< Falimaha Rasuullada 13 >
1 Haddaba kiniisaddii Antiyokh ku tiil waxaa joogay nebiyo iyo macallimiin, kuwaas oo ahaa Barnabas, iyo Simecoon oo la odhan jiray Niger, iyo Lukiyos oo reer Kuranaya ah, iyo Mana'een oo la koray taliye Herodos, iyo Sawlos.
NAN momodijou en Antiokien jaukop o jaunpadak kai mia. let akan: Parnapaj, o Jimeon me pil ad a Niker, o Lujiuj men Kirene, o Manaen, me ian monjap Erodej apwalidar, o Jauluj.
2 Oo markay Rabbiga caabudayeen oo soomanaayeen ayaa Ruuxa Quduuska ahu wuxuu ku yidhi, Barnabas iyo Sawlos iigu sooca shuqulkii aan ugu yeedhay.
A ni arail papa on Kaun o, o kaijejol, Nen jaraui ap kotin majani: Katorore jan on ia Parnapaj o Jauluj, pwen wia dok eu, me I ki on ira er!
3 Markay soomeen oo duceeyeen oo gacmahoodii saareen dabadeed ayay direen iyagii.
Irail ap kaijejol o kapakap o kidan po’ra pa ar, re ap kadar ira wei.
4 Haddaba iyagoo Ruuxa Quduuska ahu soo diray waxay tageen Selukiya; meeshaasna waxay uga dhoofeen Qubrus.
Ira ari me pakadara kila Nen jaraui ap kotila Jeloijia, waja ira kereda pon jop pot tanalan Jipern.
5 Oo kolkay Salamis joogeen, ereygii Ilaah bay ku wacdiyeen sunagogyada Yuhuudda; oo Yooxanaa ayay kaaliye u haysteen.
Ira lao mi Jalamij, ap padaki duen majan en Kot nan jinakoke en Juj akan. A Ioanej papa men pil ian ira.
6 Oo kolkay gasiiraddii oo dhan dhex mareen ayay waxay yimaadeen Bafos, taas oo ay kala kulmeen nin saaxir ah oo ahaa nebi been ah oo Yuhuudi ah oo magiciisa la odhan jiray Barciise;
Irail lao kakan jili nan dake lel kanim Papoj, rap diaradar ol amen, me kin kati ani, jaukop likam amen, kijan men Juj, ad a Par Iejuj,
7 kaas oo la jiray taliye Sergiyos Bawlos oo ahaa nin garasha leh. Kaasu markuu u yeedhay Barnabas iyo Sawlos, wuxuu doonayay inuu ereyga Ilaah maqlo.
Me kin mi ren Jerkiuj Pauluj ol lelapok amen. I me ekere don i Parnapaj o Jauluj, pwe a men roneron majan en Kot.
8 Laakiin waxaa iyagii ka hor istaagay saaxirka Elumas (oo sidaas magiciisa loo fasiri jiray), oo wuxuu isku dayayay inuu taliyihii ka leexiyo iimaanka.
A Elimaj widinak (pwe i wewe en ad a) palian ira, pwen kapure jan jaumaj ni pojon o.
9 Laakiin Sawlos, oo ahaa Bawlos, kaasoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxsamay, ayaa aad u fiiriyey,
Jauluj, me pil adaneki Pauluj, dir en Nen jaraui, kankakil i,
10 oo ku yidhi, Kaaga khiyaanada iyo xumaanta oo dhammu ka buuxsantay oo ah wiilka Ibliiska iyo cadowga xaqnimada oo dhan, miyaanad ka joogsanayn qalloocinta aad ku qalloocinaysid jidadka toosan oo Rabbiga?
Indada: Koe meid dir en widin o mejued, o nain tewil o me kailonki me pun karoj. Koe jota pan dukedi jan palian al inen en Kaun akan.
11 Haddaba, bal eeg, gacanta Rabbigu waa ku saaran tahay, oo waad indha beeli doontaa, adigoo aan qorraxda arkayn intii wakhti ah. Kolkaasaa markiiba waxaa ku soo dhacday isagii ceeryaamo iyo gudcur; wuuna warwareegay oo doondoonay nin gacanta ku haga.
A kilan met, lim en Kaun o mi po om. A koe pan majkun, ap jolar kilan katipin anjau kij. Ari, a madan ediedelar o rotalar; I ap raparapaki jili men ale pa a, en kaweid i.
12 Kolkaasaa taliyihii, kolkuu arkay wixii dhacay, rumaystay, isagoo ka yaabsan Rabbiga waxbariddiisa.
Jaumaj lao majani me wiauier, ap pojonlar, pwe a puriamuiki padak en Kaun o.
