< Samuu'Eel Labaad 19 >
1 Markaasaa Yoo'aab waxaa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Bal eeg, boqorkii wuu u ooyayaa oo u barooranayaa Absaaloom.
And it was told unto Joab, Behold, the king is weeping and he mourneth for Abshalom.
2 Oo maalintaas guushii waxay dadkii oo dhan ugu rogmatay baroor, waayo, maalintaas waxaa dadku maqlay in la yidhi, Boqorkii wiilkiisii buu u murugoonayaa.
And the victory on that day was turned into mourning unto all the people; for the people heard it said on that day, that the king was grieved for his son.
3 Oo dadkiina maalintaas qarsoodi bay ku soo galeen magaaladii, sidii dad ceebaysanu ay u dhuuntaan markii ay dagaalka ka cararaan.
And the people repaired by stealth on that day when coming into the city, as usually steal away the people who are ashamed when they flee in battle.
4 Markaasaa boqorkii hagoogtay, oo cod weyn buu ku qayliyey oo yidhi, Wiilkaygii Absaaloomow, Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygiiyow!
But the king covered his face, and the king cried with a loud voice, O my son Abshalom, O Abshalom, my son, my son!
5 Markaasaa Yoo'aab boqorkii ugu yimid gurigiisii, oo ku yidhi, Maanta waxaad ceebaysay wejiyadii addoommadaada oo dhan, kuwaasoo maanta naftaada badbaadshay, iyo nafta wiilashaada iyo gabdhahaaga, iyo nafta naagahaaga, iyo nafta naagahaaga addoommaha ah;
And Joab came to the king, into the house, and said, Thou hast covered with shame this day the faces of all thy servants, who have saved thy life this day, and the life of thy sons and of thy daughters, and the life of thy wives, and the life of thy concubines;
6 oo weliba waxaad jeceshahay kuwa ku neceb, kuwa ku jecelna waad neceb tahay. Waayo, maanta waxaad caddaysay inaanay amiirro iyo addoommoba waxba kula ahayn, maxaa yeelay, maanta waxaan ogaaday, haddii Absaaloom noolaan lahaa, oo aan annagu kulligayo dhiman lahayn, inaad taas aad ugu farxi lahayd.
Since thou lovest thy enemies, and hatest thy friends: for thou hast declared this day, that thou hast neither princes nor servants; for I perceive this day, that if Abshalom were but alive, and we all were dead this day, that then it would have been just right in thy eyes.
7 Haddaba saas daraaddeed kac, oo dibadda u bax, oo addoommadaada intaad la hadashid dhiiro geli; waayo, Rabbigaan ku dhaartaye, haddaadan dibadda u bixin, inaan ninna caawa kula joogayn; oo taasuna way kaaga sii xumaanaysaa kulli sharkii kugu dhacay tan iyo yaraantaadii.
And now arise, go forth, and speak to the heart of thy servants; for by the Lord have I sworn, that if thou go not forth, there shall not remain one man with thee this night: and this would be worse unto thee than all the evil that hath befallen thee from thy youth until now.
8 Markaasaa boqorkii sara joogsaday, oo iriddii buu fadhiistay. Oo taasaa loo sheegay dadkii oo dhan, oo lagu yidhi, Bal eega, boqorkii iridduu fadhiyaaye, markaasaa dadkii oo dhammu boqorkii hor yimaadeen. Markii hore reer binu Israa'iil nin waluba wuxuu u cararay teendhadiisii.
Then the king arose, and sat in the gate. And they told it unto all the people, saying, Behold, the king is sitting in the gate. And all the people came before the king; but Israel fled, every man to his tents.
9 Oo dadkii oo dhan iyo qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhammu way isla doodayeen, oo waxay islahaayeen, War boqorku wuxuu inaga samatabbixiyey cadaawayaasheenna, reer Falastiinna wuu inaga badbaadshay, oo haatanna wuxuu dalka uga cararay Absaaloom aawadiis.
And all the people were contending throughout all the tribes of Israel, saying, The king hath saved us out of the hand of our enemies, and he it was that hath delivered us out of the hand of the Philistines; and now he is fled out of the land from before Abshalom.
10 Oo Absaaloomkii aynu u subkannay inuu inoo taliyana dagaalkii buu ku dhintay. Haddaba maxaad uga hadli weydeen si boqorka loo soo celiyo?
And Abshalom, whom we had anointed over us, died in battle: and now why are ye silent about bringing the king back?
11 Markaasaa boqorkii u cid diray wadaaddadii ahaa Saadooq iyo Aabyaataar, oo wuxuu ku yidhi, Odayaasha dalka Yahuudah la hadla oo ku dhaha, Waxaa boqorka u yimid hadalkii reer binu Israa'iil oo dhan oo leh, Boqorka gurigiisa ha lagu soo celiyo, laakiinse maxaad idinku dadka uga hadheen si aad boqorka gurigiisii ugu soo celisaan?
