< Caamoos 5 >

1 Dadka Israa'iilow, maqla eraygan aan idiinku barooranayo.
Tie asɛm yi, mo Israelfo, saa adwotwa yi fa mo ho:
2 Bikradda ah dalka Israa'iil waa dhacday, oo mar dambena ma sara joogsan doonto. Dalkeedii ayaa lagu dayriyey, oo qof kor u qaada lama arko.
“Ɔbabun Israel ahwe ase a ɔrensɔre bio, wɔapo no wɔ nʼankasa asase so, na onni obi a ɔbɛma no so.”
3 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Magaaladii ay kuni ka bixi jireen boqol baa u hadhi doona, oo tii ay boqoli ka bixi jireenna toban baa dadka Israa'iil u hadhi doona.
Nea Otumfo Awurade se ni: “Kuropɔn a ɔde mmarima ahoɔdenfo apem ko ma Israel no, mu ɔha pɛ na wɔbɛka; Kurow a ɔde ahoɔdenfo ɔha no, mu du pɛ na wɔbɛka.”
4 Waayo, Rabbigu wuxuu dadka Israa'iil ku leeyahay, Aniga i doondoona aad noolaataane.
Nea Awurade ka kyerɛ Israelfo ni: “Monhwehwɛ me na munnya nkwa;
5 Laakiinse Beytel ha doondoonina, Gilgaalna ha gelina, Bi'ir Shebacna ha u gudbina, waayo, sida xaqiiqada ah Gilgaal maxaabiisnimo bay geli doontaa, oo Beytelna way baabbi'i doontaa.
Monnhwehwɛ Bet-El, monnkɔ Gilgal, na munntu kwan nkɔ Beer-Seba nso. Ampa ara Gilgal bɛkɔ nnommum mu na wɔbɛhwe Bet-El ase koraa.”
6 Si aad u noolaataan, oo uusan Rabbigu sidii dab reer Yuusuf ugu soo farabbaxsan, oo aan dabku laasan, oo aan Beytel laga waayin wax demiya, Rabbiga doondoona,
Monhwehwɛ Awurade na munnya nkwa, anyɛ saa a ɔbɛpra Yosef fi te sɛ ogya; ɛbɛhyew, na Bet-El rennya obi anum no.
7 kuwiinna caddaaladda u roga dacar oo xaqnimadana dhulka ku tuura.
Mo a moma atemmu yɛ nwen na mototo trenee ase.
8 Doondoona kan sameeyey ururrada xiddigaha ah oo la yidhaahdo Toddobaadyada iyo Oriyon, oo gudcurka subaxnimo u beddela, oo maalintana madoobeeya si ay habeen u noqoto, kan biyaha badda u yeedha oo dhulka ku daadiya, magiciisu waa Rabbi.
Nea ɔbɔɔ nsoromma, Akokɔbeatan ne ne mma, nea ɔdan sum yɛ no adekyee na ɔma awia dan adesae. Nea ɔboaboa po mu nsu ano na ohwie gu asase so, ne din ne Awurade.
9 Isagu baabba' buu ku dejiyaa kuwa xoogga badan, si ay baabba'du ugu dhacdo qalcadda.
Ɔsɛe abandennen ntɛm so na obubu kuropɔn a wɔabɔ ho ban nso,
10 Way neceb yihiin kii iridda wax ku canaanta, oo way karhaan kii si qumman u hadla.
motan nea ɔteɛteɛ wɔ asennii na mubu nea ɔka nokware animtiaa.
11 Miskiinka baad ku tumataan, oo waxaad ka qaadataan sarreen badan, sidaas daraaddeed guryihii aad dhagax la qoray ka dhisateen kuma hoyan doontaan, oo beercanabyadii wanwanaagsanaa ee aad beerateenna khamrigooda kama cabbi doontaan.
Mutiatia ohiani so na mohyɛ no gye aduan fi ne nkyɛn. Enti ɛwɔ mu sɛ mode abo a wɔatwa asisi afi akɛse de, nanso morentena mu; ɛwɔ mu sɛ moayɛ bobe nturo a ɛyɛ fɛ de nanso morennom mu nsa.
12 Waayo, waan ogahay xadgudubyadiinnu inay badan yihiin, iyo dembiyadiinnu inay waaweyn yihiin, kuwiinnan kii xaqa ah dhiba, ee laaluush qaata, oo masaakiinta iridda joogtana xaqooda ka leexiya.
Na minim mo mmarato dodow ne mo bɔne akɛse no. Mohyɛ atreneefo so na mugye adanmude mubu ahiafo ntɛnkyew wɔ asennii.
13 Haddaba kii miyir lahu wakhtigaas wuu aamusnaan doonaa, waayo, waa wakhti shar ah.
Ɛno nti, onyansafo yɛ komm saa mmere yi mu, efisɛ ɛyɛ mmere bɔne.
14 Wanaagga doondoona, sharkase ha doondoonina, aad noolaataane, oo sidaasuu Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu idiinla jiri doonaa sidaad u tidhaahdaan.
