< Falimaha Rasuullada 19 >

1 Haddaba waxaa dhacay, markii Abolloos Korintos joogay, in Bawlos oo soo dhex maray waddanka sare yimid Efesos, oo halkaas wuxuu kula kulmay kuwo xer ah.
ܘܟܕ ܐܝܬܘܗܝ ܗܘܐ ܐܦܠܘ ܒܩܘܪܢܬܘܤ ܐܬܟܪܟ ܦܘܠܘܤ ܒܐܬܪܘܬܐ ܥܠܝܐ ܘܐܬܐ ܠܐܦܤܘܤ ܘܡܫܐܠ ܗܘܐ ܠܬܠܡܝܕܐ ܐܝܠܝܢ ܕܐܫܟܚ ܬܡܢ
2 Markaasuu ku yidhi iyagii, Ruuxa Quduuska ah ma hesheen markaad rumaysateen? Kolkaasay ku yidhaahdeen, Maya, maba aannu maqlin in Ruuxa Quduuska ahi jiro iyo in kale.
ܕܐܢ ܩܒܠܬܘܢ ܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܡܢ ܕܗܝܡܢܬܘܢ ܥܢܘ ܘܐܡܪܝܢ ܠܗ ܘܐܦܠܐ ܐܢ ܐܝܬ ܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܫܡܝܥ ܠܢ
3 Markaasuu ku yidhi, Haddaba maxaa laydinku baabtiisay? Oo waxay ku yidhaahdeen, Baabtiiskii Yooxanaa.
ܐܡܪ ܠܗܘܢ ܘܒܡܢܐ ܥܡܕܬܘܢ ܐܡܪܝܢ ܒܡܥܡܘܕܝܬܗ ܕܝܘܚܢܢ
4 Bawlosna wuxuu ku yidhi, Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay baabtiiska toobadda, isagoo dadkii ku leh, Waa inaad rumaysataan kan iga daba iman doona, isagoo ula jeeda Ciise.
ܐܡܪ ܠܗܘܢ ܦܘܠܘܤ ܝܘܚܢܢ ܐܥܡܕ ܡܥܡܘܕܝܬܐ ܕܬܝܒܘܬܐ ܠܥܡܐ ܟܕ ܐܡܪ ܗܘܐ ܕܢܗܝܡܢܘܢ ܒܐܝܢܐ ܕܐܬܐ ܒܬܪܗ ܕܐܝܬܘܗܝ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ
5 Oo markay waxaas maqleen, waxaa iyagii lagu baabtiisay Rabbi Ciise magiciisa.
ܘܟܕ ܗܠܝܢ ܫܡܥܘ ܥܡܕܘ ܒܫܡܗ ܕܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ
6 Markii Bawlos gacmaha dul saarayna ayaa Ruuxa Quduuska ahu ku soo degay iyagii; markaasay afaf kale ku hadleen oo ay wax sii sheegeen;
ܘܤܡ ܥܠܝܗܘܢ ܐܝܕܐ ܦܘܠܘܤ ܘܐܬܐ ܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܥܠܝܗܘܢ ܘܡܡܠܠܝܢ ܗܘܘ ܒܠܫܢ ܠܫܢ ܘܡܬܢܒܝܢ ܗܘܘ
7 nimankii oo dhanna waxay ahaayeen abbaaraha laba iyo toban.
ܗܘܝܢ ܗܘܘ ܕܝܢ ܟܠܗܘܢ ܐܢܫܐ ܬܪܥܤܪ
8 Haddaba sunagogga ayuu galay, oo meeshaas ayuu saddex bilood geesinimo kaga dhex hadlay, isagoo dadka la doodaya oo u soo jeedinaya waxyaalo ku saabsan boqortooyada Ilaah.
ܘܥܠ ܗܘܐ ܦܘܠܘܤ ܠܟܢܘܫܬܐ ܘܡܡܠܠ ܗܘܐ ܥܝܢ ܒܓܠܐ ܝܪܚܐ ܬܠܬܐ ܘܡܦܝܤ ܗܘܐ ܥܠ ܡܠܟܘܬܗ ܕܐܠܗܐ
9 Laakiin qaarkood markay madax adkaadeen oo caasiyoobeen, iyagoo xumaan kaga hadlaya Jidka dadkii badnaa hortooda, ayuu iyagii ka tegey oo xertii ka soo soocay, oo maalin walba ayuu dad kula doodi jiray iskoolka Turannos.
