< Samuu'Eel Labaad 15 >

1 Oo taas dabadeedna Absaaloom ayaa diyaarsaday gaadhifardood iyo fardo, iyo konton nin oo hortiisa orodda.
Ana nan sai Absalom ya samo wa kansa wata keken yaƙi da dawakai tare da mutum hamsin da za su sha gabansa.
2 Markaasaa Absaaloom aroortii kacay, oo ag istaagay jidkii iridda, oo markuu nin dacwo qaba boqorka xukun ugu imanayo ayuu Absaaloom u yeedhi jiray, oo wuxuu ku odhan jiray, Magaaladee baad ka timid? Oo isna wuxuu odhan jiray, Anoo addoonkaaga ah waxaan ka mid ahay qabiilooyinka reer binu Israa'iil midkood.
Absalom yakan tashi da sassafe yă tsaya a gefen hanyar shigar ƙofar birni. Duk sa’ad da wani ya zo da ƙara don a kai gaban sarki yă yi shari’a, Absalom yakan kira shi yă ce, “Daga wane gari ka fito?” Sai mutumin yă amsa yă ce, “Bawanka ya fito a ɗaya daga cikin kabilan Isra’ila.”
3 Markaasaa Absaaloom wuxuu ku odhan jiray, Xaalalkaagu waa wanaagsan yihiin, waana qumman yihiin; laakiinse nin boqorku amray oo ku maqlayaa ma jiro.
Sai Absalom yă ce masa, “Ga shi, ƙararka daidai ne, tana kuma da gaskiya, sai dai ba wakilin sarkin da zai ji ka.”
4 Oo Absaaloom wuxuu kaloo yidhi, Way, bal maa aniga dalka xaakin la iiga dhigo, si nin alla ninkii dacwo ama muraad lihi iigu yimaado oo aan caddaalad ugu xukumo!
Absalom kuwa yakan ƙara da cewa, “Da a ce an naɗa ni alƙali a ƙasar mana! Da duk mai ƙara, ko kuka wanda zai zo wurina, zan in tabbatar an yi masa adalci.”
5 Oo waxay ahaatay in ninkii inuu sujuudo ugu soo dhowaadaba, uu Absaaloom intuu gacanta soo fidiyo oo qabto dhunkan jiray.
Kuma duk sa’ad da wani ya zo wurin Absalom ya rusuna don yă gaishe shi, sai Absalom yă sa hannunsa yă ta da shi, yă kuma rungume shi.
6 Oo reer binu Israa'iil kii boqorka xukun ugu yimid oo dhan Absaaloom sidaasuu ku samayn jiray dhammaantood; oo sidaasuu Absaaloom qalbiga uga xaday dadkii reer binu Israa'iil.
Absalom ya yi ta yin haka ga dukan Isra’ilawan da suka zo wurin sarki don neman adalci, ta haka kuwa ya saci zukatan mutanen Isra’ila.
7 Oo markay afartan sannadood dhammaadeen ayaa Absaaloom boqorkii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii daa aan Xebroon tagee, waayo, waxaan doonayaa inaan halkaas ku bixiyo nidar aan Rabbiga u galay.
A ƙarshen shekara huɗu, Absalom ya ce wa sarki, “Bari in tafi Hebron in cika alkawarin da na yi wa Ubangiji.
8 Waayo, anoo addoonkaaga ah nidar baan galay intii aan joogay Geshuur oo ku taal Suuriya, oo waxaan idhi, Haddii Rabbigu Yeruusaalem mar kale igu celiyo, markaasaan Rabbiga allabari u bixin doonaa.
Yayinda bawanka yake zama a Geshur, a Aram, na yi wannan alkawari, na ce, ‘In Ubangiji ya komo da ni Urushalima, zan yi wa Ubangiji sujada a Hebron.’”
9 Boqorkiina wuxuu ku yidhi, Nabad ku tag. Kolkaasuu kacay oo tegey Xebroon.
Sarki ya ce, “Ka sauka lafiya.” Sai ya tafi Hebron.
10 Laakiinse Absaaloom jaajusiin buu u diray qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Markaad buunka dhawaaqiisa maqashaan, waxaad tidhaahdaan, Absaaloom waa ku boqramay Xebroon.
