< Samuu'Eel Labaad 21 >

1 Oo wakhtigii Daa'uud abaar baa dhacday intii saddex sannadood ah, oo sannadba sannadda ka dambayso, markaasaa Daa'uud Rabbiga baryay. Rabbiguna wuxuu yidhi, Tanu waxay ku timid Saa'uul iyo reerkiisa dhiigga qaba, maxaa yeelay, wuxuu laayay reer Gibecoon.
И би глад за времена Давидовог три године заредом. И Давид потражи лице Господње; а Господ му рече: То је са Саула и с дома његовог крвничког, што погуби Гаваоњане.
2 Markaasaa boqorkii reer Gibecoon u yeedhay, oo ku yidhi; (haddaba reer Gibecoon ma ay ahayn reer binu Israa'iil, laakiinse waxay ahaayeen dad ka hadhay reer Amor; oo reer binu Israa'iilna way u dhaarteen iyaga; oo Saa'uul baa wuxuu damcay inuu laayo iyaga qiiradii uu u qabay reer binu Israa'iil iyo reer Yahuudah aawadeed; )
Тада цар сазва Гаваоњане и говори им. А Гаваоњани не беху од синова Израиљевих, него остатак од Амореја, којима се беху заклели синови Израиљеви, али Саул гледаше да их побије ревнујући за синове Израиљеве и Јудине.
3 oo Daa'uud wuxuu reer Gibecoon ku yidhi, War maxaan idiin sameeyaa? Oo maxaan kafaaraggud u bixiyaa si aad dhaxalka Rabbiga ugu ducaysaan?
И рече Давид Гаваоњанима: Шта да вам учиним и чим да вас намирим, да благословите достојање Господње?
4 Oo reer Gibecoonna waxay ku yidhaahdeen, Annaga iyo Saa'uul, iyo reerkiisa waxa na dhex yaallaa ma aha xaal ku eg lacag iyo dahab; oo annana dooni mayno inaannu reer binu Israa'iil nin ka dilno. Markaasuu ku yidhi, Haddaba wixii aad tidhaahdaan waan idiin samaynayaa.
А Гаваоњани му рекоше: Не тражимо ни сребро ни злато од Саула или од дома његовог, нити да се ко погуби у Израиљу. А он рече: Шта дакле велите да вам учиним?
5 Iyana waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Ninkii na baabbi'iyey, oo ku fikiray in nala laayo, oo aannan dhex degganaan waddanka reer binu Israa'iil oo dhan,
Тада рекоше цару: Ко нас је потро и радио да нас истреби, да нас не буде нигде у међама Израиљевим,
6 ha naloo keeno toddoba nin oo wiilashiisii ah, oo Rabbiga ayaannu ugu deldelaynaa Gibecaahdii Saa'uul, kii Rabbigu doortay.
Од његових синова нека нам се да седам људи да их обесимо Господу у Гаваји Саула изабраника Господњег. И рече цар: Ја ћу дати.
7 Laakiinse boqorkii wuu badbaadiyey Mefiiboshed, oo ahaa ina Yoonaataan ina Saa'uul, maxaa yeelay, dhaartii Rabbiga ayaa u dhexaysay Daa'uud iyo Yoonaataan ina Saa'uul.
Али цар поштеде Мефивостеја сина Јонатана сина Сауловог ради заклетве Господње, која би међу њима, међу Давидом и Јонатаном сином Сауловим.
8 Laakiinse boqorkii wuxuu soo qabtay labadii wiil ee Risfaah ina Ayah, oo ay u dhashay Saa'uul, kuwaas oo ahaa Armonii iyo Mefiiboshed, iyo shantii wiil ee Miikaal ina Saa'uul, oo ay u dhashay Cadrii'eel ina Barsillay kii reer Mexolaad;
И узе цар два сина Ресфе, кћери Ајине, које роди Саулу, Армонија и Мефивостеја, и пет синова Михале кћери Саулове, које роди Адрилу сину Варзелаја Меолаћанина.
9 oo wuxuu u gacangeliyey reer Gibecoon, oo buurtay ku deldeleen Rabbiga hortiisa, oo toddobadoodiiba way wada dhinteen; oo waxaana la dilay xilligii beergooyska maalmaha ugu horreeya, marka shaciirka la gooyo.
И даде их у руке Гаваоњанима, а они их обесише на гори пред Господом; и сва седморица погибоше заједно; а бише убијени првих дана жетве, у почетку јечмене жетве.
10 Markaasaa Risfaah oo ahayd ina Ayah ayaa soo qaadatay dhar joonyad ah oo waxay ku goglatay dhagaxa, halkaasna waxay joogtay wakhtigii beergooyska iyo ilaa roob cirka ka soo daatay; oo maalintiina uma ay oggolaan in haadka hawadu ku dego, habeenkiina waxay ka dhawri jirtay dugaagga duurka.
А Ресфа кћи Ајина узе врећу, и простре по стени у почетку жетве докле не паде на њих дажд са неба, и не даде птицама небеским да падају на њих дању ни зверима пољским ноћу.
