< Falimaha Rasuullada 24 >

1 Kolkaasaa shan maalmood dabadeed waxaa yimid Ananiyas oo ahaa wadaadkii sare oo wata kuwo waayeellada ah iyo mid codkar ah oo Tertullos la odhan jiray; oo waxay taliyihii u sheegeen wax Bawlos ka gees ah.
五天后,大祭司亚拿尼亚、几名长老和一位名叫帖土罗的律师来到总督府,控告保罗。
2 Oo markii loo yeedhay ayaa Tertullos wuxuu bilaabay inuu isagii dacweeyo, oo wuxuu yidhi, Adiga daraaddaa waxaannu ku raaxaysannaa nabad badan, oo dhaqaalahaaga aawadiisna xumaatooyinka waa laga hagaajiyaa quruuntan.
当保罗被传唤过来,帖土罗开始控诉他:“腓力斯大人,因为你的缘故,民众长久以来一直享受着太平。由于您的明智判断,为了国家的利益而进行了改革。
3 Annaguna si walba iyo meel walba ayaannu ku aqbalnaa, adigan Feelikos ah oo sharafka weyn lahow, oo aad iyo aad ayaannu ugu mahadnaqaynaa.
全国人民都对你深表感激。
4 Laakiin si aanan kuu sii daalin, waxaan kaa baryayaa inaad raxmaddaada nooga maqashid dhawr eray.
但为了不烦扰你,我们只需要占用你一点时间。
5 Maxaa yeelay, waxaannu aragnay in ninkanu yahay nin baas oo fidmad ka dhex kiciya Yuhuudda dunida joogta oo dhan, waana kan horgalaha u ah dariiqada Naasaraaniyiinta;
我们发现这个人就像瘟疫一样,他煽动普天下的犹太人叛乱,还是拿撒勒派的头目。
6 oo wuxuu aad ugu dadaalay inuu macbudka nijaaseeyo; oo weliba annagu waan soo qabannay isagii, oo waxaannu ku xukumi lahayn wax sharcigayaga ku saabsan.
因为他想要污损圣殿,所以我们将他逮捕。
7 Laakiin waxaa yimid sirkaalkii sare oo Lusiyas la yidhaahdo, oo gacantayada xoog kaga baxshay isagii,
8 oo wuxuu kuwii soo dacwaynayay ku amray inay hortaada yimaadaan. Isaga markaad adiga qudhaadu imtixaantid waad ka ogaan kari doontaa waxyaalahan aannu isaga ku dacwaynayno oo dhan.
你只需亲自审问,就会清楚我们控告他的一切事实。”
9 Oo Yuhuuddiina way ku darmadeen dacwadii iyagoo adkaynaya in waxyaalahaasu saas yihiin.
犹太人也应声附和,证实事实的确如此。
10 Oo markii taliyuhu u gacan haadiyey inuu hadlo, ayaa Bawlos u jawaabay oo wuxuu yidhi. Anigu waan ogahay inaad sannado badan quruuntan xaakin u ahayd, sababtaas daraaddeed anigoo aad u faraxsan ayaan isdaafacayaa.
总督示意保罗回应。保罗开始申辩:“我知道你多年来一直担任本国的法官,我很乐意为自己辩护。
11 Adigu waad ogaan karaysaa inayan laba iyo toban maalmood ka badnayn kolkii aan Yeruusaalem caabudidda u tegey.
有一点很容易证明,我是十二天前才抵达耶路撒冷进行礼拜,
12 Anigoo qof la doodaya ama dad badan kicinaya laygama helin ama macbudka ama sunagogyada ama magaalada.
无论在圣殿、会堂或城里,没有人看到我跟人辩论或是煽动群众作乱,
13 Kuumana ay caddayn karaan waxyaalihii ay imminka igu dacwaynayaan.
他们现在控告我的事,也没有人能向你证明。
14 Laakiin tan baan kuu qiranayaa, inaan Ilaaha awowayaashayo ugu adeego sida Jidka ay yidhaahdaan dariiqo bidcinimo ah, anigoo rumaysan waxyaalaha sharcigu leeyahay oo dhan iyo waxyaalaha lagu qoray kitaabbadii nebiyada.
