< Falimaha Rasuullada 7 >

1 Markaasaa wadaadkii sare wuxuu yidhi, Waxanu ma saasaa?
Tedy řekl nejvyšší kněz: Jest-liž to tak?
2 Markaasuu ku yidhi, Walaalo iyo aabbayaalow, dhegaysta, Ilaaha Ammaantu wuxuu u muuqday awoweheen Ibraahim markuu Mesobotamiya joogay intuusan Haaraan degin,
A on řekl: Muži bratří a otcové, slyšte. Bůh slávy ukázal se otci našemu Abrahamovi, když byl v Mezopotamii, prve než bydlil v Cháran.
3 oo wuxuu ku yidhi, Ka soo kac waddankaaga iyo dadkaaga, oo kaalay dalka aan ku tusi doono.
A řekl k němu: Vyjdi z země své a z příbuznosti své, a pojď do země, kterouž ukáži tobě.
4 Markaasuu ka soo kacay dalkii reer Kaldayiin oo wuxuu soo degay Haaraan; oo markuu aabbihiis dhintay ayaa Ilaah meeshaas isaga ka soo wareejiyey oo keenay dalkan aad haatan deggan tihiin,
Tedy vyšel z země Kaldejské a bydlil v Cháran. A odtud, když umřel otec jeho, přestěhoval jej do země této, v kteréžto vy nyní bydlíte.
5 oo dhaxalna kama uu siin, xataa meel uu cagtiisa dhigo; laakiin wuxuu isaga ka ballanqaaday inuu dalka mulki u siiyo isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba, in kastoo uusan dhal lahayn.
A nedal jemu dědictví v ní, ani šlépěje nožné, ač byl jemu ji slíbil dáti k vladařství, i semeni jeho po něm, když ještě neměl dědice.
6 Ilaah sidan buu u hadlay, in farcankiisu degi doono dal shisheeye, oo iyaga la addoonsan doono, oo afar boqol oo sannadood la dhibi doono.
Mluvil pak jemu Bůh takto: Budeť símě tvé pohostinu v zemi cizí, a bude v službu podrobeno, a zle s ním budou nakládati za čtyři sta let.
7 Ilaah wuxuu yidhi, Quruunta iyagu ay u addoonsamaan ayaan xukumi doonaa; markaas dabadeed ayay ka soo bixi doonaan oo meeshan iigu adeegi doonaan.
Ale národ ten, jemuž sloužiti budou, já souditi budu, pravíť Bůh. A potom zase vyjdou, a sloužiti mi budou na tomto místě.
8 Oo wuxuu isaga siiyey axdiga gudniinta; haddaba Ibraahim wuxuu dhalay Isxaaq, oo maalintii siddeedaad ayuu guday isaga; Isxaaqna wuxuu dhalay Yacquub; Yacquubna wuxuu dhalay laba-iyo-tobankii aynu ka soo farcannay.
I vydal jemu smlouvu obřízky. A tak on zplodil Izáka, a obřezal jej osmého dne, a Izák zplodil Jákoba, a Jákob
9 Kuwii aan ka soo farcannayna intay Yuusuf ka masayreen ayay waxay ka iibiyeen Masar;
A patriarchové v nenávisti měvše Jozefa, prodali jej do Egypta. Ale Bůh byl s ním,
10 laakiin Ilaah baa isaga la jiray oo dhibaatadiisii oo dhan ka samatabbixiyey, oo axsaan iyo xigmad ka siiyey Fircoon, oo ahaa boqorkii Masar; markaasuu isaguna wuxuu isagii taliye uga dhigay Masar iyo reerkiisii oo dhan.
A vysvobodil ho ze všech úzkostí jeho, a dal jemu milost a moudrost před tváří faraona, krále Egyptského, takže ho učinil úředníkem nad Egyptem a nade vším domem svým.
11 Haddaba waxaa Masar iyo Kancaan oo dhan ka wada dhacay abaar iyo dhibaato weyn; awowayaasheenna dhuuni bay ka waayeen.
