< Samuu'Eel Labaad 4 >
1 Oo Saa'uul wiilkiisii Iishboshed ahaa markuu maqlay in Abneer Xebroon ku dhintay ayaa gacmihiisii taag beeleen, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way nexeen.
掃羅的兒子伊施波設聽見押尼珥死在希伯崙,手就發軟;以色列眾人也都驚惶。
2 Oo Saa'uul wiilkiisii Iishboshed ahaana wuxuu lahaa laba nin oo askartiisa saraakiil u ahaa. Mid magiciisu wuxuu ahaa Bacanaah, oo kan kale magiciisuna wuxuu ahaa Reekaab, oo waxayna ahaayeen ilmo Rimmon kii reer Bi'irod, oo waxayna ahaayeen reer Benyaamiin (waayo, Bi'irod waxaa lagu tiriyey reer Benyaamiin,
掃羅的兒子伊施波設有兩個軍長,一名巴拿,一名利甲,是便雅憫支派、比錄人臨門的兒子。比錄也屬便雅憫。
3 oo reer Bi'irodna waxay u carareen xagga Gitayim, oo halkaasay degganaayeen ilaa maantadan).
比錄人早先逃到基他音,在那裏寄居,直到今日。
4 Yoonaataan ina Saa'uul wuxuu lahaa wiil curyaan ah. Oo isagu shan jir buu ahaa markii war ku saabsan Saa'uul iyo Yoonaataan Yesreceel laga keenay, ee ay naagtii isaga dhawraysay kor u qaadatay, oo carartay. Oo intay ku degdegaysay inay cararto ayuu ka dhacay, oo markaasuu curyaan noqday. Oo magiciisuna wuxuu ahaa Mefiiboshed.
掃羅的兒子約拿單有一個兒子名叫米非波設,是瘸腿的。掃羅和約拿單死亡的消息從耶斯列傳到的時候,他才五歲。他乳母抱着他逃跑;因為跑得太急,孩子掉在地上,腿就瘸了。
5 Oo Rimmonkii reer Bi'irod wiilashiisii oo ahaa Reekaab iyo Bacanaah way tageen, oo wakhti kulul ayay gurigii Iishboshed yimaadeen, isagoo hadhkii nasanaya.
一日,比錄人臨門的兩個兒子利甲和巴拿出去,約在午熱的時候到了伊施波設的家;伊施波設正睡午覺。
6 Oo gurigay soo galeen, sidii iyagoo sarreen qaadanaya; markaasay caloosha ka dooxeen. Markaasaa Reekaab iyo walaalkiis Bacanaah baxsadeen.
他們進了房子,假作要取麥子,就刺透伊施波設的肚腹,逃跑了。
7 Markay guriga soo galeen, isagoo sariirta ku jiifa oo qolka la seexdo ku jira, ayay garaaceen oo dileen, oo madaxiina way ka gooyeen oo la tageen, markaasay jidkii Caraabaah habeenkii oo dhan sii guuraynayeen.
他們進房子的時候,伊施波設正在臥房裏躺在床上,他們將他殺死,割了他的首級,拿着首級在亞拉巴走了一夜,
8 Oo Iishboshed madaxiisii ayay Daa'uud ugu keeneen Xebroon, oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Bal eeg madaxii Iishboshed ee uu dhalay Saa'uul kii cadowgaaga ahaa oo doonayay inuu nafta kaa qaado; haddaba sayidkaygiiyow, boqorow, Rabbigu maanta waa kaaga aar guday Saa'uul iyo farcankiisiiba.
將伊施波設的首級拿到希伯崙見大衛王,說:「王的仇敵掃羅曾尋索王的性命。看哪,這是他兒子伊施波設的首級;耶和華今日為我主我王在掃羅和他後裔的身上報了仇。」
9 Markaasaa Daa'uud ugu jawaabay Reekaab iyo walaalkiis Bacanaah, oo ahaa ilma Rimmonkii reer Bi'irod, Waxaan ku dhaartay nolosha Rabbigii naftayda ka badbaadshay cidhiidhi oo dhan,
大衛對比錄人臨門的兒子利甲和他兄弟巴拿說:「我指着救我性命脫離一切苦難、永生的耶和華起誓:
10 markii mid ii soo sheegay inuu Saa'uul dhintay, isagoo u malaynaya inuu war wanaagsan ii sido, waan qabtay oo Siiqlag baan ku dilay, taasuna waxay ahayd abaalgudkii aan warkiisii ka siiyey.
從前有人報告我說,掃羅死了,他自以為報好消息;我就拿住他,將他殺在洗革拉,這就作了他報消息的賞賜。
11 Haddaba idinkoo ah niman shar leh, markaad disheen qof xaq ah oo sariirtii gurigiisa ku jiifa, miyaanan in ka sii badan dhiiggiisii gacmihiinna weyddiinayn, oo miyaanan dhulka idinka qaadayn?
何況惡人將義人殺在他的床上,我豈不向你們討流他血的罪、從世上除滅你們呢?」
12 Markaasaa Daa'uud amray raggiisii dhallinyarada ahaa, wayna dileen iyagii, oo waxay ka jareen gacmihii iyo cagihii, oo ka soo lalmiyeen balliga Xebroon ku yaal agtiisa. Laakiinse Iishboshed madaxiisii intay qaadeen ayay ku aaseen qabrigii Abneer oo Xebroon ku yiil.
於是大衛吩咐少年人將他們殺了,砍斷他們的手腳,掛在希伯崙的池旁,卻將伊施波設的首級葬在希伯崙押尼珥的墳墓裏。