< Samuu'Eel Labaad 3 >
1 Haddaba waxaa jiray dagaal dheer oo dhex maray reer Saa'uul iyo reer Daa'uud; oo Daa'uudna waa sii xoog badnaanayay, laakiinse reer Saa'uul way sii xoog yaraanayeen.
И дуго беше рат између дома Сауловог и дома Давидовог; Али Давид све већма јачаше, а дом Саулов постајаше све слабији.
2 Oo Daa'uudna wiilal baa ugu dhashay Xebroon. Curadkiisu wuxuu ahaa Amnoon, oo waxaa dhashay Axiinocam tii reer Yesreceel.
И Давиду се родише синови у Хеврону: Првенац му беше Амнон од Ахиноаме Језраељанке;
3 Wiilkiisii labaadna wuxuu ahaa Kile'aab, oo waxaa dhashay Abiigayil oo u dhaxday Naabaal kii reer Karmel. Kan saddexaadna wuxuu ahaa Absaaloom oo waxaa dhashay Macakaah oo ahayd boqorkii Geshuur oo Talmay ahaa gabadhiisii.
Други беше Хилеав од Авигеје жене Навала Кармилца; трећи Авесалом син Махе кћери Талмаја цара гесурског;
4 Kan afraadna wuxuu ahaa Adoniiyaah oo waxaa dhashay Xaggiid. Kan shanaadna wuxuu ahaa Shefatyaah oo waxaa dhashay Abiital.
Четврти Адонија син Агитин; и пети Сефатија син Авиталин;
5 Kan lixaadna wuxuu ahaa Yitrecaam, oo waxaa dhashay Ceglaah oo Daa'uud u dhaxday. Intaasu waxay Daa'uud ugu dhasheen Xebroon.
И шести Итрам од Егле жене Давидове. Ти се родише Давиду у Хеврону.
6 Intii ay reer Saa'uul iyo reer Daa'uud dagaallamayeen ayaa Abneer aad ugu xoogaystay reerkii Saa'uul.
И док беше рат између дома Сауловог и дома Давидовог, Авенир брањаше дом Саулов.
7 Haddaba Saa'uul wuxuu lahaa naag addoon ah oo magaceedana la odhan jiray Risfaah, waxayna ahayd ina Ayah; oo Iishboshed wuxuu Abneer ku yidhi, War maxaad ugu tagtay addoontii aabbahay?
А Саул имаше иночу по имену Ресфу, кћер Ајину; и Исвостеј рече Авениру: Зашто си спавао код иноче оца мог?
8 Markaasaa Abneer aad ugu cadhooday erayadii Iishboshed, oo wuxuu yidhi, Anigu ma waxaan ahay madax eey oo reer Yahuudah leeyihiin? Bal maanta raxmad baan tusayaa reerkii aabbahaa Saa'uul, iyo walaalihiis, iyo saaxiibbadiis, oo adigana kuuma aan gacangelin Daa'uud, oo weliba maanta waxaad igu eedaynaysaa wax ku saabsan naagtan.
И Авенир се разгневи на речи Исвостејеве и рече: Јесам ли ја пасја глава, који сада чиним на Јуди милост дому Саула оца твог и браћи његовој и пријатељима његовим, и нисам те пустио у руке Давидове, те данас тражиш на мени зло ради те жене?
9 Haddaba sidii Rabbigu ugu dhaartay Daa'uud, Ilaah saas iyo si ka sii badanba anoo Abneer ah, ha igu sameeyo haddaanan saas oo kale isaga ku samayn,
Тако нека учини Бог Авениру, и тако нека дода, ако не учиним Давиду како му се Господ заклео,
10 taasoo ah inaan boqortooyada ka wareejiyo reer Saa'uul, iyo inaan carshiga Daa'uud u qotomiyo reer binu Israa'iil iyo reer binu Yahuudah, iyo tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac.
Да се пренесе ово царство од дома Сауловог, и да се утврди престо Давидов над Израиљем и над Јудом, од Дана до Вирсавеје.