Potom přišel hlad na všecku zemi Egyptskou i Kananejskou, a soužení veliké, aniž měli pokrmů otcové naši.
12 Laakiin markii Yacquub maqlay in Masar sarreen jiro, ayuu markii ugu horraysay awowayaasheen diray.
A uslyšev Jákob, že by obilé bylo v Egyptě, poslal tam otce naše nejprve.
13 Oo markii labaad waxaa walaalihiis la aqoonsiiyey Yuusuf; markaasaa Fircoon wuxuu gartay Yuusuf qoladiisii.
A když je poslal po druhé, poznán jest Jozef od bratří svých, a zjevena jest rodina Jozefova faraonovi.
14 Markaasaa Yuusuf cid u diray oo u yeedhay aabbihiis Yacquub iyo dadkiisii oo dhan oo ahaa shan iyo toddobaatan qof.
Tedy poslav Jozef posly, přistěhoval otce svého Jákoba, i všecku rodinu svou v osobách sedmdesáti a pěti.
15 Markaasaa Yacquub Masar tegey. Isaga qudhiisii waa dhintay iyo awowayaasheenba;
I vstoupil Jákob do Egypta, a tam umřel on i otcové naši.
16 waxaana la geeyey Shekem oo la dhigay xabaashii Ibraahim qiimaha lacagta ah kaga iibsaday wiilashii Xamoor oo Shekem joogay.
I přeneseni jsou do Sichem, a pochováni v hrobě, kterýž byl koupil Abraham za stříbro od synů Emorových, otce Sichemova.
17 Laakiin markuu soo dhowaaday wakhtigii ballankii Ilaah kula ballamay Ibraahim, ayay dadkii ku soo kordheen oo ku bateen Masar,
Když se pak přibližoval čas zaslíbení, o kterémž byl přisáhl Bůh Abrahamovi, rostl lid a množil se v Egyptě,
18 tan iyo intii boqor kale oo aan Yuusuf oqooni Masar ka kacay.
Až vtom povstal jiný král, kterýž neznal Jozefa.
19 Isaguna waa khiyaaneeyey dadkeenna, awowayaasheenna wuu xumeeyey, oo wuxuuna ku qasbay inay ilmahoodii yaryaraa iska tuuraan si ayan u sii noolaan.
Ten lstivě nakládaje s pokolením naším, trápil otce naše, takže musili vyhazovati nemluvňátka svá, aby se nerozplozovali.
20 Muusena wakhtigaasuu dhashay, oo wuxuu ahaa wax qurux badan; oo saddex bilood ayaa gurigii aabbihiis lagu hayay;
V tom času narodil se Mojžíš, a byl velmi krásný, kterýžto chován jest za tři měsíce v domu otce svého.
21 markii la tuurayna, Fircoon gabadhiisii ayaa qaadatay oo sidii wiilkeedii oo kale u korsatay.
A když vyložen byl na řeku, vzala jej dcera faraonova, a vychovala jej sobě za syna.
22 Muusena waxaa la baray xigmaddii Masriyiinta oo dhan; hadalladiisa iyo falimihiisana xoog buu ku lahaa.
I vyučen jest Mojžíš vší moudrosti Egyptské, a byl mocný v řečech i v skutcích.
23 Laakiin markuu gaadhay afartan sannadood oo buuxa ayaa waxaa qalbigiisa gashay inuu walaalihiis oo reer binu Israa'iil ahaa soo booqdo.
A když jemu bylo čtyřidceti let, vstoupilo na srdce jeho, aby navštívil bratří své, syny Izraelské.
24 Oo markuu arkay midkood oo lagu gardarroonayo, ayuu ka celiyey, oo intuu kii la dulmayay uu aarguday, ayuu Masrigii dilay;
A uzřev jednoho, an bezpráví trpí, zastal ho a pomstil toho, kterýž bezpráví trpěl, zabiv Egyptského.
25 oo wuxuu u malaynayay in walaalihiis garteen sida Ilaah gacantiisa iyaga ugu samatabbixinayo, laakiin ma ay garan.
