< Samuu'Eel Labaad 7 >
1 Oo waxay noqotay markii boqorkii gurigiisii degay oo uu Rabbigu nasasho ka siiyey cadaawayaashiisii ku wareegsanaa oo dhan,
さて、王が自分の家に住み、また主が周囲の敵をことごとく打ち退けて彼に安息を賜わった時、
2 in boqorkii Nebi Naataan ku yidhi, Bal eeg haatan, anigu waxaan degganahay guri qori kedar ah laga sameeyey, laakiinse sanduuqii Ilaah wuxuu dhex yaal daahyo.
王は預言者ナタンに言った、「見よ、今わたしは、香柏の家に住んでいるが、神の箱はなお幕屋のうちにある」。
3 Markaasaa Naataan wuxuu boqorkii ku yidhi, Tag, oo wax alla wixii qalbigaaga ku jira samee, waayo, Rabbiga ayaa kula jira.
ナタンは王に言った、「主があなたと共におられますから、行って、すべてあなたの心にあるところを行いなさい」。
4 Oo isla habeenkaas Rabbiga eraygiisii baa Naataan u yimid oo ku yidhi,
その夜、主の言葉がナタンに臨んで言った、
5 Tag, oo waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, War guri aan dego ma ii dhisaysaa?
「行って、わたしのしもべダビデに言いなさい、『主はこう仰せられる。あなたはわたしの住む家を建てようとするのか。
6 Waayo, guri ma degin ilaa maalintii aan reer binu Israa'iil ka soo bixiyey dalkii Masar iyo tan iyo maantadan, laakiinse waxaan ku dhex socday teendho iyo taambuug.
わたしはイスラエルの人々をエジプトから導き出した日から今日まで、家に住まわず、天幕をすまいとして歩んできた。
7 Oo meel kasta oo aan kula socday reer binu Israa'iil oo dhan, qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo aan ku amray inay quudiyaan dadkayga reer binu Israa'iil ma midkood baan eray kula hadlay oo miyaan ku idhi, War maxaad iigu dhisi weydeen guri kedar ah?
わたしがイスラエルのすべての人々と共に歩んだすべての所で、わたしがわたしの民イスラエルを牧することを命じたイスラエルのさばきづかさのひとりに、ひと言でも「どうしてあなたがたはわたしのために香柏の家を建てないのか」と、言ったことがあるであろうか』。
8 Haddaba waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anaa kaa soo kexeeyey xeradii idaha iyo idihii aad raacaysay, inaad ahaatid amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil,
それゆえ、今あなたは、わたしのしもべダビデにこう言いなさい、『万軍の主はこう仰せられる。わたしはあなたを牧場から、羊に従っている所から取って、わたしの民イスラエルの君とし、
9 waanan kula jiray meel kastoo aad tagtayba, oo cadaawayaashaadii oo dhanna hortaadaan ka baabbi'iyey. Oo waxaan kuu bixin doonaa magac weyn, oo la mid ah magacyada kuwa waaweyn oo dhulka jooga.
あなたがどこへ行くにも、あなたと共におり、あなたのすべての敵をあなたの前から断ち去った。わたしはまた地上の大いなる者の名のような大いなる名をあなたに得させよう。
10 Oo dadkayga reer binu Israa'iilna meel baan u dooran doonaa, oo waan ku beeri doonaa inay meeshooda degganaadaan oo ayan mar dambe dhaqdhaqaaqin, ama ayan ilmaha sharku mar dambe dhibin sidii markii hore,
そしてわたしの民イスラエルのために一つの所を定めて、彼らを植えつけ、彼らを自分の所に住ませ、重ねて動くことのないようにするであろう。
11 iyo tan iyo maalintii aan xaakinno ku amray inay dadkayga reer binu Israa'iil u taliyaan. Oo adiga waan kaa nasin doonaa cadaawayaashaada oo dhan. Oo weliba Rabbigu wuxuu kuu sheegayaa inuu reer kuu yeeli doono.
また前のように、わたしがわたしの民イスラエルの上にさばきづかさを立てた日からこのかたのように、悪人が重ねてこれを悩ますことはない。わたしはあなたのもろもろの敵を打ち退けて、あなたに安息を与えるであろう。主はまた「あなたのために家を造る」と仰せられる。
12 Oo markii cimrigaagu dhammaado, oo aad la seexato awowayaashaa, farcankaaga kaa dambeeya oo kaa soo bixi doona ayaan sara kicin doonaa, oo boqortooyadiisana waan dhisi doonaa.
あなたが日が満ちて、先祖たちと共に眠る時、わたしはあなたの身から出る子を、あなたのあとに立てて、その王国を堅くするであろう。
13 Oo isna guri buu magacayga u dhisi doonaa, oo xoog baan u yeeli doonaa carshiga boqortooyadiisa weligiis.
彼はわたしの名のために家を建てる。わたしは長くその国の位を堅くしよう。
14 Oo anigu aabbaan u ahaan doonaa, isna wiil buu ii ahaan doonaa, oo hadduu dembi galona, waxaan ku edbin doonaa usha dadka iyo garaacidda binu-aadmiga,
わたしは彼の父となり、彼はわたしの子となるであろう。もし彼が罪を犯すならば、わたしは人のつえと人の子のむちをもって彼を懲らす。
15 laakiinse naxariistaydu ka dhammaan mayso isaga, sidii aan Saa'uul uga dhammeeyey oo kale, kaasoo ahaa kii aan hortaa fogeeyey.
しかしわたしはわたしのいつくしみを、わたしがあなたの前から除いたサウルから取り去ったように、彼からは取り去らない。
16 Oo reerkaaga iyo boqortooyadaadaba waxaa laga dhigi doonaa kuwo weligood hortaada ku raaga, oo carshigaaguna weligiis wuu dhisnaan doonaa.
