< Samuu'Eel Labaad 13 >

1 Markaasaa Absaaloom ina Daa'uud wuxuu lahaa gabadh walaashiis ah oo suurad qurxoon, oo magaceedana waxaa la odhan jiray Taamaar; oo Amnoon oo ahaa ina Daa'uud ayaa caashaqay.
Después de esto, Absalón, hijo de David, tenía una hermosa hermana que se llamaba Tamar, y Amnón, hijo de David, la amaba.
2 Oo Amnoon ayaa u dhibtooday oo u bukooday walaashiis Taamaar, waayo, iyadu bikrad bay ahayd; Amnoonna dhib bay la noqotay inuu wax ku sameeyo.
Amnón se preocupó tanto que enfermó a causa de su hermana Tamar, pues ella era virgen, y a Amnón le parecía difícil hacerle algo.
3 Laakiinse Amnoon wuxuu lahaa saaxiib, magiciisa la odhan jiray Yoonaadaab, oo uu dhalay Shimcaah oo ahaa Daa'uud walaalkiis; oo Yoonaadaabna nin sir badan buu ahaa.
Pero Amnón tenía un amigo que se llamaba Jonadab, hijo de Simea, hermano de David; y Jonadab era un hombre muy sutil.
4 Markaasuu ku yidhi, Ina boqorow, maxaad maalinba maalinta ka dambaysa sidan ugu caatoobaysaa? War maad ii sheegtid? Kolkaasaa Amnoon wuxuu ku yidhi, Waxaan caashaqay Taamaar oo ah walaalkay Absaaloom walaashiis.
Le dijo: “¿Por qué, hijo del rey, estás tan triste de un día para otro? ¿No quieres decírmelo?” Amnón le dijo: “Amo a Tamar, la hermana de mi hermano Absalón”.
5 Markaasaa Yoonaadaab ku yidhi, Sariirtaada ku jiifso oo iska dhig sidii mid buka, oo markii aabbahaa kuu yimaado, waxaad ku tidhaahdaa, Waan ku baryayaaye walaashay Taamaar ha ii timaado, oo cunto ha i siiso, oo cuntadana hortayda ha ku samayso, aan iska fiirsadee, oo aan gacanteedana ku cunee.
Jonadab le dijo: “Acuéstate en tu cama y finge estar enfermo. Cuando tu padre venga a verte, dile: ‘Por favor, que venga mi hermana Tamar y me dé pan para comer, y prepara la comida a mi vista, para que la vea y la coma de su mano’.”
6 Sidaas daraaddeed Amnoon wuu jiifay, oo wuxuu iska dhigay sidii mid buka, oo markii boqorkii u yimid ayaa Amnoon boqorkii ku yidhi, Waan ku baryayaaye walaashay Taamaar ha ii timaado, oo hortayda ha iigu samayso laba xabbadood oo moofa ah, oo aan gacanteeda ku cunee.
Entonces Amnón se acostó y fingió estar enfermo. Cuando el rey vino a verlo, Amnón le dijo al rey: “Por favor, que venga mi hermana Tamar y me haga un par de pasteles en mi presencia, para que coma de su mano.”
7 Markaasaa Daa'uud Taamaar gurigii ugu cid diray, oo ku yidhi, Orod oo waxaad tagtaa gurigii walaalkaa Amnoon, oo isaga cunto u samee.
Entonces David envió a casa a Tamar, diciendo: “Ve ahora a casa de tu hermano Amnón y prepárale comida”.
8 Sidaas daraaddeed Taamaar gurigii walaalkeed Amnoon ayay tagtay; oo isna wuu iska jiifay. Markaasay qaadday cajiin, wayna cajiintay, oo hortiisay moofa ku samaysay, markaasay moofadiina dubtay.
Así que Tamar fue a la casa de su hermano Amnón, que estaba acostado. Ella tomó masa, la amasó, hizo pasteles a la vista de él, y horneó los pasteles.
9 Oo intay digsigii qaadday ayay hortiisa ku soo shubtay; laakiinse wuu diiday inuu cuno. Markaasaa Amnoon yidhi, Dadka oo dhan dibadda iiga bixiya. Iyana dibadday uga wada baxeen.