ܘܐܢܫܝܢ ܡܢܗܘܢ ܡܬܩܫܝܢ ܗܘܘ ܘܡܬܚܪܝܢ ܘܡܨܚܝܢ ܠܐܘܪܚܐ ܕܐܠܗܐ ܩܕܡ ܟܢܫܐ ܕܥܡܡܐ ܗܝܕܝܢ ܐܪܚܩ ܦܘܠܘܤ ܘܦܪܫ ܡܢܗܘܢ ܠܬܠܡܝܕܐ ܘܟܠܝܘܡ ܡܡܠܠ ܗܘܐ ܥܡܗܘܢ ܒܐܤܟܘܠܐ ܕܓܒܪܐ ܕܫܡܗ ܛܘܪܢܘܤ
10 Taasuna laba sannadood ay socotay, si dadkii Aasiya degganaa, oo Yuhuud iyo Gariigba lahaa, ay u wada maqleen ereyga Rabbiga.
ܘܗܕܐ ܗܘܬ ܫܢܝܢ ܬܪܬܝܢ ܥܕܡܐ ܕܫܡܥܘ ܡܠܬܐ ܕܡܪܝܐ ܟܠܗܘܢ ܕܥܡܪܝܢ ܒܐܤܝܐ ܝܗܘܕܝܐ ܘܐܪܡܝܐ
11 Ilaahna wuxuu gacmaha Bawlos ku sameeyey cajaa'ibyo khaas ah,
ܘܚܝܠܐ ܪܘܪܒܐ ܥܒܕ ܗܘܐ ܐܠܗܐ ܒܐܝܕܗ ܕܦܘܠܘܤ
12 sidaas aawadeedna waxaa jidhkiisa kuwii bukay looga keenay marooyin yaryar ama macawiso, markaasaa cudurradii iyagii daayeen, jinniyadiina waa ka baxeen.
ܗܟܢܐ ܕܐܦ ܡܢ ܢܚܬܐ ܕܥܠ ܓܘܫܡܗ ܤܘܕܪܐ ܐܘ ܪܘܩܥܐ ܡܝܬܝܢ ܗܘܘ ܘܤܝܡܝܢ ܥܠ ܟܪܝܗܐ ܘܦܪܩܝܢ ܗܘܘ ܡܢܗܘܢ ܟܘܪܗܢܐ ܘܐܦ ܫܐܕܐ ܢܦܩܝܢ ܗܘܘ
13 Laakiin kuwo Yuhuudda wareegi jirtay ka mid ah oo jinniyosaarayaal ah baa waxay ku talo jireen inay kuwii jinniyada qabay ka dul yidhaahdaan magaca Rabbi Ciise, iyagoo leh, Waxaan idinku dhaarinayaa Ciisaha Bawlos dadka ku wacdiyo.
ܨܒܘ ܗܘܘ ܕܝܢ ܐܦ ܐܢܫܐ ܝܗܘܕܝܐ ܐܝܠܝܢ ܕܡܬܟܪܟܝܢ ܗܘܘ ܘܡܘܡܝܢ ܥܠ ܫܐܕܐ ܕܢܘܡܘܢ ܒܫܡܗ ܕܡܪܢ ܝܫܘܥ ܥܠ ܐܝܠܝܢ ܕܐܝܬ ܗܘܝ ܠܗܘܢ ܪܘܚܐ ܛܢܦܬܐ ܟܕ ܐܡܪܝܢ ܗܘܘ ܡܘܡܝܢܢ ܠܟܘܢ ܒܫܡܗ ܕܝܫܘܥ ܐܝܢܐ ܕܡܟܪܙ ܦܘܠܘܤ
14 Waxaa jiray oo sidaas sameeyey toddoba wiil oo Iskeba dhalay, kaasoo ahaa wadaad sare oo Yuhuudi ah.
ܐܝܬ ܗܘܐ ܕܝܢ ܫܒܥܐ ܒܢܘܗܝ ܕܓܒܪܐ ܚܕ ܝܗܘܕܝܐ ܪܒ ܟܗܢܐ ܕܫܡܗ ܗܘܐ ܤܩܘܐ ܕܥܒܕܝܢ ܗܘܘ ܗܕܐ
15 Markaasaa jinnigii u jawaabay oo ku yidhi iyagii, Ciise ayaan garanayaa, Bawlosna waan aqaan, idinkuse yaad tihiin?
ܘܥܢܐ ܫܐܕܐ ܗܘ ܒܝܫܐ ܘܐܡܪ ܠܗܘܢ ܠܝܫܘܥ ܡܫܬܘܕܥ ܐܢܐ ܘܠܦܘܠܘܤ ܝܕܥ ܐܢܐ ܐܢܬܘܢ ܕܝܢ ܡܢ ܐܢܬܘܢ
16 Haddaba ninkii jinniga qabay baa ku booday iyagii, wuuna ka xoog badiyey kulligood, oo ka adkaaday, sidaas darteed ayay gurigaas ka carareen, iyagoo qaawan oo dhaawacan.
