< Falimaha Rasuullada 18 >
1 Waxyaalahaas dabadeed Ateenay ayuu ka tegey, oo wuxuu yimid Korintos.
ⲁ̅ⲙⲛ̅ⲛ̅ⲥⲁⲛⲁⲓ̈ ⲁϥⲉⲓ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲛ̅ⲁⲑⲏⲛⲁⲓⲥ. ⲁϥⲃⲱⲕ ⲉⲕⲟⲣⲓⲛⲑⲟⲥ.
2 Meeshaasna wuxuu ka helay Yuhuudi Akula la odhan jiray, oo reer Bontos ah, oo mar dhow haweenaydiisa Bariskilla kala yimid Itaaliya, maxaa yeelay, Kalawdiyos baa ku amray Yuhuudda oo dhan inay Rooma ka tagaan; wuuna u yimid iyagii.
ⲃ̅ⲁⲩⲱ ⲁϥϩⲉ ⲉⲩⲓ̈ⲟⲩⲇⲁⲓ̈ ⲉⲡⲉϥⲣⲁⲛ ⲡⲉ ⲁⲕⲩⲗⲁⲥ. ⲟⲩⲡⲟⲛⲧⲓⲕⲟⲥ ϩⲙ̅ⲡⲉϥⲅⲉⲛⲟⲥ. ⲉⲁϥⲉⲓ ϩⲛ̅ⲛⲉϩⲟⲟⲩ ⲉⲧⲙ̅ⲙⲁⲩ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲛ̅ⲑⲓⲧⲁⲗⲓⲁ ⲙⲛ̅ⲡⲣⲓⲥⲕⲓⲗⲗⲁ ⲧⲉϥⲥϩⲓⲙⲉ. ⲉⲃⲟⲗ ϫⲉ ⲁⲕⲗⲁⲩⲇⲓⲟⲥ ⲟⲩⲉϩⲥⲁϩⲛⲉ ⲉⲧⲣⲉⲛ̅ⲓ̈ⲟⲩⲇⲁⲓ̈ ⲧⲏⲣⲟⲩ ⲃⲱⲕ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲛ̅ϩⲣⲱⲙⲏ. ⲁϥϯⲡⲉϥⲟⲩⲟⲉⲓ ⲉⲣⲟⲟⲩ.
3 Isaguna la shuqul buu ahaa, sidaas darteed ayuu ula joogay iyagii, wayna shaqeeyeen; waayo, xagga shuqulkooda waxay ahaayeen taambuug-sameeyayaal.
ⲅ̅ⲁⲩⲱ ⲁϥϭⲱ ϩⲁϩⲧⲏⲩ ⲁϥⲣ̅ϩⲱⲃ. ϫⲉ ⲛⲉⲧⲉϥⲉⲓⲟⲡⲉ ⲧⲱⲟⲩ ⲧⲉ. ⲛⲉⲧⲉⲩⲧⲉⲭⲛⲏ ⲅⲁⲣ ⲡⲉ ⲣⲉϥⲧⲁⲙⲓⲉⲥⲕⲩⲛⲏ.
4 Oo wuxuu sabti walba sunagogga kula doodi jiray oo soo jeedin jiray Yuhuud iyo Gariigba.
ⲇ̅ⲁⲩⲱ ⲛⲉϥϣⲁϫⲉ ⲉⲣⲟⲟⲩ ⲡⲉ ϩⲛ̅ⲧⲥⲩⲛⲁⲅⲱⲅⲏ ⲕⲁⲧⲁⲥⲁⲃⲃⲁⲧⲟⲛ ⲛⲓⲙ. ⲉϥⲡⲓⲑⲉ ⲛ̅ⲛ̅ⲓ̈ⲟⲩⲇⲁⲓ̈ ⲙⲛ̅ⲛ̅ϩⲉⲗⲗⲏⲛ.
5 Laakiin markii Silas iyo Timoteyos Makedoniya ka yimaadeen, hadalka ayaa haystay Bawlos isagoo Yuhuudda hortooda ka sheegaya in Ciise yahay Masiixa.
