< Samuu'Eel Labaad 6 >
1 Markaasaa Daa'uud haddana soo ururiyey raggii reer binu Israa'iil oo la doortay oo dhan, waxayna ahaayeen soddon kun.
達味又調集了以色列所有的精兵,共三萬人。
2 Dabadeedna Daa'uud baa kacay, oo la tegey dadkii isaga la jiray ee ka yimid Bacale Yahuudah oo dhan, inay xaggaas ka soo qaadaan sanduuqii Ilaah, kaasoo lagu magacaabo Magaca, waxa weeye Magaca Rabbiga ciidanka ee dhex fadhiya keruubiimta.
達味和他身邊所有的人,起身到猶大巴阿拉去,要從那裏將天主的約櫃運上來。這約櫃名叫「坐於革魯賓上的萬軍的上主。」
3 Oo sanduuqii Ilaah gaadhi cusub bay saareen, iyagoo ka soo bixiyey gurigii Abiinaadaab oo buurta ku yiil; markaasaa gaadhigii cusbaa waxaa waday Abiinaadaab wiilashiisii oo ahaa Cuusaah iyo Axiyoo.
人遂將天主的約櫃,從丘陵上的阿彼納達布家裏抬出,放在一輛新車上,阿彼納達布的兩個兒子,烏匝和阿希約駕駛新車。
4 Oo sidaasay uga soo bixiyeen gurigii Abiinaadaab, oo buurta ku yiil, iyagoo wada sanduuqii Ilaah; oo Axiyoo ayaa sanduuqii hor maray.
烏匝走在天主約櫃的後面,阿希約走在前面。
5 Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammuna Rabbiga hortiisay ku cayaareen iyagoo haysta cayn kasta oo alaabta muusikada ah oo ah qori beroosh la yidhaahdo, oo alaabtaasu waxay ahaayeen kataarado, iyo shareerado, iyo dafaf, iyo shuguxshugux iyo suxuun laysku garaaco.
達味和以色列全家在上主面前興高彩烈地舞蹈作樂,彈琴、擊弦、敲鼓、搖鈴、擊鈸。
6 Oo markay yimaadeen meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo Naakoon ayaa Cuusaah gacanta ku fidiyey sanduuqii Ilaah, wuuna qabtay; maxaa yeelay, dibidii sidday ayaa turunturootay.
當他們來到納貢的禾場時,因為牛幾乎使天主的約櫃傾倒,烏匝便伸手扶住。
7 Markaasaa Rabbigu aad ugu cadhooday Cuusaah; oo Ilaahna halkaasuu ku dilay qaladkiisii aawadiis, oo sanduuqii Ilaah agtiisa ayuu ku dhintay.
為了他一時的冒失,上主就向烏匝發怒,將他擊殺,他更死在天主的約櫃旁。
8 Oo Daa'uudna taas buu ka xumaaday, maxaa yeelay, Rabbigu degdeg buu u qabtay Cuusaah, oo meeshaas magaceediina wuxuu u bixiyey Feres Cuusaah, oo ilaa maantadanna waa la yidhaahdaa.
達味因為上主擊殺了烏匝,很覺悲傷,於是那地方名叫培勒茲烏匝,直到今日。
9 Oo Daa'uudna Rabbiga wuu ka baqay maalintaas, oo wuxuu isyidhi, Sanduuqa Rabbigu sidee buu iigu imanayaa?
那天,達味對上主害了怕,心想:「上主的約櫃如何能進入我那裏﹖」
10 Sidaas daraaddeed Daa'uud wuu diiday inuu wado sanduuqii Rabbiga oo uu geeyo magaaladii Daa'uud; laakiinse Daa'uud sanduuqii buu gees ugu leexshay gurigii Cobeed Edoom kii reer Gad.
因此,達味不願上主的約櫃遷入達味城自己那裏,卻運往加特人敖貝得厄東家中。
11 Oo saddex bilood ayaa sanduuqii Rabbigu gurigii Cobeed Edoom yiil; oo Rabbiguna wuu barakeeyey Cobeed Edoom iyo reerkiisii oo dhanba.
上主的約櫃在加特人敖貝得厄東家中,存放了三個月,上主祝福了敖貝得厄東和他的全家。
12 Markaasaa Daa'uud loo soo sheegay oo lagu yidhi, Rabbigu waa barakeeyey Cobeed Edoom reerkiisii, iyo wixii uu lahaa oo dhan, taasuna waa sanduuqa Ilaah aawadiis. Markaasaa Daa'uud tegey oo sanduuqii Ilaah ka soo qaaday gurigii Cobeed Edoom oo farax ku soo geliyey magaaladii Daa'uud.
