< Samuu'Eel Labaad 20 >
1 Oo halkaasna waxaa joogay nin waxmatare ah, oo magiciisa la odhan jiray Shebac, oo ahaa ina Bikrii, oo qoladiisu ahayd reer Benyaamiin, oo buunkii buu afuufay, oo yidhi, Annagu Daa'uud qayb kuma lihin, dhaxalna kuma lihin ina Yesay, haddaba reer binu Israa'iilow, nin walowba teendhadaadii tag.
Ikatukia pia kuwa katika eneo lilelile kulikuwa mfanya fujo jina lake Sheba mwana wa Bikri Mbenjamini. Akapiga tarumbeta na kusema, “Sisi hatuna sehemu katika Daudi, wala hatuna urithi katika mwana wa Yese. Haya kila mtu na aende nyumbani kwake, Israeli.”
2 Sidaas daraaddeed raggii reer binu Israa'iil oo dhammu way ka hadheen Daa'uud la socodkiisii, oo waxay daba galeen Shebac oo ahaa ina Bikrii, laakiinse raggii reer Yahuudah waxay ku hadheen boqorkoodii, oo ay la socdeen tan iyo Webi Urdun xataa ilaa Yeruusaalem.
Hivyo watu wote wa Israeli wakamwacha Daudi na kumfuata Sheba mwana wa Bikri. Lakini watu wa Yuda wakamfuata mfalme wao kwa karibu sana, kutoka Yordani njia yote hadi Yerusalemu.
3 Daa'uudna waa yimid gurigiisii Yeruusaalem ku yiil, markaasaa boqorkii soo kaxaystay tobankiisii naagood oo addoommaha ahaa, ee uu kaga tegey inay guriga dhawraan, oo intuu meel gaadh leh geliyey ayuu masruufayay, laakiinse uma uu tegin. Sidaas daraaddeed ilamaa maalintii ay dhinteen bay xidhnaayeen, iyagoo carmallo ah.
Daudi alipofika katika kasri lake huko Yerusalemu, akawachukua masuria aliokuwa amewaacha kulitunza kasri, na akawaweka katika nyumba chini ya uangalizi. Aliwaandalia mahitaji yao lakini hakulala nao tena. Hivyo walikuwa wametengwa hadi siku ya kufa kwao, waliishi kama wajane.
4 Markaasaa boqorkii wuxuu Camaasaa ku yidhi, Ragga reer Yahuudah muddo saddex maalmood ah isugu kay yeedh, oo adiguna markaas halkan joog.
Kisha mfalme akamwambia Amasa, “Uwaite watu wa Yuda ndani ya siku hizi tatu; wewe pia uwepo hapa.”
5 Markaasaa Camaasaa u tegey inuu reer Yahuudah isugu yeedho, laakiinse wuu ka daba maray wakhtigii loo qabtay ee lala ballamay.
Hivyo Amasa akaenda kuwaalika watu wote wa Yuda kwa pamoja, lakini akatumia muda mrefu kulika mfalme alivyokuwa amemwamuru.
6 Markaasaa Daa'uud Abiishay ku yidhi, Hadda Shebac oo ah ina Bikrii wuxuu inagu samayn doonaa waxyeello ka sii daran tii Absaaloom, haddaba addoommada sayidkaaga kexee, oo eryo, waaba intaasoo ay magaalo deyr leh helaan, oo ay inaga baxsadaane.
Hivyo Daudi akamwambia Abishai, “Sasa Sheba mwana wa Bikri atatufanyia madhara zaidi ya Absalomu. Chukua watumishi wa bwana wako, askari wangu, na umfuatie asije akaingia katika mji wenye ngome na kututoroka.”
7 Markaasaa waxaa isagii raacay Yoo'aab raggiisii, iyo reer Kereetiim iyo reer Feleetii, iyo raggii xoogga lahaa oo dhan, oo Yeruusaalem bay uga baxeen inay eryadaan Shebac ina Bikrii.
Ndipo watu wa Yoabu wakamfuatia, pamoja na Wakerethi na Wapelethi na mashujaa wote. Wakatoka Yerusalemu ili kumfuatia Sheba mwana wa Bikri.
8 Oo markay gaadheen dhagaxii weynaa oo Gibecoon ku yiil ayaa waxaa ka hor yimid Camaasaa. Oo Yoo'aabna wuxuu guntanaa dharkiisii dagaalka ee uu xidhay, oo wuxuu kaloo ka kor dhex-xidhay seef gal lihi ku xidhnayd, oo markuu horay u soo baxay ayay ka dhacday.
