< Falimaha Rasuullada 17 >
1 Haddaba markay sii dhex mareen Amfibolis iyo Abollooniya ayay waxay yimaadeen Tesaloniika meeshaas oo sunagogga Yuhuuddu ahaa;
Як вони перейшли Амфіпо́ль й Аполло́нію, то прийшли до Солу́ня, де була синагога юдейська.
2 oo Bawlos sidii caadadiisu ahayd, ayuu iyagii u galay, oo saddex sabtiyoodna ayuu Qorniinka kala hadlay,
І Павло, за звича́єм своїм, до них увійшов, і з ними змагавсь три суботи з Писа́ння,
3 isagoo caddaynaya oo muujinaya inay waajib ahayd in Masiixu silco oo ka soo sara kaco kuwii dhintay, wuxuuna yidhi, Ciisahan aan idinku wacdiyey waa Masiixa.
виказуючи та доводячи, що мусів Христос постраждати й воскре́снути з мертвих, і що Христос Той — Ісус, про Якого „я вам проповідую“.
4 Oo waxaa la rumaysiiyey oo Bawlos iyo Silas isku daray qaar iyaga ka mid ah oo ahaa Gariig fara badan oo cibaadaysan iyo dumarka madaxda ah oo aan fara yarayn.
І ввірували дехто з них і до Павла та до Сили пристали, — безліч побожних із ге́лленів та немало з шляхе́тних жінок.
5 Laakiin Yuhuuddii oo ka masayrsan ayaa nimanka suuqa ka soo kaxaysatay kuwo shar leh, urur bayna isu keeneen, oo magaaladii bay buuq ka dhigeen; oo markay gurigii Yasoon weerareen ayay waxay dooneen inay iyagii dadka u soo saaraan.
А невірні юдеї були запалилися за́здрістю, і якихсь негідних людей назбирали на вулицях, учинили збіго́висько та й бунтували те місто, а набі́гши на хату Ясо́нову, шукали апо́столів, щоб до на́товпу вивести їх.
6 Oo markay waayeen, ayay Yasoon iyo kuwo walaalo ah ku hor jiideen taliyayaashii magaalada iyagoo ku qaylinaya oo leh, Kuwii dunida rogay ayaa halkanna yimid,
А як їх не знайшли, потягли до начальників міста Ясо́на та декого з братті, кричачи́: „Ті, що світ сколотили, — і сюди ось вони поприхо́дили!
7 iyagoo uu Yasoon martiggeliyey; kuwaas oo dhanna waxay falaan wax ka gees ah amarrada Kaysar, iyagoo leh, Waxaa jira boqor kale oo Ciise ah.
А Ясон їх до себе прийняв. Вони всі проти наказів кесаря чинять, гово́рячи, ніби інший є цар — Ісус“.
8 Markaasay dhib geliyeen dadkii badnaa iyo taliyayaashii magaalada oo waxyaalahaas maqlay.
І вони зворохо́били наро́д та начальників міста, що слухали це.
9 Oo kolkay Yasoon iyo kuwii kale dammiin ka qaadeen, ayay sii daayeen.
Але, узявши поруку з Ясо́на та з інших, вони їх відпустили.
10 Oo markiiba walaalihii waxay habeennimo Bawlos iyo Silas u direen Beroya, kuwaas oo kolkay meeshaas yimaadeen galay sunagogga Yuhuudda.
А брати відіслали негайно вночі Павла й Силу до Ве́рії. І, прибувши, вони пішли в синагогу юдейську.
11 Haddaba kuwaasu waa ka sharaf badnaayeen kuwii Tesaloniika joogay, maxaa yeelay, ereygay aqbaleen iyagoo xiiso weyn u qaba oo maalin kasta baadhaya Qorniinka inay hubsadaan waxyaalahaasi inay sidaas yihiin iyo in kale.
Ці були шляхетні́ші за солу́нян, — і слова́ прийняли з повним за́палом, і Писа́ння досліджували день-у-день, чи та́к воно є.
12 Sidaas darteed kuwa badan oo iyaga ka mid ah baa rumaystay iyo dumar Gariig ah oo sharaf leh iyo niman aan fara yarayn.
Тож багато із них тоді ввірували, і з почесних ге́лленсьих жінок та немало із му́жів.
