< Falimaha Rasuullada 23 >
1 Markaasaa Bawlos shirka aad u fiiriyey oo ku yidhi, Walaalayaalow, ilaa maalintan ayaan qalbi wanaagsan ku noolaa Ilaah hortiis.
സഭാസദ്ലോകാൻ പ്രതി പൗലോഽനന്യദൃഷ്ട്യാ പശ്യൻ അകഥയത്, ഹേ ഭ്രാതൃഗണാ അദ്യ യാവത് സരലേന സർവ്വാന്തഃകരണേനേശ്വരസ്യ സാക്ഷാദ് ആചരാമി|
2 Kolkaasaa wadaadkii sare oo Ananiyas la odhan jiray ku amray kuwii ag taagnaa inay afka ku dhuftaan.
അനേന ഹനാനീയനാമാ മഹായാജകസ്തം കപോലേ ചപേടേനാഹന്തും സമീപസ്ഥലോകാൻ ആദിഷ്ടവാൻ|
3 Markaasaa Bawlos ku yidhi, Ilaah baa kugu dhufan doona, kaaga derbi caddaysanow; ma waxaad u fadhidaa inaad sharciga igu xukuntid oo aad ku amartid in laygu dhufto si aan sharcigu lahayn?
തദാ പൗലസ്തമവദത്, ഹേ ബഹിഷ്പരിഷ്കൃത, ഈശ്വരസ്ത്വാം പ്രഹർത്തുമ് ഉദ്യതോസ്തി, യതോ വ്യവസ്ഥാനുസാരേണ വിചാരയിതുമ് ഉപവിശ്യ വ്യവസ്ഥാം ലങ്ഘിത്വാ മാം പ്രഹർത്തുമ് ആജ്ഞാപയസി|
4 Markaasaa kuwii ag taagnaa waxay ku yidhaahdeen, Ilaah wadaadkiisa sare miyaad caayaysaa?
തതോ നികടസ്ഥാ ലോകാ അകഥയൻ, ത്വം കിമ് ഈശ്വരസ്യ മഹായാജകം നിന്ദസി?
5 Bawlosna wuxuu ku yidhi, Walaalayaalow, anigu ma aan garanaynin inuu wadaadkii sare yahay; maxaa yeelay, waxaa qoran, Waa inaanad wax shar ah kaga hadlin nin dadkaaga u taliya.
തതഃ പൗലഃ പ്രതിഭാഷിതവാൻ ഹേ ഭ്രാതൃഗണ മഹായാജക ഏഷ ഇതി ന ബുദ്ധം മയാ തദന്യച്ച സ്വലോകാനാമ് അധിപതിം പ്രതി ദുർവ്വാക്യം മാ കഥയ, ഏതാദൃശീ ലിപിരസ്തി|
6 Laakiin Bawlos markuu gartay in dadka qaarkiis Sadukiin yahay, qaarka kalena ay Farrisiin yihiin, ayuu shirkii ka dhex qayliyey oo yidhi, Walaalayaalow, anigu waxaan ahay Farrisi oo ah Farrisiinta wiilkood, oo wax ku saabsan rajada iyo sarakicidda kuwii dhintay ayaa laygu xukumayaa.
അനന്തരം പൗലസ്തേഷാമ് അർദ്ധം സിദൂകിലോകാ അർദ്ധം ഫിരൂശിലോകാ ഇതി ദൃഷ്ട്വാ പ്രോച്ചൈഃ സഭാസ്ഥലോകാൻ അവദത് ഹേ ഭ്രാതൃഗണ അഹം ഫിരൂശിമതാവലമ്ബീ ഫിരൂശിനഃ സത്നാനശ്ച, മൃതലോകാനാമ് ഉത്ഥാനേ പ്രത്യാശാകരണാദ് അഹമപവാദിതോസ്മി|
7 Oo markuu sidaas yidhina, waxaa Farrisiintii iyo Sadukiintii ka dhex dhacay muran, ururkiina waa kala qaybsamay.
ഇതി കഥായാം കഥിതായാം ഫിരൂശിസിദൂകിനോഃ പരസ്പരം ഭിന്നവാക്യത്വാത് സഭായാ മധ്യേ ദ്വൗ സംഘൗ ജാതൗ|
8 Maxaa yeelay, Sadukiintu waxay yidhaahdaan, Ma jiraan sarakicidda ama malaa'ig ama ruuxba; laakiin Farrisiintu kulligoodba way qirtaan.
