< Samuu'Eel Labaad 23 >
1 Haddaba erayadanu waa kuwii ugu dambeeyey oo Daa'uud. Daa'uud ina Yesay wuxuu leeyahay, Ninkii kor loo qaadayna wuxuu leeyahay, Kaasoo ah kii Ilaaha Yacquub subkay, Ee ugu sabuur macaan reer binu Israa'iil oo dhan:
Haya ni maneno ya mwisho ya Daudi-Daudi mwana wa Yese, mtu aliyeheshimiwa sana, aliyetiwa mafuta na Mungu wa Yakobo, mwandishi mzuri wa zaburi wa Israeli.
2 Rabbiga ruuxiisii baa iga dhex hadlay, Oo eraygiisiina carrabkayguu saarnaa.
“Roho ya Yahwe alisema nami, na neno lake lilikuwa ulimini mwangu.
3 Ilaaha reer binu Israa'iil baa yidhi, Oo Dhagaxii weynaa ee reer binu Israa'iil ayaa ila hadlay, isagoo leh, Waxaa jiri doona mid dadka si xaq ah ugu taliya, Oo Ilaah cabsidiisa wax ku xukuma,
Mungu wa Israeli alinena, Mwamba wa Israeli aliniambia, “Atawalaye kwa haki juu yangu, atawalaye katika hofu ya Mungu.
4 Kaasu wuxuu ahaan doonaa sida iftiinka subaxdii, marka qorraxdu soo baxdo, Iyo sida aroor aan cadar ahayn; Markuu doog jilicsanu dhulka ka soo baxo, Oo uu bayaan u dhalaalayo roobka dabadiis.
Atakuwa kama nuru ya asubuhi jua linapochomoza, asubuhi isiyo na mawingu, wakati mche mwororo unapochipua kutoka ardhini kupitia mwangaza wa mng'ao wa jua baada ya mvua.
5 Sida runta ah reerkaygu xagga Ilaah saas kuma aha; Laakiinse axdi aan weligiis dhammaanayn ayuu ila dhigtay, Oo wax kastaba wuu hagaajiyey, wuuna adkeeyey; Oo in kastoo uusan soo bixin weliba waa badbaadadayda oo dhan iyo doonistayda oo dhanba.
Hakika, je familia yangu haiko hivi mbele za Mungu? Je hajafanya nami agano la milele, taratibu la uhakika kwa kila njia? Je yeye haongezi wokovu wangu na kutimiza kila hitaji langu?
6 Laakiinse kuwa waxmatarayaasha ah dhammaantood waxay noqonayaan sidii qodxanta layska tuuro, Waayo, iyaga gacanta laguma qaadi karo;
Lakini yasiyofaa yote yatakuwa kama miiba na kutupwa mbali, kwa maana haiwezekani kukusanywa kwa mikono.
7 Laakiinse ninkii iyaga taabta Waa in hub looga dhigaa bir iyo waran samaydiisa; Oo iyana dhammaantood meeshoodaa lagu gubi doonaa.
Ayagusaye ni lazima atumie chombo cha chuma au au fumo la mkuki. Ni lazima yachomwe mahali yalipo.
8 Kuwanu waa magacyadii nimankii xoogga badnaa oo Daa'uud haystay: Yoshebbashebed oo ahaa reer Taxkemon, oo saraakiisha madax u ahaa, kaasoo ahaa Cadiinoo kii reer Cesen, oo warankiisa u qaaday siddeedda boqol oo isku mar qudha dilay.
Haya ni majina ya askari wa Daudi: Yashobeamu Mhakmoni alikuwa kiongozi wa mashujaa. Aliua watu mia nne wakati mmoja.
9 Oo kaas dabadiisna waxaa jiray Elecaasaar ina Dooday, oo ahaa reer Axoo'ax, oo kaasu wuxuu ahaa saddexdii nin oo Daa'uud la jirtay midkood, markay caayeen reer Falastiin oo halkaas isugu urursaday inay la diriraan, oo ay dadkii reer binu Israa'iilna mar hore sii tageen.
Baada yake alikuwa Elieza mwana wa Dodo, mwana wa mwahohi, mmoja wa mashujaa watatu wa Daudi. Alikuwepo walipowashinda Wafilisti waliokuwa wamekusanyika kwa vita, na wakati watu wa Israeli walipokuwa wamekimbia.
10 Wuu kacay, oo laayay reer Falastiin ilaa ay gacantii daashay, oo gacantii seeftii ku dhegtay; oo Rabbiguna maalintaas aad buu u guuleeyey, markaasaa dadkiina u soo noqdeen inay wax dhacaan oo keliya.
Elieza akasimama na kuwapiga Wafilisti mpaka mkono wake ukachoka, mpaka mkono wake ukang'ang'ania mpini wa upanga wake. Siku hiyo Yahwe akatoa ushindi mkuu. Jeshi likarejea kwa ajili ya kuteka tu nyara za waliouawa na Elieza.