13 Laakiin kolkii Yuhuuddii Tesaloniika joogtay ogaatay in Bawlos ereyga Ilaah Beroya ku wacdiyey, ayay meeshaasna yimaadeen oo qas iyo dhib geliyeen dadkii badnaa.
Як солунські ж юдеї довідалися, що Павло проповідує Боже Слово й у Ве́рії, прибули́ вони, і там баламутили та бунтували наро́д.
14 Markaasaa walaalihii kolkiiba Bawlos u direen inuu tago ilaa badda; Silas iyo Timoteyosna halkaasay weli joogeen.
Тоді браття негайно Павла відпустили, щоб до моря йшов; а Сила та Тимофій позоста́лися там.
15 Laakiin kuwii Bawlos ambabbixiyey waxay isagii keeneen ilaa Ateenay; markaasay ka tageen iyagoo Silas iyo Timoteyos amar u qaadaya inay degdeg u yimaadaan.
А ті, що Павла́ відпроваджували, провели́ його аж до Ате́н, а прийнявши нака́за про Силу та Тимофія, щоб до нього вернулися якнайшвидше, відбули́.
16 Haddaba Bawlos intuu Ateenay ku sugayay iyagii, ruuxiisu waa kacay markuu arkay magaalada oo sanamyo ka buuxaan.
Як Павло ж їх чекав у в Ате́нах, у ньо́му кипів його дух, як бачив це місто, повне ідолів.
17 Saas daraaddeed ayuu Yuhuuddii iyo nimankii cibaadaysnaa kula xaajooday sunagogga, suuqa dhexdiisana ayuu maalin walba kula xaajooday kuwii kula kulmayba.
Тож він розмовляв у синагозі з юдеями та з богобійними, і на ринку щоденно зі стрі́чними.
18 Waxaana la kulmay isagii kuwo ka mid ah faylosuufiinta Ebikuriyiin iyo Istoo'ikiin ah. Qaar baa waxay yidhaahdeen, Ninkan dawdarka ihi muxuu odhan doonaa? Qaar kalena waxay yidhaahdeen, Wuxuu u eg yahay nin ilaahyo qalaad wax ka sheega; maxaa yeelay, wuxuu dadkii ku wacdiyey Ciise iyo sarakicidda.
А дехто з філо́софів епікуре́їв та сто́їків сперечалися з ним. Одні говорили: „Що́ то хоче сказати оцей пустомо́в?“А інші: „Здається, він проповідник чужих богів“, бо він їм звіща́в Єва́нгелію про Ісуса й воскре́сення.
19 Markaasay isagii qabteen, oo waxay u kaxeeyeen Are'obagos iyagoo ku leh, Ma ogaan karnaa waxay tahay waxbariddan cusub oo aad ku hadlaysid?
І, взявши його, повели в ареопа́г та й казали: „Чи можемо знати, що́ то є ця наука нова́, яку проповідуєш ти?
20 Waayo, waxaad dhegahayaga maqashiisaa waxyaalo qalaad. Sidaa darteed waxaannu doonaynaa inaannu ogaanno waxyaalahanu waxay yihiin.
Бо чудне́ щось вкладаєш до наших вух. Отже хочемо знати, що́ то значити має?“
21 (Haddaba reer Ateenay oo dhammi iyo dadkii qalaad oo halkaas degganaa, wakhtigooda wax kale kuma ay dhaafin inay sheegaan ama maqlaan wax cusub mooyaane.)
А всі ате́няни та захожі чужи́нці нічим іншим радніш не займалися, як аби щось нове́ говорити чи слухати.
22 Markaasaa Bawlos oo Are'obagos dhex taagan wuxuu yidhi, Nimankiinan reer Ateenay ahow, wax kasta waxaan idinku garanayaa inaad tihiin kuwo ilaahyada ka cabsada.
Тоді Павло став посе́редині ареопа́гу й промовив: „Му́жі ате́нські! Із усьо́го я бачу, що ви дуже побожні.
23 Waayo, markaan soo socday oo aan arkay waxyaalaha aad caabuddaan waxaan soo arkay oo kale meel allabari oo lagu qoray, Waxaa leh ilaah aan la oqoon. Haddaba waxaad oqoonla'aanta ku caabuddaan ayaan wax idiinka sheegayaa.
