< Caamoos 7 >

1 Sayidka Rabbiga ahu wax buu i tusay, oo bal eeg, wuxuu sameeyey ayax markii fufkii dambe bilowday, oo bal eeg, waxay ahayd fufkii dambe markii boqorka cawskiisa la gooyay dabadeed.
Hivi ndivyo ambavyo Bwana Yahwe alivyonionyesha. Tazama, aliumba kundi kubwa la nzige wakati wa kuchipuka kwa mmea, na, tazama, ulikuwa ni mmea wa mwisho baada ya mavuno ya mfalme.
2 Oo markay dhammeeyeen cunitaankii cawskii dalka ayaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, na cafi, waayo, bal reer Yacquub sidee bay isu taagi doonaan? Waayo, iyagu waa yar yihiin.
Wakati walipomaliza kula mbogamboga za nchi, kisha nikasema, “Bwana Yahwe, tafadhali nisamehe; Je Yakobo ataishije? kwa kuwa yeye ni mdogo sana.”
3 Markaasaa Rabbigu taas ka soo noqday, oo Rabbigu wuxuu yidhi, Taasu ahaan mayso.
Yahwe akapunguza hasira kuhusu hili. “Haitatokea,” akasema.
4 Sayidka Rabbiga ahu wax buu i tusay, oo bal eeg, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu amray in dab lagu diriro, oo dabku wuxuu laastay moolkii weynaa, oo wuxuu cuni lahaa dhulka.
Hivi ndivyo ambavyo Bwana Yahwe alivyonionyesha: Tazama, Bwana Yahwe aliita juu ya moto kuhukumu. Nao ukakausha sana, kilindi chini ya dunia na kutaka kuitekeza nchi, pia.
5 Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, waan ku baryayaaye jooji, waayo, bal reer Yacquub sidee bay isu taagi doonaan? Waayo, iyagu waa yar yihiin.
Lakini nikasema, “Bwana Yahwe, acha tafadhali; Yakobo ataishije? Kwa kuwa yeye ni mdigo sana.”
6 Markaasaa Rabbigu taas ka soo noqday, oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu yidhi, Taasuna ahaan mayso.
Yahwe akagairi kuhusiana na hili, “Hili halitajitokeza pia,” asema Bwana Yahwe.
7 Oo haddana wax buu i tusay, oo bal eeg, Sayidku wuxuu ag istaagay derbi xadhig miisaan leh lagu sameeyey, isagoo xadhig miisaan leh gacanta ku haysta.
Hivi ndivyo ambavyo Yahwe alivyo nionyesha: Tazama, Bwana amesimama karibu na ukuta, pamoja na uzi wa timiza kwenye mkono wake.
8 Markaasaa Sayidku wuxuu igu yidhi, Caamoosow, maxaad aragtaa? Oo anna waxaan ku idhi, Waxaan arkaa xadhig miisaan leh. Markaasaa Sayidku wuxuu yidhi, Bal eeg, anigu xadhig miisaan leh baan dhigi doonaa dadkayga Israa'iil dhexdooda, oo mar dambena iyaga iska dhaafi maayo.
Yahwe akanambia, “Amosi, unaona nini?” nikasema, “Uzi wa timazi.” Kisha Bwana akasema, “Tazama, nitaweka uzi wa timazi miongoni mwa watu wangu Israeli. Sintowaharibu tena.
9 Oo meelaha sare ee reer Isxaaq cidla way noqon doonaan, oo meelaha quduuska ah ee dalka Israa'iilna way baabbi'i doonaan, oo anna reerka Yaaraabcaam seef baan kula kici doonaa.
Mahala pa juu pa Isaka pataharibiwa, patakatifu pa Israeli pataangamia, na nitainuka juu ya nyumba ya Yeroboamu kwa upanga.”
10 Markaasaa Amasyaah oo ahaa wadaadkii Beytel farriin u diray Yaaraabcaam oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Caamoos shirqool buu kuugu dhigay dadka Israa'iil dhexdooda, oo dadka dhulkuna erayadiisa oo dhan ma qaadi karaan.
Kisha Amazia, yule kuhani wa Betheli, akatuma ujumbe kwa Yeroboamu, mfalme wa Israeli: “amosi amefanya njama dhidi yako katikati ya nyumba ya Israeli. Nchi haiwezi kubeba maneno yote haya.
11 Waayo, Caamoos wuxuu leeyahay, Yaaraabcaam seef buu ku dhimanayaa, oo dadka Israa'iilna sida xaqiiqada ah maxaabiis ahaan waa looga kaxaysanayaa dalkooda.
Kwa kuwa hivi ndivyo asemavyo Amosi, 'Yeroboamu atakufa kwa upanga, na hakika Israeli itakwenda utumwani kutoka nchi yake.”'
12 Oo weliba Amasyaah wuxuu Caamoos ku yidhi, War wax arke yahow, tag, oo dalka Yahuudah u carar, oo halkaas wax ka cun, oo halkaas wax ku sii sheeg.
Amazia akamwambia Amosi, “Mwonaji, nenda, kimbia irudie nchi ya Yuda, na hapo ule mkate na kutabiri.
13 Laakiinse mar dambe Beytel waxba ha ku sii sheegin, waayo, waa boqorka meeshiisii quduuska ahayd oo waa daar boqoreed.
Lakini usitabiri tena hapa katika Betheli, kwa kuwa ni patakatifu pa mfalme na nyumba ya kifalme.”
14 Markaasaa Caamoos jawaabay oo wuxuu Amasyaah ku yidhi, Anigu nebi ma aan ahayn, nebi wiilkiisna ma aan ahayn, laakiinse waxaan jiray adhijir iyo mid midhaha darayga urursada,
Kisha Amosi akamwambia Amazia, “Mimi sio nabii wala mwana wa nabii. Mimi ni mchungaji wa mifugo, na mtunza mikuyu.
15 oo Rabbigu waa ii soo yeedhay anigoo adhi jiraya, markaasuu Rabbigu igu yidhi, Tag, oo dadkayga Israa'iil wax u sii sheeg.
Lakini Yahwe akanichukua kutoka kuchunga mifugo na kunambia, 'Nenda, katabiri kwa watu wangu Israeli.'
16 Haddaba bal maqal erayga Rabbiga. Adigu waxaad leedahay, Wax dadka Israa'iil ka gees ah ha sii sheegin, oo wax reer Isxaaq ka gees ahna ha ku hadlin.
Sasa sikia neno la Yahwe. Wewe usemaye, 'Usitabiri juu ya Israeli, na usiongee juu ya nyumba ya Isaka.
17 Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Naagtaadu dhillo bay ku ahaan doontaa magaalada, oo wiilashaada iyo gabdhahaaguba seef bay ku dhiman doonaan, oo dhulkaaga xadhig baa lagu qaybsan doonaa, oo adna waxaad ku dhex dhiman doontaa dal nijaasaysan, oo dadka Israa'iilna sida xaqiiqada ah maxaabiis ahaan waa looga kaxaysan doonaa dalkooda.
Kwa hiyo hivi ndivyo Yahwe asemavyo, 'Mke wako atakuwa kahaba katika mji; wana wako waume na binti zako wataanguka kwa upanga; nchi yako itapimwa na kugawanywa; utakufa katika nchi najisi, na Israeli hakika itakwenda utumwani kutoka nchi yake.”'

< Caamoos 7 >