ܘܫܘܪ ܥܠܝܗܘܢ ܓܒܪܐ ܗܘ ܕܐܝܬ ܗܘܐ ܒܗ ܪܘܚܐ ܒܝܫܬܐ ܘܐܬܚܝܠ ܥܠܝܗܘܢ ܘܫܦܠ ܐܢܘܢ ܘܟܕ ܫܠܝܚܝܢ ܘܦܥܝܥܝܢ ܥܪܩܘ ܡܢ ܒܝܬܐ ܗܘ
17 Markaasaa waxaa taas wada ogaaday Yuhuuddii iyo Gariigtii oo dhan oo Efesos joogtay; baqdinna waa wada gashay dhammaantood, magaca Rabbi Ciisena waa la weyneeyey.
ܘܗܕܐ ܐܬܝܕܥܬ ܗܘܬ ܠܟܠܗܘܢ ܝܗܘܕܝܐ ܘܐܪܡܝܐ ܕܥܡܪܝܢ ܒܐܦܤܘܤ ܘܢܦܠܬ ܕܚܠܬܐ ܥܠ ܟܠܗܘܢ ܘܡܬܪܡܪܡ ܗܘܐ ܫܡܗ ܕܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ
18 Markaasaa qaar badan oo rumaystay yimaadeen iyagoo qiranaya oo caddaysanaya falimahooda.
ܘܤܓܝܐܐ ܡܢ ܐܝܠܝܢ ܕܗܝܡܢܘ ܐܬܝܢ ܗܘܘ ܘܡܫܬܥܝܢ ܤܟܠܘܬܗܘܢ ܘܡܘܕܝܢ ܒܡܕܡ ܕܥܒܕܝܢ ܗܘܘ
19 Kuwii sixir fali jirayna qaarkood intay kitaabbadoodii ururiyeen ayay dadka hortooda ku wada gubeen; wayna tiriyeen qiimadooda, oo waxay arkeen inay ahayd konton kun oo gogo' oo lacag ah.
ܤܓܝܐܐ ܕܝܢ ܐܦ ܚܪܫܐ ܟܢܫܘ ܟܬܒܝܗܘܢ ܘܐܝܬܝܘ ܐܘܩܕܘ ܐܢܘܢ ܩܕܡ ܟܠܢܫ ܘܚܫܒܘ ܕܡܝܗܘܢ ܘܤܠܩ ܟܤܦܐ ܪܒܘܬܐ ܚܡܫ
20 Sidaasaa ereygii Rabbigu xoog ugu batay oo u adkaaday.
ܘܗܟܢܐ ܒܚܝܠܐ ܪܒܐ ܬܩܦܐ ܗܘܬ ܘܤܓܝܐ ܗܝܡܢܘܬܗ ܕܐܠܗܐ
21 Haddaba markii waxyaalahaasu dhammaadeen ayaa Bawlos ruuxiisa kula talo jiray inuu Yeruusaalem tago markuu Makedoniya iyo Akhaya sii dhex maray dabadeed, isagoo leh, Markaan meeshaas tago dabadeed, waa inaan Roomana arko.
ܟܕ ܕܝܢ ܐܫܬܠܡ ܗܠܝܢ ܤܡ ܦܘܠܘܤ ܒܪܥܝܢܗ ܕܢܬܟܪܟ ܒܟܠܗ ܡܩܕܘܢܝܐ ܘܒܐܟܐܝܐ ܘܢܐܙܠ ܠܐܘܪܫܠܡ ܘܐܡܪ ܕܡܐ ܕܐܙܠܬ ܠܬܡܢ ܘܠܐ ܠܝ ܕܐܦ ܪܗܘܡܝ ܐܚܙܐ
22 Markaasuu wuxuu Makedoniya u diray laba ka mid ah kuwii isaga u adeegi jiray oo ahaa Timoteyos iyo Erastos, isaga qudhiisuse wuxuu ku hadhay Aasiya intii muddo ah.
