< Kolosay 3 >
1 Haddaba haddii laydinla soo sara kiciyey Masiix, doondoona waxyaalaha korka yaal, meesha uu Masiixu joogo, isagoo fadhiya midigta Ilaah.
你們既然與基督一同復活了,就該追求天上的事,在那裡有基督坐在天主的右邊。
2 Ka fikira waxyaalaha korka yaal, hana ka fikirina waxyaalaha dhulka yaal.
你們該思念天上的事不該思念地上的事,
3 Waayo, idinku waad dhimateen, oo noloshiinnuna Masiixay kula qarsoon tahay Ilaah.
因為你們已經死了,你們的生命已與基督一同藏在天主內了;
4 Masiixa oo ah nolosheenna, markuu soo muuqdo, kolkaasaad idinkuna ammaan kula soo muuqan doontaan.
當基督,我們的生命顯現時,那時你們也要與祂一同出現在光榮之中。
5 Haddaba dila xubnihiinna dhulka yaal, kuwaas oo ah sino, iyo wasakhnimo, iyo kacsi xaaraan ah, iyo damac shar ah, iyo hunguri xumaan, taas oo ah sanam caabudid,
為此,你們要致死屬於地上的妓體,致死淫亂、不潔、邪情、惡慾和無異於偶像崇拜的貪婪,
6 waxyaalahaas oo daraaddood ay cadhada Ilaah ugu soo degto carruurta caasinimada.
為了這一切,天主的義怒才降在悖逆之子身上;
7 Kuwaas ayaad waagii hore ku socon jirteen markii aad waxyaalahaas ku noolaan jirteen.
當你們生活在其中時,你們也曾一度在其中行動過,
8 Laakiinse haatan iska fogeeya waxyaalahan oo dhan, kuwaas oo ah xanaaq, iyo cadho, iyo xumaan, iyo cay, iyo hadalka ceebta ah oo afkiinna ka baxa.
但是現在你們卻該戒絕這一切:忿怒、暴戾、惡意、詬罵和出於你們口中的穢言。
9 Been ha isu sheegina, waayo, idinku waad iska xoorteen dabiicaddii hore iyo falimaheediiba,
不要彼此說謊;你們原已脫去了舊人和它的作為,
10 oo waxaad huwateen dabiicadii cusbayd taas oo loo cusboonaysiinayo aqoon sida ay tahay u-ekaanta kan iyada abuuray.
且穿上了新人,這新人既是照創造他者的肖像而更新,為獲得新知識的;
11 Halkaas ma jiri karaan Gariig ama Yuhuudi, mid gudan ama mid buuryoqab ah, reer Barbari, ama reer Iskutees, addoon ama xor; laakiinse Masiixu waa wax walba, oo wax walba wuu ku jiraa.
這一點上,已沒有希臘人或猶太人,受割損的或末受割損的,野蠻人、叔提雅人、奴隸、自由人的分別,而只有是一切並在一切內的基督。
12 Haddaba sidaas daraaddeed idinku sida kuwa Ilaah doortay oo quduuska ah oo la jecel yahay, huwada qalbi leh naxariis iyo roonaan iyo is-hoosaysiin iyo qaboobaan iyo dulqaadasho.
為此,你們該如天主所揀選的,所愛的聖者,穿上憐憫的心腸、仁慈、謙卑、良善和含忍;
13 Midkiinba midka kale ha u dulqaato oo ha cafiyo, haddii mid ka cabanayo mid kale; xataa sida Rabbiguba idiin cafiyey, idinkuna sidaas oo kale yeela:
如某人對某人有什麼怨的事,要彼此擔待,互相寬恕;就如主怎麼寬恕了你們,你們也要怎麼寬恕人。
14 oo waxyaalahaas oo dhan waxaad ka dul huwataan jacayl, kaas oo ah xidhiidhka kaamilnimada.
在這一切以上尤該有愛德,因為愛德是諸德的聯繫。
15 Oo nabadda Masiixuna ha ku taliso qalbiyadiinna, taas oo laysugu kiin yeedhay isku jidh keliya; oo mahadnaqayaal ahaada.
還要叫基督的平安,在你們心中作主;你們所以蒙召存於一個身體內,也是為此,所以你們該有感恩之心。
16 Oo erayga Masiixu ha idiinku jiro si badan xagga xigmadda oo dhan, idinkoo wax isbaraya oo isku waaninaya sabuurro iyo heeso ammaan ah iyo gabayo xagga ruuxa, idinkoo Ilaah ugu gabyaya nimcada qalbiyadiinna ku jirta.
要讓基督的話充分地存在你們內,以各種智慧彼此教導規勸,以聖詠、詩詞和屬神的歌曲在你們的心內,懷著感恩之情,歌頌天主。
17 Oo wax alla wixii aad ku samaysaan hadal ama shuqulba, magaca Rabbi Ciise ku wada sameeya oo Ilaaha Aabbaha ah ugu mahadnaqa isaga.
你們無論做什麼,在言語上或行為上,一切都該因主耶穌的名而作,藉著祂感謝天主聖父。
18 Dumar yahow, nimankiinna ka dambeeya sida ay ugu habboon tahay xagga Rabbiga.
作妻子的,應該服從丈夫,如在主內所當行的。
19 Nimankow, idinkuna afooyinkiinna jeclaada oo ha ku qadhaadhoobina.
作丈夫的,應該愛妻子,不要苦待她們。
20 Carruurtoy, waalidkiinna wax kastaba ku addeeca, waayo, taasu waa ka farxisaa Rabbiga.
作子女的,應該事事聽從父母,因為這是上主所喜悅的。
21 Aabbayaashow, carruurtiinna ha ka cadhaysiinina, yeeyan qalbi jabine.
作父母的,不要激怒你們的子女,免得他們灰心喪志。
22 Addoommadow, wax kastaba ku addeeca kuwa xagga jidhka sayidyadiinna ah; hana ahaanina kuwo markii loo jeedo oo keliya shaqeeya sida kuwa dadka ka farxiya, laakiinse ku adeega qalbi daacad ah, idinkoo Rabbiga ka cabsanaya.
作奴隸的,應該事事聽從肉身的主人,且不要只當著眼前服事,像是取悅於人,而是要以誠心,出於敬畏主。
23 Wax alla wixii aad samaysaanba, xagga qalbiga ka sameeya, sidii idinkoo Rabbiga u samaynaya oo aan dad aawadiis u samaynayn,
你們無論做什麼,都要從心裏去做,如同是為主,而不是為人,
24 idinkoo garanaya inaad xagga Rabbiga ka heli doontaan abaalgudkii dhaxalka. Waxaad u adeegtaan Rabbiga Masiixa ah.
因為你們該知道,你們要由主領取產業作為報酬;你們服事主基督罷!
25 Waayo, kii xumaan falaa wuxuu dib u heli doonaa xumaantuu falay, waayo, dadka looma kala eexdo.
因為凡行不義的,必要得他所行不義的報應;天主決不看情面。