< Caamoos 3 >
1 Reer binu Israa'iilow, bal maqla eraygan Rabbigu idinkaga hadlay. Waxaan kaga hadlay dadkii aan dalka Masar ka soo bixiyey oo dhan, anigoo leh,
Sikieni neno la Yahwe aliloongea juu yenu, watu wa Israeli, juu ya familia nzima ambayo niliwatoa kutoka nchi ya Misri,
2 Idinka oo keliya ayaan idinka iqiin qolooyinka dhulka deggan oo dhan, haddaba xumaatooyinkiinnii oo dhan ayaan idiin ciqaabi doonaa.
“Nimewachagua ninyi tu kutoka familia zote za dunia. Kwa hiyo nitawaadhibu kwa dhambi zenu zote.”
3 Laba qof miyey wada socdaan haddaanay heshiis ahayn?
Je wawili wanaweza kutembea pamoja isipokuwa wamekubaliana?
4 Aar miyuu duudda ka ciyaa, hadduusan raq haysan? Aaran libaax miyuu bohoshiisa ka qayliyaa, hadduusan waxba soo qaadan?
Je simba huunguruma msituni wakati hakuna mawindo? Je mwana simba ataunguruma kutoka pangoni mwake kama hajakamata kitu?
5 Shimbiru miyey dabin dhulka ku kor yaal ku dhici kartaa, haddaan siriq loo dhigin? Dabin miyuu dhulka ka boodda isagoo aan innaba wax qabsan?
Je ndege ataanguka kwenye mtego aridhini wakati hakuna chambo kimewekwa kwa ajili yake? Je mtego utafyatuka juu aridhini wakati hakuna kitu cha kukamata?
6 Haddiise magaalo buun laga dhex afuufo, miyaan dadku cabsan? Miyaa belaayo magaalo ku dhacdaa, haddaan Rabbigu saas ku samayn?
Je tarumbeta itapigwa mjini na watu wasitetemeke? Je janga laweza kuja mjini lisiyoletwa na Yahwe?
7 Sida xaqiiqada ah Sayidka Rabbiga ahu waxba ma samayn doono, inuu qarsoodiga u muujiyo addoommadiisa nebiyada ah mooyaane.
Hakika Bwna Yahwe hatafanya kitu vinginevyo amewafunulia mpango watumishi wake manabii.
8 Aarkii waa ciyey, haddaba bal yaan cabsanayn? Sayidka Rabbiga ahu waa hadlay, haddaba bal yaa wax sii sheegi waayaya?
Simba ameshaunguruma; nani hatoogopa? Bwana Yahwe amekwisha ongea; nani hatotabiri?
9 Warkan ka dhex naadiya daaraha waaweyn ee Ashdood ku yaal iyo daaraha waaweyn ee dalka Masar ku dhex yaalba, oo waxaad tidhaahdaan, War waxaad ku soo shirtaan buuraha Samaariya korkooda, oo bal eega buuqa weyn oo halkaas ku jira, iyo dulmiga ku dhex jira.
Tangaza hii katika ngome huko Ashdodi, na katika ngome za nchi ya Misri; sema, “Kusanyikeni kwenye milima ya Samaria na oneni vile mchafuko ulivyomkubwa kwake, na ukandamizaji uliopo katika yeye.
10 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa daarahooda waaweyn ku soo urursadaa wixii xoog iyo tuugnimo lagu soo dhacay ma ay gartaan si ay wax qumman u sameeyaan.
Kwa kuwa hawajui jinsi ya kufanya haki -hivi ndivyo Yahwe asemavyo- hao watunzao nguvu na uharibifu katika ngome zao.”
11 Haddaba Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Cadow baa dalka hareerayn doona, oo isna xooggiinna wuu idinka qaadi doonaa, oo daarihiinna waaweynna waa la wada dhici doonaa.
Kwa hiyo, hivi ndivyo Yahwe asemavyo, “Adui ataizunguka nchi. Atazivuta chini nguvu zako na ngome zenu zitatekwa nyara.”
12 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida adhijirku afka libaaxa uga badbaadiyo laba lugood, amase dheg go'eed, saasoo kalaa loo badbaadin doonaa dadka Israa'iil ee Samaariya deggan oo ku fadhiya sariirta rukunkeeda iyo gogosha barkimaheeda xariirta ah.
Hivi ndivyo Yahwe asemavyo,” Kama mchungaji aokoavyo miguu miwili tu kwenye mdomo wa simba, au kipande cha sikio, ndivyo wana wa Israeli watakavyookolewa wale waishio katika Samaria, pamoja na pembe ya kulalia, au pembe ya kitanda.”
13 Sayidka Rabbiga ah oo ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Maqla oo ku markhaati fura reerka Yacquub.
Sikieni na kushudia juu ya nyumba ya Yakobo -hivi ndivyo Yahwe asemavyo, Mungu wa majeshi,
14 Maalinta aan dadka Israa'iil xadgudubyadooda u ciqaabi doono ayaan weliba meelaha allabariga ee Beytel baabbi'in doonaa, oo meelaha allabariga geesahooda ka taagan waa la wada jari doonaa, oo dhulkay ku soo dhici doonaan.
“Kwa kuwa katika siku ambayo nimeadhibu dhambi za Israeli, pia nitaziadhibu madhabahu za Betheli. Pembe za madhabahu zitakatwa na kuanguka chini.
15 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waan dumin doonaa guryaha gabowga iyo guryaha kulaylkaba, oo guryaha foolmaroodiga ahuna way wada baabbi'i doonaan, oo daaraha waaweynuna way wada dhammaan doonaan.
Nitaiharibu nyumba ya baridi pamoja na nyumba ya hari. Nyumba za pembe zitaangamia, na nyumba kubwa zitatoweka, -hivi ndivyo Yahwe asemavyo.”