യതഃ സിദൂകിലോകാ ഉത്ഥാനം സ്വർഗീയദൂതാ ആത്മാനശ്ച സർവ്വേഷാമ് ഏതേഷാം കമപി ന മന്യന്തേ, കിന്തു ഫിരൂശിനഃ സർവ്വമ് അങ്ഗീകുർവ്വന്തി|
9 Markaasaa waxaa dhacay buuq weyn, oo qaar ka mid ah culimmadii safka Farrisiinta ayaa istaagay iyagoo hadal ku dagaallamaya oo leh, Ninkan wax shar ah kama helin; laakiin haddii ruux la hadlay isagii ama malaa'ig la hadashay, Ilaah la dagaallami mayno.
തതഃ പരസ്പരമ് അതിശയകോലാഹലേ സമുപസ്ഥിതേ ഫിരൂശിനാം പക്ഷീയാഃ സഭാസ്ഥാ അധ്യാപകാഃ പ്രതിപക്ഷാ ഉത്തിഷ്ഠന്തോ ഽകഥയൻ, ഏതസ്യ മാനവസ്യ കമപി ദോഷം ന പശ്യാമഃ; യദി കശ്ചിദ് ആത്മാ വാ കശ്ചിദ് ദൂത ഏനം പ്രത്യാദിശത് തർഹി വയമ് ഈശ്വരസ്യ പ്രാതികൂല്യേന ന യോത്സ്യാമഃ|
10 Oo markii muran weyni dhacay, ayaa sirkaalkii sare wuxuu ka cabsaday inay Bawlos kala jeexjeexaan, markaasuu askartii ku amray inay hoos tagaan oo xoog isaga uga soo qaadaan dadka dhexdiisa, oo ay qalcaddii keenaan.
തസ്മാദ് അതീവ ഭിന്നവാക്യത്വേ സതി തേ പൗലം ഖണ്ഡം ഖണ്ഡം കരിഷ്യന്തീത്യാശങ്കയാ സഹസ്രസേനാപതിഃ സേനാഗണം തത്സ്ഥാനം യാതും സഭാതോ ബലാത് പൗലം ധൃത്വാ ദുർഗം നേതഞ്ചാജ്ഞാപയത്|
11 Haddaba habeenkii dambe Rabbiga ayaa is-ag taagay isagii oo ku yidhi, Kalsoonow, maxaa yeelay, sidaad Yeruusaalem iigu markhaati furtay waa inaad Roomana iigu markhaati furtid.
രാത്രോ പ്രഭുസ്തസ്യ സമീപേ തിഷ്ഠൻ കഥിതവാൻ ഹേ പൗല നിർഭയോ ഭവ യഥാ യിരൂശാലമ്നഗരേ മയി സാക്ഷ്യം ദത്തവാൻ തഥാ രോമാനഗരേപി ത്വയാ ദാതവ്യമ്|
12 Oo markii ay maalin noqotayna, ayaa Yuhuuddii urur samaysteen oo nidar wada galeen iyagoo leh, Waxba cuni mayno, waxbana cabbi mayno ilaa aan Bawlos dilno mooyaane.
ദിനേ സമുപസ്ഥിതേ സതി കിയന്തോ യിഹൂദീയലോകാ ഏകമന്ത്രണാഃ സന്തഃ പൗലം ന ഹത്വാ ഭോജനപാനേ കരിഷ്യാമ ഇതി ശപഥേന സ്വാൻ അബധ്നൻ|
13 Kuwa isku dhaartayna waxay ka badnaayeen afartan.
ചത്വാരിംശജ്ജനേഭ്യോഽധികാ ലോകാ ഇതി പണമ് അകുർവ്വൻ|
14 Markaasay u yimaadeen wadaaddadii sare iyo waayeelladii, oo waxay ku yidhaahdeen, Nidar weyn ayaannu wada galnay, oo waxaannu isku dhaarsannay inaannan waxba dhadhamin ilaa aannu Bawlos dilno.
