< Falimaha Rasuullada 8 >

1 Sawlosna raalli buu ka ahaa diliddiisa. Oo maalintaas kiniisaddii Yeruusaalem ku tiil aad baa loo silciyey; oo dhammaantoodna rasuulladii mooyaane waxay ku kala firdheen dalalka Yahuudiya iyo Samaariya.
And Saul approved of his execution. On that day a great persecution arose against the church in Jerusalem, and all the believers except the apostles were scattered throughout the regions of Judea and Samaria.
2 Markaasaa niman cibaado leh Istefanos aaseen oo aad ugu baroorteen.
Devout men carried Stephen away for burial and made great lamentation over him.
3 Laakiin Sawlos aad buu kiniisadda u rafaadiyey, oo intuu guri walba galay, ayuu rag iyo dumarba ka soo jiiday, oo xabsi ku riday.
But Saul was ravaging the church. Entering house after house, he dragged off both men and women and put them in prison.
4 Haddaba kuwii kala firidhsanaa, meel walba oo ay mareenba ereygii bay ku wacdiyeen.
Now those who had been scattered went around preaching the message of good news.
5 Markaasaa Filibos wuxuu tegey magaalada Samaariya, oo wuxuu dadka ku wacdiyey Masiixa.
Philip went down to a city of Samaria and began proclaiming to them the Christ.
6 Oo dadkii badnaa, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay dhegaysteen wuxuu Filibos ku hadlay markay waxyaalahaas maqleen oo ay arkeen calaamooyinkuu sameeyey.
With one accord the crowds paid close attention to what Philip said as they listened to him and saw the signs he was performing.
7 Waayo, kuwo badan oo jinniyo wasakh leh qabay, jinniyadii oo cod weyn ku qaylinaya ayaa ka soo baxay, oo kuwo badan oo curyaan ahaa iyo laangadhayaashiiba waa la bogsiiyey.
For unclean spirits came out of many who had them, crying out with a loud voice, and many who were paralyzed or lame were healed.
8 Magaaladaasna aad baa looga farxay.
And there was great joy in that city.
9 Waxaa jiray nin Simoon la odhan jiray oo markii hore magaalada wax ku sixri jiray oo dadka reer Samaariya ka yaabin jiray, isagoo isugu sheegaya inuu yahay nin weyn.
Now a man named Simon had previously practiced magic in the city and amazed the people of Samaria, declaring himself to be someone great.
10 Isagay dhammaantood, yar iyo weynba, wada dhegaysan jireen oo odhan jireen, Ninkanu waa xooggii Ilaah oo la odhan jiray Weyne.
From the least to the greatest, they paid close attention to him, saying, “This man is the great power of God.”
11 Sababtii ay u dhegaysteenna waxay ahayd inuu wakhti dheer iyaga sixirkiisa kaga yaabiyey.
They all paid close attention to him because he had amazed them with his magical arts for a long time.
12 Laakiin markay rumaysteen injiilka boqortooyada Ilaah iyo magaca Ciise Masiix oo Filibos ku wacdiyey ayaa iyaga rag iyo dumarba la baabtiisay.
But when they believed Philip as he preached good news about the kingdom of God and the name of Jesus Christ, they were baptized, both men and women.
13 Simoon qudhiisuna waa rumaystay, oo markii la baabtiisay dabadeed, had iyo goorba wuxuu la socon jiray Filibos, wuuna la yaabay markuu arkay calaamooyinkii iyo yaababkii waaweynaa oo uu sameeyey.
Even Simon himself believed. After he was baptized, he kept close company with Philip and was amazed as he saw miracles and signs taking place.
14 Haddaba markii rasuulladii Yeruusaalem joogay maqleen in Samaariya ereygii Ilaah aqbashay, ayay waxay u soo direen Butros iyo Yooxanaa,
When the apostles in Jerusalem heard that Samaria had received the word of God, they sent them Peter and John.
15 kuwaasoo markay yimaadeen, u duceeyey iyaga inay Ruuxa Quduuska ah helaan;
These two went down and prayed for the Samaritan believers to receive the Holy Spirit,
16 maxaa yeelay, midkoodna weli kuma uu soo degin; laakiinse magaca Rabbi Ciise oo keliya ayaa lagu baabtiisay.
for the Spirit had not yet fallen upon any of them; they had only been baptized in the name of Christ Jesus.
17 Markaasay gacmahooda saareen, oo waxay heleen Ruuxa Quduuska ah.
Then Peter and John laid their hands on the Samaritan believers, and they received the Holy Spirit.
18 Haddaba Simoon markuu arkay in markii rasuulladu gacmahooda saareen, waxaa la siiyey Ruuxa Quduuska ah, ayuu lacag u taagay,
When Simon saw that the Holy Spirit was given through the laying on of the apostles' hands, he offered them money,
19 isagoo leh, Anigana i siiya xooggan in nin kastoo aan gacmahayga saaroba, uu helo Ruuxa Quduuska ah.
saying, “Give this power to me as well, so that whomever I lay my hands on may receive the Holy Spirit.”
20 Laakiin Butros baa wuxuu ku yidhi, Lacagtaadu ha kula baabba'do, maxaa yeelay, waxaad u malaysay in hadiyadda Ilaah lacag lagu helo.
But Peter said to him, “May yoʋr silver be destroyed with yoʋ, because yoʋ thought yoʋ could acquire the gift of God with money!
21 Xaalkan kuma lihid ama qayb ama badh; maxaa yeelay, qalbigaagu Ilaah hortiisa kuma qummana.
Yoʋ have no share or portion in this matter, for yoʋr heart is not right before God.
