertos.
27 Oo labadaas boqorba qalbiyadoodu waxay ka shaqayn doonaan belaayo, oo miis keliya ayay been isugu sheegi doonaan; laakiinse ma ay hagaagi doonto; waayo, weliba ugudambaystu waxay noqon doontaa wakhtigii la xugmay.
Y el corazón de estos dos reyes será para hacer mal, y en una misma mesa tratarán mentira: mas no servirá de nada, porque el plazo aun no es llegado.
28 Markaasuu dhulkiisii ku noqon doonaa isagoo maal badan wata, qalbigiisuna ka gees buu noqon doonaa axdiga quduuska ah; siduu doonayo ayuu yeeli doonaa oo dhulkiisuu ku noqon doonaa.
Y volveráse á su tierra con grande riqueza, y su corazón [será] contra el pacto santo: hará pues, y volveráse á su tierra.
29 Wakhtigii loo xugmay ayuu noqon doonaa oo koonfurtuu iman doonaa; laakiinse wakhtiga ugu dambaysta ma noqon doono sidii kii hore,
Al tiempo señalado tornará al mediodía; mas no será la postrera [venida] como la primera.
30 waayo, doonniyaha Kitiim ayaa soo weerari doona; oo sidaas daraaddeed ayuu u quusan doonaa, oo u noqon doonaa, oo wuxuu u cadhoon doonaa axdiga quduuska ah oo siduu doonayo ayuu yeeli doonaa, oo xataa wuu noqon doonaa, wuuna u fiirsan doonaa kuwa ka taga axdiga quduuska ah.
Porque vendrán contra él naves de Chîttim, y él se contristará, y se volverá, y enojaráse contra el pacto santo, y hará: volveráse pues, y pensará en los que habrán desamparado el santo pacto.
31 Oo ciidan baa isaga la gees noqon doona, oo waxay nijaasayn doonaan meesha quduuska ah ee qalcadda leh, oo waxay qaadan doonaan qurbaanka joogtada, oo waxay qotomin doonaan waxa baas oo wax baabbi'iya.
Y serán puestos brazos de su parte; y contaminarán el santuario de fortaleza, y quitarán el continuo [sacrificio], y pondrán la abominación espantosa.
32 Oo kuwa wax baas oo axdiga ka gees ah sameeya ayuu sasabasho ku qalloocin doonaa; laakiinse dadka Ilaahooda yaqaan way xoog badnaan doonaan, oo waxyaalo waaweyn bay samayn doonaan.
Y con lisonjas hará pecar á los violadores del pacto: mas el pueblo que conoce á su Dios, se esforzará, y hará.
33 Oo kuwa xigmadda leh oo dadka ku dhex jira, kuwo badan bay wax bari doonaan; laakiinse maalmo badan bay ku dhici doonaan seef, iyo olol, iyo maxbuusnimo, iyo dhac.
Y los sabios del pueblo darán sabiduría á muchos: y caerán á cuchillo y á fuego, en cautividad y despojo, por días.
34 Haddaba markay dhacaan baa lagu caawin doonaa caawimaad yar, laakiinse qaar badan baa iyagoo sasabanaya ku darsami doona.
Y en su caer serán ayudados de pequeño socorro: y muchos se juntarán á ellos con lisonjas.
35 Oo qaarkooda xigmadda leh ayaa dhici doona, si loo tijaabiyo, oo loo daahiriyo, oo loo caddeeyo, ilaa wakhtiga ugudambaysta, maxaa yeelay, waa weli wakhtigii la xugmay.
Y algunos de los sabios caerán para ser purgados, y limpiados, y emblanquecidos, hasta el tiempo determinado: porque aun para esto hay plazo.
36 Oo boqorku siduu doonuu yeeli doonaa; wuuna isa sarraysiin doonaa oo iska weynaysiin doonaa ilaah kasta, oo waxyaalo yaab miidhan ah ayuu kaga hadli doonaa Ilaaha ilaahyada, wuuna iska barwaaqoobi doonaa ilaa ay cadhadu buuxsanto; waayo, wixii la goostay ayaa la samayn doonaa.
