< Caamoos 4 >

1 Eraygan maqla, kuwiinnan ah sacaha Baashaan oo buurta Samaariya jooga, oo masaakiinta dulma, oo kuwa baahan cadaadiya, oo sayidyadooda ku yidhaahda, Wax noo keena, oo kaalaya aan cabnee.
Lisikilizeni neno hili, ninyi ng'ombe wa Bashani, ninyi mliomo katika mlima wa Samaria, ninyi mnaowakandamiza maskini, ninyi mnaowaponda wahitaji, ninyi muwaambiao waume zenu, “Tuleteeni vinywaji.”
2 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku dhaartay quduusnimadiisa, isagoo leh, Bal eega, waxaa iman doona wakhti laydinkula tegi doona qabatooyin, oo jillaabbo baa lagu qabsan doonaa kuwiinna hadhay.
Bwana Yahwe ameapa kwa utukufu wake, “Tazama, siku zitakuja kwenu wakati watakapowaondoa kwa ndoana, wa mwisho wenu na ndoana za kuvulia samaki.
3 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Midkiin kastaaba meelaha jajaban buu ka soo dusi doonaa hortiisa, oo waxaad isku tuuri doontaan Harmoon.
Mtatoka kupitia mahali palipo bomolewa kwenye kuta za mji, kila mmoja wenu kwenda moja kwa moja kupitia hapo, na mtajitupa mbele ya Harmoni -hivi ndivyo asemavyo Yahwe.”
4 Beytel kaalaya, oo xadgudba, Gilgaal kaalaya, oo xadgudubyo sii badiya, oo subax walba allabaryadiinna keena, oo marba saddexdii maalmood waxaad keentaa meeltobnaadyadiinna.
“Nendeni Betheli na uovu, hata Gilgali mkaongeza dhambi, leteni dhabihu zenu kila asubuhi, zaka zenu kila baada ya siku tatu.
5 Oo allabari mahadnaqid ah ka bixiya wixii la khamiiriyey, oo waxaad ku dhawaaqdaan oo naadisaan qurbaanno ikhtiyaar loo keeno, waayo, saasaad jeceshihiin, dadka Israa'iilow, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Toeni dhabihu za shukurani pamoja na mkate; tangazeni sadaka za hiari; watangazieni, kwa kuwa hii ndiyo iwapendezayo, ninyi watu wa Israeli -hivi ndivyo asemavyo Bwana Yahwe.
6 Rabbigu wuxuu leeyahay, Magaalooyinkiinna oo dhan waxaan idinku siiyey ilko nadiifsan oo ka timaado cuntola'aan ka dhacda meelihiinna oo dhan, laakiinse iima aydaan soo noqon.
Nawapatia usafi wa meno katika miji yenu na na kupungukiwa na mkate katika sehemu zenu zote. Bado hamkurudi kwangu -hivi ndivyo Yahwe asemavyo.
7 Oo anna roobkii waan idinka ceshaday markii ay saddex bilood ka hadhay xilligii beergoosashada, oo magaalo baan roob ku di'iyey, magaalo kalena roob kuma aan di'in. Roob baa meel ku da'ay, oo meeshii aan roobku ku di'inna way engegtay.
Pia nimeizuia mvua kutoka kwenu wakati bado kulikuwa na miezi mitatu kwa mavuno. Nikaifanya inyeshe juu ya mji, na kuifanya isinyeshe katika mji mwingine. Kipande kimoja cha nchi ilinyesha, lakini kipande kingine cha nchi ambapo haikunyesha palikuwa pakavu.
8 Sidaas daraaddeed laba ama saddex magaalo ayaa magaalo u soo wareegay inay biyo ka cabbaan aawadeed, oo kamana ay wabxin, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
Walizunguka miji miwili au mitatu kwenda mji mwingine kunywa maji, lakini hawakutosheka. Bado hawakunirudia mimi -asema Yahwe.
9 Waxaan idinku dhuftay beera-engeeg iyo caariyaysi, oo beerihiinnii badnaa, iyo beercanabyadiinnii, iyo dhirtiinnii berdaha ahayd, iyo dhirtiinnii saytuunka ahaydba waxaa wada laasatay koronkorrada, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
Nimewapiga kwa maradhi yanayosababisha kuvu. Wingi wa bustani, mashamba yenu ya zabibu, mitini yenu, na mizaituni-kuteketeza yote. Bado hamkunirudia hivi ndivyo Yahwe asemavyo.
10 Waxaan idinku soo dhex daayay cudur belaayo sidaan Masar ugu soo daayay oo kale. Barbaarradiinnii seef waan ku laayay, oo fardihiinniina waan wada kaxaystay, oo waxaan ka dhigay in qudhunkii xeradiinnu uu xataa soo gaadho sankiinna dulalkiisa, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
Nimetuma tauni kwenu kama ya Misri. Nimewaua watoto wenu kwa upanga, kubeba farasi zenu, na kuufanya uvundo wa kambi zenu na kuingiza kwenye pua zenu. Bado hamkunirudia mimi -hivi ndivyo asemavyo Yahwe.
11 Oo qaarkiin waan u afgembiyey sidii markii Ilaah u afgembiyey Sodom iyo Gomora, oo idinna waxaad ahaydeen sidii qori ololaya oo dab laga soo dhiftay, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
Nimeiangamiza miji miongoni mwenu, kama wakati Mungu alipoiangamiza Sodoma na Gomora. Mlikuwa kama kijinga kilichonyakuliwa kutoka kwenye moto. Bado hamkunirudia - asema Yahwe.
12 Haddaba dadka Israa'iilow, sidaasaan idinku samayn doonaa, oo waxan aan idinku samayn doona aawadeed isu diyaariya inaad Ilaahiinna la kulantaan, dadka Israa'iilow.
Kwa hiyo nitafanya jambo baya kwako, Israeli; na kwa sababu nitafanya jambo baya kwako, jiandae kukutana na Mungu, Israeli!
13 Waayo, bal eega, kan buuraha sameeya, oo dabaysha uuma, oo binu-aadmiga u sheega waxa fikirkiisu yahay, kan subaxdii gudcur ka dhiga, oo ku kor tunta dhulka meelihiisa sare, magiciisu waxaa weeye Rabbiga oo ah Ilaaha ciidammada.
Kwa kuwa, tazama, yeye atangenezaye milima pia ndiye aumbaye upepo, humfunulia mawazo yake mwanadamu, hufanya asubuhi kuwa giza, na kupakanyaga mahala pa juu ya dunia. Yahwe, Mungu wa majeshi, ndilo jina lake.”

< Caamoos 4 >