Sai Absalom ya aiki manzanni a asirce cikin dukan kabilan Isra’ila, ya ce musu su ce, “Da zarar kuka ji an busa ƙaho, sai ku ce, ‘Absalom sarki ne a Hebron.’”
11 Oo Absaaloomna Yeruusaalem waxaa ka raacay laba boqol oo nin, oo la marti qaaday, oo waxay tageen iyagoo xog la', oo aan waxba ogayn.
Mutum ɗari biyu daga Urushalima suka raka Absalom. An gayyace su a matsayin baƙi, suka kuwa tafi cikin rashin sani, ba su san wani abu game da al’amarin ba.
12 Oo Absaaloomna wuxuu magaaladii Giloh ahayd ugu cid dirsaday Axiitofel kii reer Giloh, oo ahaa Daa'uud taliyihiisa, intuu allabarigii bixinayay. Oo sirqoolkiina aad buu u xoog badnaa; waayo, dadkii Absaaloom la jiray way soo kordhayeen had iyo goorba.
Yayinda Absalom yake miƙa hadaya, ya aika a kira Ahitofel mutumin Gilo, mai ba wa Dawuda shawara, yă zo daga Gilo garinsa. Ta haka makircin ya ƙara ƙarfi, masu bin Absalom kuma suka yi ta ƙaruwa.
13 Oo markaasaa Daa'uud waxaa u yimid wargeeye; isagoo leh, Dadkii reer binu Israa'iil qalbigoodii wuxuu raacay Absaaloom.
Wani manzo ya zo wurin Dawuda ya ce masa, “Zukatan mutanen Isra’ila sun koma wajen Absalom.”
14 Daa'uudna wuxuu addoommadiisii Yeruusaalem la joogay oo dhan ku yidhi, War ina kiciya aynu cararnee; haddii kalese midkeenna Absaaloom ka baxsan maayo; haddaba dhaqsada oo baxa, waaba intaasoo uu haddiiba ina soo qabtaaye, oo belaayo inagu ridaaye, oo uu magaaladana seef ku laayaaye!
Sai Dawuda ya ce wa dukan fadawansa da suke tare da shi a Urushalima, “Ku zo! Mu gudu, in ba haka ba, babu wanda zai tsira daga hannun Absalom. Dole mu bar nan, nan da nan, in ba haka ba zai tashi da sauri yă fāɗa mana, yă kuma hallaka garin da takobi.”
15 Markaasaa boqorka addoommadiisii boqorkii ku yidhaahdeen, Bal eeg, annagoo ah addoommadaadu diyaar baannu u nahay inaannu samayno wax kasta oo aad doorato, boqorow, sayidkayagiiyow.
Sai fadawan sarki suka ce masa, “Barorinka suna a shirye su yi duk abin da ranka yă daɗe, ya zaɓa.”
16 Markaasaa boqorkii baxay, isagoo reerkiisii oo dhammu daba socdaan. Oo boqorkii toban naagood oo addoommo ahaa ayuu uga tegey inay gurigii dhawraan.
Sarki ya kama hanya, dukan gidansa kuwa suna biye da shi; amma ya bar ƙwarƙwarai goma su lura da fada.
17 Boqorkiina wuu baxay, oo dadkii oo dhammuna isagay daba socdeen; oo meel fog bay joogsadeen.
Ta haka sarki ya kama hanya da dukan mutane suna biye da shi, suka yi sansani a wani wuri mai ɗan nisa da Urushalima.
18 Oo addoommadiisii oo dhammuna way dhinac mareen, iyaga iyo reer Kereetiim oo dhan, iyo reer Feleetii oo dhan, iyo reer Gad oo dhan, kuwaasoo ahaa lix boqol oo nin oo Gad ka soo raacday, dhammaantood boqorkii way hor mareen.
Dukan mutanensa suka wuce gabansa, tare da dukan Keretawa da Feletiyawa; da dukan mutane ɗari shida na Gittiyawan da suka raka shi daga Gat, suka wuce gaban sarki.
19 Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi Itay oo ahaa reer Gad, War adiguna maxaad noola socotaa? Noqo, oo boqorka la joog; waayo, adigu waxaad tahay qariib, iyo weliba mid waddankiisii laga soo masaafuriyey.
Sarki ya ce wa Ittai mutumin Gat, “Don me za ka zo tare da mu? Ka koma ka zauna tare da Sarki Absalom. Kai baƙo ne, ɗan gudun hijira daga garinka.