And king David sent to Zadok and to Ebyathar the priests, saying, Speak ye unto the elders of Judah, saying, Why will you be the last to bring the king back to his house? seeing the speech of all Israel is already come to the king, to his house.
12 War idinku walaalahay baad tihiin, oo waxaad kaloo tihiin laftayda iyo luddayda; haddaba maxaad idinku dadka uga hadheen si aad boqorka gurigiisii ugu soo celisaan?
My brothers are ye, my bone and my flesh are ye: wherefore then will you be the last to bring back the king?
13 Oo Camaasaana waxaad ku tidhaahdaan, War miyaadan ahayn laftayda iyo luddayda? Ilaah saas iyo si ka sii daran ha igu sameeyo, haddaan ciidanka sirkaal kaaga dhigi waayo, oo aadan had iyo goorba hortayda joogin meeshii Yoo'aab!
And to 'Amassa shall ye say, Art thou not my bone and my flesh? May God do so to me, and may he thus continue to do, if thou shalt not be captain of the army before me continually in the room of Joab.
14 Markaasuu soo jeediyey qalbigii dadkii dalka Yahuudah oo dhan, oo wuxuu ka dhigay sidii nin keliya qalbigiis; saas aawadeed waxay u soo cid direen boqorkii, oo ku yidhaahdeen, Adiga iyo addoommadaada oo dhammuba soo noqda.
And he turned the heart of all the men of Judah, as of one man: and these sent unto the king, Return thou, with all thy servants.
15 Haddaba boqorkii wuu noqday, oo wuxuu yimid Webi Urdun. Oo dadkii dalka Yahuudahna waxay yimaadeen Gilgaal inay boqorka ka hor tagaan, oo ay boqorka ka gudbiyaan Webi Urdun.
So the king returned, and came as far as the Jordan; and Judah came to Gilgal, to go forth to meet the king, to conduct the king over the Jordan.
16 Oo Shimcii ina Geeraa oo ahaa reer Benyaamiin oo ka yimid Baxuuriim ayaa soo dhaqsaday oo ula soo dhaadhacay raggii reer Yahuudah inay Boqor Daa'uud ka hor tagaan.
Then hastened Shim'i the son of Gera, the Benjamite, who was of Bachurim, and went down with the men of Judah to meet king David.
17 Oo waxaa isaga la socday kun nin oo reer Benyaamiin ah, iyo Siibaa oo ahaa midiidinkii reerkii Saa'uul, iyo shan iyo tobankiisii wiil iyo labaatankiisii addoon; oo Webi Urdun bay dhex mareen isagoo boqorku arko.
And there were with him a thousand men of Benjamin, and Ziba the servant of the house of Saul, and his fifteen sons and his twenty servants with him; and they set hastily over the Jordan before the king.
18 Markaasaa waxaa gudubtay sixiimad in lagu soo tallaabiyo reer boqor iyo inuu sameeyo wixii isaga la wanaagsan. Oo Shimcii oo ahaa ina Geeraa ayaa ku dhacay boqorka hortiisii markuu Webi Urdun ka soo gudbay.
And there went over the ferry-boat to carry over the king's household, and to do what was good in his eyes. And Shim'i the son of Gera fell down before the king, as he was passing over the Jordan;
19 Oo wuxuu boqorkii ku yidhi, Sayidkaygiiyow, dembi ha igu tirin, oo ha xusuusan wixii aan anoo addoonkaaga ah si qalloocan kuugu sameeyey maalintii aad Yeruusaalem ka baxday, oo boqorow, sayidkaygiiyow, taas qalbiga ha ku qabsan.
And he said unto the king, Let not my Lord impute it unto me as iniquity, neither do thou remember that in which thy servant acted perversely on the day that my Lord the king went forth out of Jerusalem, so that the king should lay it to his heart.
20 Waayo, anigoo addoonkaaga ah haatan waan ogahay inaan dembaabay, oo sidaas daraaddeed ayaan maanta reer Yuusuf oo dhan ugu soo hor maray inaan soo dhaadhaco oo aan kaa hor imaado, boqorow, sayidkaygiiyow.
For thy servant doth know that I have indeed sinned; and, behold, I am come this day the first of all the house of Joseph to go down to meet my Lord the king.
21 Laakiinse waxaa u jawaabay Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay, oo wuxuu ku yidhi, Shimcii miyuusan u dhimanayn waxan uu sameeyey, maxaa yeelay, wuxuu habaaray Rabbiga kiisii subkanaa?
But Abishai the son of Zeruyah spoke out and said, Shall Shim'i for this not be put to death, because he cursed the Lord's anointed?