തേ മഹായാജകാനാം പ്രാചീനലോകാനാഞ്ച സമീപം ഗത്വാ കഥയൻ, വയം പൗലം ന ഹത്വാ കിമപി ന ഭോക്ഷ്യാമഹേ ദൃഢേനാനേന ശപഥേന ബദ്ധ്വാ അഭവാമ|
15 Haddaba idinka iyo shirkuba waxaad sirkaalka sare garansiisaan inuu isagii idiin keeno sidii idinkoo doonaya inaad aad u sii garataan waxyaalaha ku saabsan isagii; annaguna, intuusan soo dhowaan, diyaar baannu nahay inaannu dilno isagii.
അതഏവ സാമ്പ്രതം സഭാസദ്ലോകൈഃ സഹ വയം തസ്മിൻ കഞ്ചിദ് വിശേഷവിചാരം കരിഷ്യാമസ്തദർഥം ഭവാൻ ശ്വോ ഽസ്മാകം സമീപം തമ് ആനയത്വിതി സഹസ്രസേനാപതയേ നിവേദനം കുരുത തേന യുഷ്മാകം സമീപം ഉപസ്ഥിതേഃ പൂർവ്വം വയം തം ഹന്തു സജ്ജിഷ്യാമ|
16 Laakiin Bawlos wiilkuu abtiga u ahaa wuxuu maqlay gaadmadoodii, markaasuu yimid oo qalcaddii galay oo Bawlos u warramay.
തദാ പൗലസ്യ ഭാഗിനേയസ്തേഷാമിതി മന്ത്രണാം വിജ്ഞായ ദുർഗം ഗത്വാ താം വാർത്താം പൗലമ് ഉക്തവാൻ|
17 Markaasaa Bawlos wuxuu u yeedhay boqol-u-taliyayaashii midkood oo ku yidhi, Wiilkan u gee sirkaalka sare, maxaa yeelay, war buu qabaa inuu u sheego.
തസ്മാത് പൗല ഏകം ശതസേനാപതിമ് ആഹൂയ വാക്യമിദമ് ഭാഷിതവാൻ സഹസ്രസേനാപതേഃ സമീപേഽസ്യ യുവമനുഷ്യസ്യ കിഞ്ചിന്നിവേദനമ് ആസ്തേ, തസ്മാത് തത്സവിധമ് ഏനം നയ|
18 Sidaas daraaddeed ayuu kaxeeyey oo u geeyey sirkaalkii sare oo ku yidhi, Bawlos oo maxbuuska ah ayaa ii yeedhay, oo wuxuu i weyddiistay inaan kuu keeno wiilka oo war qaba inuu kuu sheego.
തതഃ സ തമാദായ സഹസ്രസേനാപതേഃ സമീപമ് ഉപസ്ഥായ കഥിതവാൻ, ഭവതഃ സമീപേഽസ്യ കിമപി നിവേദനമാസ്തേ തസ്മാത് ബന്ദിഃ പൗലോ മാമാഹൂയ ഭവതഃ സമീപമ് ഏനമ് ആനേതും പ്രാർഥിതവാൻ|
19 Markaasaa sirkaalkii sare gacanta ku qabtay isagii oo gees ula leexday oo gooni ahaan u weyddiiyey isagoo leh, Waa maxay warkaad qabtaa inaad ii sheegtid?
തദാ സഹസ്രസേനാപതിസ്തസ്യ ഹസ്തം ധൃത്വാ നിർജനസ്ഥാനം നീത്വാ പൃഷ്ഠവാൻ തവ കിം നിവേദനം? തത് കഥയ|
20 Markaasuu ku yidhi, Yuhuuddu waxay ku heshiiyeen inay kuu weyddiistaan inaad berrito Bawlos shirka hor keentid sidii adigoo doonaya inaad u sii weyddiisatid wax ku saabsan isagii.