20 Waxaad timid shalayto, haddaba sidee baan maanta noola kaa warwareejiyaa? Maxaa yeelay, anigu waxaan tegayaa meel alla meeshaan doonayoba, haddaba naga noqo, oo walaalahaana dib u celi; oo naxariis iyo runuba ha kula jireen.
Jiya-jiya ka zo. Yau kuma in sa ka yi ta yawo tare da mu, ga shi ban ma san inda za ni ba? Koma, ka tafi da’yan’uwanka. Bari alheri da amincin Ubangiji su kasance tare da kai.”
21 Markaasaa Itay wuxuu boqorkii ugu jawaabay, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa, iyo noloshaada, boqorow, sayidkaygiiyow, sida runtaa meel alla meeshii aad joogtid, ama aan noolaado ama aan dhintee, anoo addoonkaaga ahuna halkaasaan joogayaa.
Amma Ittai ya ce wa sarki, “Muddin Ubangiji yana a raye kuma muddin ranka yă daɗe yana a raye, duk inda ranka yă daɗe sarki zai kasance, ko a yi rai ko a mutu, a can bawanka zai kasance.”
22 Kolkaasaa Daa'uud wuxuu Itay ku yidhi, Haddaba tag oo gudub. Markaasaa Itay kii reer Gadna gudbay, isagii iyo raggiisii oo dhan, iyo yaryarkii la socday oo dhan.
Dawuda ya ce wa Ittai, “Wuce gaba, taka mu je.” Sai Ittai mutumin Gat ya shiga layi tare da dukan mutanensa da iyalan da suke tare da shi.
23 Oo waddankii oo dhanna waxaa lagaga ooyay cod weyn, oo dadkii oo dhammuna webigii way ka gudbeen; oo boqorka qudhiisii wuu ka gudbay toggii Qidroon, oo dadkii oo dhammuna waxay u gudbeen xagga cidlada.
Dukan ƙauyuka suka yi ta kururuwa yayinda mutanen suke wucewa. Sarki shi ma ya haye ta Kwarin Kidron, mutane kuma suka ci gaba da tafiya zuwa wajen hamada.
24 Oo bal eeg, Saadooqna waa yimid, isagoo ay la socdaan reer Laawi oo dhan, oo sida sanduuqii axdiga Ilaah, markaasay sanduuqii Ilaah dhigeen, oo Aabyaataarna kor buu tegey, ilaa dadkii oo dhammu ay magaaladii ka soo gudbeen.
Zadok yana nan tare da su, kuma dukan Lawiyawan da suke tare da shi kuwa suna ɗauke da akwatin alkawarin Allah. Suka sauke akwatin alkawarin Allah, Abiyatar ya miƙa hadaya sai da mutane suka gama fita daga birnin.
25 Markaasaa boqorkii wuxuu Saadooq ku yidhi, Sanduuqa Ilaah qaad oo magaaladii ku celi. Hadduu Rabbigu raalli iga yahay, mar kaluu i soo celin doonaa, oo wuu i tusi doonaa isaga iyo rugta Ilaahba.
Sa’an nan sarki ya ce wa Zadok, “Ka komar da akwatin alkawarin Allah cikin birnin. Idan na sami tagomashi a idon Ubangiji, zai dawo da ni, yă kuma sa in sāke gan shi a mazauninsa.
26 Laakiinse hadduu igu yidhaahdo, Kuguma faraxsani; bal eeg, haddaba waa i kane, ha igu sameeyo sidii isaga la wanaagsan.
Amma in ya ce, ‘Ina baƙin ciki da kai,’ to, ina a shirye; bari yă yi abin da ya fi masa.”
27 Oo haddana boqorkii wuxuu wadaadkii Saadooq ahaa ku yidhi, Sow adigu wax arke ma tihid? Haddaba magaaladii ku nabad noqda, idinka iyo labadiinna wiil ee idinla jirta, kuwaas oo ah wiilkaaga Axiimacas iyo Yoonaataan oo ah ina Aabyaataar.
Sarki ya kuma ce wa Zadok firist, “Ashe, kai ba mai duba ba ne? Ka koma cikin birnin lafiya, tare da ɗanka Ahimawaz, da kuma Yonatan ɗan Abiyatar. Kai da Abiyatar ku tafi da’ya’yanku biyu.