11 Oo waxaa Daa'uud loo soo sheegay wixii ay samaysay Risfaah ina Ayah oo ahayd Saa'uul naagtiisii addoonta ahayd.
И јавише Давиду шта учини Ресфа кћи Ајина, иноча Саулова.
12 Oo Daa'uud intuu tegey ayuu lafihii Saa'uul iyo lafihii wiilkiisii Yoonaataan ka soo qaaday dadkii reer Yaabeesh Gilecaad oo ka xaday jidkii Beytshaan, kaasoo ah meeshii ay reer Falastiin ku deldeleen iyaga, maalintii ay reer Falastiin Saa'uul ku dileen Gilboca,
И Давид отиде те узе кости Саулове и кости Јонатана сина његовог од грађана у Јавису Галадовом, који их беху украли с улице вет-санске, где их обесише Филистеји кад убише Филистеји Саула на Гелвуји.
13 oo halkaasuu ka soo qaaday lafihii Saa'uul iyo lafihii wiilkiisii Yoonaataan; oo waxaa la soo ururiyey kuwii la deldelay lafahoodii.
И однесе оданде кости Саулове и кости Јонатана сина његовог, па скупише и кости обешених.
14 Oo lafihii Saa'uul iyo lafihii wiilkiisii Yoonaataan waxaa lagu aasay dalka reer Benyaamiin meel ku taal oo la yidhaahdo Seelac, oo waxaa la geliyey qabrigii aabbihiis Qiish; oo waxaa la sameeyey kulli wixii boqorku ku amray oo dhan. Oo taas dabadeedna Ilaah baa dalkii loo baryay.
И погребоше их с костима Сауловим и Јонатана сина његовог у земљи Венијаминовој у Сили, у гробу Киса оца његовог, и учинише све како заповеди цар. Тако се после тога умилостиви Господ земљи.
15 Oo haddana reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, markaasaa Daa'uud dhaadhacay isaga iyo addoommadiisii la socdayba, oo waxay la dirireen reer Falastiin; laakiinse Daa'uud wuu taag gabay.
И наста опет рат између Филистеја и Израиља, и Давид отиде са слугама својим, и тукоше се с Филистејима тако да Давид суста.
16 Oo Yiishbii Benob, oo ka mid ahaa wiilashii Rafaa, oo miisaanka warankiisu ahaa saddex boqol oo sheqel oo naxaas ah, oo seef cusubuna dhexday ugu xidhnayd, ayaa damcay inuu Daa'uud dilo.
Тада Јесви-Венов, који беше од синова Рафајевих, и у копљу му беше триста сикала бронзе, и имаше ново оружје, хтеде да убије Давида.
17 Laakiinse Daa'uud waxaa caawiyey Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay, oo intuu kii reer Falastiin wax ku dhuftay ayuu dilay. Markaasaa Daa'uud raggiisii dhaar u mareen, oo ku yidhaahdeen, Adigu mar dambe dagaal noola bixi maysid, yaadan laambadda reer binu Israa'iil bakhtiine.
Али му поможе Ависај, син Серујин, и удари Филистејина и уби га. Тада се заклеше људи Давидови рекавши му: Нећеш више ићи с нама у бој да не угасиш видело Израиљево.
18 Oo taas dabadeed waxay noqotay in reer Falastiin haddana Goob lagula diriray, oo Sibbekay oo reer Xushaad ahaa wuxuu dilay Saf oo ahaa mid ka mid ah wiilashii Rafaa.
После тога наста опет рат с Филистејима у Гову; и тада Сивехај Хусаћанин уби Сафа, који беше од синова Рафајевих.
19 Oo haddana reer Falastiin waxaa lagula diriray Goob; oo Elxaanaan ina Yacaray Oregiim oo reer Beytlaxam ahaa wuxuu dilay Goli'ad oo reer Gad ahaa, oo samayda warankiisuna waxay le'ekayd dharsameeyaha looxiisa.
И опет наста други рат у Гову с Филистејима; и тада Елханан, син Јаре-Орегимов Витлејемац, уби брата Голијата Гетејина, коме копљача беше као вратило.
20 Oo haddana waxaa dagaal ka dhacay Gad, halkaasna waxaa joogay nin aad u dheer, oo gacmahana mid kasta wuxuu ku lahaa lix farood, cagahana mid kasta wuxuu ku lahaa lix farood, oo farihiisuna kulligood waxay ahaayeen afar iyo labaatan, oo isna wuxuu u dhashay Rafaa.
И опет наста рат у Гату, где беше један човек врло висок, који имаше по шест прста на рукама и на ногама, свега двадесет и четири, и он беше такође рода Рафајевог.
21 Oo markuu reer binu Israa'iil caayay, waxaa isagii dilay Yoonaataan oo uu Daa'uud walaalkiisii Shimcii ahaa dhalay.
И ружаше Израиља те га уби Јонатан, син Саме, брата Давидовог.
22 Afartaasu waxay Rafaa ugu dhasheen Gad; oo waxay ku dhinteen Daa'uud gacantiisii, iyo gacantii addoommadiisa.
Та четворица беху синови истог Рафаја из Гата, и погибоше од руке Давидове и од руке слуга његових.

< Samuu'Eel Labaad 21 >