< Falimaha Rasuullada 14 >

1 Waxaa Ikoniyon ka dhacday inay wada galeen sunagogga Yuhuudda, oo siday u hadleen aawadeed dad badan oo Yuhuud iyo Gariigba ah ayaa rumaystay.
NOW it came to pass at Iconium, that they went together into the synagogue of the Jews, and spake in such a manner, as that a vast multitude both of the Jews and Greek proselytes believed.
2 Laakiin Yuhuuddii caasiyiinta ahayd ayaa waxay dadkii aan Yuhuudda ahayn ku kiciyeen oo si xun ugu direen walaalihii.
But the unbelieving Jews stirred up, and maliciously prejudiced the spirits of the Gentiles against the brethren.
3 Haddaba wakhti dheer ayay halkaas joogeen iyagoo geesinimo ugu hadlaya Rabbiga, kaasoo markhaati u furay ereyga nimcadiisa, wuxuuna siiyey inay calaamooyin iyo yaabab gacmahooda ku sameeyaan.
A long space therefore continued they there speaking boldly in the Lord, who bore witness to the word of his grace, and granted signs and miracles to be wrought by their hands.
4 Markaasaa dadkii badnaa oo magaaladu kala qaybsameen, oo qaar waxay raaceen Yuhuudda, qaarna rasuulladii.
So the multitude was divided: some indeed were with the Jews, but others with the apostles.
5 Markii dadkii aan Yuhuudda ahayn iyo Yuhuuddaba, iyaga iyo taliyayaashoodii, ay ku yaaceen inay caayaan oo dhagxiyaan,
And when there was a strong effort made both by the Gentiles and Jews with their rulers to ill-treat and stone them,
6 ayay garteen, oo waxay u carareen magaalooyinkii la odhan jiray Luka'oniya iyo Lustara iyo Derbe iyo dhulka ku wareegsan;
conscious of their danger, they fled unto the cities of Lycaonia, Lystra, and Derbe, and the circum-jacent country:
7 meeshaasna ayay injiilka ku wacdiyeen dadka.
and there they preached the gospel.
8 Lustara waxaa fadhiyey nin aan cagaha xoog ku lahayn, oo tan iyo markuu uurka hooyadii ka dhashay curyaan ahaa, kaasoo aan weligiis socon.
And there was a certain man at Lystra, who having lost the use of his feet was sitting, being lame from his mother’s womb, and who had never been able to walk:
9 Isagu wuxuu maqlay Bawlos oo hadlaya, kaasoo indhaha aad ugu fiiriyey, gartayna inuu rumaysad uu ku bogsan karo leeyahay,
this person heard Paul speaking; who fixing his eyes on him, and discovering that he had faith to be healed,
10 wuxuuna cod dheer ku yidhi, Cagahaaga sare isugu taag. Markaasuu booday oo socday.
said with a loud voice, Stand up firm on thy feet! And he leaped and walked.
11 Markii dadkii badnaa arkeen wixii Bawlos sameeyey, ayay codkoodii sare u qaadeen, iyagoo afkii Luka'oniya ku leh, Ilaahyadu waxay inoogu yimaadeen iyagoo sidii niman u eg.
But when the multitudes beheld what Paul had done, they lifted up their voice, in the dialect of Lycaonia, saying, The gods in the form of mortals are come down to us.
12 Barnabasna waxay u bixiyeen Yubiter; Bawlosna waxay u bixiyeen Merkuriyos, maxaa yeelay, wuxuu ahaa kii hadalka waday.
And they called Barnabas, Jupiter; and Paul, Mercury, because he principally led the discourse.
13 Markaasaa wadaadkii Yubiter oo macbudkiisu ku yiil magaalada horteeda, wuxuu irdaha keenay dibiyo, iyo ubaxyo isku taxan, wuxuuna doonayay inuu dadkii badnaa la sadqeeyo.
Then the priest of Jupiter, who was the presiding deity of their city, brought bulls and garlands unto the gates of the city, and intended to offer a sacrifice with the people.