22 Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Kuwiinna ay Seruuyaah dhashayow, maxaa inaga dhexeeya? Oo maxaadse maanta cadaawayaal iigu noqoteen? Maanta reer binu Israa'iil ma nin baa laga dilayaa? Oo miyaanan anigu maanta ogayn inaan ahay boqor reer binu Israa'iil u taliya?
And David said, What have I to do with you, ye sons of Zeruyah, that ye should become a hindrance this day unto me? shall this day any man be put to death in Israel? for do I not know that this day I am king over Israel?
23 Markaasaa boqorkii wuxuu Shimcii ku yidhi, Adigu dhiman maysid. Boqorkiina wuu u dhaartay.
And the king said unto Shim'i, Thou shalt not die. And the king swore unto him.
24 Kolkaasaa waxaa yimid inuu boqorka ka hor tago Mefiiboshed oo ahaa ina Saa'uul; oo kaasu maalintii boqorku tegey iyo ilaa maalintii uu soo nabad noqday inta ka dhex leh cagihiisa ma uu hagaajin, gadhkiisiina ma uu jarin, dharkiisiina ma uu maydhin.
And Mephibosheth the [grand] son of Saul came down to meet the king, and he had not dressed his feet, nor trimmed his beard, nor washed his clothes, from the day that the king departed until the day that he came home in peace.
25 Markuu Yeruusaalem u yimid inuu boqorka ka hor tago ayaa boqorkii ku yidhi, Mefiiboshedow, maxaad ii raaci weyday?
And it came to pass, when he was come to Jerusalem to meet the king, that the king said unto him, Wherefore didst thou not go with me, Mephibosheth?
26 Oo isna wuxuu ku jawaabay, Boqorow, sayidkaygiiyow, waxaa i khiyaaneeyey addoonkaygii, waayo, anoo addoonkaagii ah waxaan is-idhi, Waxaan kooraysan dameer inaan fuulo aawadeed, markaasaan boqorka raaci doonaa, waayo, curyaan baan ahay.
And he answered, My Lord, O king, my servant deceived me; for thy servant said, I will saddle for me the ass, that I may ride thereon, and go with the king; because thy servant is lame.
27 Oo anigoo addoonkaagii ah ayuu igu kaa hor xantay boqorow, sayidkaygiiyow, laakiinse waxaad tahay sidii malaa'ig Ilaah oo kale; haddaba wixii kula wanaagsan samee.
And he slandered thy servant unto my Lord the king; but my Lord the king is like an angel of God: do then what is good in thy eyes.
28 Waayo, reerka aabbahay oo dhammu waxay ahaayeen sida dad dhintay oo kale xaggaaga boqorow, sayidkaygiiyow, laakiinse anoo addoonkaaga ah waxaad i dhex fadhiisisay kuwa wax ka cuna miiskaaga. Haddaba weli xaqee baan u leeyahay inaan mar dambe kuu qayshado, boqorow?
For all of my father's house were nothing but men deserving death with my Lord the king: and yet didst thou set thy servant among those that eat at thy own table. What other merit therefore have I, and what to complain of yet farther unto the king?
29 Boqorkiina wuxuu ku yidhi, War maxaad weli uga sii hadlaysaa axwaalahaaga? Waxaan ku leeyahay, Adiga iyo Siibaa dhulka qaybsada.
And the king said unto him, For what purpose speakest thou yet thy words? I have said, Thou and Ziba shall divide the field.
30 Markaasaa Mefiiboshed wuxuu boqorkii ku yidhi, Isagu ha iska wada qaato, mar haddaad gurigaaga ku soo nabad noqotay, boqorow, sayidkaygiiyow.
And Mephibosheth said unto the king, Yea, let him take the whole, since that my Lord the king is come [back] in peace unto his own house.
31 Oo Barsillay oo ahaa reer Gilecaad ayaa Rogeliim ka yimid; oo wuxuu boqorka kala gudbay Webi Urdun, si uu u sii sagootiyo.
And Barzillai the Gil'adite came down from Rogelim; and he passed over the Jordan with the king, to accompany him over the Jordan.
32 Barsillayna nin aad u da' weyn buu ahaa, oo wuxuu jiray siddeetan sannadood, oo boqorkana sooryuu u keeni jiray intuu Maxanayim joogay, maxaa yeelay, nin aad u weyn buu ahaa.
Now Barzillai was very aged, eighty years old: and he had sustained the king while he lay at Machanayim; for he was a very great man.
33 Markaasaa boqorkii wuxuu Barsillay ku yidhi, Kaalay oo ila gudub, oo anna Yeruusaalem baan kugu quudin doonaa.
And the king said unto Barzillai, Come thou over with me, and I will sustain thee near me in Jerusalem.