ⲉ̅ⲛ̅ⲧⲉⲣⲉⲥⲓⲗⲁⲥ ⲇⲉ ⲉⲓ ⲙⲛ̅ⲧⲓⲙⲟⲑⲉⲟⲥ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲛ̅ⲧ̅ⲙⲁⲕⲉⲇⲟⲛⲓⲁ. ⲛⲉⲣⲉⲡⲁⲩⲗⲟⲥ ⲙⲏⲛ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲙ̅ⲡϣⲁϫⲉ ⲉϥⲣ̅ⲙⲛ̅ⲧⲣⲉ ⲛ̅ⲛ̅ⲓ̈ⲟⲩⲇⲁⲓ̈ ϫⲉ ⲓ̅ⲥ̅ ⲡⲉ ⲡⲉⲭ̅ⲥ̅.
6 Oo markay is hor taageen oo caytameen, isagu dharkiisuu hurgufay oo ku yidhi iyagii, Dhiiggiinnu madaxiinna ha dul ahaado; anigu nadiif baan ahay, hadda ka dib waxaan u tegi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn.
ⲋ̅ⲛ̅ⲧⲉⲣⲟⲩϯ ⲇⲉ ⲟⲩⲃⲏϥ ⲉⲩϫⲓⲟⲩⲁ. ⲁϥⲛⲉϩⲛⲉϥϩⲟⲓ̈ⲧⲉ ⲉⲃⲟⲗ ⲉϥϫⲱ ⲙ̅ⲙⲟⲥ ϫⲉ ⲡⲉⲧⲛ̅ⲥⲛⲟϥ ⲉϩⲣⲁⲓ̈ ⲉϫⲛ̅ⲧⲉⲧⲛ̅ⲁⲡⲉ. ϯⲟⲩⲁⲁⲃ ⲁⲛⲟⲕ ϫⲓⲛⲧⲉⲛⲟⲩ ⲉⲓ̈ⲛⲁⲃⲱⲕ ⲉϩⲣⲁⲓ̈ ⲉⲛϩⲉⲑⲛⲟⲥ.
7 Markaasuu meeshaas ka tegey, oo wuxuu galay gurigii ninka Tiitos Yuustos la odhan jiray, kaasoo Ilaah caabudi jiray, oo gurigiisu ku xigay sunagogga.
ⲍ̅ⲁϥⲡⲱⲱⲛⲉ ⲇⲉ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲙ̅ⲡⲙⲁ ⲉⲧⲙ̅ⲙⲁⲩ. ⲁϥⲃⲱⲕ ⲉϩⲟⲩⲛ ⲉⲡⲏⲓ̈ ⲛⲟⲩⲥⲟⲛ ⲉⲡⲉϥⲣⲁⲛ ⲡⲉ ⲧⲓⲧⲟⲥ ⲉϥϣⲙ̅ϣⲉ ⲙ̅ⲡⲛⲟⲩⲧⲉ. ⲡⲁⲓ̈ ⲉⲣⲉⲡⲉϥⲏⲓ̈ ϩⲏⲛ ⲉϩⲟⲩⲛ ⲉⲧⲥⲩⲛⲁⲅⲱⲅⲏ.
8 Markaasaa Kirisbos oo sunagogga u sarreeyey baa Rabbiga rumaystay, isaga iyo kuwii gurigiisa oo dhanba; kuwo badan oo reer Korintos ahna ayaa markay maqleen rumaystay, oo waa la baabtiisay.
ⲏ̅ⲕⲣⲓⲥⲡⲟⲥ ⲇⲉ ⲡⲁⲣⲭⲏⲥⲩⲛⲁⲅⲱⲅⲟⲥ ⲁϥⲡⲓⲥⲧⲉⲩⲉ ⲉⲡϫⲟⲉⲓⲥ ⲙⲛ̅ⲡⲉϥⲏⲓ̈ ⲧⲏⲣϥ̅. ⲁⲩⲱ ϩⲁϩ ϩⲛ̅ⲛ̅ⲕⲟⲣⲓⲛⲑⲟⲥ ⲉⲩⲥⲱⲧⲙ̅ ⲁⲩⲡⲓⲥⲧⲉⲩⲉ ⲁⲩⲱ ⲁⲩϫⲓⲃⲁⲡⲧⲓⲥⲙⲁ.
