< Falimaha Rasuullada 25 >

1 Haddaba Feestos markuu soo galay gobolkii, ayuu saddex maalmood dabadeed Kaysariya ka tegey, oo wuxuu aaday Yeruusaalem.
שלושה ימים לאחר שנכנס פסטוס לתפקידו, עזב את קיסריה ועלה לירושלים.
2 Markaasaa wadaaddadii sare iyo raggii Yuhuudda u waaweynaa waxay isagii u sheegeen wax Bawlos ka gees ah, wayna baryeen
ראשי הכוהנים ומנהיגי העם ניגשו אל פסטוס וסיפרו לו את טענותיהם נגד פולוס.
3 oo axsaan ka weyddiisteen inuu isaga Yeruusaalem u soo diro; iyagoo shirqool u dhigaya inay jidka ku dilaan.
הם ביקשו ממנו להעלות את פולוס מקיסריה לירושלים ללא דיחוי (כי זממו לארוב לו בדרך ולרצוח אותו).
4 Habase yeeshee Feestos wuxuu ugu jawaabay in Bawlos lagu dhawrayo Kaysariya, iyo in isaga qudhiisuba dhaqsiyo halkaas u aadayo.
אולם פסטוס השיב להם:”פולוס נמצא עתה בקיסריה, וגם אני עומד לשוב לשם בקרוב.
5 Oo wuxuu ku yidhi, Haddaba kuwa idinku jira oo amarka lahu aniga ha ila tageen, oo haddii ninkaasu wax qallooc ah leeyahay, iyagu ha dacweeyeen isaga.
אני מציע שתבחרו מספר אנשים בעלי סמכות שילכו איתי לקיסריה, ואם פולוס חטא יוכלו אנשיכם לתבוע אותו למשפט.“
6 Oo markuu iyagii dhex joogay in aan ka badnayn siddeed ama toban maalmood, ayuu wuxuu aaday Kaysariya, kolkaasuu maalintii dambe fadhiistay kursigii xukumaadda, oo wuxuu amray in Bawlos la keeno.
כעבור שמונה או עשרה ימים חזר המושל לקיסריה, ולמחרת ערך את משפטו של פולוס.
7 Oo kolkuu yimid, Yuhuuddii Yeruusaalem ka timid ayaa hareerihiisii soo istaagtay, oo waxay keeneen dacwooyin badan oo waaweyn, oo ayan iyagu xaqiijin karin.
כשהגיע פולוס לאולם בית־הדין, הקיפו אותו היהודים שבאו מירושלים והטיחו בו האשמות חמורות, אך הם לא יכלו להוכיח אף אחת מהן.
8 Markii Bawlos isdaafacayay, ayuu wuxuu yidhi, Anigu innaba kuma dembaabin sharciga Yuhuudda ama macbudka iyo Kaysar toona.
פולוס כפר בכל ההאשמות.”אינני אשם“, אמר.”לא עברתי על חוקי התורה, לא חיללתי את בית־המקדש ולא מרדתי בקיסר!“
9 Laakiin Feestos isagoo doonaya inuu Yuhuudda kaga farxiyo, ayuu wuxuu ku jawaabay oo Bawlos ku yidhi, Ma doonaysaa inaad Yeruusaalem tagto oo waxyaalahan halkaas hortayda lagugu xukumo?
אולם פסטוס, שרצה מאוד למצוא־חן בעיני היהודים, פנה אליו ושאל:”האם אתה מוכן לעלות לירושלים ולהישפט שם לפני?“
10 Laakiin Bawlos wuxuu yidhi, Anigu waxaan hor taaganahay kursigii xukumaadda oo Kaysar; halkanay igu waajib tahay in laygu xukumo. Anigu Yuhuudda innaba xumaan kuma aan samayn, sidaad aad ugu og tahay.
”לא!“, השיב פולוס.”בשום אופן לא. אני עומד בתוקף על זכותי לעמוד לדין לפני כס הקיסר! אתה יודע היטב שאיני אשם. אם ביצעתי פשע שדינו מוות – איני מבקש רחמים או חנינה. אולם אם אני חף מפשע – לאף אחד אין רשות להסגיר אותי לידי אנשים אלה כדי שירצחו אותי. ברצוני לערער לפני הקיסר!“
11 Haddaba haddii aan xumaan falay oo aan galay wax dhimasho istaahila, geeri diidi maayo; laakiin waxyaalahan ay kuwanu igu dacwaynayaan haddii aan wax run ah lagu arag, ninna iima gacangelin karo iyaga. Waxaan u ashtakoonayaa Kaysar.
12 Markaasaa Feestos, markuu shirka la tashaday, ayuu wuxuu ku jawaabay, Kaysar baad u ashtakootay; Kaysar baad u tegaysaa.
פסטוס התייעץ עם יועציו, ואחר כך אמר:”אתה רוצה לערער לפני הקיסר? יהיה כרצונך!“
13 Haddaba kolkii dhawr maalmood la soo dhaafay ayaa waxaa Kaysariya yimid oo Feestos soo salaamay boqor Agribba iyo Bernikee.
כעבור ימים אחדים באו המלך אגריפס וברניקה לבקר את פסטוס.
14 Oo kolkii ay maalmo badan halkaas joogeen ayaa Feestos wuxuu boqorkii hor dhigay dacwadii Bawlos, oo wuxuu ku yidhi, Waxaa jira nin Feelikos ka tegey isagoo maxbuus ah;
ביקורם נמשך ימים אחדים, ופסטוס שוחח עם המלך על המקרה של פולוס.”יש כאן אסיר אחד, “פתח פסטוס,”שפליקס השאירו בכלא.