34 Barsillayna wuxuu boqorkii ku yidhi, Bal cimrigaygu waa intee, markaan boqorka Yeruusaalem u raacayo?
But Barzillai said unto the king, How many yet are the days of the years of my life, that I should go up with the king to Jerusalem?
35 Maanta waxaan jiraa siddeetan sannadood, haddaba miyaan kala garan karaa xumaanta iyo samaanta? Oo anigoo addoonkaaga ah miyaan dhadhamin karaa waxaan cuno iyo waxaan cabbo toona? Oo miyaan in dambe maqli karaa codka ragga gabyaya iyo dumarka heesaya? Haddaba anoo addoonkaaga ah maxaan culays kuugu noqonayaa, boqorow, sayidkaygiiyow?
I am eighty years old this day: can I discern between good and evil? or can thy servant taste what I eat or what I drink? or can I listen yet to the voice of singing men and singing women? wherefore then should thy servant become yet a burden unto my Lord the king?
36 Anoo addoonkaaga ah waxaan doonayay inaan Webi Urdun kaala gudbo oo keliya; haddaba maxaad abaalgudkan weyn iigu soo celinaysaa, boqorow?
Thy servant will pass a little way over the Jordan with the king: and why should the king recompense me with this reward?
37 Haddaba anoo addoonkaaga ah, waan ku baryayaaye, i daa aan dib u noqdee, si aan ugu dhinto magaaladaydii iyo meel u dhow qabrigii aabbahay iyo hooyaday. Laakiinse bal eeg addoonkaagii Kimhaam; isagu ha kula gudbo, boqorow, sayidkaygiiyow, oo isaga ku samee wax alla wixii kula wanaagsan.
Let thy servant, I pray thee, turn back again, that I may die in my own city, by the sepulchre of my father and of my mother. But, behold, thy servant Kimham will pass over with my Lord the king; and do to him what is good in thy eyes.
38 Markaasaa boqorkii wuxuu ku jawaabay, Kimhaam aniguu ila gudbayaa, oo waxaan u samaynayaa wixii kula wanaagsan; oo wax alla wixii aad i weyddiisato, waan kuu samaynayaa.
And the king said, Kimham shall pass over with me, and I will do to him that which shall seem good in thy eyes: and whatsoever thou wilt desire of me, will I do for thee.
39 Oo dadkii oo dhammu Webi Urdun bay ka gudbeen, oo boqorkiina wuu gudbay; boqorkiina Barsillay wuu dhunkaday, wuuna u duceeyey; oo isna wuxuu ku noqday meeshiisii.
And all the people passed over the Jordan, after the king had passed over; and the king kissed Barzillai, and blessed him; and he returned unto his own place.
40 Sidaasuu boqorkii ugu gudbay Gilgaal, oo Kimhaamna isaguu la gudbay, oo reer Yahuudah oo dhammuna boqorkii bay soo gudbiyeen, iyo reer binu Israa'iil badhkood.
Then did the king pass on to Gilgal, and Kimham passed on with him: and all the people of Judah conducted the king, and also half the people of Israel.
41 Dabadeedna dadkii reer binu Israa'iil oo dhammu boqorkii bay u yimaadeen, oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Walaalaheen oo ah ragga reer Yahuudah maxay kuu xadeen, oo ay adiga iyo reerkaagaba Webi Urdun idiinku tallaabiyeen iyo weliba raggaagii kula jirayba, boqorow?
And, behold, all the men of Israel came to the king, and said unto the king, Why have our brethren the men of Judah stolen thee away, and have conducted the king and his household over the Jordan, and all David's men with him?
42 Markaasaa raggii reer Yahuudah waxay ugu jawaabeen raggii reer binu Israa'iil, War boqorku annaguu na hilib xigaa, ee maxaad xaaladdan ugu cadhoonaysaan? War ma annagaa boqorka wax ka cunnay? Mase hadiyad buu na siiyey?
And all the men of Judah replied to the men of Israel, Because the king is near of kin to us: wherefore then are ye so angry for this matter? have we eaten the least from the king? or hath he given us any gift?
43 Oo raggii reer binu Israa'iilna waxay raggii reer Yahuudah ugu jawaabeen, War boqorka toban meelood baannu ku leennahay, oo weliba Daa'uud annagaa idinkaga xaq leh, haddaba maxaad noo quudhsateen oo aad hore noo weyddiin weydeen talo ku saabsan boqorkeenna soo celintiisa? Oo raggii reer Yahuudah erayadoodii way ka sii adkaayeen erayadii raggii reer binu Israa'iil.
And the men of Israel answered the men of Judah, and said, Ten parts have we in the king, and also in David have we more right than ye: why then did ye esteem us lightly? and was not our word the very first to bring back our king? And the words of the men of Judah were fiercer than the words of the men of Israel.