9 Haddaba Rabbiga ayaa wuxuu Bawlos habeennimo riyo ku yidhi, Ha cabsanin, laakiin hadal, hana aamusin;
ⲑ̅ⲡⲉϫⲉⲡϫⲟⲉⲓⲥ ⲇⲉ ⲙ̅ⲡⲁⲩⲗⲟⲥ ϩⲛ̅ⲟⲩϩⲟⲣⲟⲙⲁ ⲛ̅ⲧⲉⲩϣⲏ. ϫⲉ ⲙ̅ⲡⲣ̅ⲣ̅ϩⲟⲧⲉ ⲁⲗⲗⲁ ϣⲁϫⲉ. ⲁⲩⲱ ⲙ̅ⲡⲣ̅ⲕⲁⲣⲱⲕ
10 maxaa yeelay, anaa kula jooga, ninnana kuma dhici doono inuu wax ku yeelo, waayo, dad badan baan magaaladan ku leeyahay.
ⲓ̅ϫⲉ ⲁⲛⲟⲕ ϯϣⲟⲟⲡ ⲛⲙ̅ⲙⲁⲕ. ⲁⲩⲱ ⲙⲛ̅ⲗⲁⲁⲩ ⲛⲁϣϭⲙ̅ϭⲟⲙ ⲉⲣ̅ⲡⲉⲑⲟⲟⲩ ⲛⲁⲕ. ϫⲉ ⲟⲩⲛ̅ⲟⲩⲗⲁⲟⲥ ⲉⲛⲁϣⲱϥ ϣⲟⲟⲡ ⲛⲁⲓ̈ ϩⲛ̅ⲧⲉⲓ̈ⲡⲟⲗⲓⲥ.
11 Meeshaasna sannad iyo lix bilood ayuu joogay, oo wuxuu dhexdooda barayay ereyga Ilaah.
ⲓ̅ⲁ̅ⲁϥϩⲙⲟⲟⲥ ⲇⲉ ⲙ̅ⲙⲁⲩ ⲛ̅ⲟⲩⲣⲟⲙⲡⲉ ⲙⲛ̅ⲥⲟⲟⲩ ⲛ̅ⲉⲃⲟⲧ ⲉϥϯⲥⲃⲱ ⲛ̅ϩⲏⲧⲟⲩ ⲙ̅ⲡϣⲁϫⲉ ⲙ̅ⲡⲛⲟⲩⲧⲉ.
12 Laakiin kolkii Galliyo ahaa taliyaha Akhaya, Yuhuuddii oo isku qalbi ah baa ku kacday Bawlos, oo waxay hor keeneen kursigii xukumaadda iyagoo leh,
ⲓ̅ⲃ̅ⲅⲁⲗⲗⲓⲱⲛ ⲇⲉ ⲉϥⲟ ⲛ̅ⲁⲛⲑⲩⲡⲁⲧⲟⲥ ⲉϫⲛ̅ⲧⲁⲭⲁⲓⲁ. ⲁⲛⲓ̈ⲟⲩⲇⲁⲓ̈ ⲧⲱⲟⲩⲛ ϩⲓⲟⲩⲥⲟⲡ ⲉϫⲙ̅ⲡⲁⲩⲗⲟⲥ ⲁⲩⲛ̅ⲛⲉⲩϭⲓϫ ⲉϩⲣⲁⲓ̈ ⲉϫⲱϥ. ⲁⲩϫⲓⲧϥ̅ ⲉⲡⲃⲏⲙⲁ
13 Ninkanu wuxuu dadka yeelsiiyaa inay Ilaah u caabudaan si sharciga ka gees ah.
ⲓ̅ⲅ̅ⲉⲩϫⲱ ⲙ̅ⲙⲟⲥ ϫⲉ ⲡⲁⲣⲁⲡⲛⲟⲙⲟⲥ ⲡⲁⲓ̈ ⲡⲓⲑⲉ ⲛ̅ⲛ̅ⲣⲱⲙⲉ ⲉϣⲙ̅ϣⲉ ⲙ̅ⲡⲛⲟⲩⲧⲉ.
