< Samuu'Eel Labaad 2 >

1 Markaas dabadeed Daa'uud baa Rabbiga wax weyddiiyey, oo yidhi, Magaalooyinka dalka Yahuudah middood ma u kacaa? Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Haah, u kac. Markaasaa Daa'uud yidhi, Xaggee baan u kacaa? Isna wuxuu yidhi, Xebroon tag.
Ikawa baada ya haya Daudi akamuuliza Yahwe, “Je naweza kuupandia mmojawapo wa miji ya Yuda?” Yahweh akamjibu, “Panda.” Daudi akauliza, “Niuendee mji upi? Yahwe akajibu, “Hebroni”
2 Saas daraaddeed Daa'uud halkaasuu u kacay, oo labadiisii naagoodna way raaceen, kuwaas oo ahaa Axiinocam tii reer Yesreceel, iyo Abiigayil oo u dhaxday Naabaal kii reer Karmel.
Hivyo Daudi akakwea pamoja na wake zake wawili, Ahinoamu wa Yezreeli, na Abigaili wa Karmeli, mjane wa Nabali.
3 Oo raggiisii isaga la jirayna Daa'uud wuu kaxaystay, iyadoo nin waluba reerkiisii wato; oo waxay degeen magaalooyinkii Xebroon.
Daudi akawaleta watu waliokuwa pamoja naye, na kila mmoja akaleta familia yake katika mji wa Hebroni walipoanza kuishi.
4 Markaasaa dadkii dalka Yahuudah yimid, oo halkaasay Daa'uud ugu subkeen inuu ahaado boqor u taliya dalka Yahuudah. Waxaana Daa'uud loo sheegay, oo lagu yidhi, Kuwii Saa'uul aasay waxay ahaayeen dadka reer Yaabeesh Gilecaad.
Kisha watu wa Yuda wakaja na kumtia Daudi mafuta kuwa mfalme juu ya nyumba ya Yuda. Wakamwambia Daudi, “Watu wa Yabeshi Gileadi wamemzika Sauli.”
5 Markaasaa Daa'uud wargeeyayaal u diray dadkii reer Yaabeesh Gilecaad, oo ku yidhi, Rabbigu ha idin barakeeyo, waayo, waad u roonaateen oo aasteen sayidkiinnii Saa'uul ahaa.
Hivyo Daudi akatuma wajumbe kwa watu wa Yabeshi Gileadi akawambia, “Mbarikiwe na Yahwe, kwa kuwa mmeonesha utiifu huu kwa bwana wenu Sauli mliyemzika.
6 Haddaba Rabbigu ha idiin roonaado oo runtana ha idin tuso; oo anna waan idiinka abaalgudi doonaa roonaantaas, maxaa yeelay, idinku waxaas baad samayseen.
Sasa Yahwe awadhihirishie utiifu na uaminifu wa kiagano. Nami pia nitawaonesha wema kwa sababu ya yale mliyoyafanya.
7 Haddaba gacmihiinnu ha xoogaysteen, oo idinna xoog yeesha, waayo, sayidkiinnii Saa'uul waa dhintay, oo reer Yahuudahna anigay ii subkeen inaan u ahaado boqor u taliya.
Sasa basi, mikono yenu itiwe nguvu; mwe jasiri kwa maana Sauli bwana wenu amekufa, na nyumba yote ya Yuda imenitia mafuta niwe mfalime wao.
8 Haddaba Abneer oo ahaa ina Neer, oo Saa'uul ciidankiisa sirkaal u ahaa ayaa soo kaxaystay Iishboshed oo ahaa ina Saa'uul, oo wuxuu u soo gudbiyey xagga Maxanayim;
Lakini Abneri mwana wa Neri, mkuu wa jeshi la Sauli, akamchukuwa Ishboshethi mwana wa Sauli akamleta Mahanaimu.
9 oo wuxuu boqor uga dhigay reer Gilecaad, iyo reer Ashuur, iyo Yesreceel, iyo reer Efrayim, iyo Benyaamiin, iyo reer binu Israa'iil oo dhan.
Akamfanya Ishboshethi mfalme juu ya Gileadi, Asheri, Yezreeli, Efraimu, Benjamini na juu ya Israeli yote.
10 (Oo Iishboshed oo ahaa ina Saa'uul afartan sannadood buu jiray markii uu bilaabay inuu boqor u noqdo reer binu Israa'iil, oo wuxuuna boqor u ahaa laba sannadood.) Laakiinse reer Yahuudah waxay raaceen Daa'uud.
Ishiboshethi mwana wa Sauli alikuwa na umri wa miaka arobaini alipoanza kutawala juu ya Israeli, akatawala miaka miwili. Lakini nyumba ya Yuda ikaambatana na Daudi.
