< Samuu'Eel Labaad 24 >

1 Oo haddana Rabbiga cadhadiisii aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo Daa'uud buu iyagii ku soo kiciyey, oo wuxuu yidhi, Tag oo soo tiri reer Israa'iil iyo reer Yahuudah.
耶和华又向以色列人发怒,就激动大卫,使他吩咐人去数点以色列人和犹大人。
2 Markaasaa boqorkii ku yidhi Yoo'aab oo ahaa sirkaalkii ciidanka oo isaga la joogay, Horay iyo dib u dhex mar qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan, tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac, oo dadka soo tiriya si aan u ogaado dadka tiradiisa.
大卫就吩咐跟随他的元帅约押说:“你去走遍以色列众支派,从但直到别是巴,数点百姓,我好知道他们的数目。”
3 Markaasaa Yoo'aab boqorkii ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ahu ha badiyo dadka, oo in kastoo ay yihiinba, ha ku daro boqol jibbaar, oo indhahaagu, boqorow, sayidkaygiiyow, taas ha arkeen; laakiinse maxaad taas ugu farxaysaa, boqorow, sayidkaygiiyow?
约押对王说:“无论百姓多少,愿耶和华—你的 神再加增百倍,使我主我王亲眼得见。我主我王何必喜悦行这事呢?”
4 Habase yeeshee boqorka hadalkiisii waa ka adkaaday hadalladii Yoo'aab iyo saraakiishii ciidankaba. Markaasaa Yoo'aab iyo saraakiishii ciidankuba boqorka hortiisii ka tageen inay dadkii soo tiriyaan.
但王的命令胜过约押和众军长。约押和众军长就从王面前出去,数点以色列的百姓。
5 Oo waxay ka gudbeen Webi Urdun, oo degeen Carooceer, oo ku taal xagga midigta oo magaalada ku dhex taal dooxadii Gaad, iyo tan iyo Yacser,
他们过了约旦河,在迦得谷中、城的右边亚罗珥安营,与雅谢相对,
6 oo haddana waxay yimaadeen Gilecaad, iyo ilaa dalkii Taxtiim Xodshii; oo waxay yimaadeen Daan Yacan, iyo Siidoon hareeraheeda,
又到了基列和他停·合示地,又到了但·雅安,绕到西顿,
7 oo waxay yimaadeen dhufayskii Turos, iyo magaalooyinkii reer Xiwi iyo reer Kancaan oo dhan; oo waxay tageen xagga koonfureed oo dalka Yahuudah ilaa Bi'ir Shebac.
来到泰尔的保障,并希未人和迦南人的各城,又到犹大南方的别是巴。
8 Haddaba markay dalkii oo dhan horay iyo dib u dhex mareen ayay Yeruusaalem ku soo noqdeen sagaal bilood iyo labaatan maalmood dabadood.
他们走遍全地,过了九个月零二十天,就回到耶路撒冷。
9 Markaasaa Yoo'aab boqorkii siiyey tiradii dadka; oo waxaa dalka Israa'iil ku jiray siddeed boqol oo kun oo nin oo seefqaad ah oo xoog leh; oo waxaa dalka Yahuudahna ku jiray shan boqol oo kun oo nin.
约押将百姓的总数奏告于王:以色列拿刀的勇士有八十万;犹大有五十万。
10 Oo Daa'uudna qalbigiisii ayaa naxay markuu dadka tiriyey dabadeed. Markaasaa Daa'uud Rabbiga ku yidhi, Waxaan sameeyey aad baan ugu dembaabay; haddaba Rabbiyow, waan ku baryayaaye, iga fogee dembigayga anoo addoonkaaga ah, waayo, nacasnimo weyn baan sameeyey.
大卫数点百姓以后,就心中自责,祷告耶和华说:“我行这事大有罪了。耶和华啊,求你除掉仆人的罪孽,因我所行的甚是愚昧。”
11 Oo markii Daa'uud subixii toosay ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Gaad, oo ahaa Daa'uud wax arkihiisa, oo wuxuu yidhi,
大卫早晨起来,耶和华的话临到先知迦得,就是大卫的先见,说:
12 Tag oo Daa'uud la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Saddexdan waxyaalood baan ku siinayaa, ee ka dooro mid aan kugu sameeyo.
“你去告诉大卫,说耶和华如此说:‘我有三样灾,随你选择一样,我好降与你。’”
13 Sidaas daraaddeed Gaad baa Daa'uud u yimid, oo intuu u warramay ayuu ku yidhi, Toddoba sannadood dalkaaga abaari ma kuugu soo degtaa? Mase saddex bilood baad cadaawayaashaada ka cararaysaa iyagoo ku eryanaya? Mase saddex maalmood baa belaayo dalkaaga lagu soo dejiyaa? Haddaba tasho, oo ka fiirso jawaabta aan u celiyo kii i soo diray.
于是迦得来见大卫,对他说:“你愿意国中有七年的饥荒呢?是在你敌人面前逃跑,被追赶三个月呢?是在你国中有三日的瘟疫呢?现在你要揣摩思想,我好回复那差我来的。”
14 Markaasaa Daa'uud wuxuu Gaad ku yidhi, Cidhiidhi weyn baan ku jiraa; haddaba Rabbiga gacantiisa aan ku dhacno; waayo, naxariistiisu waa badan tahay; laakiinse yaanan dad gacantiis ku dhicin.
