< 2 Timoteyos 3 >
1 Bal tan ogow, maalmaha ugu dambeeya waxaa iman doona wakhtiyo dhib badan.
Lakini fahamu hili: katika siku za mwisho kutakuwa na nyakati ngumu.
2 Maxaa yeelay, dadku waxay ahaan doonaan kuwo naftooda jecel, iyo kuwo lacag jecel, iyo kuwo faan badan, iyo kuwo kibir badan, iyo kuwo caytan badan, iyo kuwo waalidkood caasi ku ah, iyo kuwo aan mahadnaqin, iyo kuwo aan quduus ahayn,
kwa sababu watu watakuwa wenye kujipenda wenyewe, wenye kupenda fedha, wenye kujisifu, wenye majivuno, wenye dhihaka, wasiotii wazazi wao, wasiokuwa na shukurani na waovu.
3 iyo kuwo aan kalgacayl lahayn, iyo kuwo aan heshiis doonaynin, iyo kuwo wax xanta, iyo kuwo aan iscelin karin, iyo kuwo ba'an, iyo kuwo aan wanaagga jeclayn,
Wasio na upendo wa asili, wasiotaka kuishi kwa amani na yeyote, wachonganishi, wasingiziaji, wasioweza kujizuia, wenye vurugu, wasiopenda mema.
4 iyo kuwo gacangeliyayaal ah, iyo kuwo haad ah, iyo kuwo isla weyn, iyo kuwa raaxaysi jecel intii ay Ilaah jeclaan lahaayeen.
Watakuwa wasaliti, wakaidi, wenye kujipenda wenyewe na wapenda anasa kuliko kumpenda Mungu.
5 Iyagu waxay haystaan u-ekaanta cibaadaysiga, laakiinse xooggiisay diidaan; kuwaas ka leexo.
Kwa nje watakuwa na sura ya ucha Mungu, lakini wataikana nguvu yake. Jiepushe na watu hao.
6 Waayo, kuwaas waxaa ka mid ah kuwa guryaha gala, oo ambiya naagaha caqliga la' oo dembiyadu ku raran yihiin, oo damacyada kala duduwanu ay la tageen,
Kwa kuwa baadhi yao ni wanaume wanaoingia kwenye familia za watu na kushawishi wanawake wajinga. Hawa ni wanawake waliojawa dhambi na wenye kuongozwa na tamaa za kila aina.
7 oo weligood wax baranaya, laakiinse aan marnaba awoodin inay runta gartaan.
Wanawake hawa hujifunza siku zote, lakini kamwe hawawezi kuufikia ufahamu wa ile kweli.
8 Siday Yannees iyo Yambarees isu hor taageen Muuse, saas oo kalay kuwanuna runta isu hor taagaan; waana niman maankoodu kharribmay oo xagga iimaankana laga nacay.
Kama vile ambavyo Yane na Yambre walisimama kinyume na Musa. Kwa njia hii walimu hawa wa uongo husimama kinyume na kweli. Ni watu walioharibiwa katika fikira zao, wasiokubalika kuhusiana na imani.
9 Laakiinse hore uma socon doonaan, waayo, nacasnimadoodu bayaan bay dadka oo dhan u noqon doontaa sidii ay kuwaas toodiiba u noqotay.
Lakini hawataendelea mbali. Kwa kuwa upumbavu wao utawekwa wazi kwa watu wote, kama ulivyokuwa wa wale watu.
10 Laakiinse adigu waxaad raacday waxbariddayda, iyo socodkayga, iyo qasdigayga, iyo rumaysadkayga, iyo dulqaadashadayda, iyo jacaylkayga, iyo samirkayga,
Lakini wewe umeyafuata mafundisho yangu, mwenendo wangu, makusudi yangu, imani yangu, uvumilivu wangu, upendo wangu na ustahimilivu wangu,
11 iyo silecyadayda, iyo xanuunsigayga. Waxyaalihii xunxumaa ee igu dhacay markaan Antiyokh iyo Ikoniyon iyo Lustara joogay! Silecyadii badnaa ee aan u adkaystay! Oo kulligood Rabbigaa iga samatabbixiyey.
mateso, maumivu na yaliyonipata kule Antiokia, Ikonio na Listra. Niliyavumilia mateso. Bwana aliniokoa katika yote hayo.
12 Runtii, kulli inta doonaysa inay si cibaado leh Ciise Masiix ugu noolaadaan waa la silcin doonaa.
Wote wanaotaka kuishi katika maisha ya kumcha Mungu katika Kristo Yesu watateswa.
13 Laakiinse dadka sharka leh iyo khaa'innadu aad iyo aad bay u sii xumaan doonaan, iyagoo wax khiyaaneeya, lana khiyaaneeyo.
Watu waovu na wadanganyifu watazidi kuwa waovu zaidi. Watawapotosha wengine. Wao wenyewe wamepotoshwa.
14 Laakiinse adigu ku sii soco waxyaalihii aad baratay oo aad hubsatay, adigoo garanaya kuwii aad ka baratay;
Lakini wewe, dumu katika mambo uliyojifunza na kuyaamini kwa uthabiti. Kwa kuwa unajua umejifunza kwa nani.
15 tan iyo yaraantaadii waxaad garanaysay qorniinka quduuska ah oo badbaadada kugu garansiin kara rumaysadka Ciise Masiix lagu rumaysto.
Unatambua ya kuwa tangu utotoni mwako uliyajua maandiko matakatifu. Haya yanaweza kukuhekimisha kwa ajili ya wokovu kwa njia ya imani katika kristo Yesu.
16 Qorniin kastaa wuxuu ku ahaaday Ruuxa Ilaah oo waxtar buu u leeyahay waxbaridda, iyo canaanashada, iyo hagaajinta, iyo edbinta xagga xaqnimada;
Kila andiko limetiwa pumzi na Mungu. Linafaa kwa mafundisho yenye faida, kwa kushawishi, kwa kurekebisha makosa, na kwa kufundishia katika haki.
17 in ninka Ilaah u ahaado mid dhan oo aad loogu diyaariyey shuqul kasta oo wanaagsan.
Hii ni kwamba mtu wa Mungu awe kamili, akiwa amepewa nyenzo zote kwa ajili ya kutenda kila kazi njema.