Domníval se zajisté, že bratří jeho rozumějí tomu, že skrze ruku jeho chce jim dáti Bůh vysvobození, ale oni nerozuměli.
26 Oo maalintii ku xigtay ayuu iyagoo diriraya u yimi, oo wuxuu damcay inuu heshiisiiyo, markaasuu yidhi, Niman yahow, walaalaad tihiine; maxaad isu dulmaysaan?
Druhého pak dne ukázal se jim, když se vadili, i chtěl je v pokoj uvésti, řka: Muži, bratří jste, i proč křivdu činíte sobě vespolek?
27 Laakiin kii deriskiisii dulmayay, ayaa isaga iska riixay oo ku yidhi, Yaa nooga kaa dhigay taliye iyo xaakin?
Ten pak, kterýž činil křivdu bližnímu svému, odehnal ho, řka: Kdo tě ustanovil knížetem a soudcím nad námi?
28 Ma waxaad doonaysaa inaad ii dishid sidaad Masrigii shaalay u dishay?
Což ty mne chceš zamordovati, jako jsi včera zabil Egyptského?
29 Markaasaa Muuse hadalkaas aawadiis cararay, oo sidii ajanabi buu dalka Midyaan u degganaa, meeshaasna laba wiil buu ku dhalay.
I utekl Mojžíš pro ta slova a bydlil pohostinu v zemi Madianské, a tam zplodil dva syny.
30 Markii afartan sannadood dhammaatay dabadeed ayaa waxaa isagii Buur Siinay cidladeedii uga muuqatay malaa'ig ku dhex jirta geed dab ka ololayo.
A když se vyplnilo let čtyřidceti, ukázal se jemu na poušti hory Sinai anděl Páně, v plameni ohně ve kři.
31 Oo markii Muuse arkay ayuu wuxuu arkay la yaabay, oo intuu u soo dhowaanayay inuu arko, ayaa waxaa u yimid codkii Rabbiga oo leh,
A Mojžíš uzřev to, divil se tomu vidění. A když blíže přistoupil, aby to pilněji spatřil, stal se k němu hlas Páně:
32 Anigu waxaan ahay Ilaaha awowayaashaa, Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub. Markaasaa Muuse gariiray oo ku dhici waayay inuu eego.
Jáť jsem Bůh otců tvých, Bůh Abrahamův a Bůh Izákův a Bůh Jákobův. I zhroziv se Mojžíš, neodvážil se patřiti.
33 Markaasaa Rabbigu isaga ku yidhi, Kabaha cagahaaga ka furfur; maxaa yeelay, meesha aad ku taagan tahay waa dhul quduus ah.
I řekl jemu Pán: Zzuj obuv s noh svých; nebo místo, na kterémž stojíš, země svatá jest.
34 Dadkayga Masar jooga rafaadkooda waan arkay, taahoodana waan maqlay, oo waxaan u imid inaan samatabbixiyo; haddaba kaalay, Masar baan kuu diri doonaaye.
Viděl jsem, viděl trápení lidu svého, kterýž jest v Egyptě, a vzdychání jejich uslyšel jsem a sstoupil jsem, abych je vysvobodil. Protož nyní pojď, pošli tě do Egypta.
35 Muusahakan ay diideen oo ku yidhaahdeen, Yaa kaa dhigay taliye iyo xaakin? Isagaa Ilaah ugu soo diray gacanta malaa'igtii geedka uga soo muuqatay inuu ahaado taliye iyo samatabbixiye.
Toho Mojžíše, kteréhož se odepřeli, řkouce: Kdo tě ustanovil knížetem a soudcí? tohoť jest Bůh kníže a vysvoboditele poslal, skrze ruku anděla, kterýž se jemu ukázal ve kři.
36 Kanaa iyaga Masar ka soo saaray, oo yaabab iyo calaamooyin ku sameeyey Masar, iyo Badda Cas, iyo cidlada afartan sannadood.
A ten je vyvedl, čině divy a zázraky v zemi Egyptské a na moři Èerveném, i na poušti za čtyřidceti let.