Tomó la sartén y las sirvió delante de él, pero éste se negó a comer. Amnón dijo: “Que todos los hombres me dejen”. Entonces todos los hombres se alejaron de él.
10 Kolkaasaa Amnoon wuxuu Taamaar ku yidhi, Cuntada qolka iigu keen, aan gacantaada ku cunee. Markaasay Taamaar qaadday moofadii ay samaysay, oo walaalkeed Amnoon qolka ugu keentay.
Amnón dijo a Tamar: “Trae la comida a la habitación, para que coma de tu mano”. Tamar tomó las tortas que había hecho y se las llevó a la habitación a su hermano Amnón.
11 Oo markay u soo dhowaysay inuu cuno ayuu iyadii qabsaday, oo wuxuu ku yidhi, Walaalay, kaalay ila seexo!
Cuando se las acercó para que comiera, él la agarró y le dijo: “¡Ven, acuéstate conmigo, hermana mía!”
12 Oo waxay ugu jawaabtay, Maya, walaalkayow, ha i xoogin; waayo, waxan oo kale in reer binu Israa'iil lagu dhex sameeyo ma habboona, haddaba nacasnimadan ha samayn.
Ella le respondió: “¡No, hermano mío, no me obligues! Porque no se debe hacer tal cosa en Israel. ¡No hagas esta locura!
13 Waayo, bal xaggee baan geeynayaa ceebtayda? Oo adiguna waxaad noqonaysaa nacasyada reer binu Israa'iil midkood. Haddaba waan ku baryayaaye, bal boqorka la hadal, waayo, isagu ii kaa diidi maayo.
En cuanto a mí, ¿dónde voy a llevar mi vergüenza? Y en cuanto a ti, serás como uno de los necios de Israel. Ahora, pues, por favor, habla con el rey; porque él no me negará nada”.
14 Habase yeeshee wuu diiday inuu codkeedii maqlo, laakiinse wuu xoogay oo la seexday, waayo, wuu ka xoog badnaa.
Pero él no quiso escuchar su voz, sino que, siendo más fuerte que ella, la forzó y se acostó con ella.
15 Markaasaa Amnoon iyadii si aad iyo aad u weyn u nebcaaday, waayo, nacaybkuu u qabay wuu ka sii weynaa caashaquu caashaqay. Markaasaa Amnoon ku yidhi, Kac, oo iga tag.
Entonces Amnón la odió con un odio muy grande, pues el odio con que la odiaba era mayor que el amor con que la había amado. Amnón le dijo: “¡Levántate, vete!”
16 Kolkaasay ku tidhi, Maya, saas ma aha, maxaa yeelay, xumaantan weyn ee aad igu bixinayso ayaa ka sii liidata tii kale ee aad igu samaysay. Laakiinse ma uu dhegaysan.
Ella le dijo: “¡No, porque este gran agravio al despedirme es peor que el otro que me hiciste!” Pero él no quiso escucharla.
17 Markaasuu u yeedhay midiidinkiisii u adeegayay, oo ku yidhi, Naagtan hadda dibadda iiga saar, oo albaabkana ka soo daba xidh.
Entonces llamó a su criado, que le servía, y le dijo: “Aparta ahora a esta mujer de mí y echa el cerrojo tras ella.”
18 Oo iyana waxay qabtay dhar midabyo kala duwan leh, waayo, dhar caynkaas ah ayay gabdhaha boqorka ee bikradaha ahu qabi jireen. Markaasaa addoonkiisii dibadda u soo saaray, oo albaabkiina ka soo daba xidhay.
Llevaba un vestido de varios colores, pues las hijas del rey que eran vírgenes se vestían con tales ropas. Entonces su criado la sacó y cerró la puerta tras ella.
19 Markaasaa Taamaar waxay madaxa ku shubatay dambas, oo ay jeexjeexday dharkii midabyada kala duwan lahaa oo ay qabtay; madaxayna gacmaha saartay, wayna iska tagtay iyadoo aad u ooyaysa.
Tamar se puso ceniza en la cabeza y se rasgó el vestido de varios colores que llevaba puesto; se puso la mano en la cabeza y se fue, llorando en voz alta mientras se iba.