തതഃ സോകഥയത്, യിഹൂദീയലാകാഃ പൗലേ കമപി വിശേഷവിചാരം ഛലം കൃത്വാ തം സഭാം നേതും ഭവതഃ സമീപേ നിവേദയിതും അമന്ത്രയൻ|
21 Haddaba yaanay ku oggolaysiin; maxaa yeelay, waxaa isagii gaadaya kuwa ka badan afartan nin oo iyaga ka mid ah, kuwaasoo nidar galay inayan wax cunin, waxna cabbin ilaa ay isaga dilaan; haddana diyaar bay yihiin, iyagoo ballanqaad kaa filanaya.
കിന്തു മവതാ തന്ന സ്വീകർത്തവ്യം യതസ്തേഷാം മധ്യേവർത്തിനശ്ചത്വാരിംശജ്ജനേഭ്യോ ഽധികലോകാ ഏകമന്ത്രണാ ഭൂത്വാ പൗലം ന ഹത്വാ ഭോജനം പാനഞ്ച ന കരിഷ്യാമ ഇതി ശപഥേന ബദ്ധാഃ സന്തോ ഘാതകാ ഇവ സജ്ജിതാ ഇദാനീം കേവലം ഭവതോ ഽനുമതിമ് അപേക്ഷന്തേ|
22 Haddaba sirkaalkii sare wiilkii buu iska diray isagoo ku amraya oo leh, Ninna ha u sheegin inaad waxyaalahan ii muujisay.
യാമിമാം കഥാം ത്വം നിവേദിതവാൻ താം കസ്മൈചിദപി മാ കഥയേത്യുക്ത്വാ സഹസ്രസേനാപതിസ്തം യുവാനം വിസൃഷ്ടവാൻ|
23 Markaasuu wuxuu u yeedhay laba ka mid ah boqol-u-taliyayaashii oo ku yidhi, Waxaad diyaarisaan inay saddexda saacadood oo habeennimo tagaan ilaa Kaysariya laba boqol oo askar ah iyo toddobaatan fardooley ah iyo laba boqol oo warmooley ah.
അനന്തരം സഹസ്രസേനാപതി ർദ്വൗ ശതസേനാപതീ ആഹൂയേദമ് ആദിശത്, യുവാം രാത്രൗ പ്രഹരൈകാവശിഷ്ടായാം സത്യാം കൈസരിയാനഗരം യാതും പദാതിസൈന്യാനാം ദ്വേ ശതേ ഘോടകാരോഹിസൈന്യാനാം സപ്തതിം ശക്തിധാരിസൈന്യാനാം ദ്വേ ശതേ ച ജനാൻ സജ്ജിതാൻ കുരുതം|
24 Wuxuu kaloo ku yidhi, Keena neefaf ay Bawlos fuuliyaan oo nabad isaga ugu geeya taliye Feelikos.
പൗലമ് ആരോഹയിതും ഫീലിക്ഷാധിപതേഃ സമീപം നിർവ്വിഘ്നം നേതുഞ്ച വാഹനാനി സമുപസ്ഥാപയതം|
25 Markaasuu qoray warqad sidan ah:
അപരം സ പത്രം ലിഖിത്വാ ദത്തവാൻ തല്ലിഖിതമേതത്,
26 Kalawdiyos Lusiyas wuxuu salaamayaa taliyaha sharafka weyn leh oo Feelikos ah.
മഹാമഹിമശ്രീയുക്തഫീലിക്ഷാധിപതയേ ക്ലൗദിയലുഷിയസ്യ നമസ്കാരഃ|
27 Markii Yuhuuddu qabatay ninkan oo ay u dhowaayeen inay dilaan, ayaan askar la imid oo bixiyey, markaan ogaaday inuu reer Rooma yahay.