28 Oo anna waxaan sii joogayaa meesha mareenka ah ee cidlada loogu sii gudbo, jeeruu war iiga kiin yimaado.
Zan kuwa jira a mashigai a hamada, sai na ji daga gare ku.”
29 Sidaas daraaddeed Saadooq iyo Aabyaataar sanduuqii Ilaah bay qaadeen, waxayna mar kale ku celiyeen Yeruusaalem, oo iyana halkaasay iska sii joogeen.
Saboda haka Zadok da Abiyatar suka ɗauki akwatin alkawarin Allah suka komar da shi Urushalima, suka zauna a can.
30 Oo Daa'uudna wuxuu fuulay jiirtii Buur Saytuun oo intuu sii socdayna wuu ooyayay, isagoo hagoogan, oo caga cad, oo dadkii la jiray oo dhammuna midkood waluba wuu hagoogtay, oo kor bay tageen, iyagoo ooyaya intay kor u sii socdeen.
Amma Dawuda ya ci gaba yana hawan Dutsen Zaitun, yana kuka yayinda yake tafiya; kansa a rufe, kuma babu takalma a ƙafafunsa. Dukan mutanen da suke tare da shi suka rufe kawunansu suna ta kuka yayinda suke haurawa.
31 Oo Daa'uud waxaa loo soo sheegay inuu Axiitofelna Absaaloom kula jiro shirqoolkii. Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, Axiitofel taladiisa nacasnimo u beddel.
To, an gaya wa Dawuda cewa, “Ahitofel yana cikin waɗanda suka hadasa maƙarƙashiya tare da Absalom.” Saboda haka Dawuda ya yi addu’a ya ce, “Ya Ubangiji ka mai da shawarar Ahitofel ta zama shiririta.”
32 Oo markii Daa'uud yimid jiirta dusheedii, meeshii Ilaah lagu caabudi jiray, waxaa u yimid Xuushay kii reer Arkii oo jubbaddiisii jeexjeexay, oo madaxana ciid ku shubtay.
Da Dawuda ya isa ƙwanƙoli, inda mutane sun saba yi wa Allah sujada, Hushai, mutumin Arkitawa kuwa yana can don yă tarye shi, taguwarsa a yage, ga kuma ƙura a kansa.
33 Markaasaa Daa'uud ku yidhi, Haddaad i raacdo oo aad ila gudubto, culays baad igu noqonaysaa;
Sai Dawuda ya ce masa, “In ka tafi tare da ni, za ka zama mini kaya.
34 laakiinse haddaad magaaladii ku noqotid, oo aad Absaaloom ku tidhaahdid, Boqorow, addoonkaagii baan noqonayaa; oo sidaan hore aabbahaa addoonka ugu ahaan jiray, ayaan haddana adiga addoon kuugu ahaanayaa; markaas waxaad iiga adkaanaysaa talada Axiitofel.
Amma in ka koma birni, ka gaya wa Absalom, ‘Zan zama bawanka, ya sarki; dā ni bawan mahaifinka ne, amma yanzu zan zama bawanka,’ ta haka za ka watsar da shawarar Ahitofel.
35 Oo halkaasna sow kulama joogaan wadaaddadii ahaa Saadooq iyo Aabyaataar? Sidaas daraaddeed wax alla wixii aad guriga boqorka ka maqashoba, waxaad u soo sheegtaa wadaaddadii ahaa Saadooq iyo Aabyaataar.
Ba Zadok da Abiyatar firistocin nan suna nan tare da kai ba? Ka gaya musu duk abin da ka ji a fadan sarki.
36 Oo iyana waxay halkaas ku haystaan labadoodii wiil oo ahaa Axiimacas ina Saadooq, iyo Yoonaataan ina Aabyaataar; oo iyaga waxaad iigu soo dhiibtaan wax alla wixii aad maqashaanba.
’Ya’yansu biyu maza, Ahimawaz ɗan Zadok, da kuma Yonatan ɗan Abiyatar, suna can tare da su. Ka aike su wurina da duk abin da ka ji.”
37 Sidaas daraaddeed Xuushay oo ahaa Daa'uud saaxiibkiis magaaladii buu soo galay; oo Absaaloomna Yeruusaalem buu soo galay.
Saboda haka Hushai abokin Dawuda ya isa Urushalima yayinda Absalom yake shigowa birnin.

< Samuu'Eel Labaad 15 >