11 Oo isna eray dambe wuu ugu jawaabi waayay Abneer, maxaa yeelay, wuu ka cabsanayay.
И он не може више ништа одговорити Авениру, јер га се бојаше.
12 Markaasaa Abneer wuxuu Daa'uud u soo diray wargeeyayaal magiciisa ku hadlaya, oo leh, War dhulka yaa leh? Oo wuxuu kaloo ku yidhi, Heshiis ila dhigo, anna gacan baan ku siinayaa, inaan kuu soo wada jeediyo reer binu Israa'iil oo dhan.
И Авенир посла посланике к Давиду од себе и поручи: Чија је земља? И поручи му: Учини веру са мном, и ево рука ће моја бити с тобом, да обратим к теби свега Израиља.
13 Markaasuu yidhi, Waa hagaag; heshiis baan kula dhiganayaa, laakiinse wax baan kaa doonayaa, taasuna waxaa weeyaan, markaad ii timaadid waa inaadan i hor iman adoo marka hore Miikaal oo ah ina Saa'uul i soo hor taaga mooyaane.
А он одговори: Добро; ја ћу учинити веру с тобом; али једно иштем од тебе, и то: да не видиш лице моје ако ми прво не доведеш Михалу, кћер Саулову, кад дођеш да видиш лице моје.
14 Oo Daa'uudna wargeeyayaal buu u diray Iishboshed oo ahaa ina Saa'uul, isagoo leh, Ii keen naagtaydii Miikaal, oo aan ku guursaday boqol buuryo oo reer Falastiin.
И посла Давид посланике к Исвостеју, сину Сауловом, и поручи му: Дај ми жену моју Михалу, коју испросих за сто окрајака филистејских.
15 Markaasaa Iishboshed rag u diray oo iyadii ka soo kexeeyey ninkeedii, kaasoo ahaa Faltii'eel ina Layish.
И Исвостеј посла те је узе од мужа, од Фалтила, сина Лаисовог.
16 Markaasaa ninkeedii soo raacay iyadii, isagoo ooyaya intuu socday oo dhan, oo wuxuu iyadii daba socday tan iyo Baxuuriim. Markaasaa Abneer ku yidhi, War orod, oo iska noqo. Kolkaasuu iska noqday.
А муж њен пође с њом, и једнако плакаше за њом до Ваурима. Тада му рече Авенир: Иди, врати се натраг. И он се врати.
17 Oo Abneerna wuxuu la arrinsaday odayaashii reer binu Israa'iil, oo ku yidhi, Waa hore waxaad doonayseen in Daa'uud boqor idiin noqdo.
Потом Авенир говори старешинама израиљским, и рече им: Пре тражисте Давида да буде цар над вама.
18 Haddaba haatan sidii yeela, waayo, Rabbigu Daa'uud buu ka hadlay, oo yidhi, Addoonkayga Daa'uud gacantiisa ayaan dadkayga reer binu Israa'iil kaga badbaadin doonaa gacanta reer Falastiin iyo gacanta cadaawayaashooda oo dhanba.
Ето сада учините; јер је Господ рекао за Давида говорећи: Преко Давида слуге свог избавићу народ свој Израиља из руку филистејских и из руку свих непријатеља њихових.
19 Oo Abneer wuxuu kaloo la hadlay reer Benyaamiin; oo weliba Abneer wuxuu Daa'uud ugu yimid Xebroon si uu ugu sheego waxa la wanaagsan reer binu Israa'iil oo dhan, iyo reer Benyaamiin oo dhanba.
Тако говори Авенир и синовима Венијаминовим. Потом отиде Авенир и у Хеврон да каже Давиду све што за добро нађе Израиљ и сав дом Венијаминов.
20 Saas aawadeed Abneer wuxuu Daa'uud ugu yimid Xebroon, labaatan nin baana la socday. Oo Daa'uudna diyaafad ayuu Abneer iyo raggii la socdayba u sameeyey.