13 Haddaba Bawlos iyo kuwii la socday ayaa ka dhoofay Bafos, oo waxay yimaadeen Berga oo Bamfuliya ku jirta; markaasaa Yooxanaa ka tegey iyagii oo Yeruusaalem ku noqday.
Pauluj o a warok kai ap kotila jan Papoj tanatan ko don Perke nan wein Pampilia. A Ioanej muei jan ira, purelan Ierujalem.
14 Laakiin iyagu kolkii ay ka tageen Berga waxay yimaadeen Antiyokh oo Bisidiya ku jirta; oo maalintii sabtidana sunagogga ayay galeen oo fadhiisteen.
A ira majalewei jan Perke o kotilan Antiokien en Pijidien o kotilon on nan jinakoke ni ran en japat kaipokedi.
15 Markii sharcigii iyo nebiyadii la akhriyey dabadeed kuwii sunagogga u sarreeyey ayaa cid u soo diray iyagoo leh, Walaalayaalow, haddaad dadka u haysaan hadal waana ah, dhaha.
A lao nikier ar dondoropwe kapun o jaukop akan jaumaj en jinakoke kai ap ilakilan ira majani: Ri (at) oko ma majan en panau nan pot on aramaj pukat mi re oma, koma ari kida!
16 Markaasaa Bawlos istaagay isagoo gacan haadinaya, oo wuxuu yidhi. Nimanka reer binu Israa'iilow iyo kuwiinna Ilaah ka cabsadow, dhegaysta.
Pauluj ap kotida ololeki lim a majani: Ol en Ijrael komail o me kin majak Kot, komail en ron!
17 Ilaaha dadkan reer binu Israa'iil wuxuu doortay awowayaasheen, dadkana buu sarraysiiyey markay dhulka Masar degganaayeen, oo gacan taagan buuna kaga soo saaray iyagii.
Kot en men Ijrael pukat, me kotin piladar jam atail akan o kapakapaiada aramaj oko ni ar kaikairu jili Akipten, o lim a manaman, me a kotin kalua kin irail jan waja o.
18 Oo wakhti abbaaraha afartan sannadood ah ayuu dabiicaddoodii ugu dulqaatay cidlada.
A impan jaunpar paeijok a kotin apapwali irail nan jap tan.
19 Oo markuu toddoba quruumood ka baabbi'iyey dhulka Kancaan dabadeed ayuu dhulkoodii dhaxal u siiyey iyagii abbaaraha afar boqol iyo konton sannadood;
Kadekadeo a lao kotin koko jan wei iju nan Kanaan, ap kotin nek on irail jap arail.
20 waxyaalahaas dabadeedna wuxuu siiyey xaakinno ilaa nebi Samuu'eel.
O murin met a kotiki on irail jaunkapun kan irerokedo par papuki limeijok lel on jaukop Jamuel.
21 Dabadeed waxay weyddiisteen boqor, markaasaa Ilaah wuxuu iyagii siiyey Saa'uul ina Qiish oo ahaa nin reer Benyaamiin intii afartan sannadood ah.
A jan ni anjau o re inon ion nanmarki amen. Kot ap kotiki on ir. Jaul nain Kij, ol en kadaudok en Peniamin amen, jaunpar paeijok.
22 Kolkuu isagii boqortooyadii ka wareejiyeyna, wuxuu u kiciyey iyagii Daa'uud inuu boqorkooda noqdo; kaasoo uu u markhaati furay isagoo leh, Waxaan ogaaday Daa'uud oo ina Yesay ah inuu yahay nin ah sida qalbigaygu doonayo oo samayn doona waxaan doonayo oo dhan.
A lao kajapokelar, ap kotiki on irail Dawid, pwen nanmarki, me a pil kotin kileledier majani: I diaradar Dawid nain leje, ol amen duen inon eti monion i, me pan wiada injen ai karoj.
23 Ninkan farcankiisii Ilaah siduu ballanqaaday ayuu Israa'iil ugaga keenay Badbaadiye kaasoo ah Ciise;
Jan nan kadaudok a Kot kotikido Iejuj, pwen Jaunkamaur pan men Ijrael, duen japwilim a inau.
24 oo intuusan imanba, Yooxanaa wuxuu dadka Israa'iil oo dhan hore ugu wacdiyey baabtiiska toobadda.
Murin Ioanej a kotin padaki on men Ijrael karoj duen paptaij en kalula mon a kotido.
25 Oo intii Yooxanaa shuqulkiisa dhammaynayay, wuxuu yidhi, Yaad u malaynaysaan inaan ahay? Anigu isagii ma ihi. Laakiin, bal eega, waxaa iga daba imanaya mid aanan istaahilin inaan kabaha cagihiisa ka furo.