11 Oo isaga dabadiisna waxaa jiray Shammaah oo ahaa ina Agee oo qoladiisuna ahayd reer Haraarii. Oo reer Falastiinna waxay isu soo wada urursadeen inay soo dhacaan meel misir ka buuxo, oo dadkiina waxay ka carareen reer Falastiin.
Baada yake alikuwa Shama mwana wa Agee, Mharari. Wafilisti wakajikusanya pamoja palipokuwa na shamba la dengu, na jeshi likawakimbia.
12 Laakiinse isagu beertuu isdhex taagay oo daafacay, wuuna laayay reer Falastiin; oo Rabbiguna aad buu u guuleeyey.
Lakini Shama akasimama katikati ya shamba na kulitetea. Aliwauwa Wafilisti, na Yahwe akaleta ushindi mkuu.
13 Oo soddonkii madaxda ahaa saddex ka mid ah ayaa tegey, oo Daa'uud ugu yimid godkii Cadullaam xilligii beergooyska; oo colkii reer Falastiinna waxay soo degeen dooxadii Refaa'iim.
Watatu kati ya askari thelathini walishuka kwa Daudi nyakati za mavuno, katika pango la Adulamu. Jeshi la Wafilisti lilikuwa limepiga kambi katika bonde la Mrefai.
14 Oo markaas Daa'uud wuxuu ku jiray dhufayska, oo ciidankii reer Falastiin xeradooduna waxay ahayd Beytlaxam.
Wakati huo Daudi alikuwa katika ngome yake, pangoni, wakati Wafilisti walikuwa wanaimilk Bethlehemu.
15 Oo Daa'uud intuu biyo u xiisooday ayuu yidhi, Waxaan jeclaan lahaa in biyo layga siiyo ceelka Beytlaxam ee iridda ku ag yaal!
Daudi alitamani maji na akasema, “Kama ingekuwa mtu mmoja angenipa maji ya kunywa kutoka kisima kilichopo Bethlehemu, kisima kilichopo langoni!”
16 Markaasaa saddexdii nin ee xoogga badnaa ayaa dhex maray ciidankii reer Falastiin, oo waxay biyo ka soo dhaamiyeen ceelkii Beytlaxam ee iridda ku ag yiil, oo intay soo qaadeen ayay Daa'uud u keeneen, laakiinse wuu diiday inuu ka cabbo biyahaas, Rabbiguuse u daadshay.
Hivyo mashujaa hawa watatu wakapita kati ya jeshi la Wafilisti na kuchota maji katika kisima cha Bethlehemu, kilichopo langoni. Wakachukua maji na kuyaleta kwa Daudi, lakini yeye akakataa kuyanywa. Badala yake akayamwaga mbele za Yahwe.
17 Oo wuxuu yidhi, Rabbiyow, Ha iga fogaato inaan saas yeelo; ma waxaan cabbaa dhiiggii raggii naftooda biimeeyey? Sidaas daraaddeed wuu diiday inuu cabbo. Oo saddexdii nin oo xoogga badnaana saasay yeeleen.
Kisha akasema, “Iwe mbali nami, Yahwe, kwamba niyanywe haya. Je ninywe damu ya watu waliohatarisha maisha yao?” Hivyo akakataa kuyanywa. Haya ni mambo yaliyofanywa na mashujaa watatu.
18 Oo saddexdoodana waxaa madax u ahaa Abiishay oo ahaa Yoo'aab walaalkiis, oo ay Seruuyaah dhashay. Oo kaasu wuxuu waran u qaatay saddex boqol oo nin, wuuna wada laayay, saddexdiina magac buu ku lahaa.
Abishai, nduguye Yoabu na mwana wa Seruya, alikuwa akida wa watatu. Alipigana kwa mkuki wake na watu mia tatu na akawauwa wote mara. Mara kwa mara alitajwa kati ya mashujaa watatu.
19 Isagu miyaanu saddexdooda ugu ciso badnayn? Sidaas daraaddeed waxaa looga dhigay sirkaal, habase yeeshee saddexdii hore ma uu gaadhin.
Hakuwa maarufu kuliko wale watatu? Alifanywa akida wao. Lakini, umaarufu wake haukulingana na umaarufu wa wale mashujaa watatu.
20 Oo Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo uu dhalay nin xoog weyn oo reer Qabse'eel ahu, kaasoo sameeyey falimo waaweyn, wuxuu dilay labadii wiil oo Arii'eel kii reer Moo'aab, oo haddana wuu tegey oo libaax buu god ku dhex dilay wakhtiga barafka,
Benaya kutoka Kabseeli mwana wa Yehoyada; alikuwa mtu hodari aliyefanya matendo makuu. Aliwauwa wana wawili wa Arieli wa Moabu. Pia alishuka shimoni na kuuwa simba wakati wa theruji.