ܘܫܕܪ ܗܘܐ ܬܪܝܢ ܐܢܫܝܢ ܡܢ ܗܢܘܢ ܕܡܫܡܫܝܢ ܗܘܘ ܠܗ ܠܡܩܕܘܢܝܐ ܠܛܝܡܬܐܘܤ ܘܠܐܪܤܛܘܤ ܗܘ ܕܝܢ ܩܘܝ ܙܒܢܐ ܒܐܤܝܐ
23 Haddaba waxaa wakhtigaas kacday rabshad aan yarayn oo ku saabsan Jidka.
ܗܘܐ ܗܘܐ ܕܝܢ ܒܗܘ ܙܒܢܐ ܫܓܘܫܝܐ ܤܓܝܐܐ ܥܠ ܐܘܪܚܗ ܕܐܠܗܐ
24 Maxaa yeelay, ninkoo Deemeetriyos la odhan jiray oo lacagtume ahaa, oo macbudyo yaryar oo Di'ana lacag ka samayn jiray, wuxuu sancaawiyadii u keeni jiray faa'iido aan yarayn;
ܐܝܬ ܗܘܐ ܕܝܢ ܬܡܢ ܥܒܕ ܤܐܡܐ ܚܕ ܕܫܡܗ ܗܘܐ ܕܡܛܪܝܘܤ ܕܥܒܕ ܗܘܐ ܢܘܤܐ ܕܤܐܡܐ ܠܐܪܛܡܝܤ ܘܡܘܬܪ ܗܘܐ ܠܒܢܝ ܐܘܡܢܘܬܗ ܝܘܬܪܢܐ ܪܒܐ
25 kuwaasoo uu isla soo ururiyey raggii la shuqul ahaa isagoo ku leh, Niman yahow, waad og tihiin inaynu shuqulkan ka helno hodantinimadeenna.
ܗܢܐ ܟܢܫ ܐܢܘܢ ܠܒܢܝ ܐܘܡܢܘܬܗ ܟܠܗܘܢ ܘܠܐܝܠܝܢ ܕܦܠܚܝܢ ܥܡܗܘܢ ܘܐܡܪ ܠܗܘܢ ܓܒܪܐ ܝܕܥܝܢ ܐܢܬܘܢ ܕܬܐܓܘܪܬܢ ܟܠܗ ܡܢ ܗܢܐ ܗܝ ܦܘܠܚܢܐ
26 Waxaad arkaysaan oo aad maqlaysaan in Bawloskanu sasabay oo jeediyey dad badan, oo aan kuwii Efesos oo keliya ahayn, laakiin kuwii joogay Aasiya badidood, isagoo leh, Ilaahyo gacmo lagu sameeyo, ilaahyo ma aha.
ܘܐܦ ܐܢܬܘܢ ܫܡܥܝܢ ܐܢܬܘܢ ܘܚܙܝܢ ܐܢܬܘܢ ܕܠܐ ܗܘܐ ܒܠܚܘܕ ܠܒܢܝ ܐܦܤܘܤ ܐܠܐ ܐܦ ܠܤܘܓܐܐ ܕܟܠܗ ܐܤܝܐ ܐܦܝܤ ܗܢܐ ܦܘܠܘܤ ܘܐܗܦܟ ܟܕ ܐܡܪ ܕܠܘ ܐܠܗܐ ܐܢܘܢ ܗܢܘܢ ܕܒܐܝܕܝ ܒܢܝܢܫܐ ܡܬܥܒܕܝܢ
27 Khatar uma aha shuqulkeenna oo keliya in la quudhsado, laakiin waxay khatar u tahay oo kale in macbudka ilaahadda weyn oo Di'ana la fududaysto, weynaanteedana laga baabbi'iyo, taasoo Aasiya oo dhan iyo duniduba ay wada caabudaan.