Y el rey hará á su voluntad; y se ensoberbecerá, y se engrandecerá sobre todo dios: y contra el Dios de los dioses hablará maravillas, y será prosperado, hasta que sea consumada la ira: porque hecha está determinación.
37 Umana fiirsan doono ilaahyadii awowayaashiis, ama waxa dumarku jecel yihiin, oo ilaahna uma fiirsan doono, waayo, wuu iska weynaysiin doonaa wax kasta.
Y del Dios de sus padres no se cuidará, ni del amor de las mujeres: ni se cuidará de dios alguno, porque sobre todo se engrandecerá.
38 Laakiinse meeshiisuu ku cisayn doonaa ilaaha qalcadaha; oo ilaah aanay awowayaashiis garanayn ayuu ku cisayn doonaa dahab iyo lacag iyo dhagaxyo qaali ah, iyo waxyaalo fiican.
Mas honrará en su lugar al dios Mauzim, dios que sus padres no conocieron: honrarálo con oro, y plata, y piedras preciosas, y con cosas de gran precio.
39 Oo ilaah qalaad caawimaaddiis ayuu wax ku samayn doonaa qalcadaha ugu xoogga badan, oo mid kasta oo isaga aqoonsada wuxuu u kordhin doonaa ammaan; wuxuuna ka dhigi doonaa inay xukumaan kuwo badan, dhulkana abaal buu ugu kala qaybin doonaa.
Y con el dios ajeno que conocerá, hará á los baluartes de Mauzim crecer en gloria: y harálos enseñorear sobre muchos, y por interés repartirá la tierra.
40 Wakhtiga ugu dambaysta ayaa boqorka koonfureed la dagaallami doonaa isaga, oo boqorka woqooyina wuxuu ugu iman doonaa sida dabayl cirwareen ah, isagoo wata gaadhifardood, iyo fardooley, iyo doonniyo badan, wuxuuna soo dhex geli doonaa waddammada, wuuna qarqin doonaa, oo dhex mari doonaa.
Empero al cabo del tiempo el rey del mediodía se acorneará con él; y el rey del norte levantará contra él como tempestad, con carros y gente de á caballo, y muchos navíos; y entrará por las tierras, é inundará, y pasará.
41 Wuxuu kaloo dhex geli doonaa dhulka quruxda leh, oo waddammo badan oo kalena waa la afgembiyi doonaa, laakiin waxaa gacantiisa laga samatabbixin doonaa Edom, iyo Moo'aab, iyo kuwa waaweyn oo reer Cammoon.
Y vendrá á la tierra deseable, y muchas [provincias] caerán; mas éstas escaparán de su mano: Edom, y Moab, y lo primero de los hijos de Ammón.
42 Oo haddana gacantiisuu waddammada ku fidin doonaa, oo dalka Masarna ma baxsan doono.
Asimismo extenderá su mano á las [otras] tierras, y no escapará el país de Egipto.
43 Laakiinse xoog buu u yeelan doonaa khasnadaha dahabka iyo lacagta ah, iyo waxyaalaha qaaliga ah ee Masar oo dhan. Oo weliba dadka Liibiya, iyo dadka Itoobiyana tallaabooyinkiisay daba geli doonaan.
Y se apoderará de los tesoros de oro y plata, y de todas las cosas preciosas de Egipto, de Libia, y Etiopía por donde pasará.
44 Laakiinse warar bari iyo woqooyi ka yimid ayaa ka welwelin doona isaga, markaasuu isagoo aad u cadhaysan u soo bixi doonaa inuu kuwo badan baabbi'iyo oo idleeyo.
Mas nuevas de oriente y del norte lo espantarán; y saldrá con grande ira para destruir y matar muchos.
45 Oo wuxuu teendhooyinkiisii boqornimo ka taagi doonaa meel u dhaxaysa badda iyo buurta qurxoon oo quduuska ah; laakiin mar buu dhammaadkiisu iman doonaa; oo ninna ma caawin doono.
Y plantará las tiendas de su palacio entre los mares, en el monte deseable del santuario; y vendrá hasta su fin, y no tendrá quien le ayude.

< Daanyeel 11 >