21 oo wuxuu kaloo dilay nin Masri ah oo dheer, oo Masriguna wuxuu gacanta ku haystay waran, laakiinse isagu wuxuu ula tegey ul, oo warankii ka dhufsaday gacantii Masriga, oo isagii ku dilay warankiisii.
Na alimwua Mmisri aliyekuwa mtu mnene sana. Mmisri alikuwa na mkuki mkononi, lakini Benaya alipigana naye kwa fimbo tu. Aliuchukua mkuki mkononi mwa Mmisri na kisha kumwua nao.
22 Oo waxyaalahan waxaa sameeyey Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo isna saddexdii nin ee xoogga badnaa magac buu ku lahaa.
Benaya mwana wa Yehoyada alifanya matendo haya, naye alitajwa kati ya mashujaa watatu.
23 Oo weliba isagu wuu ka ciso badnaa soddonka, laakiinse ma uu gaadhin saddexdii hore. Oo Daa'uudna wuxuu isaga madax uga dhigay lataliyayaashiisii.
Alikuwa na heshima kuliko mashujaa thelathini kwa ujumla wao, lakini hakuwa na heshima kama wale mashujaa watatu. Hata hivyo Daudi alimweka kuwa mlinzi wake.
24 Oo soddonka waxaa ka mid ahaa Casaaheel oo Yoo'aab walaalkiis ahaa, iyo Elxaanaan oo ahaa ina Doodoo oo reer Beytlaxam ahaa,
Wafuatao ni wale watu thelathini: Asaheli nduguye Yoabu, Elhanani mwana wa Dodo kutoka Bethlehemu,
25 iyo Shammaah oo ahaa reer Xarod, iyo Eliiqaa oo ahaa reer Xarod,
Shama Mharodi, Elika Mharodi,
26 iyo Xeles oo ahaa reer Faltii, iyo Ciiraa ina Ciqeesh oo ahaa reer Teqooca,
Helesi Mpeloni, Ira mwana wa Ikeshi Mtekoi,
27 iyo Abiiceser oo ahaa reer Canaatood, iyo Mebunnay oo ahaa reer Xushaad;
Abi Ezeri Mwanathothi, Mebunai Mhushathi,
28 iyo Salmoon oo ahaa reer Axoo'ax, iyo Maharay oo ahaa reer Netofaah,
Salmoni Mhahoi, Maharai Mnetofathi;
29 iyo Xeeleb ina Bacanaah oo ahaa reer Netofaah, iyo Itay ina Riibay oo ahaa reer Gibecaah oo qoladiisu ahayd reer Benyaamiin;
Helebu mwana wa Baana, Mnetofathi, Itai mwana wa Rabai kutoka Gibea ya Wabenjamini,
30 iyo Benaayaah oo ahaa reer Fircaatoon, iyo Xidday oo ka yimid durdurradii Gacash;
Benaya Mpirathoni, Hidai wa mabonde ya Gaashi.
31 iyo Abiicalboon oo ahaa reer Caraabaah, iyo Casmaawed oo ahaa reer Barxum;
Abieliboni Mwarbathi, Azmawethi Mbarhumi,
32 iyo Elyaxbaa oo ahaa reer Shacalbiim, iyo wiilashii Yaasheen, Yoonaataan,
Eliaba Mshalboni, wana wa Yasheni, Yonathani mwana wa Shama Mharari;
33 iyo Shammaah oo ahaa reer Haraarii, iyo Axiyaam ina Shaaraar oo ahaa reer Araarii;
Ahiamu mwana wa Sharari Mharari,
34 iyo Eliifeled ina Axasbay, oo ahaa wiilkii kii reer Macakaah, iyo Eliicaam ina Axiitofel oo ahaa reer Giloh;
Elifeleti mwana wa Ahasbai Mmaakathi, Eliamu mwana wa Ahithofeli Mgiloni,
35 iyo Xesroo oo ahaa reer Karmel, iyo Facaray oo ahaa reer Araab;
Hezro Mkarmeli, Parai Mwarbi,
36 iyo Yigaal ina Naataan oo ahaa reer Soobaah, iyo Baanii oo ahaa reer Gaad;
Igali mwana wa Nathani kutoka Soba, Bani kutoka kabila la Gadi,
37 iyo Seleq oo ahaa reer Cammoon, iyo Naxaray oo ahaa reer Bi'irod, iyo kuwii gaashaanka u qaadi jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay;
Zeleki Mwamoni, Naharai Mbeerothi, mbeba silaha wa Yoabu mwana wa Seruya,
38 iyo Ciiraa oo ahaa reer Yeter, iyo Gaareeb oo ahaa reer Yeter,
Ira Mwithri, Garebu Mwithri,
39 iyo Uuriyaah oo ahaa reer Xeed; oo kulligoodna waxay ahaayeen toddoba iyo soddon.
Uria Mhiti - jumla yao thelathini na wanane.