あなたの家と王国はわたしの前に長く保つであろう。あなたの位は長く堅うせられる』」。
17 Haddaba siday erayadaas oo dhan iyo tusniintaas oo dhammu ahaayeen ayaa Naataan kula hadlay Daa'uud.
ナタンはすべてこれらの言葉のように、またすべてこの幻のようにダビデに語った。
18 Markaasaa Boqor Daa'uud gudaha galay oo Rabbiga hor fadhiistay, oo wuxuu yidhi, Sayidow, Rabbow, bal yaan ahay? Reerkayguna waa maxay oo aad halkan ii soo gaadhsiisay?
その時ダビデ王は、はいって主の前に座して言った、「主なる神よ、わたしがだれ、わたしの家が何であるので、あなたはこれまでわたしを導かれたのですか。
19 Oo weliba waxanu hortaada wuu ku yaraa, Sayidow, Rabbow, laakiinse waxaad kaloo ka sii hadashay reerkaygu wuxuu wakhti dheer noqon doono, oo Sayidow, Rabbow, taasu ma caadada dadkaa?
主なる神よ、これはなおあなたの目には小さい事です。主なる神よ、あなたはまたしもべの家の、はるか後の事を語って、きたるべき代々のことを示されました。
20 Sayidow, Rabbow! Bal maxaan kaloo kugu odhan karaa? Waayo, waad i garanaysaa anoo addoonkaaga ah, Rabbow Ilaahow.
ダビデはこの上なにをあなたに申しあげることができましょう。主なる神よ、あなたはしもべを知っておられるのです。
21 Eraygaaga aawadiis iyo qalbigaagu siduu yahay ayaad waxyaalahan waaweyn oo dhan u samaysay, inaad i ogeysiisid anoo addoonkaaga ah.
あなたの約束のゆえに、またあなたの心に従って、あなたはこのもろもろの大いなる事を行い、しもべにそれを知らせられました。
22 Haddaba, Rabbow Ilaahow, waad weyn tahay, waayo, mid kula mid ahu ma jiro, oo adiga mooyaane Ilaah kale ma jiro, siday ahaayeen kulli wixii aannu dhegahayaga ku maqalnay oo dhammu.
主なる神よ、あなたは偉大です。それは、われわれがすべて耳に聞いたところによれば、あなたのような者はなく、またあなたのほかに神はないからです。
23 Bal quruuntee baa dunida joogta oo la mid ah dadkaaga reer binu Israa'iil, kuwaasoo adiga qudhaadu aad soo furatay inay dad kuu ahaadaan, iyo inaad magac isu yeesho, oo aad waxyaalo waaweyn isu samayso, iyo inaad dalkaaga aawadiis waxyaalo cabsi leh ugu samayso dadkaaga hortiisa, kuwaasoo aad ka soo furatay dalkii Masar, iyo quruumaha iyo ilaahyadooda?
地のどの国民が、あなたの民イスラエルのようでありましょうか。これは神が行って、自分のためにあがなって民とし、自らの名をあげられたもの、また彼らのために大いなる恐るべきことをなし、その民の前から国びととその神々とを追い出されたものです。
24 Oo waxaad dhisatay dadkaagii reer binu Israa'iil inay dad kuu ahaadaan weligood, oo Ilaahood baad noqotay, Rabbiyow.
そしてあなたの民イスラエルを永遠にあなたの民として、自分のために、定められました。主よ、あなたは彼らの神となられたのです。
25 Haddaba, Rabbow Ilaahow, eraygii aad ku hadashay oo igu saabsanaa anoo addoonkaaga ah oo ku saabsanaa reerkayga weligaa adkee oo sidaad ugu hadashay yeel.
主なる神よ、今あなたが、しもべとしもべの家とについて語られた言葉を長く堅うして、あなたの言われたとおりにしてください。
26 Oo magacaaguna ha weynaado weligiis, hana la yidhaahdo, Rabbiga ciidammadu waa Ilaaha u taliya reer binu Israa'iil, oo anoo addoonkaaga Daa'uud ah reerkayguna wuu ku dhismi doonaa hortaada.
そうすれば、あなたの名はとこしえにあがめられて、『万軍の主はイスラエルの神である』と言われ、あなたのしもべダビデの家は、あなたの前に堅く立つことができましょう。
27 Waayo, Rabbiga ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, anoo addoonkaaga ah wax baad ii muujisay, oo waxaad igu tidhi, Reer baan kuu dhisi doonaa, sidaas daraaddeed waan ku dhiirranahay inaan baryadan ku baryo.
万軍の主、イスラエルの神よ、あなたはしもべに示して、『おまえのために家を建てよう』と言われました。それゆえ、しもべはこの祈をあなたにささげる勇気を得たのです。
28 Haddaba, Sayidow, Rabbow, waxaad tahay Ilaah, oo erayadaaduna waa run, oo waxan wanaagsanna waad ii ballanqaadday anoo addoonkaaga ah.
主なる神よ、あなたは神にましまし、あなたの言葉は真実です。あなたはこの良き事をしもべに約束されました。
29 Haddaba, Sayidow, Rabbow, waan ku baryayaaye, anoo addoonkaaga ah, barakee reerkayga inuu weligiisba hortaada ku sii raago, waayo, adigaa taas ku hadlay, oo reerkayguna weligiis ha barakaysnaado.
どうぞ今、しもべの家を祝福し、あなたの前に長くつづかせてくださるように。主なる神よ、あなたがそれを言われたのです。どうぞあなたの祝福によって、しもべの家がながく祝福されますように」。