ܘܠܘ ܗܕܐ ܨܒܘܬܐ ܒܠܚܘܕ ܡܬܦܪܤܝܐ ܘܒܛܠܐ ܐܠܐ ܐܦ ܗܘ ܗܝܟܠܐ ܕܐܪܛܡܝܤ ܐܠܗܬܐ ܪܒܬܐ ܡܬܚܫܒ ܠܗ ܐܝܟ ܠܐ ܡܕܡ ܘܐܦ ܗܝ ܐܠܗܬܐ ܕܟܠܗ ܐܤܝܐ ܘܟܠܗܘܢ ܥܡܡܐ ܤܓܕܝܢ ܠܗ ܡܬܫܝܛܐ
28 Oo markay taas maqleen, aad bay u cadhoodeen, wayna dhawaaqeen iyagoo leh, Waxaa weyn Di'anada reer Efesos.
ܘܟܕ ܫܡܥܘ ܗܠܝܢ ܐܬܡܠܝܘ ܚܡܬܐ ܘܩܥܝܢ ܗܘܘ ܘܐܡܪܝܢ ܪܒܐ ܗܝ ܐܪܛܡܝܤ ܕܐܦܤܝܐ
29 Magaaladii oo dhammuna waa wada qasnayd; waxayna qabsadeen Gayos iyo Aristarkhos oo ahaa niman reer Makedoniya oo la socdaali jiray Bawlos, markaasay iyagoo isku wada qalbi ah te'atradii ku yaaceen.
ܘܐܫܬܓܫܬ ܟܠܗ ܡܕܝܢܬܐ ܘܪܗܛܘ ܐܟܚܕܐ ܘܐܙܠܘ ܠܬܐܛܪܘܢ ܘܚܛܦܘ ܐܘܒܠܘ ܥܡܗܘܢ ܠܓܐܝܘܤ ܘܠܐܪܤܛܪܟܘܤ ܓܒܪܐ ܡܩܕܘܢܝܐ ܒܢܝ ܠܘܝܬܗ ܕܦܘܠܘܤ
30 Kolkii Bawlos damcay inuu dadkii dhex galo, xertii uma ay oggolaan isagii.
ܘܦܘܠܘܤ ܨܒܐ ܗܘܐ ܕܢܥܘܠ ܠܬܐܛܪܘܢ ܘܟܠܐܘܗܝ ܬܠܡܝܕܐ
31 Haddaba qaar ka mid ah madaxda Aasiya oo saaxiibbo u ahaa isagii ayaa u soo cid diray, oo waxay ka baryeen inuusan isku biimayn te'atradii.
ܘܐܦ ܪܫܐ ܕܐܤܝܐ ܡܛܠ ܕܪܚܡܘܗܝ ܗܘܘ ܫܕܪܘ ܒܥܘ ܡܢܗ ܕܠܐ ܢܬܠ ܢܦܫܗ ܕܢܥܘܠ ܠܬܐܛܪܘܢ
32 Haddaba qaar wax bay ku qayliyeen, qaar kalena wax kalay ku qayliyeen, maxaa yeelay, ururkii waa qasnaa, badidooduna ma ay garanayn waxay isugu yimaadeen.
ܟܢܫܐ ܕܝܢ ܕܐܝܬ ܗܘܘ ܒܬܐܛܪܘܢ ܛܒ ܫܓܝܫܝܢ ܗܘܘ ܘܐܚܪܢܐ ܐܚܪܢܝܬܐ ܩܥܝܢ ܗܘܘ ܤܓܝܐܐ ܓܝܪ ܡܢܗܘܢ ܠܐ ܝܕܥܝܢ ܗܘܘ ܡܛܠ ܡܢܐ ܐܬܟܢܫܘ
33 Markaasay Aleksanderos ka soo saareen dadkii badnaa isagoo ay Yuhuuddii hore u soo tuurayaan. Markaasaa Aleksanderos gacan taagay, oo wuxuu damci lahaa inuu af isku daafaco dadka hortiisa.
ܥܡܐ ܕܝܢ ܕܝܗܘܕܝܐ ܕܐܝܬ ܗܘܘ ܬܡܢ ܐܩܝܡܘ ܡܢܗܘܢ ܠܓܒܪܐ ܝܗܘܕܝܐ ܕܫܡܗ ܐܠܟܤܢܕܪܘܤ ܘܟܕ ܩܡ ܐܢܝܦ ܐܝܕܗ ܘܨܒܐ ܗܘܐ ܕܢܦܘܩ ܪܘܚܐ ܠܥܡܐ
34 Laakiin kolkay garteen inuu Yuhuudi yahay ayay dhammaan intii laba saacadood ah isku cod ku qayliyeen iyagoo leh, Waxaa weyn Di'anada reer Efesos.