11 Oo wakhtigii Daa'uud Xebroon boqorka ugu ahaa reer Yahuudah wuxuu ahaa toddoba sannadood iyo lix bilood.
Muda ambao Daudi alikuwa mfalme juu ya nyumba ya Yuda huko Hebroni ni miaka saba na miezi sita.
12 Markaasaa Abneer oo ahaa ina Neer, iyo addoommadii Iishboshed ina Saa'uul, Maxanayim ka soo baxeen, oo waxay tageen Gibecoon.
Abneri mwana wa Neri na watumishi wa Ishboshethi mwana wa Sauli walitoka Mahanaimu kwenda Gibeoni.
13 Kolkaasaa Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay, iyo addoommadii Daa'uud soo baxeen, oo waxay ku wada kulmeen balligii Gibecoon agtiisa; oo iyana qolo waxay balliga ka fadhiisatay dhinac, qoladii kalena waxay balliga ka fadhiisteen dhinacii kale.
Yoabu mwana wa Seruya na watumishi wa Daudi wakatoka na kukutana nao katika bwawa la Gibeoni. Wakakaa pale, kundi moja upande huu wa bwawa na kundi lingine upande wa pili.
14 Markaasaa Abneer wuxuu Yoo'aab ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ragga dhallinyarada ahu ha kaceen oo horteenna ha ku cayaareen. Yoo'aabna wuxuu yidhi, Waa yahay ee ha kaceen.
Abneri akamwambia Yoabu, “haya, vijana na wainuke na kushindana mbele yetu.” Yoabu akajibu, “haya na wainuke.”
15 Markaasay kaceen oo tiro ku gudbeen; oo waxay ahaayeen laba iyo toban reer Benyaamiin ah, oo ka socda xaggii Iishboshed oo ahaa ina Saa'uul, iyo laba iyo toban ka socda addoommadii Daa'uud.
Ndipo vijana walipoinuka na kukutana, kumi na wawili kwa ajili ya Banjamini na Ishboshethi mwana wa Sauli, na kumi na wawili kutoka kwa watumishi wa Daudi.
16 Oo mid waluba ninkiisii ayuu madaxa qabsaday, oo seeftiisii ayuu dhinaca ka daray midkii uu haystay. Sidaasay dhammaantood u wada dhaceen. Saas aawadeed meeshaas oo Gibecoon ku taal waxaa loo baxshay Xelqad Hasuriim.
Kila mtu akakamata kichwa cha adui yake na kupiga upanga wake katika ubavu wa adui yake, wakaanguka chini pamoja. Kwa hiyo mahali pale pakaitwa kwa Kiebrania, “Helkath Hazzurim,” yaani “konde la upanga,” lililopo Gibeoni.
17 Oo dagaalkiina aad buu u kululaaday maalintaas; oo waxaa laga adkaaday Abneer, iyo raggii reer binu Israa'iil, waxaana ka reeyey addoommadii Daa'uud.
Vita ikawa kali sana siku ile na Abneri na watu wa Israeli wakashindwa na watumishi wa Daudi.
18 Oo saddexdii wiil ee ay Seruuyaah dhashay halkaas ayay wada joogeen, kuwaasoo ahaa Yoo'aab iyo Abiishay iyo Casaaheel. Casaaheelna wuxuu u cago fududaa sida cawsha duurka.
Wana watatu wa Seruya walikuwepo pale: Yoabu, Abishai na Asaheli.
19 Markaasaa Casaaheel wuxuu eryaday Abneer, oo intuu Abneer eryanayayna uma uu leexan midig iyo bidix toona.
Asaheli alikuwa mwepesi miguuni kama paa. Akamfuatilia Abneri kwa karibu bila kugeuka upande wowote.
20 Markaasaa Abneer gadaashiisa dhugtay, oo wuxuu yidhi, War ma adigii baa, Casaaheelow? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waa anigii.
Abneri akaangalia nyuma yake na kusema, “Ni wewe Asaheli?” Akajibu, “ni mimi.”
21 Markaasaa Abneer wuxuu ku yidhi, War midigta ama bidixda u leexo, oo ragga dhallinyarada ah midkood qabso, oo ka soo qaado hubkiisa dagaalka. Laakiinse Casaaheel wuu diiday inuu isaga ka leexdo.
Abneri akamwambia, “Geuka upande wako wa kuria au kushoto umshike mmojawapo wa vijana na kuchukua silaha yake.” Lakini Asaheli hakugeuka.
22 Markaasaa Abneer haddana Casaaheel ku yidhi, War ha i eryane, gees iiga leexo; maxaan dhulka kuugu dhufanayaa? Haddaba sidee baan wejiga u siin karayaa walaalkaa Yoo'aab?