37 Kanu waa Muusihii ku yidhi reer binu Israa'iil, Ilaah wuxuu walaalihiin idiinka dhex kicin doonaa nebi sidayda oo kale.
Toť jest ten Mojžíš, kterýž řekl synům Izraelským: Proroka vám vzbudí Pán Bůh váš z bratří vašich, podobně jako mne, toho poslouchejte.
38 Kanu waa kii ku dhex jiray kiniisaddii cidlada oo la jiray malaa'igtii isaga kala hadashay Buur Siinay iyo awowayaasheen, kii la siiyey hadallada nool inuu ina siiyo.
Onť jest, kterýž byl mezi lidem na poušti s andělem, kterýž mluvíval k němu na hoře Sinai, i s otci našimi, kterýž přijal slova živá, aby je nám vydal.
39 Isaga awowayaasheen ma ay doonaynin inay addeecaan, laakiin intay iska riixeen ayay qalbigooda geliyeen inay Masar dib ugu jeestaan,
Jehož nechtěli poslušni býti otcové naši, ale zavrhli jej, a odvrátili se srdci svými do Egypta,
40 oo waxay Haaruun ku yidhaahdeen, Inoo samee ilaahyo ina hor socda; maxaa yeelay, Muusihii inaga soo kaxeeyey dhulka Masar garan mayno waxa ku dhacay.
Řkouce k Aronovi: Učiň nám bohy, kteříž by šli před námi; nebo Mojžíšovi tomu, kterýž nás vyvedl z země Egyptské, nevíme, co se přihodilo.
41 Markaasay waxay wakhtigaas sameeyeen weyl, oo sanamkii waxay u keeneen allabari, oo waxay ku farxeen shuqulkii gacmahoodu sameeyeen.
I udělali v těch dnech tele, a obětovali oběti modle, a veselili se v díle rukou svých.
42 Laakiin Ilaah baa ka jeestay, oo wuxuu faraha uga qaaday inay u adeegaan guutada samada; sida ay ugu qoran tahay kitaabka nebiyada, Bal reer binu Israa'iilow, afartankii sannadood oo aad cidlada joogteen, Ma anigaad i siiseen xoolo qalan iyo allabaryo?
I odvrátil se od nich Bůh, a vydal je, aby sloužili vojsku nebeskému, jakož napsáno jest v knihách Prorockých: Zdaliž jste mi oběti aneb dary obětovali za čtyřidceti let na poušti, dome Izraelský?
43 Weliba waxaad qaadateen taambuuggii Molokh Iyo xiddigtii ilaaha Remfan, Oo ah waxyaalihii aad u samaysateen inaad caabuddaan. Haddaba waxaan idiin kaxayn doonaa Baabuloon shishadeeda.
Nýbrž nosili jste stánek modly Moloch, a hvězdu boha vašeho Remfan, ta podobenství, kteráž jste zdělali sobě, abyste se jim klaněli. Protož přestěhuji vás za Babylon.
44 Awowayaasheen waxay cidlada ku hayeen taambuuggii maragga, sidii kii Muuse la hadlay ugu amray isaga inuu u sameeyo sidii qaabkii uu arkay.
Stánek svědectví měli jsou otcové naši na poušti, jakož byl nařídil ten, jenž řekl Mojžíšovi, aby jej udělal, podle způsobu toho, kterýž byl viděl.
45 Kaas ayaa awowayaasheen markoodii la soo qaadeen Yashuuca markay galeen oo qaateen dhulkii quruumihii Ilaah awowayaasheen hortooda ku eryay, ilaa waagii Daa'uud.
Kterýžto přijavše otcové naši, vnesli jej s Jozue tam, kdež bylo prve vladařství pohanů, kteréž vyhnal Bůh od tváři otců našich, až do dnů Davida.
46 Daa'uudna Ilaah hortiis ayuu wanaag ka helay, oo wuxuu weyddiistay inuu Ilaahii Yacquub u helo meel uu dego.
Jenž nalezl milost před obličejem Božím, a prosil, aby nalezl stánek Bohu Jákobovu.
