< Falimaha Rasuullada 6 >
1 Waagaas waxaa dhacay, intii xertu badnaysay, in Yuhuuddii Gariigta ahayd ay ka gunuunaceen Cibraaniyadii, maxaa yeelay, carmalladoodii laga dhintay wixii maalin walba la siin jiray looguma hagarbixin.
Sasa katika siku hizi, wakati idadi ya wanafunzi ilipokuwa inaongezeka, lalamiko la Wayahudi wa Kiyunani lilianza dhidi ya Waebrania, kwa sababu wajane wao walikuwa wanasahaulika katika mgao wa kila siku wa chakula.
2 Markaasaa laba-iyo-tobankii, intay isugu yeedheen kuwa badan oo xerta ka mid ahaa, waxay ku yidhaahdeen, Ma wanaagsana inaannu ereyga Ilaah iska dayno oo aannu miisas ka adeegno.
Mitume kumi na wawili waliwaita kusanyiko lote la wanafunzi na kusema, “Siyo sahihi kwetu kuliacha neno la Mungu na kuhudumia mezani.
3 Haddaba, walaalayaalow, waxaad dhexdiinna ka xushaan toddoba nin oo sharaf leh, oo ay ka buuxaan Ruuxa iyo xigmaddu, oo aynu u dooranno shuqulkan.
Kwa hiyo, ndugu, chagueni, wanaume saba, kutoka miongoni mwenu, watu wema, waliojaa Roho na hekima, ambao tunaweza kuwakabidhi huduma hii.
4 Annaguse waxaannu ku sii adkaysan doonnaa tukasho iyo shuqulka ereyga.
Na sisi, tutaendelea daima katika kuomba na katika huduma ya neno.”
5 Hadalkiina waa ka wada farxiyey dadkii badnaa oo dhan; oo waxay doorteen Istefanos oo ahaa nin ay ka buuxaan rumaysad iyo Ruuxa Quduuska ahu, iyo Filibos, iyo Barokhoros, iyo Nikanoor, iyo Timoon, iyo Barmenaas, iyo Nikolas kii reer Antiyokh oo diinta soo galay.
Hotuba yao ikaupendeza mkutano wote. Hivyo, wakamchagua Stefano, mtu aliyejaa imani na Roho Mtakatifu, na Filipo, Prokoro, Nikanori, Timoni, Parmena, na Nikolao, mwongofu kutoka Antiokia.
6 Kuwaasay rasuulladii hor keeneen; oo markay tukadeen dabadeed, ayay gacmahoodii saareen.
Waumini waliwaleta watu hawa mbele ya mitume, walioomba na badaye wakawawekea mikono yao.
7 Markaasaa ereygii Ilaah faafay, tiradii xertiina Yeruusaalem aad ugu badatay, oo tiro badan oo wadaaddo ahina iimaankay yeeleen.
Hivyo, neno la Mungu lilienea; na idadi ya wanafunzi ilizidi kuongezeka huko Yesrusalem; na idadi kubwa ya makuhani wakaitii imani.
8 Markaasaa Istefanos oo ay nimco iyo xoog ka buuxaan ayaa dadka dhexdiisa ku sameeyey yaabab iyo calaamooyin waaweyn.
Na Stefano, aliyejaa neema na nguvu, alikuwa akifanya maajabu na ishara kubwa miongoni mwa watu.
9 Laakiin waxaa kacay oo Istefanos la murmay kuwii sunagogga la odhan jiray sunagogga Libertiinta, iyo kan reer Kuranaya, iyo reer Iskanderiya, iyo kuwa Kilikiya iyo Aasiya.
Lakini hapo wakainuka baadhi ya watu wafuasi wa Sinagogi liitwalo Sinagogi la Mahuru, na la Wakirene na la Waeskanderia, na baadhi kutoka Kilikia na Asia. Watu hawa walikuwa wakihojiana na Stefano.
10 Iyaguna waa is-hor taagi kari waayeen xigmaddii iyo Ruuxii uu ku hadlay.
Lakini, hawakuweza kushindana na hekima na Roho ambayo Stefano alikuwa akitumia katika kuzungumza.
11 Markaasay niman laaluusheen, oo nimankii baa waxay yidhaahdeen, Waxaannu maqalnay isagoo Muuse iyo Ilaahba caayaya.
Kisha waliwashawishi baadhi ya watu kwa siri kusema, “Tumesikia Stefano akizungumza maneno ya kufuru dhidi ya Musa na dhidi ya Mungu.”
12 Markaasay kiciyeen dadkii iyo waayeelladii iyo culimmadii, oo intay isagii ku soo kediyeen oo qabteen, ayay shirkii geeyeen.
Waliwashurutisha watu, wazee, na waandishi, na kumwendea Stefano, wakamkamata, na kumleta mbele ya baraza.
13 Markaasay waxay soo taageen markhaatiyaal been ah oo leh, Ninkanu iskama daayo inuu meeshan quduuska ah iyo sharciga erayo xunxun ka sheego,
waliwaleta mashahidi wa uongo, waliosema, “mtu huyu haachi kunena maneno mabaya dhidi ya eneo hili takatifu na sheria.
14 waayo, waxaannu maqalnay isagoo leh, Ciisahan reer Naasared meeshan buu dumin doonaa, wuxuuna beddeli doonaa caadooyinkii Muuse inooga tegey.
Kwani tumemsikia akisema kwamba huyu Yesu wa Nazareti atapaharibu mahali hapa na kuzibadili desturi tulizokabidhiwa na Musa.”
15 Oo kuwii shirka wada fadhiyey oo dhan, iyagoo aad u fiirinaya, waxay arkeen wejigiisii oo ah sidii weji malaa'igeed oo kale.
Kila mmoja aliyekuwa katika baraza, akaelekeza macho yake kumwangalia Stefano, nao wakauona uso wake ulikuwa kama uso wa malaika.