14 Laakiin kolkii Bawlos u dhowaa inuu afkiisa kala qaado ayaa Galliyo Yuhuuddii ku yidhi, Kuwiinnan Yuhuudda ahow, xaajadii hadday tahay xaqdarro ama xumaan shar ah, sababtaas waan idiinku dulqaadan lahaa;
ⲓ̅ⲇ̅ⲛ̅ⲧⲉⲣⲉⲡⲁⲩⲗⲟⲥ ⲇⲉ ⲉⲓ ⲉϥⲛⲁⲟⲩⲱⲛ ⲛ̅ⲣⲱϥ. ⲡⲉϫⲉⲅⲁⲗⲗⲓⲱⲛ ⲛ̅ⲛ̅ⲓ̈ⲟⲩⲇⲁⲓ̈ ϫⲉ ⲉⲛⲉⲟⲩϫⲓ ⲛ̅ϭⲟⲛⲥ̅ ⲏ̅ ⲟⲩϩⲱⲃ ⲉϥϩⲟⲟⲩ ⲡⲉⲛⲧⲁϥϣⲱⲡⲉ ⲱ̅ ⲛ̅ⲓ̈ⲟⲩⲇⲁⲓ̈. ⲛⲉⲓ̈ⲛⲁⲁⲛⲉⲭⲉ ⲡⲉ ⲙ̅ⲙⲱⲧⲛ̅ ⲉⲩⲗⲟⲅⲱⲥ.
15 laakiin hadday yihiin su'aalo ku saabsan hadallo iyo magacyo iyo sharcigiinna, idinka qudhiinnu fiiriya, maxaa yeelay, anigu dooni maayo inaan waxyaalahaas xaakin u ahaado.
ⲓ̅ⲉ̅ⲧⲉⲛⲟⲩ ϭⲉ ⲉϣϫⲉϩⲉⲛⲍⲏⲧⲏⲙⲁ ⲛⲉ ⲉⲧⲃⲉⲟⲩϣⲁϫⲉ. ⲏ̅ ϩⲉⲛⲣⲁⲛ ⲉⲧⲃⲉⲡⲉⲧⲛ̅ⲛⲟⲙⲟⲥ ⲧⲉⲧⲛ̅ⲣⲱϣⲉ ⲛ̅ⲧⲱⲧⲛ̅. ⲁⲛⲟⲕ ⲅⲁⲣ ⲛ̅ϯⲟⲩⲱϣ ⲁⲛ ⲉϯϩⲁⲡ ⲉϩⲱⲃ ⲛ̅ⲧⲉⲓ̈ⲙⲓⲛⲉ.
16 Markaasuu iyagii ka eryay kursigii xukumaadda.
ⲓ̅ⲋ̅ⲁⲩⲱ ⲁϥⲛⲟϫⲟⲩ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲙ̅ⲡⲃⲏⲙⲁ.
17 Kolkaasay kulligood waxay qabteen Sostenees oo sunagogga u sarreeyey, wayna ku garaaceen isagii kursigii xukumaadda hortiisa. Galliyona dan kama gelin waxyaalahaas.
ⲓ̅ⲍ̅ⲁⲛϩⲗ̅ⲗⲏⲛ ⲇⲉ ⲧⲏⲣⲟⲩ ⲁⲙⲁϩⲧⲉ ⲛ̅ⲥⲱⲥⲑⲉⲛⲏⲥ ⲡⲁⲣⲭⲏⲥⲩⲛⲁⲅⲱⲅⲟⲥ ⲁⲩϩⲓⲟⲩⲉ ⲉⲣⲟϥ ⲙ̅ⲡⲉⲙⲧⲟ ⲉⲃⲟⲗ ⲙ̅ⲡⲃⲏⲙⲁ. ⲁⲩⲱ ⲙ̅ⲡⲉⲅⲁⲗⲗⲓⲱⲛ ⲡⲣⲟⲥⲉⲭⲉ ⲉⲣⲟⲟⲩ.