Ndipo Abneri alipomwambia tena Asaheli, “Simama usinifuate. Kwa nini nikupige hata chini? Nitautazamaje uso wa Yoabu ndugu yako?”
23 Habase yeeshee wuu diiday inuu gees uga leexdo; sidaas daraaddeed Abneer waranka dabadiisii ayuu caloosha kaga dhuftay, warankiina dib buu uga mudhbaxay; markaasuu halkaas ku dhacay, oo isla meeshaasuu ku dhintay; oo in alla intii soo gaadhay meeshii Casaaheel ku dhacay oo ku dhintay way wada istaageen.
Lakini Asaheli hakukubari kugeuka. na hivyo Abneri akamchoma kwa nchi ya mkuki wake, hata ukatokea upande wa pili. Asaheli akaanguka chini akafa. Hata ikawa kila mmoja aliyefika mahali pale Asaheli alipoanguka na kufa, alisimama hapo hapo.
24 Laakiinse Yoo'aab iyo Abiishay waxay eryadeen Abneer; oo qorraxdiina way dhacday markii ay yimaadeen buurtii Ammaah oo ku hor taal Giyax ee ku ag taal waddada cidlada Gibecoon.
Lakini Yoabu na Abishai wakamfuatilia Abneri. Wakati jua linazama walikuwa wamefika mlima wa Amma, uliopo karibu na Gia katika njia ielekeayo nyika ya Gibeoni.
25 Markaasaa reer Benyaamiin dhammaantood soo wada urureen oo Abneer soo daba galeen, oo waxay noqdeen guuto keliya, markaasay buur isku dul taageen.
Wabenjamini wakajikusanya nyuma ya Abneri na kusimama juu ya kilima.
26 Dabadeedna Abneer wuxuu u dhawaaqay Yoo'aab, oo ku yidhi, War seeftu miyey weligeed baabbi'inaysaa? Ugudambaystase inay qadhaadh noqonayso sow ma ogid? Haddaba ilaa goormay noqonaysaa markaad dadka kala hadlayso inay ka hadhaan walaalahooda ay eryanayaan?
Kisha Abneri akamwita Yoabu na kusema, “Je ni lazima upanga uendelee kurarua daima? Je haujui kwamba mwisho wake utakuwa mchungu? Hata line ndipo uwaambie watu wako waache kuwafuatia ndugu zao?”
27 Markaasaa Yoo'aab wuxuu yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye, haddaadan hadlin, hubaal dadku subaxda waa iska tegi lahaa oo ninnaba walaalkiis ma eryadeen.
Yoabu akajibu, “Kama Mungu aishivyo, usingesema hivyo, askari wangu wangewafuatia ndugu zao hata asubuhi!”
28 Sidaas daraaddeed Yoo'aab buunkii buu afuufay, oo dadkii oo dhammu way wada istaageen, oo mar dambe reer binu Israa'iilna ma ayan eryan, kol kalena ma ay diririn.
Ndipo Yoabu akapiga tarumbeta, na watu wake wote wakasimama na hawakuendelea kuwafuata Israeli tena wala hawakupigana tena.
29 Oo Abneer iyo raggiisiina habeenkii oo dhan ayay sii dhex guuraynayeen Caraabaah; wayna ka gudbeen Webi Urdun, oo Bitroon oo dhanna way dhex mareen, oo waxay yimaadeen Maxanayim.
Abneri na watu wake wakasafiri usiku wote kupitia Araba. Wakavuka Yordani, wakatembea asubuhi yote iliyofuata, na hata wakafika Mahanaimu.
30 Oo Yoo'aabna wuu ka noqday eryadkii uu Abneer eryanayay; oo markuu dadkii oo dhan soo urursaday, waxaa addoommadii Daa'uud ka dhinnaaday sagaal iyo toban nin iyo Casaaheel.
Yoabu akarudi kutoka katika kumfuatia Abneri. Akawakusanya watu wake wote, ambopo Asahali na askari wengine kumi na tisa wa Daudi walipungua.
31 Laakiinse addoommadii Daa'uud wax bay reer Benyaamiin iyo raggii Abneer ka laayeen, oo waxaa ka dhintay saddex boqol iyo lixdan nin.
Lakini watu wa Daudi walikuwa wameua watu 360 wa Benjamini na Abneri.
32 Markaasay Casaaheel qaadeen oo ku aaseen qabrigii aabbihiis, oo ku yiil Beytlaxam. Oo Yoo'aab iyo raggiisiina habeenkii oo dhan ayay guureeyeen oo waxaa waagu ugu beryay Xebroon.
Kisha wakamchukua Asahali na kumzika katika kaburi la baba yake, lililokuwapo Bethlehemu. Yoabu na watu wake wakasafiri usiku wote, kukacha wakati wanafika Hebroni.

< Samuu'Eel Labaad 2 >