A Ioanej lao kapwaiada japwilim a dodok, ap kotin majani: Ij me komail lamelame me nai? Kaidin nai i. A kilan amen kotido, kijin jal en japwilim a jut i jowar en lapwada.
26 Walaalayaalow, idinkoo ah farcankii Ibraahim iyo kuwa idinku dhex jira oo Ilaah ka cabsadow, innaga ayaa laynoo soo diray ereyga badbaadintan.
Komail ol o ri ai kan, komail kadaudok en Apraam, o meamen me majak Kot re omail, padak en kamaur pot et pakadara don komail.
27 Waayo, kuwii Yeruusaalem joogay iyo taliyayaashoodii waa garan waayeen isaga iyo codadkii nebiyada oo sabti walba la akhriyi jiray, sidaas daraaddeed ayay waxyaalihii dhammeeyeen markay xukumeen isagii.
Pwe me kaukaujon Ierujalem o ar jaumaj akan kapwaiada kokop en jaukop akan, me kin wadawad ni japat akan karoj, ni ar kadeikada i, pweki re jaja i.
28 Oo in kastoo ayan ka helin sabab lagu dilo, ayay waxay Bilaatos weyddiisteen in la dilo.
A jota me re diaradar, me a kak kamata kila. Ari jo, re poeki ren Pilatuj, me a en kamatala i.
29 Oo markay dhammeeyeen waxyaalihii laga qoray oo dhan, ayay geedkii ka soo dejiyeen oo xabaal geliyeen.
Irail lao kapwaiada karoj, me intinkidi i, re ap kidi jan I nin tuka o kidi i nan joujou o.
30 Laakiin Ilaah baa ka sara kiciyey kuwii dhintay,
A Kot me kotin kaiajada I jan ren me melar akan.
31 oo maalmo badan waxaa isagii arkay kuwii kala yimid Galili ilaa Yeruusaalem kuwaasoo hadda ah markhaati furayaashiisii xagga dadka.
O ran toto me a kotin pwara don me ian i kotilan Ierujalem jan Kalilaa, me japwilim a jaunkadede on aramaj akan.
32 Oo waxaannu idin keenaynaa war wanaagsan oo ku saabsan ballankii awowayaasheen loo ballanqaaday,
A kit padaki on komail ronamau duen inau on jam atail akan,
33 oo ah sidii Ilaah ballankaas ugu oofiyey carruurteenna markuu Ciise sara kiciyey, sida ay Sabuurka labaadna ugu qoran tahay. Waxaad tahay Wiilkayga, maantaan ku dhalay.
Me Kot kotin kapwai on kitail nairail jeri kan, ni a kotin kaiajadar lejuj duen a intinidier nan pjalm kariau: Koe nai Ol, I kanaitik uk adar ran wet.
34 Isagii buu ka sara kiciyey kuwii dhintay inuusan mar dambe qudhun ku noqon, sidaas daraaddeed ayuu sidan ku hadlay, isagoo leh, Waxaan idin siin doonaa barakooyinka runta ah oo Daa'uud loo ballanqaaday.
A duen a kotin kaiajada i jan ren me melar akan, pwen der mor pajan, i me a kotin majanieki met: I pan ki on komail pai melel en Dawid akan.
35 Saas aawadeed wuxuu Sabuur kale ku yidhi, Kaaga quduuska ah uma oggolaan doontid inuu qudhmo.
I me a pil majanieki ekij waja: Re jota pan kotin mueid on, japwilim ar Jaraui o pan mor pajan.
36 Maxaa yeelay, Daa'uud markuu qarnigiisa ugu shaqeeyey talada Ilaah dabadeed ayuu dhintay, waana lala xabaalay awowayaashiis, wuuna qudhmay;
Pwe Dawid lao kapwaiada a papa on kupur en Kot ni a anjau, ap jaimokelar, a jaredier impan jam a ko, ap mor pajan.
37 laakiin kii Ilaah sara kiciyey, ma uu qudhmin.
A i me Kot kotin kaiajadar, nan a jota kotin mor pajan.
38 Sidaas darteed, walaalayaalow, garta in ninkan xaggiisa dembidhaafka laydinkaga wacdiyey;
Ari ri ai kan, komail aja, me lapwa pan dip akan ren men et kin kaloki on komail.
39 nin kasta oo isaga rumaystana xaq baa lagaga dhigay wax walba oo sharciga Muuse uusan xaq idinkaga dhigi karin.
A me pan pojon i, nan i me punalar jan meakaroj, me komail jota kak pun kila kapun en Mojej.