18 Markaasaa Bawlos maalmo badan sii joogay, dabadeed ayuu walaalihii ka tegey, oo wuxuu u dhoofay Suuriya, isagoo ay la socdaan Bariskilla iyo Akula, wuxuuna Kenekhreya hore ugu xiirtay madaxa, maxaa yeelay, nidar buu galay.
ⲓ̅ⲏ̅ⲡⲁⲩⲗⲟⲥ ⲇⲉ ⲟⲛ ⲁϥϭⲱ ⲛ̅ϩⲉⲛⲕⲉⲙⲏⲏϣⲉ ⲛ̅ϩⲟⲟⲩ ϩⲁⲧⲛ̅ⲛⲉⲥⲛⲏⲩ. ⲙⲛ̅ⲛ̅ⲥⲁⲛⲁⲓ̈ ⲁϥⲁⲡⲟⲧⲁⲥⲥⲉ ⲛⲁⲩ ⲁϥⲥϭⲏⲣ ⲉⲧⲥⲩⲣⲓⲁ ⲙⲛ̅ⲡⲣⲓⲥⲕⲓⲗⲗⲁ ⲁⲩⲱ ⲁⲕⲩⲗⲁⲥ. ⲁϥϩⲉⲕⲉⲧⲉϥⲁⲡⲉ ϩⲛ̅ⲕⲉⲛⲭⲣⲁⲓⲁⲓⲥ. ⲛⲉⲩⲛ̅ⲧⲁϥ ⲅⲁⲣ ⲙ̅ⲙⲁⲩ ⲛ̅ⲟⲩⲉⲣⲏⲧ.
19 Markaasay waxay yimaadeen Efesos, oo halkaasuu iyagii kaga tegey; laakiin isagu wuxuu galay sunagogga oo la dooday Yuhuuddii.
ⲓ̅ⲑ̅ⲛ̅ⲧⲉⲣⲟⲩⲡⲱϩ ⲇⲉ (ⲉ)ⲉⲫⲉⲥⲟⲥ ⲙ̅ⲡⲥⲁⲃⲃⲁⲧⲟⲛ ⲉⲧⲛⲏⲩ. ⲁⲡⲁⲩⲗⲟⲥ ⲃⲱⲕ ⲉϩⲟⲩⲛ ⲉⲧⲥⲩⲛⲁⲅⲱⲅⲏ ⲁϥϣⲁϫⲉ ⲙⲛ̅ⲛ̅ⲓ̈ⲟⲩⲇⲁⲓ̈.
20 Oo markay weyddiisteen inuu wakhti ka sii dheer joogo, ma uu oggolaan;
ⲕ̅ⲛ̅ⲧⲉⲣⲟⲩⲥⲉⲡⲥⲱⲡϥ̅ ⲇⲉ ⲉⲣ̅ⲟⲩⲛⲟϭ ⲛ̅ⲟⲩⲟⲉⲓϣ ⲙ̅ⲙⲁⲩ ⲙ̅ⲡϥ̅ϭⲱ.
21 laakiin markuu ka tegey ayuu ku yidhi, Mar kalaan idiin soo noqon doonaa haddii Ilaah doonayo, markaasuu Efesos ka dhoofay.
ⲕ̅ⲁ̅ⲁⲗⲗⲁ ⲁϥⲕⲁⲛⲏ ⲙ̅ⲡⲙⲁ ⲉⲧⲙ̅ⲙⲁⲩ. ⲁϥⲁⲡⲟⲧⲁⲥⲥⲉ ⲛⲁⲩ ⲉϥϫⲱ ⲙ̅ⲙⲟⲥ ϫⲉ ϯⲛⲁⲕⲧⲟⲓ̈ ⲟⲛ ϣⲁⲣⲱⲧⲛ̅. ⲉϣⲱⲡⲉ ⲡⲟⲩⲱϣ ⲙ̅ⲡⲛⲟⲩⲧⲉ ⲡⲉ. ⲁϥⲃⲱⲕ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲛ̅ⲧⲉⲫⲉⲥⲟⲥ
