< Caamoos 6 >
1 Waxaa iska hoogay kuwa Siyoon xasilloonaan ku nool, oo buurta Samaariya ammaan ku deggan, kuwaasoo ah kuwa caanka ah ee madaxda quruumaha oo dadka Israa'iil u yimaadaan!
那些安身熙雍,自恃撒馬黎雅山,自命為諸民之首,為以色列家所歸之人,是有禍的!
2 Kalneh u gudba oo bal eega, oo halkaasna ka sii taga Xamaad tan weyn, dabadeedna waxaad sii tagtaan Gad ta reer Falastiin. Iyagu miyey ka wanaagsan yihiin boqortooyooyinkaas? Dalkoodu miyuu ka weyn yahay dalkiinna?
你們去加耳乃觀察一下,從那裏到大哈瑪特,然後下到培肋舍特人的加特,看你們是否比這些國更好﹖或者你們的疆域比她們的更廣大,
3 Waxaa iska hoogay kuwiinna maalintii sharka fogeeya, oo ka dhiga fadhigii dulmiga inuu soo dhowaado,
那些想避開凶日的,卻接近了殘暴。
4 oo sariiro foolmaroodi ah ku jiifsada, oo gogosha isku kala bixiya, oo cuna baraarka idaha iyo weylaha edegga ku dhex jira,
他們躺在躺象牙上床上,棋橫臥在軟榻上,吃著羊群中的羔羊和牛欄中的牛犢,
5 oo u heesa dhawaaqa shareeradda, oo isu hindisa alaab muusiko sidii kuwii Daa'uud,
伴著琴聲吟詠,自比達味,發明樂器,
6 oo khamriga maddiibadaha ku cabba, oo ku subkada saliidda ugu wada fiican, laakiinse kama murugaysna dhibaatada reer Yuusuf haysata.
大碗喝酒,以上等的油抹身,但對若瑟的崩潰,卻漠不關心。
7 Haddaba sidaas daraaddeed iyagu waxay haatan raaci doonaan kuwa marka hore maxaabiis ahaanta loo kaxaysan doono, oo diyaafadda kuwa iskala bixin jiray waa dhammaan doontaa.
為此,這些人現在就要先被擄去;放蕩不羈者的狂歡,也就完了。
8 Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku dhaartay nafsaddiisa, oo yidhi, Anigu waan karhay islaweynaanta reer Yacquub, oo waan nebcahay daarihiisa waaweyn, sidaas daraaddeed magaalada iyo waxa ku dhex jira oo dhanba cadow baan u gacangelin doonaa.
吾主上主指著自己起誓──上主萬軍的天主的斷語──我厭惡雅各伯的驕傲,痛恨他的宮殿;我必將城和城中所有有的一切交出。
9 Oo haddii toban nin guri keliya ku hadho way dhiman doonaan.
倘若在一家中留下了十個人,也必死盡。
10 Oo markii nin adeerkiis oo ah kan isaga gubi doona uu kor u qaado inuu lafaha guriga ka soo bixiyo, oo uu ku yidhaahdo kan guriga gudihiisa shishe ku jira, War weli ma qaar baa kula jooga? Oo isna uu yidhaahdo, Maya, markaasuu ku odhan doonaa, War naga aamus, waayo, waa inaannan magaca Rabbiga soo qaadin.
倖免的少數親友,由屋內抬出他們的骨骸,問那內室深處的人說:「還有人同你在一起嗎﹖」他必說:「沒有了。」繼而說:「不要作聲,千萬不要提上主的名字! 」
11 Waayo, bal eeg, Rabbigu waa amraa, oo daarta weyn waxaa lagu dhufan doonaa daldalool, guriga yarna waxaa lagu dhufan dildillaac.
看,上主一下令,高樓大廈頓成瓦礫,矮小平房蕩然無存。
12 Miyaa fardo dhagaxa ku ordi doonaan? Miyaase mid halkaas dibi ku beerjeexi doonaa? Laakiin, idinku garsooriddii waxaad u beddesheen xammeeti, oo midhihii xaqnimadana waxaad u beddesheen dacar.
馬豈能在懸崖上奔馳,牛豈能在海上耕作﹖你們竟將公道變為毒藥! 將正義之果變為苦藥!
13 Waxaad ku rayraysaan wax aan waxtar lahayn, oo waxaad tidhaahdaan, Miyaannan geeso kula soo yeelan xooggayaga?
你們為了羅德巴爾而自鳴得意,且說:「我們豈不是靠自己的力量取得了卡爾納殷﹖」
14 Laakiinse bal eega, dadka dalka Israa'iilow, Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Quruun baan idinku soo kicin doonaa, oo iyana waxay idinku dhibi doonaan tan iyo meesha Xamaad laga galo iyo ilaa webiga Carabaah.
然而,以色列家! 看,我必要喚起一個民族來攻打你們,──上主萬軍的天主的斷語──從哈瑪特關口蹂躪你們直到阿辣巴河。