但我要向你明确一件事:我谨遵正道信仰伺奉我们祖先的上帝,但他们称之为邪教。无论是律法还是先知所记载的一切,我都相信。
15 Oo waxaan xagga Ilaah ka rajaynayaa waxyaalaha ay kuwan qudhooduba filanayaan, waana inay jiri doonto sarakicidda ay kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahayn soo sara kici doonaan.
我和他们一样对上帝心存希望,相信无论是正义或不正义之人都会复活。
16 Tan ayaan ku dadaalayaa inaan had iyo goorba qabo qalbi aan xumaan u keenin xagga Ilaah iyo xagga dadba.
因此,我在上帝和世人面前,努力保持无愧于心。
17 Haddaba sannado badan dabadeed ayaan waxaan u imid inaan quruuntayda u keeno sadaqooyin iyo qurbaanno.
我曾离开这里几年,在返回时带来了捐款支援穷苦人,也为上帝带来了祭物。
18 Markaan kuwaas keenayay ayay macbudka iga heleen, anigoo daahirsamay, oo aan dad badan la joogin, oo aan buuq ku jirin; laakiin waxaa joogay kuwo Yuhuud ah oo Aasiya ka yimid
他们在圣殿中找到我时,我正在完成洁净礼,没有和大群民众在一起,更没有骚乱,
19 kuwaasoo ay waajib ahayd inay halkan hortaada joogaan oo ay i dacweeyaan haddii ay wax igu haystaan.
当时只有几名来自亚西亚的犹太人而已。他们针对于我,今天就应该站在你面前控告我。
20 Haddii kalese nimankan qudhoodu ha sheegeen xaqdarradii ay igu heleen markii aan shirka hor istaagay,
这些人如果发现我有什么罪行,当我站在公议会面前受审时,就会说出来了。
21 haddii ayan ahayn codkan keliya oo aan ku dhawaaqay markaan iyaga dhex taagnaa oo idhi, Wax ku saabsan sarakicidda kuwii dhintay ayaad maanta igu xukumaysaan.
如果有什么特别的,那可能就是我向他们喊的那句话:‘我今天在你们面前受审,就是因为我相信死人复活。’”
22 Laakiin Feelikos oo aad u sii garanaya wax ku saabsan Jidka ayaa xaajadoodii dib u dhigay oo yidhi, Kolkii sirkaalka sare oo Lusiyas ah yimaado ayaan xaajadiinna dhammaan u garan doonaa.
腓力斯本人非常熟悉道,于是就故意拖延审讯。他说:“等千夫长吕西亚过来的时候,我再来决定你的案子。”
23 Markaasuu boqol-u-taliyihii ku amray in la ilaaliyo isagoo aan xidhnayn oo aan saaxiibbadiis laga joojin inay u adeegaan.
他吩咐百夫长看守保罗,但要给他一些自由,不要阻止保罗的亲友前来照料。
24 Laakiin dhawr maalmood dabadeed ayaa Feelikos yimid isagoo ay naagtiisa Darusilla oo Yahuudiyad ahayd la socoto, oo wuxuu u cid dirsaday Bawlos, oo wuxuu ka maqlay wax ku saabsan rumaysadkuu rumaystay Ciise Masiix.
几天后,腓力斯把他的犹太妻子土西拉带来。他们召见保罗,听他讲述对耶稣基督的信仰。
25 Oo intuu kala hadlayay xaqnimada iyo iscelinta iyo xukunka imanaya, ayaa Feelikos cabsaday oo u jawaabay oo ku yidhi, Haatan iska tag; oo markaan wakhti wanaagsan helo ayaan kuu yeedhan doonaa.
保罗简述了关于在生活中遵循正道、自我控制和即将到来的审判,这让腓力斯感到警觉,于是说:“你现在可以走了,有机会再叫你过来。”
26 Wuxuu rajaynayay in Bawlos lacag siiyo isagii, sidaas daraaddeed ayuu marar badan u soo cid diray oo la hadlay isagii.
此外,他也想让保罗向他行贿,所以后来又多次传见他,与他交流。
27 Laakiin markii laba sannadood dhammaatay waxaa Feelikos jagadiisa qaatay Borkiyos Feestos; Feelikosna isagoo doonaya inuu Yuhuuddii ka farxiyo ayuu Bawlos daayay isagoo xidhan.
两年过去了,非斯都接替了腓力斯的职务,腓力斯为了讨好犹太人,就将保罗继续关在监牢中。

< Falimaha Rasuullada 24 >