И кад дође Авенир к Давиду у Хеврон и с њим двадесет људи, учини Давид гозбу Авениру и људима који беху с њим.
21 Markaasaa Abneer Daa'uud ku yidhi, Anigu waan kacayaa, waanan tegayaa, oo reer binu Israa'iil oo dhanna waan kuu soo wada ururin doonaa, boqorow, sayidkaygiiyow, inay axdi kula dhigtaan oo adna aad xukuntid in alla intii naftaadu doonayso. Markaasaa Daa'uud Abneer iska diray; oo isna nabad buu ku tegey.
И рече Авенир Давиду: Да устанем и идем да скупим к цару господару свом сав народ Израиљев да учине веру с тобом, па да царујеш како ти душа жели. И Давид отпусти Авенира да иде с миром.
22 Oo bal eeg, Daa'uud addoommadiisii iyo Yoo'aabba waxay ka yimaadeen duulaan, iyagoo dhac badan wada, laakiinse Abneer Daa'uud lama joogin Xebroon, waayo, wuu iska diray, oo isna nabad buu ku tegey.
А гле, слуге Давидове враћаху се с Јоавом из боја, и тераху са собом велик плен; а Авенир већ не беше код Давида у Хеврону, јер га отпусти, те отиде с миром.
23 Oo markii Yoo'aab iyo ciidankii la jiray oo dhammu ay yimaadeen waxaa Yoo'aab loo sheegay, oo lagu yidhi, Waxaa boqorka u yimid Abneer ina Neer, oo isna wuu iska diray, markaasuu nabad ku tegey.
Јоав дакле и сва војска што беше с њим, дођоше онамо; и јавише Јоаву говорећи: Авенир син Ниров долазио је к цару, и он га отпусти те отиде с миром.
24 Markaasaa Yoo'aab boqorkii u yimid, oo ku yidhi, Maxaad samaysay? Bal eeg, Abneer baa kuu yimid, maxaad u dirtay oo uu u tegey?
И Јоав отиде к цару и рече: Шта учини? Гле, Авенир је долазио к теби; зашто га пусти те отиде?
25 Abneer oo ah ina Neer waad garanaysaa inuu kuugu yimid inuu ku khiyaaneeyo, iyo inuu ogaado bixiddaada iyo soo geliddaada, iyo weliba inuu sii ogaado waxaad samaysid oo dhanba.
Познајеш ли Авенира сина Нировог? Долазио је да те превари, да види куда ходиш и да дозна све што радиш.
26 Yoo'aabna markuu Daa'uud ka soo baxay ayuu rag ka daba diray Abneer, oo waxay ka soo celiyeen ceelkii Siraah, laakiinse taas Daa'uud ma ogayn.
Потом отишавши Јоав од Давида посла људе за Авениром да га врате од студенца Сире, а Давид не знаше за то.
27 Oo markuu Abneer ku soo noqday Xebroon ayaa Yoo'aab gees ula baxay oo iridda la dhex galay si uu ula faqo, markaasuu caloosha ka dooxay si uu u dhinto, maxaa yeelay, dhiiggii walaalkiis Casaaheel ayuu daadshay.
И кад се врати Авенир у Хеврон, одведе га Јоав на страну под врата као да говори с њим насамо; онде га удари под пето ребро, те умре за крв Асаила брата његовог.
28 Dabadeedna markuu Daa'uud taas maqlay ayuu yidhi, Aniga iyo boqortooyadayda midna eed kuma lahayn Rabbiga hortiisa xagga dhiigga Abneer ina Neer.
А кад Давид после то чу, рече: Ја нисам крив ни царство моје пред Господом довека за крв Авенира сина Нировог.
29 Yoo'aab madaxiisa ha saarnaado, iyo reerka aabbihiis, oo reer Yoo'aabna yaan laga waayin mid cudur dheecaan leh qaba, iyo mid baras qaba, iyo mid ul ku tukubaya, iyo mid seef lagu dilo, ama mid cunto la'.