20 Markaasaa walaalkeed Absaaloom wuxuu ku yidhi, Ma waxaa kula jiray walaalkaa Amnoon? Haddaba walaalay, bal iska aamus, oo waxan qalbiga ha ku qabsan, waayo, isagu waa walaalkaa. Sidaas daraaddeed Taamaar waxay ku hadhay oo ku cidlowday gurigii walaalkeed Absaaloom.
Su hermano Absalón le dijo: “¿Amnón, tu hermano, ha estado contigo? Pero ahora calla, hermana mía. Él es tu hermano. No te tomes esto a pecho”. Así que Tamar se quedó desolada en casa de su hermano Absalón.
21 Laakiinse Boqor Daa'uud markuu waxyaalahan oo dhan maqlay, ayuu aad u cadhooday.
Pero cuando el rey David se enteró de todas estas cosas, se enojó mucho.
22 Oo Absaaloomna Amnoon kulama hadlin xumaan iyo samaan toona, waayo, Absaaloom wuu nebcaaday Amnoon, maxaa yeelay, walaashiis Taamaar buu xoogay.
Absalón no hablaba con Amnón ni bien ni mal, porque Absalón odiaba a Amnón porque había forzado a su hermana Tamar.
23 Oo laba sannadood markay buuxsameen dabadood Absaaloom wuxuu lahaa kuwo idaha dhogorta uga xiira oo jooga Bacal Xasoor, oo ku taal Efrayim dhinaciisa, oo Absaaloomna martiqaad buu ugu yeedhay wiilashii boqorka oo dhan.
Después de dos años completos, Absalón tenía esquiladores de ovejas en Baal Hazor, que está junto a Efraín; y Absalón invitó a todos los hijos del rey.
24 Oo Absaaloom boqorkii buu u yimid, oo ku yidhi, Bal eeg, idihii ayaan dhogorta ka xiiranayaa, haddaba waan ku baryayaaye, boqorow, adiga iyo addoommadaaduba i soo raaca anoo addoonkaaga ah.
Absalón fue a ver al rey y le dijo: “Mira ahora, tu siervo tiene esquiladores de ovejas. Por favor, deja que el rey y sus siervos vayan con tu siervo”.
25 Markaasaa boqorkii wuxuu Absaaloom ku yidhi, Wiilkaygiiyow saas ma aha, ee yaannan kulligayo wada tegin, waaba intaasoo aannu culaab kugu noqonnaaye. Oo isna wuu ku sii adkeeyey, habase yeeshee wuu diiday inuu raaco, laakiinse wuu u duceeyey.
El rey dijo a Absalón: “No, hijo mío, no vayamos todos, no vaya a ser que seamos una carga para ti”. Lo presionó; sin embargo, no quiso ir, sino que lo bendijo.
26 Markaasaa Absaaloom wuxuu yidhi, Haddaba haddaanay saas ahayn, ii daa walaalkay Amnoon ha i raacee. Kolkaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Muxuu kuu raacayaa?
Entonces Absalón dijo: “Si no, deja que mi hermano Amnón venga con nosotros”. El rey le dijo: “¿Por qué ha de ir contigo?”.
27 Laakiinse Absaaloom wuu ku sii adkeeyey inuu u daayo Amnoon iyo wiilashii boqorka oo dhammuba inay raacaan.
Pero Absalón lo presionó, y dejó que Amnón y todos los hijos del rey se fueran con él.
28 Markaasaa Absaaloom midiidinnadiisii amray, oo ku yidhi, Haddaba ogaada markii Amnoon intuu khamriga cabbo ku farxo, oo aan idinku idhaahdo, Amnoon dila, markaas waa inaad dishaan, hana baqina, waayo, sow anigu idinkuma amrin? Saas aawadeed dhiirranaada oo xoog yeesha.
Absalón ordenó a sus siervos, diciendo: “Fíjense ahora, cuando el corazón de Amnón esté alegre por el vino; y cuando yo les diga: ‘Golpeen a Amnón’, entonces mátenlo. No tengáis miedo. ¿No te lo he ordenado? Sé valiente, y sé valeroso”.
29 Oo midiidinnadii Absaaloomna waxay Amnoon ku sameeyeen wixii Absaaloom ku amray. Markaasaa wiilashii boqorka oo dhammu wada kaceen, oo nin waluba wuxuu fuulay baqalkiisii, wayna wada carareen.
