< Caamoos 8 >

1 Oo haddana Sayidka Rabbiga ahu wax buu i tusay, oo waxaan arkay dambiil midho bisilu ka buuxaan.
Hili ndilo alilonionyesha Bwana Mwenyezi katika maono: kikapu cha matunda yaliyoiva.
2 Oo wuxuu igu yidhi, Caamoosow, maxaad aragtaa? Oo anna waxaan idhi, Waxaan arkaa dambiil midho bisilu ka buuxaan. Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dadkayga Israa'iil dhammaadkoodii baa yimid, oo anigu mar dambe iyaga iska dhaafi maayo.
Akaniuliza, “Amosi, unaona nini?” Nikajibu, “Kikapu chenye matunda yaliyoiva.” Ndipo Bwana akaniambia, “Wakati umewadia kwa watu wangu Israeli; sitawahurumia zaidi.”
3 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalintaas gabayada macbudku waxay ahaan doonaan baroor, oo waxaa jiri doona meydad badan, oo meel kasta aamusnaan baa loogu tuuri doonaa.
Bwana Mwenyezi asema, “Katika siku ile, nyimbo katika Hekalu zitageuka kuwa maombolezo. Miili mingi, mingi sana: itatupwa kila mahali! Kimya!”
4 Bal maqla, kuwiinna saboolka baahan liqow, oo xataa masaakiinta dalka baabbi'iyow,
Lisikieni hili, ninyi ambao mnawagandamiza wahitaji, na kuwaonea maskini wa nchi,
5 oo leh, Goormuu dayaxa cusubu dhammaan doonaa aan hadhuudhka iibinnee? Sabtiduse goormay na dhaafaysaa aannu sarreenka soo saarnee, idinkoo miisaanka eefaah yaraynaya, oo miisaanka sheqelkana weynaynaya, kafadahana khiyaano ku beenaynaya,
mkisema, “Ni lini Mwezi Mwandamo utakapopita ili tupate kuuza nafaka, na Sabato itakwisha lini ili tuweze kuuza ngano?” Mkipunguza vipimo, na kuongeza bei, na kudanganya kwa mizani zisizo sawa,
6 si aannu masaakiinta lacag ugu iibsanno oo aannu saboolka baahanna laba kabood u siisanno, oo aannu sarreenka xaabkiisa u iibinno?
mkiwanunua maskini kwa fedha, na wahitaji kwa jozi ya viatu, na mkiuza hata takataka za ngano pamoja na ngano.
7 Rabbigu waa ku dhaartay islaweynaanta reerka Yacquub, oo wuxuu yidhi, Sida xaqiiqada ah anigu shuqulladooda midnaba ka illoobi maayo.
Bwana ameapa kwake mwenyewe, aliye Kiburi cha Yakobo: “Kamwe sitasahau chochote ambacho wamefanya.
8 Tan daraaddeed miyaan dhulku la gariiri doonin, oo mid kasta oo degganuna miyuusan barooran doonin? Haah, oo dhammaantiis wuxuu u kici doonaa sida Webiga, oo wuu rogrogman doonaa, dabadeedna wuxuu u degi doonaa sida Webiga Masar.
“Je, nchi haitatetemeka kwa ajili ya hili, nao wote waishio ndani mwake hawataomboleza? Nchi yote itainuka kama Naili; itapanda na kushuka kama mto wa Misri.
9 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalintaas waxaan ka dhigi doonaa in qorraxdu hadhkii dhacdo, oo dhulkana maalin cad baan gudcur ka dhigi doonaa.
“Katika siku ile,” asema Bwana Mwenyezi, “Nitalifanya jua litue alasiri na kuifanya dunia iwe giza wakati wa mchana mwangavu.
10 Iidihiinnana waan u beddeli doonaa tacsi, oo gabayadiinna oo dhanna baroorasho baan u beddeli doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa in qof kasta joonyad xidho oo madax kastana la xiiro, oo waxaan ka dhigi doonaa sidii baroorasho wiil madi ah loogu baroorto, oo dhammaadkeedana sidii maalin qadhaadh.
Nitageuza sikukuu zenu za kidini kuwa maombolezo, na kuimba kwenu kote kuwe kilio. Nitawafanya ninyi nyote mvae nguo ya gunia na kunyoa nywele zenu. Nitaufanya wakati ule uwe kama wa kuombolezea mwana wa pekee, na mwisho wake kama siku ya uchungu.
11 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan dalka abaar u soo diri doono, mana ahaan doonto abaar cunto la waayo ama biyo loo oomo, laakiinse waxay ahaan doontaa abaar la waayayo erayada Rabbiga.
“Siku zinakuja,” asema Bwana Mwenyezi, “wakati nitakapotuma njaa katika nchi yote: si njaa ya chakula wala kiu ya maji, lakini njaa ya kusikia maneno ya Bwana.
12 Oo waxay wareegi doonaan bad ilaa ka bad, iyo woqooyi ilaa tan iyo bari, oo waxay u ordi doonaan hore iyo dib iyagoo doondoonaya erayga Rabbiga, oo mana ay heli doonaan innaba.
Wanaume watayumbayumba kutoka bahari hadi bahari na kutangatanga kutoka kaskazini mpaka mashariki, wakitafuta neno la Bwana, lakini hawatalipata.
13 Oo maalintaas ayaa bikradaha qurqurxoon iyo barbaarraduba oon daraaddiis la itaal darnaan doonaan.
“Katika siku ile “wasichana wazuri na vijana wanaume wenye nguvu watazimia kwa sababu ya kiu.
14 Kuwa ku dhaarta dembiga Samaariya oo yidhaahda, Daanow, waxaan ku dhaartay ilaahaaga, oo waxaan ku dhaartay jidka Bi'ir Shebac, way dhici doonaan oo mar dambena sooma ay kici doonaan.
Wale waapao kwa aibu ya Samaria, au kusema, ‘Hakika kama miungu yenu iishivyo, ee Dani,’ au ‘Hakika kama mungu wa Beer-Sheba aishivyo’: wataanguka, wala hawatasimama tena.”

< Caamoos 8 >