22 Oo markuu Kaysariya ku soo degay, ayuu wuxuu u aaday oo salaamay kiniisadda, markaasuu Antiyokh aaday.
ⲕ̅ⲃ̅ⲁϥⲥϭⲏⲣ ⲉϩⲣⲁⲓ̈ ⲉⲕⲁⲓⲥⲁⲣⲓⲁ. ⲁⲩⲱ ⲛ̅ⲧⲉⲣⲉϥⲃⲱⲕ ⲉϩⲣⲁⲓ̈ ⲁϥⲁⲥⲡⲁⲍⲉ ⲛ̅ⲧⲉⲕⲕⲗⲏⲥⲓⲁ. ⲁϥⲉⲓ ⲉⲡⲉⲥⲏⲧ ⲉⲧⲁⲛⲧⲓⲟⲭⲓⲁ.
23 Markuu intii mudda ah meeshaas joogayna, wuu ka tegey, markaasuu meel meel u sii dhex maray dalalka Galatiya iyo Farugiya isagoo xertii adkaynaya.
ⲕ̅ⲅ̅ⲛ̅ⲧⲉⲣⲉϥⲣ̅ⲟⲩⲟⲉⲓϣ ⲇⲉ ⲙ̅ⲙⲁⲩ. ⲁϥⲉⲓ ⲉⲃⲟⲗ ⲉϥⲙⲟⲩϣⲧ̅ ⲛ̅ⲧⲉⲭⲱⲣⲁ ⲛ̅ⲧⲅⲁⲗⲁⲧⲓⲁ ⲙⲛ̅ⲧⲉⲫⲣⲩⲅⲓⲁ. ⲉⲩⲧⲁϫⲣⲟ ⲛ̅ⲙ̅ⲙⲁⲑⲏⲧⲏⲥ ⲧⲏⲣⲟⲩ.
24 Haddaba waxaa Efesos yimid Yuhuudi Abolloos la odhan jiray oo reer Iskanderiya ahaa, oo wuxuu ahaa nin hadalyaqaan ah, oo Qorniinka garasho xoog leh u leh.
ⲕ̅ⲇ̅ⲟⲩⲓ̈ⲟⲩⲇⲁⲓ̈ ⲇⲉ ⲉⲡⲉϥⲣⲁⲛ ⲡⲉ ⲁⲡⲟⲗⲗⲱ ⲁϥⲉⲓ ⲉⲧⲉⲫⲉⲥⲟⲥ. ⲟⲩⲁⲗⲉⲝⲁⲛⲇⲣⲉⲩⲥ ϩⲙ̅ⲡⲉϥⲅⲉⲛⲟⲥ. ⲟⲩⲣⲱⲙⲉ ⲉⲩⲛ̅ⲧϥ̅ⲡϣⲁϫⲉ ⲉⲩⲛ̅ϭⲟⲙ ⲙ̅ⲙⲟϥ ϩⲉⲛⲛⲉⲅⲣⲁⲫⲏ.
25 Ninkaas jidka Rabbiga hore baa loo baray; oo isagoo ruuxa ku kulul ayuu ku hadlay oo hagaag u baray waxyaalihii Ciise ku saabsanaa, isagoo garanaya baabtiiskii Yooxanaa oo keliya;
ⲕ̅ⲉ̅ⲡⲁⲓ̈ ⲇⲉ ⲛⲉⲁⲩⲕⲁⲑⲏⲕⲉⲓ ⲙ̅ⲙⲟϥ ⲡⲉ ϩⲛ̅ⲧⲉϩⲓⲏ ⲙ̅ⲡϫⲟⲉⲓⲥ. ⲁⲩⲱ ⲉϥⲃⲣ̅ⲃⲣ̅ ϩⲙ̅ⲡⲉⲡ̅ⲛ̅ⲁ̅. ⲛⲉϥϣⲁϫⲉ ⲁⲩⲱ ⲛⲉϥϯⲥⲃⲱ ϩⲛ̅ⲟⲩⲱⲣϫ̅ ⲉⲧⲃⲉⲓ̅ⲥ̅. ⲉϥⲥⲟⲟⲩⲛ ⲙ̅ⲙⲁⲧⲉ ⲙ̅ⲡⲃⲁⲡⲧⲓⲥⲙⲁ ⲛ̅ⲓ̈ⲱϩⲁⲛⲛⲏⲥ.