ܘܟܕ ܝܕܥܘ ܕܝܗܘܕܝܐ ܗܘ ܩܥܘ ܟܠܗܘܢ ܒܚܕ ܩܠܐ ܐܝܟ ܫܥܝܢ ܬܪܬܝܢ ܕܪܒܐ ܗܝ ܐܪܛܡܝܤ ܕܐܦܤܝܐ
35 Markuu karaanigii magaaladu aamusiiyey dadkii badnaa, ayuu ku yidhi, Nimankiinan reer Efesosow, ninkee baan oqoon in magaalada Efesos ay tahay ta ilaalisa macbudka Di'anada weyn iyo sanamkii Yubiter ka soo dhacay?
ܘܫܠܝ ܐܢܘܢ ܪܫܐ ܕܡܕܝܢܬܐ ܟܕ ܐܡܪ ܓܒܪܐ ܐܦܤܝܐ ܡܢܘ ܓܝܪ ܡܢ ܒܢܝܢܫܐ ܕܠܐ ܝܕܥ ܠܡܕܝܢܬܐ ܕܐܦܤܝܐ ܕܟܘܡܪܬܐ ܗܝ ܕܐܪܛܡܝܤ ܪܒܬܐ ܘܠܨܠܡܗ ܕܡܢ ܫܡܝܐ ܢܚܬ
36 Waxyaalahaasu waa wax aan la dafiri karin, sidaas daraaddeed waxaa idinku waajib ah inaad xasilloonaataan oo aydnaan samayn wax qamaam ah.
ܡܛܠ ܗܟܝܠ ܕܠܘܩܒܠ ܗܕܐ ܐܢܫ ܠܐ ܡܫܟܚ ܠܡܐܡܪ ܘܠܐ ܠܟܘܢ ܕܬܗܘܘܢ ܫܠܝܢ ܘܠܐ ܬܥܒܕܘܢ ܡܕܡ ܒܤܘܪܗܒܐ
37 Waayo, waxaad halkan keenteen nimankan iyagoo aan ahayn kuwo macbudyo dhaca ama kuwo caaya ilaahaddeenna.
ܐܝܬܝܬܘܢ ܓܝܪ ܠܓܒܪܐ ܗܠܝܢ ܟܕ ܠܐ ܗܝܟܠܐ ܚܠܨܘ ܘܠܐ ܨܚܝܘ ܠܐܠܗܬܢ
38 Sidaas daraaddeed haddii Deemeetriyos iyo kuwa la shuqul ah ay nin wax ku haystaan, maxkamadahu waa furan yihiin, xaakinnona waa jiraan; haddaba ha isdacweeyaan.
ܐܢ ܕܝܢ ܗܢܐ ܕܡܛܪܝܘܤ ܘܒܢܝ ܐܘܡܢܘܬܗ ܐܝܬ ܠܗܘܢ ܕܝܢܐ ܥܡ ܐܢܫ ܗܐ ܐܢܬܘܦܛܘܤ ܒܡܕܝܢܬܐ ܐܘܡܢܐ ܐܢܘܢ ܢܩܪܒܘܢ ܘܢܕܘܢܘܢ ܚܕ ܥܡ ܚܕ
39 Laakiin haddii aad doonaysaan wax ku saabsan axwaal kale, waxaa lagu gar gooyn doonaa ururkii sharciga.
ܘܐܢ ܗܘ ܕܡܕܡ ܐܚܪܝܢ ܒܥܝܢ ܐܢܬܘܢ ܒܕܘܟܬܐ ܕܝܗܝܒܐ ܡܢ ܢܡܘܤܐ ܠܟܢܘܫܝܐ ܡܫܬܪܐ
40 Haddaba waxaa khatar inoo ah in laynagu ashtakeeyo rabshaddii maanta aawadeed, iyadoo aan sababu u jirin; taasoo aynaan kari doonin inaynu wax ka sheegno buuqan.
ܡܛܠ ܕܐܦ ܗܫܐ ܒܩܢܕܝܢܘܤ ܩܝܡܝܢܢ ܕܢܬܪܫܐ ܐܝܟ ܫܓܘܫܐ ܕܠܐ ܡܫܟܚܝܢܢ ܕܢܦܘܩ ܪܘܚܐ ܥܠ ܟܢܫܐ ܕܝܘܡܐ ܗܢܐ ܕܐܬܟܢܫܢ ܒܛܠܐܝܬ ܘܐܫܬܓܫܢ ܕܠܐ ܥܠܬܐ
41 Oo goortuu waxyaalahaas ku hadlay dabadeed ayuu ururkii kala diray.
ܘܟܕ ܗܠܝܢ ܐܡܪ ܫܪܐ ܠܟܢܫܐ

< Falimaha Rasuullada 19 >