有人告訴達味,上主為了天主的約櫃祝福了敖貝得厄東的家,和他所有的一切。達味就去將天主的約櫃,由貝得厄東家興高彩烈地抬上達味城來。
13 Oo markii kuwii sanduuqa Rabbiga siday ay lix tallaabo socdeen wuxuu allabari u qalay dibi iyo nef kale oo shilis.
每當抬上主約櫃的人走六步,他就祭獻一頭牛和一隻肥羊。
14 Oo Daa'uudna Rabbiga hortiisuu xooggiisii oo dhan ugu cayaaray, wuxuuna guntanaa eefod dhar wanaagsan laga sameeyey.
同時達味束著細麻的「厄弗得,」在上主面前盡力跳舞。
15 Sidaasay Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu u soo qaadeen sanduuqii Rabbiga, iyagoo qaylinaya oo buunna ka dhawaajinaya.
這樣,達味與以色列全家大聲歡呼,吹起號筒,將上主的約櫃迎上來。
16 Oo markuu sanduuqii Rabbigu soo galay magaaladii Daa'uud ayaa Miikaal oo ahayd ina Saa'uul dariishadda wax ka fiirisay, oo waxay aragtay Boqor Daa'uud oo boodboodaya oo Rabbiga hortiisa ku cayaaraya; markaasay quudhsatay.
當上主的約櫃進入達味城時,撒烏耳的女兒米加耳,由窗內窺看,見達味王在上主面前跳躍舞蹈,心中就輕視他。
17 Sanduuqii Rabbigana gudahay soo geliyeen oo meeshiisii bay dhigeen, taasoo ahayd teendhadii Daa'uud u dhisay badhtankeeda; kolkaasaa Daa'uud Rabbiga hortiisa ku bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.
他們將上主的約櫃抬來,安置在預備好的地方,停在達味為約櫃建立的帳幕中央;達味給上主奉獻了全燔祭與和平祭。
18 Oo Daa'uudna markuu dhammeeyey qurbaankii la gubayay iyo qurbaannadii nabaadiinada ee uu bixinayay ayuu dadkii ugu duceeyey magicii Rabbiga ciidammada.
達味獻完了全燔祭與和平祭後,以萬軍上主的名祝福了百姓。
19 Markaasuu wuxuu dadkii oo dhan, iyo xataa dadkii badnaa oo reer binu Israa'iil oo dhan, rag iyo dumarba, mid kasta siiyey xabbad kibis ah, iyo cad hilib ah, iyo fud sabiib ah. Markaasaa dadkii oo dhan mid waluba gurigiisii tegey.
以後,分給所有百姓,全以色列民眾,不論男女,每人一塊餅,一塊肉,一塊葡萄乾餅。然後百姓各自回了本家。
20 Markaasaa Daa'uud u noqday inuu reerkiisii u duceeyo. Oo Miikaal oo ahayd ina Saa'uul ayaa u soo baxday inay Daa'uud ka hor timaado, oo waxay ku tidhi, Boqorka reer binu Israa'iil qurux badnaa maanta, kaasoo maanta isku hor qaawiyey gabdhihii addoommadiisa sida waxmatarayaasha midkood isugu qaawiyo oo kale!
達味回來祝福本家時,撒烏耳的女兒米加耳出來迎接達味說:「以色列的君王今天多麼榮耀! 他今天在臣僕的婢女前赤身露體,活像一個赤身露體的小丑。」
21 Markaasaa Daa'uud Miikaal ku yidhi, Waxay ahayd Rabbiga hortiisa, kii iga doortay aabbahaa iyo reerkiisii oo dhan, oo iga dhigay amiir u taliya dadka Rabbiga, kuwaas oo ah reer binu Israa'iil; oo sidaas daraaddeed ayaan Rabbiga hortiisa ugu cayaarayaa.
達味回答米加耳說:「在廢棄你父他全家,而選拔了我的上主面前,在派我為上主百姓以色列首領的上主面前,我甘願舞蹈,
22 Oo weliba intaas waan ka sii liidanayaa, oo waan isla xumaanayaa, laakiinse gabdhihii aad ka hadashay xaggooda derejaan ka lahaan doonaa.
甘願加倍卑賤我自己! 我在你眼中被視為卑賤,但在你所說的婢女們前,我必受到尊敬。」
23 Oo Miikaal oo ahayd ina Saa'uulna ilaa maalintii ay dhimatay ilmo ma dhalin.
從此撒烏耳的女兒米加耳,到死再沒有生育。