26 oo wuxuu bilaabay inuu geesinimo kaga dhex hadlo sunagogga. Laakiin Bariskilla iyo Akula, markay maqleen isagii, ayay kaxaysteen, kolkaasay aad ugu sii caddeeyeen jidka Ilaah.
ⲕ̅ⲋ̅ⲡⲁⲓ̈ ⲁϥⲁⲣⲭⲉⲓ ⲙ̅ⲡⲁⲣⲣⲏⲥⲓⲁⲍⲉ ⲙ̅ⲙⲟϥ ϩⲛ̅ⲧⲥⲩⲛⲁⲅⲱⲅⲏ. ⲛ̅ⲧⲉⲣⲟⲩⲥⲱⲧⲙ̅ ⲇⲉ ⲉⲣⲟϥ ⲛ̅ϭⲓⲁⲕⲩⲗⲁⲥ ⲙⲛ̅ⲡⲣⲓⲥⲕⲓⲗⲗⲁ. ⲁⲩϣⲟⲡϥ̅ ⲉⲣⲟⲟⲩ ⲁⲩⲱ ⲁⲩⲧⲁⲙⲟϥ ϩⲛ̅ⲟⲩⲱⲣϫ̅ ⲉⲧⲉϩⲓⲏ ⲙ̅ⲡⲛⲟⲩⲧⲉ.
27 Oo markuu damcay inuu u sii dhaafo Akhaya, ayaa walaalihii dhiiro geliyeen, oo waxay xerta u qoreen inay soo dhoweeyaan isagii; markuu yimidna aad buu u caawiyey iyagii, kuwaasoo nimco ku rumaystay,
ⲕ̅ⲍ̅ⲁⲛⲉⲥⲛⲏⲩ ⲇⲉ ⲡⲣⲟⲧⲣⲉⲡⲉ ⲙ̅ⲙⲟϥ ⲉϩⲛⲁϥ ⲉⲃⲱⲕ ⲉⲧⲁⲭⲁⲓⲁ. ⲁⲩⲱ ⲁⲩⲥϩⲁⲓ̈ ⲛ̅ⲛⲉⲥⲛⲏⲩ ⲉϣⲟⲡϥ̅ ⲉⲣⲟⲟⲩ. ⲛ̅ⲧⲉⲣⲟⲩⲉⲓ ⲇⲉ ⲉⲙⲁⲩ ⲁϥⲧⲁⲁϥ ⲉⲡⲉϩⲟⲩⲟ ⲛ̅ⲛⲉⲛⲧⲁⲩⲡⲓⲥⲧⲉⲩⲉ ϩⲛ̅ⲧⲉⲭⲁⲣⲓⲥ.
28 maxaa yeelay, si xoog leh ayuu Yuhuuddii u garansiiyey oo caddaan ugu tusay Qorniinka in Ciise yahay Masiixa.
ⲕ̅ⲏ̅ⲛⲉϥϫⲡⲓⲟ ⲅⲁⲣ ⲛ̅ⲛ̅ⲓ̈ⲟⲩⲇⲁⲓ̈ ⲉⲙⲁⲧⲉ ϩⲛ̅ⲟⲩⲡⲁⲣⲣⲏⲥⲓⲁ. ⲉϥⲧⲁⲙⲟ ⲙ̅ⲙⲟⲟⲩ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲛ̅ⲛⲉⲅⲣⲁⲫⲏ ϫⲉ ⲓ̅ⲥ̅ ⲡⲉ ⲡⲉⲭ̅ⲥ̅·