Walipokuwa katika jiwe kubwa lililoko Gibeoni, Amasa akaja kuwalaki. Yoabu alikuwa amevaa silaha ya vita aliyokuwa ameivaa, alikuwa pia na upanga uliokuwa umefungwa na mkanda katika kiuno chake. Kadili alivyoendelea mbele upanga ukadondoka.
9 Markaasaa Yoo'aab Camaasaa ku yidhi, Walaalkayow, ma nabdoon tahay? Yoo'aabna gacanta midig ayuu Camaasaa gadhka ku qabtay inuu dhunkado.
Hivyo Yoabu akamwambia Amasa, “Haujambo binamu yangu?” Kwa utaratibu Yoabu akakishika kidevu cha Amasa kwa mkono wake wa kulia ili ambusu.
10 Laakiinse Camaasaa iskama uu jirin seefta Yoo'aab gacanta ugu jirtay, sidaasuu caloosha seeftii ugaga dhuftay, oo xiidmihiisiina dhulkuu ugu soo daadiyey, oo mar kalena kuma uu dhufan; wuuna dhintay. Dabadeedna Yoo'aab iyo walaalkiis Abiishay waxay eryadeen Shebac oo ahaa ina Bikrii.
Amasa hakutambua kwamba kulikuwa na jambia katika mkono wa kushoto wa Yoabu. Yoabu akamchoma Amasa tumboni na matumbo yake yakadondoka chini. Wala Yoabu hakumpiga tena, na Amasa akafa. Hivyo Yoabu na Abishai nduguye wakamfuatia Sheba mwana wa Bikri.
11 Markaasaa waxaa ag istaagay mid ka mid ah Yoo'aab raggiisii dhallinyarada ahaa, oo wuxuu yidhi, Kii Yoo'aab jecel iyo kii Daa'uud la dhinac ahu Yoo'aab ha raaceen.
Kisha mmoja wa watu wa Yoabu akasimama kando ya Amasa naye akasema, “Aliye upande wa Yoabu na aliyeupande wa Daudi na amfuate Yoabu.”
12 Oo Camaasaa wuxuu yiil jidka dhexdiisa isagoo dhiiggiisii dhex jiifa. Oo ninkiina markuu arkay in dadkii oo dhammu weli taagan yihiin ayuu Camaasaa jidkii ka qaaday oo meel ku jiiday, markaasuu marona kor saaray kolkuu arkay in dadkii yimid oo dhammu ay is-ag taageen.
Amasa akawa anagalagala katika damu yake katikati ya njia. Mtu yule alipoona kwamba watu wote wamesimama, akambeba Amasa na kumweka shambani kando ya njia. Akatupa vazi juu yake kwa maana aliona kila mmoja aliyekuja alisimamaa pale.
13 Oo markii jidka laga durkiyey ayaa dadkii oo dhammu tageen oo Yoo'aab raaceen inay eryadaan Shebac oo ahaa ina Bikrii.
Baada ya Amasa kuondolewa njiani watu wote wakamfuata Yoabu katika kumfuatia Sheba mwana wa Bikri.
14 Isna wuxuu dhex maray qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan iyo tan iyo Aabeel, iyo Beytmacakaah, iyo reer Beerii oo dhan, oo dhammaantood intay soo urureen ayay eryadeen.
Sheba akazipita kabila zote za Israeli mpaka Abeli wa Beth Maaka, na katika nchi yote ya Berite ambao pia walijikusanya pamoja pia na kumfuatia Sheba.
15 Oo intay yimaadeen ayay isagii ku hareereeyeen Aabeel oo ku taal Beytmacakaah, oo taallo ciid ah ayay derbigii magaalada ag tuuleen, ilaa ay qarkii ugu sarreeyey gaadhsiiyeen; oo dadkii Yoo'aab la socday oo dhammuna aad bay u garaacayeen derbigii magaalada si ay u dumiyaan.
Walimpata na kumzingira huko Abeli wa Bethi Maaka. Wakajenga buruji ya kuhusuru mji nyuma ya ukuta. Jeshi lote lilokuwa pamoja na Yoabu likaugongagonga ukuta ili uanguke.
16 Markaasaa naag caqli badanu magaaladii ka dhawaaqday, oo waxay tidhi, Waan idin baryayaaye, I maqla, oo i dhegaysta; oo waxaad Yoo'aab ku tidhaahdaan, Halkan iigu kaalay, aan kula hadlee.
Ndipo mwanamke mwerevu akapiga kelele kutoka ndani ya mji, “Sikiliza, Yoabu, tafadhari sikiliza! Sogea karibu nami ili niongee nawe.”