14 Laakiin rasuulladii Barnabas iyo Bawlos markay maqleen, ayay dharkoodii jeexjeexeen, oo dadkii badnaa ku soo dhex boodeen, iyagoo ku dhawaaqaya
But when the apostles, Barnabas and Paul, heard it, they rent their garments, and rushed into the crowd, crying out,
15 oo leh, Niman yahow, maxaad waxyaalahan u samaynaysaan? Annagu waxaannu nahay niman idinla dabiicad ah, oo waxaannu idiin keenaynaa war wanaagsan inaad ka soo jeesataan waxyaalahan aan micnaha lahayn oo u jeesataan Ilaaha nool, kaasoo sameeyey samada iyo dhulka iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan,
and saying, Sirs, why do ye these things? We too are mortals subject to the same infirmities with you; preaching to you the gospel, that ye should turn from these vain things unto the living God, who made heaven, and earth, and the sea, and all things which are therein:
16 kaasoo qarniyada tegey quruumaha oo dhan u oggolaaday inay jidadkooda ku socdaan.
who in the past generations hath suffered all nations to walk in their own ways.
17 Hase ahaatee isu maragfurla'aan iskama sii dayn, laakiin wanaag buu sameeyey, oo wuxuu samada idinka siiyey roob iyo xilliyo barwaaqo ah, isagoo qalbiyadiinna ka dherginaya cunto iyo farxad.
Although indeed he left not himself untestified of, doing us good, giving us from heaven showers, and fruitful seasons, replenishing our hearts with food and gladness.
18 Markay waxyaalahaas yidhaahdeen, ayay dadkii badnaa dhib kaga joojiyeen inay u sadqeeyaan iyaga.
And thus speaking, scarce restrained they the multitudes from offering the sacrifice to them.
19 Laakiin waxaa Antiyokh iyo Ikoniyon ka yimid Yuhuud, oo markay dadkii badnaa yeelsiiyeen, ayay Bawlos dhagxiyeen, oo magaaladii ka jiideen, iyagoo u malaynaya inuu dhintay.
Then came the Jews from Antioch and Iconium, and gaining over the multitudes, they stoned Paul, and dragged him out of the city, supposing him to be dead.
20 Laakiin intii xertii hareerihiisii taagnaayeen, ayuu kacay, markaasuu magaaladii galay; maalintii dambena wuu ka baxay oo Barnabas u raacay Derbe.
But as the disciples stood around him, he arose, and entered into the city: and on the morrow he departed with Barnabas for Derbe.
21 Oo markay magaaladaas injiilkii ku wacdiyeen oo kuwo badan xer ka dhigeen, ayay ku noqdeen Lustara iyo Ikoniyon iyo Antiyokh,
And after preaching the gospel in that city, and bringing many to become disciples, they returned to Lystra, and Iconium, and Antioch;
22 iyagoo nafihii xerta ku xoogaynaya, kuna waaninaya inay iimaanka ku sii wadaan, iyagoo ku leh, Waa inaynu dhibaatooyin badan ku galnaa boqortooyada Ilaah.
strengthening the souls of the brethren, exhorting them to abide firm in the faith, and that through many afflictions we must pass into the kingdom of heaven.
23 Oo markay iyagii kiniisad walba waayeello uga dooreen oo ay soon ku tukadeen, waxay iyagii ku ammaana geliyeen Rabbiga ay rumaysteen.
Then appointing them presbyters in every city, by prayer with fastings they commended them to the Lord, on whom they had believed.
24 Markaasay sii dhex mareen Bisidiya oo yimaadeen Bamfuliya.
Then passing through Pisidia, they came unto Pamphylia.
25 Oo kolkay ereyga kaga hadleen Berga ayay waxay tageen Ataliya;
And having spoken the word in Perga, they went down to Attalia:
26 meeshaasna waxay uga dhoofeen Antiyokh, taasoo ahayd meeshii iyaga lagaga ammaana geliyey nimcadii Ilaah shuqulkii ay sameeyeen aawadiis.
and thence sailed for Antioch, from whence they had been commended to the grace of God for the service which they had performed.
27 Oo markay yimaadeen oo kiniisaddii isu ururiyeen waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan iyo siduu albaabka iimaanka ugu furay dadkii aan Yuhuudda ahayn.
So when they arrived they called the church together, and related what great things God had done by them, and that he had opened to the heathen the door of faith.
28 Markaasay wakhti aan yarayn xertii la joogeen.
And there they abode no inconsiderable time with the disciples.

< Falimaha Rasuullada 14 >