Бо, проходячи та оглядаючи свя́тощі ваші, я знайшов також же́ртівника, що на ньому написано: „Незнаному Богові“. Ось Того, Кого навмання́ ви шануєте, Того я проповідую вам.
24 Ilaaha sameeyey dunida iyo waxyaalaha ku jira oo dhanba, oo ah Rabbiga samada iyo dhulka, ma deggana macbudyo gacmo lagu sameeyey,
Бог, що створив світ і все, що в ньому, бувши Господом неба й землі, проживає не в хра́мах, рукою збудова́них,
25 gacmo dadna looguma adeego sidii isagoo wax u baahan, maxaa yeelay, dhammaan isagaa siiya nolosha iyo neefta iyo wax walbaba;
і Він не вимагає служі́ння рук лю́дських, ніби в чо́мусь Він мав би потребу, бо Сам дає всім і життя, і дихання, і все.
26 oo quruun kasta oo bini-aadmi ah ayuu isaga mid dhigay inay dunida dusheeda oo dhan degganaadaan isagoo gooyay xilliyaduu hore u diyaarshay iyo xadadka degmooyinkooda;
І ввесь лю́дський рід Він з одно́го створив, щоб замешкати всю поверхню землі, і призна́чив окреслені до́би й границі заме́шкання їх,
27 inay Ilaah doondoonaan, in hadday suurtowdo ay haabhaabtaan oo ay helaan isaga, in kastoo uusan ka fogayn midkeen kasta;
щоб Бога шукали вони, чи Його не відчують і не зна́йдуть, хоч Він недалеко від кожного з нас.
28 maxaa yeelay, isagaynu ku nool nahay, kuna soconnaa, kuna jirnaa; sidaasoo kuwo ka mid ah gabayayaashiinnu ay yidhaahdeen, Weliba innaguna waxaynu nahay farcankiisa.
Бо ми в Нім живемо́, і рухаємось, і існуємо, як і деякі з ваших поетів казали: „Навіть рід ми Його!“
29 Haddaba innagoo ah Ilaah farcankiis waa inaynaan ka fikirin in Ilaahnimadu ay la mid tahay dahab ama lacag ama dhagax oo lagu xardhay sancada iyo farsamada dadka.
Отож, бувши Божим тим родом, не повинні ми ду́мати, що Божество́ подібне до золота, або срі́бла, чи до каменю, твору мистецтва чи лю́дської ви́гадки.
30 Haddaba wakhtiyadii oqoonla'aanta Ilaah baa dhaafay, laakiin hadda wuxuu dadka ku amrayaa in dhammaantood meel kastaba ha joogeene ay soo toobadkeenaan;
Не зважаючи ж Бог на часи невідо́мости, ось тепер усім лю́дям наказує, щоб скрізь ка́ялися,
31 maxaa yeelay, wuxuu dhigay maalin uu dunida si xaq ah ugu xukumi doono ninkuu doortay, taasoo uu dhammaan ugu caddeeyey sarakicidda uu isagii ka soo sara kiciyey kuwii dhintay.
бо Він ви́значив день, коли хоче судити поправді ввесь світ через Мужа, що Його наперед Він поставив, і Він подав до́каза всім, із мертвих Його воскресивши“.
32 Haddaba kolkay maqleen wax ku saabsan ka soo sarakicidda kuwii dhintay, qaar waa ku qosleen, laakiin qaar kale waxay yidhaahdeen, Mar kale ayaannu waxan kaa maqli doonnaa.
Як почули ж вони про воскре́сення мертвих, то одні насміхатися стали, а інші казали: „Про це бу́демо слухати тебе іншим ра́зом“.
33 Haddaba Bawlos waa ka dhex tegey iyagii.
Так вийшов Павло з-поміж них.
34 Laakiin niman baa raacay isagii oo rumaystay; kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Diyonusiyos ki Are'obagos, iyo haweenay la odhan jiray Damaris, iyo kuwo kale oo la socdayba.
А деякі мужі пристали до нього й увірували, серед них і Діонисій Ареопагі́т, і жінка, Дама́ра ім'я́м, та інші із ними.