17 Markaasuu u soo dhowaaday, oo naagtii waxay ku tidhi, Ma Yoo'aab baad tahay? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waan ahay. Kolkaasay ku tidhi, Bal erayadayda maqal, anoo addoontaada ah, oo isna wuxuu ugu jawaabay, Waan ku maqlayaa.
Hivyo Yoabu akakaribia, mwanamke akamwambia, “Je wewe ni Yoabu? Akajibu, “ni mimi.” mwanamke akamwambia, “Sikiliza maneno ya mtumishi wako.” Akajibu, “Nasikiliza.”
18 Markaasay la hadashay oo ku tidhi, Waxaa waa hore la odhan jiray, Hubaal Aabeel talo ha laga doonto, oo saasay xaalkii ku dhammeeyeen.
Ndipo aliposema,”Hapo zamani ilisemwa, 'Bila shaka tafuteni ushauri huko Abeli,' na kwamba ushauri huo utakata maneno.
19 Anigu waxaan ka mid ahay kuwa reer binu Israa'iil ee nabadda jecel ee aaminka ah, adiguse waxaad doonaysaa inaad dumiso magaalo iyo hooyo reer binu Israa'iil ah. Rabbiga dhaxalkiisase maxaad u liqaysaa?
Sisi ni mji ulio miongoni mwa miji yenye nguvu na aminifu sana katika Israeli. Mnataka kuharibu mji ambao ni mama katika Israeli. Kwa nini unataka kuumeza urithi wa Yahwe?”
20 Markaasaa Yoo'aab wuxuu ugu jawaabay, Inaan wax liqo oo dumiyo ha iga fogaato, oo ha iga dheeraato.
Ndipo Yoabu alipojibu na kusema, “Iwe mbali, iwe mbali nami, hata nikameze au kuharibu.
21 Laakiinse xaaladdu saas ma aha. Nin ka yimid dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo magiciisa la yidhaahdo Shebac ina Bikrii ayaa gacanta u qaaday boqorka Daa'uud ah. Haddaba isaga keliya ii soo gacangeliya, oo anna magaalada waan ka tegayaa. Markaasaa naagtii waxay Yoo'aab ku tidhi, Bal eeg, madaxiisii ayaa derbiga lagaaga soo tuurayaa.
Hiyo si kweli. Lakini mtu kutoka katika nchi ya milima ya Efraimu, aitwaye Sheba mwana wa Bikri, ameinua mkono wake kinyume cha mfalme, kinyume cha Daudi. Mtoeni yeye nami nitauacha mji.” Mwanamke akamwambia Yoabu, “Utarushiwa kichwa chake kutoka juu ya ukuta.”
22 Markaasaa naagtii waxay caqligeedii ula tagtay dadkii oo dhan. Shebac oo ina Bikrii ahaana intay madaxii ka soo gooyeen ayay Yoo'aab dibadda ugu soo tuureen. Markaasuu buunkii afuufay, oo ay magaaladii ka kala dareereen, oo nin waluba wuxuu tegey teendhadiisii. Oo Yoo'aabna Yeruusaalem iyo boqorkii buu ku noqday.
Kisha mwanamke akawaendea watu wote wa mji kwa hekima yake. Wakakiondoa kichwa cha Sheba mwana wa Bikri na kumrushia Yoabu. Ndipo alipopiga tarumbeta na watu wa Yoabu wakauacha mji kila mtu nyumbani kwake. Na Yoabu akarejea Yerusalemu kwa mfalme.
23 Haddaba Yoo'aab wuxuu u sarreeyey ciidanka reer binu Israa'iil oo dhan; Benaayaah oo ahaa ina Yehooyaadaacna wuxuu u sarreeyey reer Kereetiim iyo reer Feleetii.
Yoabu alikuwa juu ya jeshi lote la Israeli na Benaya mwana wa Yehoiada alikuwa juu ya Wakerethi na Wapelethi.
24 Oo Adoraamna wuxuu ahaa kan baad qaada, Yehooshaafaad oo ahaa ina Axiiluudna wuxuu ahaa kan taariikhda dhiga,
Adoramu alikuwa juu ya watu waliofanya kazi ya shokoa na Yehoshafati mwana wa Ahiludi alikuwa mkumbushaji.
25 oo Shewaana karraani buu ahaa, Saadooq iyo Aabyaataarna wadaaddo bay ahaayeen,
Sheva alikuwa mwandishi, na Sadoki na Abiathari walikuwa makuhani.
26 oo Ciiraa oo reer Yaa'iir ahaa isna Daa'uud buu wadaad u ahaa.
Ira wa Yairi alikuwa mhudumu mkuu wa Daudi.