47 Laakiinse Sulaymaan baa guri u dhisay.
Šalomoun pak udělal jemu dům.
48 Hase ahaatee Kan ugu sarreeya ma dego guryo gacmo lagu sameeyo; sida nebigu leeyahay,
Ale Nejvyšší nebydlí v domích rukou udělaných, jakož dí prorok:
49 Samadu waa carshigayga, Dhulkuna waa meeshaan cagaha saarto, Rabbigu wuxuu leeyahay, Guri caynmaad ii dhisi doontaan? Ama maxay tahay meeshaan ku nastaa?
Nebe jest mi stolice a země podnož noh mých, i jakýž mi tedy dům uděláte? praví Pán. Anebo jaké jest místo odpočívání mého?
50 Miyaan gacantaydu samayn waxyaalahan oo dhan?
Zdaliž ruka má všeho toho neučinila?
51 Idinkan madaxa adag oo aan qalbiga iyo dhegaha laga gudinow, weligiinba Ruuxa Quduuska ah waad hor joogsataan. Sidii awowayaashiin yeeli jireen oo kale ayaad idinna yeeshaan.
Tvrdošijní a neobřezaného srdce i uší, vy jste se vždycky Duchu svatému protivili, jakož otcové vaši, takž i vy.
52 Bal nebiyada kee baan awowayaashiin silcin? Xataa iyagu waxay dileen kuwii hore u sheegay imaatinka Kan xaqa ah; kan idinku aad haatan gacangeliseen oo disheen.
Kterému z proroků otcové vaši se neprotivili? Zmordovali zajisté ty, jenž předzvěstovali příchod spravedlivého tohoto, jehožto vy nyní zrádci a vražedníci jste.
53 Waxaad sharciga u hesheen sidii wax malaa'igahu hagaajiyeen, laakiinse ma aydnaan xajin.
Kteříž jste vzali Zákon působením andělským, a neostříhali jste ho.
54 Haddaba markay waxyaalahaas maqleen way ka xanaaqeen oo u ilka jirriqsadeen isaga.
Tedy slyšíce to, rozzlobili se v srdcích svých a škřipěli zuby na něho.
55 Laakiin isagoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxo ayuu samada aad u fiiriyey, oo wuxuu arkay ammaanta Ilaah iyo Ciise oo midigta Ilaah taagan,
On pak pln jsa Ducha svatého, pohleděv do nebe, uzřel slávu Boží a Ježíše stojícího na pravici Boží.
56 oo wuxuu yidhi, Bal eega, waxaan arkayaa samooyinkii oo la furay iyo Wiilkii Aadanaha oo midigta Ilaah taagan.
I řekl: Aj, vidím nebesa otevřená a Syna člověka stojícího na pravici Boží.
57 Laakiin markaasay cod weyn ku qayliyeen oo dhegaha furaysteen, oo iyagoo isku wada qalbi ah ku yaaceen isagii.
A oni zkřikše hlasem velikým, zacpali uši své, a obořili se jednomyslně na něj.
58 Markaasay intay magaalada ka soo saareen dhagxiyeen; kuwii maragga ahaana dharkoodii waxay ag dhigteen nin dhallinyaro ah oo la odhan jiray Sawlos.
A vyvedše jej z města, kamenovali ho. A svědkové složili roucha svá u noh mládence, kterýž sloul Saul.
59 Markaasay dhagxiyeen Istefanos oo Rabbiga baryaya oo ku leh, Rabbi Ciisow, ruuxayga qaado.
I kamenovali Štěpána vzývajícího Boha a řkoucího: Pane Ježíši, přijmi ducha mého.
60 Markaasuu jilba joogsaday oo cod weyn ku qayliyey oo ku yidhi, Rabbiyow, dembigan dushooda ha ka dhigin. Oo markuu sidaas yidhi, ayuu dhintay.
A poklek na kolena, zvolal hlasem velikým: Pane, nepokládej jim toho za hřích. A to pověděv, usnul v Pánu.

< Falimaha Rasuullada 7 >