Monhwehwɛ papa, na moanya nkwa na ɛnyɛ bɔne. Na Asafo Awurade Nyankopɔn bɛka wo ho, sɛnea moka sɛ ɔyɛ no.
15 Sharka nebcaada, oo wanaagga jeclaada, oo caddaalad iridda ku sameeya, waayo, waxaa suurtowda in Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu uu u roonaado kuwa reer Yuusuf ka hadhay.
Munkyi bɔne, na monnɔ papa; Mummu atɛntrenee wɔ asennii. Ebia, Asafo Awurade Nyankopɔn benya ahummɔbɔ ama Yosef nkae no.
16 Haddaba Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Sayidku wuxuu leeyahay, Dariiqyada oo dhan waxaa ka yeedhi doonta baroor, oo jidadka oo dhan waxaa laga odhan doonaa, Hoogay! Hoogay! Oo ninka beerreyda ah waxaa loogu yeedhi doonaa tacsi, oo kuwa baroorta aad u yaqaanna waxaa loogu yeedhi doonaa baroorasho.
Enti nea Awurade, Asafo Awurade Nyankopɔn se ni: “Adwotwa bɛba mmorɔn nyinaa so na ɔyaw ne apinisi bɛba mmɔnten so. Wɔbɛfrɛ akuafo ama wɔabesu na agyamfo abetwa adwo.
17 Oo beercanabyada oo dhanna waxaa jiri doonta baroorasho, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan idin dhex mari doonaa.
Wobetwa adwo wɔ bobeturo nyinaa mu, efisɛ mɛnantew mo mu,” sɛnea Awurade se ni.
18 Kuwiinna maalinta Rabbiga jeclaystow, waa idiin hoog. Maxaad maalinta Rabbiga u doonaysaan? Waa gudcur, oo iftiin ma aha.
Nnome nka wɔn a wɔpɛ sɛ Awurade da no ba! Dɛn nti na mopɛ sɛ Awurade da no ba? Saa da no bɛyɛ sum, na ɛnyɛ hann.
19 Waa sidii nin libaax ka cararay oo orso ka hor timid, ama intuu guri galay derbiga ku tiirsaday oo markaas abeeso gacanta ka qaniintay.
Ɛbɛyɛ te sɛ onipa a oguan fi gyata anim na okohyia sisi, sɛnea owura ne fi de ne nsa to ɔfasu so, na ɔwɔ ka no.
20 Maalinta Rabbigu sow ma ahaan doonto gudcur aan iftiin lahayn, iyo xataa gudcur weyn oo aan dhalaal lahayn?
Na Awurade da no bɛyɛ sum; ɛrenyɛ hann, ɛbɛyɛ sum kabii a hann nsinsan biara nni mu.
21 Iidihiinna waan nebcahay, waanna quudhsadaa, oo shirarkiinnana kuma farxo.
“Mikyi na mepo mo nyamesom mu aponto; mʼani nnye mo afahyɛ nhyiamu ho.
22 In kastoo aad ii bixisaan qurbaannadiinna aad gubtaan iyo qurbaannadiinna hadhuudhka ah anigu aqbali maayo, oo qurbaannadiinna nabaadiino oo xoolihiinna buurbuuranna dan ka yeelan maayo.
Ɛwɔ mu sɛ mode ɔhyew afɔre ne aduan afɔre brɛ me de, nanso merennye. Mode asomdwoe afɔre brɛ me nanso mʼani rensɔ.
23 Iga fogeeya qaylada gabayadiinna, waayo, anigu dhegaysan maayo luuqda shareeradihiinna.
Momfa mo nnwonto gyegyeegye no mfi me so! Merentie mo asankuten so nnwom.
24 Laakiinse caddaaladdu sida biyo ha u qulqusho, oo xaqnimaduna sida webi fatahaya ha u yaacdo.
Mmom, momma atɛntrenee nteɛ sɛ asubɔnten, na trenee nyɛ sɛ asuten a ɛrenyow da!
25 Bal reer binu Israa'iilow, allabaryo iyo qurbaanno miyaad cidladii iigu bixiseen afartankii sannadood?
“Israelfo, ɛnyɛ me na mode afɔrebɔde ne ayɛyɛde brɛɛ me mfe aduanan wɔ sare so ana?
26 Waxaadse sidateen Taambuuggii Moleg iyo sanamyadii Kiyuun, kaasoo ah xiddigtii ilaahiinnii ee aad nafsaddiinna u samaysateen.
Mode mo ho nyinaa ato Molok nyame, ne mo honi Rɛfan so; wɔyɛ ahoni a moayɛ sɛ mobɛsom wɔn.
27 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga magiciisu yahay Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idinka dhigi doonaa in maxaabiis ahaan laydiinku kaxaysto Dimishaq shishadeeda.
Ɛno nti, metwa mo asu akɔ Damasko nohɔ,” sɛnea Awurade a ne din ne Asafo Onyankopɔn se ni.

< Caamoos 5 >