Los siervos de Absalón hicieron con Amnón lo que éste les había ordenado. Entonces todos los hijos del rey se levantaron, y cada uno subió a su mula y huyó.
30 Oo intay sii socdeen ayaa war u yimid Daa'uud, oo waxaa lagu yidhi, Absaaloom wuxuu laayay wiilashii boqorka oo dhan, oo mid qudhuhuna kama hadhin.
Mientras iban de camino, llegó a David la noticia: “¡Absalón ha matado a todos los hijos del rey, y no queda ni uno de ellos!”
31 Markaasaa boqorkii kacay, oo dharkiisii jeexjeexay, oo dhulkuu ku jiifsaday, oo addoommadiisii oo dhammuna agtiisa soo istaageen iyagoo dharkoodii jeexjeexay.
Entonces el rey se levantó, se rasgó las vestiduras y se echó en tierra; y todos sus servidores estaban con las vestiduras rasgadas.
32 Markaasaa Yoonaadaab, oo ahaa ina Shime'aah Daa'uud walaalkiisii ayaa ugu jawaabay, Sayidkaygiiyow, ha moodin in la wada laayay wiilashii boqorka oo dhan, laakiinse waxaa dhintay Amnoon oo keliya, waayo, Absaaloom taas wuu goostay, wuuna ku talo jiray tan iyo maalintii uu Amnoon xoogay walaashiis Taamaar.
Jonadab hijo de Simea, hermano de David, respondió: “No deje mi señor suponer que han matado a todos los jóvenes, hijos del rey, pues sólo Amnón ha muerto; porque por designación de Absalón esto ha sido determinado desde el día en que forzó a su hermana Tamar.
33 Haddaba, boqorow, sayidkaygiiyow, waxan qalbiga ha ku qabsan, oo ha moodin in wiilashaadii ay wada dhinteen, laakiinse waxaa dhintay Amnoon oo keliya.
Ahora, pues, que mi señor el rey no se tome el asunto a pecho, para pensar que todos los hijos del rey han muerto, pues sólo Amnón ha muerto.”
34 Laakiinse Absaaloom wuu cararay. Markaasaa ninkii dhallinyarada ahaa ee gaadhka hayay indhaha kor u qaaday, oo wax fiiriyey, oo wuxuu arkay dad badan oo ka soo socda jidka mara buurta dhinaceeda meel isaga ka dambaysa.
Pero Absalón huyó. El joven que vigilaba levantó los ojos y miró, y he aquí que por la ladera del monte venía mucha gente detrás de él.
35 Markaasaa Yoonaadaab wuxuu boqorkii ku yidhi, Bal eeg, boqorow, wiilashaadii waa yimaadeen, oo sidii anoo addoonkaaga ahu aan kugu idhi, way noqotay.
Jonadab dijo al rey: “¡Mira que vienen los hijos del rey! Es como dijo tu siervo”.
36 Oo isla haddiiba markuu hadalkii dhammeeyey ayay wiilashii boqorku yimaadeen, codkoodiina kor bay u qaadeen, oo ooyeen, oo boqorkii iyo addoommadiisiina aad bay u ooyeen.
Tan pronto como terminó de hablar, he aquí que los hijos del rey venían, y alzaban la voz y lloraban. También el rey y todos sus servidores lloraron amargamente.
37 Laakiinse Absaaloom wuu cararay, oo u tegey boqorkii Geshuur oo ahaa Talmay ina Cammiixuur. Oo maalin kastaba Daa'uud wiilkiisii ayuu u barooranayay.
Pero Absalón huyó y se fue a Talmai, hijo de Ammihur, rey de Gesur. David lloraba a su hijo todos los días.
38 Sidaasuu Absaaloom u cararay, oo Geshuur u tegey, oo saddex sannadood buu halkaas joogay.
Así que Absalón huyó y se fue a Guesur, y estuvo allí tres años.
39 Boqor Daa'uudna aad buu ugu xiisooday inuu u tago Absaaloom; waayo, wuu ka samray Amnoon, maxaa yeelay, wuu dhintay.
El rey David anhelaba salir a ver a Absalón, pues estaba consolado por Amnón, ya que había muerto.

< Samuu'Eel Labaad 13 >