40 Sidaas darteed iska jira inaanay idinku dhicin wixii nebiyadu sheegeen iyagoo leh,
Ari, komail kalaka, pwe a depa pwai on komail, me jaukop akan majanier:
41 Bal eega, kuwiinnan wax quudhsadow, yaaba oo luma; Waayo, maalmihiinnii waxaan samaynayaa shuqul, Oo ah shuqul aydnaan rumaysan doonin, haddii laydiin sheego.
Kilan, komail me kin lalaue, puriamuiki o joredi, pwe I pan wia dodok eu ni omail anjau, me komail jota pan kamelele, ma amen pan kajokajoi on komail due.
42 Kolkay baxayeen, dadkii waxay ka baryeen inay hadalladaas sabtida dambe kula hadlaan.
Irail lao pedoi jan ap poekipoeki, kajoi pukat en kalok on irail ni ran en japat kokodo.
43 Haddaba markii sunagogga laga tegey, kuwa badan oo Yuhuud ah iyo kuwa cibaadaysan oo Yuhuudda raacsan ayaa waxay raaceen Bawlos iyo Barnabas, kuwaas oo la hadlayay iyaga oo ku adkeeyey inay nimcada Ilaah ku sii wadaan.
A jaraui lao nikier, men Juj o Projelit lelapok toto idauenla Pauluj o Parnapaj, me mamajani on irail o panaui irail, ren pod id i on mak en Kot.
44 Sabtida dambe ayaa magaaladii oo dhan in yar mooyaane isugu timid inay maqasho ereyga Ilaah.
A ni japat kokodo karoj toun kanim o pokon pena, pwen ron majan en Kot.
45 Laakiin Yuhuuddu markay arkeen dadkii faraha badnaa, waxaa iyaga ka buuxsamay masayr, wayna beeneeyeen waxyaalihii Bawlos ku' hadlay, waana caayeen.
A Juj akan lao kilaner pokon o, ap pepeirinki o lidere meakan, me Pauluj kaweweda; re palian o lalaue.
46 Haddaba Bawlos iyo Barnabas ayaa geesinimo ku hadlay iyagoo leh, Waxay ahayd lagama maarmaan in ereyga Ilaah markii hore idinka laydinkula hadlo. Laakiin idinku waad diiddeen, oo waxaad isku xukunteen sidii kuwo aan istaahilin nolosha weligeed ah, oo bal eega, sidaas aawadeed waxaannu u jeesanaynaa dadka aan Yuhuudda ahayn. (aiōnios )
A Pauluj o Parnapaj ap jo majak katitiki: Majan en Kot en loki don komail maj, a pweki omail kaje jan, o wia kin komail jowar on maur joutuk, kilan, je jope wei on men liki kan. (aiōnios )
47 Maxaa yeelay, sidaasaa Rabbigu nagu amray isagoo leh, Waxaan kaa dhigi doonaa iftiinka quruumaha, Inaad badbaadinta u noqotid ilaa meeshii dunida ugu fog.
Pwe iet duen me Kaun o kotin majani on kit: Nai me kajapwil uk adar, pwen marain pan men liki kan, pwe koe en kamaur jili lei jap karoj.
48 Haddaba markii dadkii aan Yuhuudda ahayn taas maqleen, ayay ku farxeen oo ereygii Ilaah ammaaneen; oo waxaana rumaystay kuwii nolosha weligeed ah loo dhigay. (aiōnios )
Men liki kan lao ronadar met, ap peren kidar, o kapina majan en Kot o karoj, me kileledi on maur joutuk, pojonlar. (aiōnios )
49 Ereygii Rabbigana waxaa lagu faafiyey waddankii oo dhan.
A majan en Kaun o lolok jili nan wei kan karoj.
50 Laakiin Yuhuuddu waxay soo kiciyeen dumarkii cibaadada iyo sharafta lahaa iyo raggii madaxda magaalada ahaa, silec bayna Bawlos iyo Barnabas ku kiciyeen, oo soohdintoodii bay ka eryeen iyagii.
A Juj oko kamakarada li jaupeidi lelapok o jaumaj en kanim kan, o kapei on Pauluj o Parnapaj aramaj o kajapoke ir jan nan jap arail,
51 Laakiin markay siigadii cagahooda ka dhabaandhabeen, dabadeed ayay waxay yimaadeen Ikoniyon.
A ira jipede jan ni aluwilu ar pwel, pwen kadede on irail, ap kotilan Ikonien.
52 Xertiina waxaa ka buuxsamay farxad iyo Ruuxa Quduuska ah.
A tounpadak kan me dir kila peren o Nen jaraui.