22 Sidaas aawadeed xumaantaadan ka toobadkeen, Rabbigana ka bari in fikirka qalbigaaga lagaa cafiyo.
Therefore repent of this wickedness of yoʋrs, and plead with God in the hope that the intention of yoʋr heart might be forgiven yoʋ.
23 Waayo, waxaan arkaa adigoo ku jira xammeetida qadhaadhnimada, kuna xidhan xaqdarrada.
For I see that yoʋ are bitterly envious and in bondage to unrighteousness.”
24 Markaasaa Simoon u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ii barya inaan waxyaalahaas aad ku hadasheen midkoodna igu dhicin.
In response Simon said, “Pray to the Lord for me so that nothing you have said will happen to me.”
25 Haddaba iyagu markay marag fureen oo Rabbiga ereygiisa ku hadleen, waxay ku noqdeen Yeruusaalem, waxayna tuulooyin badan oo reer Samaariya ah ku wacdiyeen injiilka.
After Peter and John had testified and spoken the word of the Lord, they returned to Jerusalem, preaching the good news in many villages of the Samaritans as they went.
26 Laakiin Rabbiga malaa'igtiisa ayaa waxay la hadashay Filibos, iyadoo ku leh, Kac oo aad xagga koonfureed, oo waxaad raacdaa jidka Yeruusaalem ka taga ilaa Gaasa taasoo cidla ah.
Now an angel of the Lord said to Philip, “Rise and go toward the south, to the road that goes from Jerusalem down to Gaza.” (This is a desert road.)
27 Wuuna u kacay oo aaday; oo waxaana ku soo baxay nin bohon oo Xabashi ah oo amar weyn ka hoos hayay Kandake boqoraddii Xabashida, wuuna u talin jiray maalkeeda oo dhan, wuxuuna Yeruusaalem u yimid inuu Ilaah caabudo.
So he rose and went. And behold, there was an Ethiopian eunuch, a court official in charge of the entire treasury of Candace, the queen of the Ethiopians. This man had come to Jerusalem to worship
28 Kolkuu ka soo noqonayay, ayuu ku fadhiyey gaadhifaraskiisa, oo wuxuu akhriyeyey kitaabka nebi Isayos.
and was sitting in his chariot on his way back home, reading the prophet Isaiah.
29 Ruuxuna wuxuu Filibos ku yidhi, Ku dhowow, oo gaadhigan raac.
The Spirit said to Philip, “Go over and join that chariot.”
30 Oo Filibos markuu ku orday, wuxuu maqlay isagoo akhriyaya kitaabka nebi Isayos, wuxuuna ku yidhi, Ma garanaysaa waxaad akhriyaysid?
So Philip ran up to it and heard the man reading the prophet Isaiah. He said, “Do yoʋ understand what yoʋ are reading?”
31 Kolkaasuu yidhi, Sidee baan ku garan karaa in lay toosiyo mooyaane? Markaasuu Filibos ka baryay inuu soo fuulo oo la fadhiisto.
The man said, “How can I, unless someone guides me?” So he invited Philip to come up and sit with him.
32 Haddaba meeshuu Qorniinka ka akhriyeyey waa tan, Isaga sidii wan la qalayo baa loo kaxeeyey; Oo sidii lax ku aamusan ninka dhogorta ka xiira hortiisa, Isagu afkiisa ma uu furo;
This is the passage of Scripture that he was reading: “Like a sheep he was led to slaughter, and like a lamb is silent before its shearer, so he did not open his mouth.
33 Intuu is-hoosaysiiyey baa gartiisii laga qaaday; Farcankiisii yaa sheegi doona? Maxaa yeelay, noloshiisa dhulkaa laga qaaday.
In his humiliation he was denied justice. Who will tell of his posterity? For his life was taken from the earth.”
34 Bohonku wuxuu Filibos u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan kaa baryayaa, Nebigu yuu ka hadlayaa? Ma isaga qudhiisaa mise waa mid kale?
The eunuch said to Philip, “I ask yoʋ, who does the prophet say this about? About himself, or about someone else?”
35 Filibos baa afkiisa furay, oo intuu Qorniinkan ka bilaabay ayuu isaga ku wacdiyey Ciise.
Then Philip opened his mouth to speak, and beginning from this Scripture, he told him the good news about Jesus.
36 Kolkay waddada marayeen waxay yimaadeen meel biyah, bohonkuna wuxuu yidhi, Bal eeg, waa biyo. Maxaa iga celinaya in lay baabtiiso?
As they were going along the road, they came to some water, and the eunuch said, “Behold, here is water! What prevents me from being baptized?”
37 Oo Filibos wuxuu ku yidhi, Haddaad qalbigaaga oo dhan ka rumaysatid, waa suurtowdaa. Wuuna u jawaabay oo yidhi, Waxaan rumaysanahay in Ciise Masiix yahay Wiilka Ilaah.
38 Markaasuu amray in gaadhigu joogsado; labadooduna biyahay galeen, Filibos iyo bohonkuba, oo wuu baabtiisay isaga.
So he ordered the chariot to stop, and the two of them went down into the water, both Philip and the eunuch, and Philip baptized him.
39 Oo markay biyihii ka soo baxeen, ayuu Ruuxii Rabbigu dhuftay Filibos, bohonkuna mar dambe ma uu arkin isagii, maxaa yeelay, jidkiisii ayuu iska qaaday isagoo faraxsan.
When they came up out of the water, the Spirit of the Lord caught Philip away, and the eunuch saw him no more, but went on his way rejoicing.
40 Laakiin Filibos waxaa laga helay Asootos, oo magaalooyinkuu dhex marayay oo dhan wuxuu ku wacdiyey injiilka ilaa intuu gaadhay Kaysariya.
Philip, however, found himself at Azotus, and as he passed through that region, he preached the gospel in all the towns until he came to Caesarea.

< Falimaha Rasuullada 8 >