Нека падне на главу Јоавову и на сав дом оца његовог; и нека дом Јоавов не буде никад без човека болног од течења или губавог или који иде о штапу или који падне од мача или који нема хлеба.
30 Sidaasay Yoo'aab iyo walaalkiis Abiishay u dileen Abneer, maxaa yeelay, wuxuu walaalkood Casaaheel ku dilay dagaalkii Gibecoon.
Тако Јоав и Ависај брат његов убише Авенира што он погуби Асаила брата њиховог код Гаваона у боју.
31 Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi Yoo'aab iyo dadkii isaga la jiray oo dhan, Dharkiinna jeexjeexa oo dhar joonyad ah guntada, oo Abneer hortiisa ku baroorta. Oo Boqor Daa'uudna wuxuu raacay naxashkii.
И рече Давид Јоаву и свему народу који беше с њим: Раздерите хаљине своје и припашите кострет, и плачите за Авениром. И цар Давид иђаше за носилима.
32 Oo Abneer waxaa lagu aasay Xebroon, boqorkiina codkiisii kor buu u qaaday, oo qabrigii Abneer ku dul ooyay; oo dadkii oo dhammuna way wada ooyeen.
А кад погребоше Авенира у Хеврону, цар подиже глас свој и плака на гробу Авенировом; плака и сав народ.
33 Oo boqorkiina wuxuu u baroortay Abneer, oo yidhi, Miyey habboon tahay in Abneer u dhinto sida nacas u dhinto oo kale?
И наричући за Авениром рече: Умре ли Авенир како умире безумник?
34 Gacmahaagu ma xidhnayn, cagahaaguna ma dabranayn, Sida nin ugu dhaco dad dembi leh hortooda ayaad u dhacday. Markaasaa dadkii oo dhammu mar kale u ooyay isagii.
Руке твоје не бише везане, нити ноге твоје у оков оковане; пао си као што се пада од неваљалих људи. Тада још већма плака за њим сав народ.
35 Markaasay dadkii oo dhammu yimaadeen oo damceen inay Daa'uud wax cunsiiyaan intii ay maalinnimada ahayd; laakiinse Daa'uud wuu dhaartay, oo yidhi, Ilaah taasoo kale ha igu sameeyo, iyo weliba tu ka sii badan, haddaan kibis dhadhansho, iyo wax kale toona, ilaa ay qorraxdu dhacdo.
И дође сав народ нудећи Давида да једе шта, док још беше дан; али се Давид закле и рече: Бог нека ми учини тако, и тако нека дода, ако окусим хлеба или шта друго док не зађе сунце.
36 Markaasaa dadkii oo dhammu taas u fiirsadeen, wayna la wanaagsanayd, oo wax alla wixii boqorku sameeyey ayaa la wanaagsanaa dadkii oo dhan.
И сав народ чу то, и би им по вољи; шта год чињаше цар, беше по вољи свему народу.
37 Sidaasay dadkii oo dhan iyo reer binu Israa'iil oo dhammu maalintaas u garteen inuusan boqorku doonaynin in Abneer oo ahaa ina Neer la dilo.
И позна сав народ и сав Израиљ у онај дан да није било од цара што погибе Авенир син Ниров.
38 Oo boqorkii wuxuu addoommadiisii ku yidhi, War miyeydnaan ogayn maanta inuu reer binu Israa'iil ku dhex dhintay amiir iyo nin weyn?
И цар рече слугама својим: Не знате ли да је војвода и то велики погинуо данас у Израиљу?
39 Oo anigu maanta in kastoo lay boqray, waan taag yarahay; oo nimankan ay Seruuyaah dhashay ayaa iga xoog badan. Kii shar sameeya Rabbigu ha ugu abaalgudo sida sharkiisu yahay.
Али ја сам сада још слаб, ако и јесам помазани цар; а ови људи, синови Серујини, врло су ми силни. Нека Господ плати ономе који чини зло према злоћи његовој.