15 kaasoo waagii aan Yeruusaalem joogay ay wadaaddadii sare iyo waayeelladii Yuhuuddu igu soo dacweeyeen iyagoo doonaya in la xukumo isagii.
כשהייתי בירושלים סיפרו לי ראשי הכוהנים וזקני היהודים את גרסתם, ודרשו ממני להוציאו להורג.
16 Iyagii waxaan ugu jawaabay oo ku idhi, Ma aha caadada reer Rooma in ninna xukumaad loo dhiibo intaan mudduciyaasha layska hor keenin muddacalayga oo la siin fursad uu isaga daafaco xaalka lagu ashtakeeyey.
כמובן שמיהרתי להבהיר להם שהחוק הרומאי אינו מרשיע אדם לפני שמעמידים אותו לדין, ולפני שניתנה לו האפשרות לעמוד מול מאשימיו ולהגן על עצמו.
17 Haddaba markii ay halkan wada yimaadeen, anigu innaba siima aan raagin ee maalintii dambe ayaan waxaan ku fadhiistay kursigii xukumaadda, oo waxaan amray in ninka la keeno.
”כשבאו לכאן מאשימיו כינסתי מיד את חברי בית־הדין, ושלחתי להביא את פולוס.
18 Laakiin markii ay mudduciyaashii istaageen, ma ay keenin innaba wax xumaan ah oo u eg wixii aan filanayay;
אולם ההאשמות שהעלו נגדו כלל לא דמו לחשדות שהיו לי לגביו.
19 laakiin waxay lahaayeen su'aalo isaga ka gees ah oo ku saabsan diintooda iyo mid Ciise la odhan jiray oo dhintay, laakiin Bawlos leeyahay inuu nool yahay.
המחלוקת ביניהם הייתה בנושא הדת היהודית, ועל אדם בשם ישוע אשר מת, ואילו פולוס מתעקש לטעון שהוא חי.
20 Haddaba anigoo ka shakiyaya sidii aan waxyaalahan u sii haybin lahaa, ayaan waxaan isagii weyddiistay bal inuu Yeruusaalem tegayo oo meeshaas lagu xukumo waxyaalahan iyo in kale.
לא ידעתי כיצד להחליט במקרה שכזה, ולכן שאלתי אותו אם יהיה מוכן להישפט על כך בירושלים.
21 Laakiin markii Bawlos doonayay in la sii hayo ilaa boqorku gar gooyo, waxaan amray in la sii hayo ilaa aan isaga Kaysar u diro.
פולוס סרב, ודרש לערער לפני הקיסר אוגוסטוס! משום כך פקדתי להחזירו לכלא, עד שאוכל לקבוע לו ראיון אצל הקיסר.“
22 Markaasaa Agribba wuxuu Feestos ku yidhi, Aniguba waxaan jeclaan lahaa inaan ninka maqlo. Markaasuu yidhi, Berritaad maqlaysaa.
”הייתי רוצה לשמוע את האיש הזה במו אוזני“, אמר אגריפס.”בסדר“, ענה פסטוס.”מחר תשמע אותו.“
23 Sidaas daraaddeed maalintii dambe ayaa Agribba iyo Bernikee waxay la yimaadeen bandhig weyn, oo waxay soo galeen maxkamaddii, iyaga iyo nimankii sare iyo raggii magaalada ugu waaweynaa. Markaasaa Feestos wuxuu amray in Bawlos loo keeno.
למחרת נכנסו המלך אגריפס וברניקה לאולם בית־הדין ברוב פאר והדר, ובליווי משמר קציני־צבא ואצילי העיר. פסטוס ציווה להכניס את פולוס לתוך האולם,
24 Markaasaa Feestos wuxuu yidhi, Boqor Agribba iyo ragga kale oo halkan nala jooga oo dhammow, waxaad arkaysaan ninkan Yuhuudda badan oo dhammu ay iiga soo cabteen Yeruusaalem iyo halkanba, iyagoo ku qaylinaya, Waajib ma aha in ninkanu sii noolaado.
ולאחר מכן פנה אל הנוכחים ואמר:”המלך אגריפס, וכל הנאספים כאן: זהו האיש אשר היהודים בקיסריה ובירושלים רוצים במותו.
25 Laakiin waxaan ogaaday inuusan samayn innaba wax dhimasho istaahila; oo isaga qudhiisuba wuxuu u ashtakooday boqorka, sidaas daraaddeed waxaan goostay inaan isaga diro.
לפי דעתי הוא לא עבר כל עברה שדינה מוות, אולם מאחר שדרש לערער לפני הקיסר, החלטתי לשלוח אותו לרומא.
26 Haddaba anigu ma hayo wax xaqiiqa ah oo ninkan ku saabsan oo aan sayidkayga u qoro. Sidaas daraaddeed ayaan isaga hortiinna u keenay, iyo khusuusan adiga hortaada, boqor Agribbow, in kolkii loo imtixaamo dabadeed aan helo wax aan qoro.
אבל מה אכתוב לקיסר? הרי אין נגדו שום טענה מבוססת! על כן הבאתי אותו לפני כולכם, ובמיוחד לפניך, המלך אגריפס, כדי שתחקור אותו ותאמר לי מה לכתוב.
27 Waayo, waxay ila eg tahay caqliyaraan in maxbuus la diro iyadoo aan aad loo xaqiijin wixii lagu ashtakeeyey.
כי הרי אין זה הגיוני לשלוח אסיר אל הקיסר בלא אשמה כלשהי.“

< Falimaha Rasuullada 25 >