大卫对迦得说:“我甚为难!我愿落在耶和华的手里,因为他有丰盛的怜悯。我不愿落在人的手里。”
15 Saas aawadeed Rabbigu belaayo ayuu ku soo dejiyey reer binu Israa'iil, taasoo timid subaxdii iyo ilaa wakhtigii loo qabtay; oo ilaa Daan iyo tan iyo Bi'ir Shebac waxaa dadkii ka dhintay toddobaatan kun oo nin.
于是,耶和华降瘟疫与以色列人,自早晨到所定的时候;从但直到别是巴,民间死了七万人。
16 Markii malaggii gacanta u fidiyey inuu baabbi'iyo Yeruusaalem ayaa Rabbigu belaayadii ka qoomamooday, oo wuxuu ku yidhi malaggii dadka baabbi'inayay, Bes weeye, haddaba gacanta soo celi. Oo malaggii Rabbiguna wuxuu ag joogay meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo uu Arawnaah kii reer Yebuus lahaa.
天使向耶路撒冷伸手要灭城的时候,耶和华后悔,就不降这灾了,吩咐灭民的天使说:“够了!住手吧!”那时耶和华的使者在耶布斯人亚劳拿的禾场那里。
17 Markaasaa Daa'uud wuxuu la hadlay Rabbiga kolkuu arkay malaggii dadka laayay, oo yidhi, Bal eeg, waan dembaabay, oo wax qalloocan baan sameeyey, laakiinse idahanu maxay sameeyeen? Haddaba waan ku baryayaaye, gacantaadu ha ka gees noqoto aniga iyo reerka aabbahay.
大卫看见灭民的天使,就祷告耶和华说:“我犯了罪,行了恶;但这群羊做了什么呢?愿你的手攻击我和我的父家。”
18 Oo Gaadna maalintaas ayuu Daa'uud u yimid, oo ku yidhi, Tag, oo Rabbiga meel allabari uga dhis meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray ee Arawnaahkii reer Yebuus.
当日,迦得来见大卫,对他说:“你上去,在耶布斯人亚劳拿的禾场上为耶和华筑一座坛。”
19 Oo Daa'uud baa ku tegey wixii uu Gaad ku yidhi iyo sidii Rabbigu ku amray.
大卫就照着迦得奉耶和华名所说的话上去了。
20 Oo Arawnaah ayaa arkay boqorkii iyo addoommadiisii oo xaggiisa u soo socda; markaasaa Arawnaah soo baxay, oo boqorka hortiisii ayuu ku sujuuday, wejigana dhulkuu saaray.
亚劳拿观看,见王和他臣仆前来,就迎接出去,脸伏于地,向王下拜,
21 Oo Arawnaah wuxuu yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, maxaad iigu timid anoo addoonkaaga ah? Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Waxaan kuugu imid inaan kaa iibsado meesha wax lagu tumo, si aan Rabbiga uga dhiso meel allabari inay belaayadu dadka ka joogsato.
说:“我主我王为何来到仆人这里呢?”大卫说:“我要买你这禾场,为耶和华筑一座坛,使民间的瘟疫止住。”
22 Oo Arawnaahna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, qaado oo Ilaah u bixi wax alla wixii kula wanaagsan; bal eeg, waa kuwan dibidii qurbaanka la gubo, waana kuwan alaabtii wax lagu tumayay iyo alaabtii dibidu si ay qoryihii u noqdaan.
亚劳拿对大卫说:“我主我王,你喜悦用什么,就拿去献祭。看哪,这里有牛可以作燔祭,有打粮的器具和套牛的轭可以当柴烧。
23 Boqorow, waxan oo dhan anoo Arawnaah ah ayaan ku siinayaa. Oo Arawnaah wuxuu boqorkii ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ahu ha ku aqbalo.
王啊,这一切,我亚劳拿都奉给你”;又对王说:“愿耶和华—你的 神悦纳你。”
24 Markaasaa boqorkii wuxuu Arawnaah ku yidhi, Maya, laakiinse sida runta ah qiimaan kaaga iibsanayaa, oo Rabbiga Ilaahayga ahna qurbaanno la gubo ugu bixin maayo wax aanan waxba ka bixin. Haddaba Daa'uud wuxuu meeshii wax lagu tumi jiray iyo dibidiiba ku iibsaday konton sheqel oo lacag ah.
王对亚劳拿说:“不然。我必要按着价值向你买;我不肯用白得之物作燔祭献给耶和华—我的 神。”大卫就用五十舍客勒银子买了那禾场与牛。
25 Markaasaa Daa'uud halkaas Rabbiga uga dhisay meel allabari, oo wuxuu u bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino. Haddaba Rabbigu waa aqbalay baryadii dalkii loo baryay, oo belaayadiina dalkii way ka joogsatay.
大卫在那里为耶和华筑了一座坛,献燔祭和平安祭。如此,耶和华垂听国民所求的,瘟疫在以色列人中就止住了。

< Samuu'Eel Labaad 24 >