യിഹൂദീയലോകാഃ പൂർവ്വമ് ഏനം മാനവം ധൃത്വാ സ്വഹസ്തൈ ർഹന്തുമ് ഉദ്യതാ ഏതസ്മിന്നന്തരേ സസൈന്യോഹം തത്രോപസ്ഥായ ഏഷ ജനോ രോമീയ ഇതി വിജ്ഞായ തം രക്ഷിതവാൻ|
28 Anigoo doonaya inaan ogaado sababtii ay ku dacwaynayeen, ayaan isagii shirkoodii hor keenay;
കിന്നിമിത്തം തേ തമപവദന്തേ തജ്ജ്ഞാതും തേഷാ സഭാം തമാനായിതവാൻ|
29 kaasoo aan markaas gartay inay isaga ku dacweeyeen su'aalo ku saabsan sharcigooda, laakiin inaan lagu ashtakayn wax uu ku istaahilo in la dilo ama in la xidho.
തതസ്തേഷാം വ്യവസ്ഥായാ വിരുദ്ധയാ കയാചന കഥയാ സോഽപവാദിതോഽഭവത്, കിന്തു സ ശൃങ്ഖലബന്ധനാർഹോ വാ പ്രാണനാശാർഹോ ഭവതീദൃശഃ കോപ്യപരാധോ മയാസ്യ ന ദൃഷ്ടഃ|
30 Haddaba markii la ii sheegay in loo heshiiyey in ninkii la gaadi doono, ayaan dhaqso kuugu soo diray isagii, anigoo ku amraya kuwii soo dacwaynayay inay hortaada ku dacweeyaan isaga.
തഥാപി മനുഷ്യസ്യാസ്യ വധാർഥം യിഹൂദീയാ ഘാതകാഇവ സജ്ജിതാ ഏതാം വാർത്താം ശ്രുത്വാ തത്ക്ഷണാത് തവ സമീപമേനം പ്രേഷിതവാൻ അസ്യാപവാദകാംശ്ച തവ സമീപം ഗത്വാപവദിതുമ് ആജ്ഞാപയമ്| ഭവതഃ കുശലം ഭൂയാത്|
31 Sidaas daraaddeed ayaa askartii, sidii lagu amray, Bawlos kaxeeyeen, oo habeennimo keeneen Antibatris.
സൈന്യഗണ ആജ്ഞാനുസാരേണ പൗലം ഗൃഹീത്വാ തസ്യാം രജന്യാമ് ആന്തിപാത്രിനഗരമ് ആനയത്|
32 Laakiin maalintii dambe ayay fardooleydii daayeen inay isaga sii raacaan, iyaguna waxay ku noqdeen qalcaddii;
പരേഽഹനി തേന സഹ യാതും ഘോടകാരൂഢസൈന്യഗണം സ്ഥാപയിത്വാ പരാവൃത്യ ദുർഗം ഗതവാൻ|
33 kuwaasu markay Kaysariya yimaadeen oo ay warqaddii u dhiibeen taliyaha, ayay Bawlos hor taageen isagii.
തതഃ പരേ ഘോടകാരോഹിസൈന്യഗണഃ കൈസരിയാനഗരമ് ഉപസ്ഥായ തത്പത്രമ് അധിപതേഃ കരേ സമർപ്യ തസ്യ സമീപേ പൗലമ് ഉപസ്ഥാപിതവാൻ|
34 Markuu akhriyeyna, wuxuu weyddiiyey gobolkii uu ka yimid; oo kolkuu ogaaday inuu Kilikiya ka yimid,
തദാധിപതിസ്തത്പത്രം പഠിത്വാ പൃഷ്ഠവാൻ ഏഷ കിമ്പ്രദേശീയോ ജനഃ? സ കിലികിയാപ്രദേശീയ ഏകോ ജന ഇതി ജ്ഞാത്വാ കഥിതവാൻ,
35 ayuu wuxuu ku yidhi, Waan maqli doonaa dacwadaada markii kuwii ku dacwaynayay yimaadaan; markaasuu ku amray in lagu hayo gurigii taliyaha.
തവാപവാദകഗണ ആഗതേ തവ കഥാം ശ്രോഷ്യാമി| ഹേരോദ്രാജഗൃഹേ തം സ്ഥാപയിതുമ് ആദിഷ്ടവാൻ|