< Samuu'Eel Labaad 10 >

1 Taas dabadeedna boqorkii reer Cammoon ayaa dhintay, meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xaanuun ahaa.
Ikawa baadaye mfalme wa watu wa Amoni akafa, na Hanuni mwanaye akawa mfalme mahali pake.
2 Markaasaa Daa'uud yidhi, Anigu Xaanuun ina Naaxaash, waxaan ugu roonaan doonaa sidii aabbihiis iigu roonaaday oo kale. Sidaas daraaddeed Daa'uud wuxuu u diray addoommadiisii inay ka soo tacsiyeeyaan aabbihiis. Oo addoommadii Daa'uudna waxay yimaadeen dalkii reer Cammoon.
Daudi akasema, “Nitaonesha fadhiri Hanuni mwana wa Nahashi, kwa kuwa baba yake alinifadhiri.” Hivyo Daudi akatuma watumishi wake kumfariji Hanuni kwa habari ya baba yake. Watumishi wake wakaingia katika nchi ya watu wa Amoni.
3 Laakiinse amiirradii reer Cammoon waxay ku yidhaahdeen sayidkoodii Xaanuun, Ma waxaad u malaynaysaa in Daa'uud aabbahaa cisaynayo oo uu sidaas daraaddeed kuugu soo diray kuwa tacsiyada wada? Daa'uud sow uma soo dirin addoommadiisii inay magaalada baadhaan, oo ay soo basaasaan, oo ay dabadeedna afgembiyaan?
Lakini viongozi wa watu wa Amoni wakamwambia Hanuni bwana wao, “Je unathani kwa hakika Daudi anamweshimu baba yako hata ametuma watu kukutia moyo? Daudi hajawatuma watumishi wake kwako ili kuuangalia mji, kuupeleleza, ili kuupindua?
4 Sidaas daraaddeed Xaanuun wuxuu qabsaday Daa'uud addoommadiisii, oo intuu gadhkoodii badh ka xiiray ayuu dharkoodiina dhexda ka kala gooyay xataa ilaa dabada, markaasuu iska eryay.
Hivyo Hanuni akawachukuwa watumishi wa Daudi, akawanyoa nusu ya ndevu zao, akachana mavazi yao hadi kwenye matako, naye akawaacha waende zao.
5 Oo taas markii Daa'uud loo soo sheegay wuxuu iyagii u diray dad ka hor taga, waayo, nimankii aad bay u ceeboobeen. Boqorkiina wuxuu iyagii ku yidhi, Yerixoo iska jooga ilaa gadhku idiin soo baxo, dabadeedna soo noqda.
Daudi alipoelezwa kuhusu hili, akatuma watu kwenda kuwalaki, kwa kuwa walikuwa wamefedheheshwa sana. Mfalme akawambia, “Kaeni Yeriko mpaka ndevu zenu zitakapoota, ndipo mrudi.”
6 Oo reer Cammoonna markay ogaadeen inay Daa'uud isnacsiiyeen ayay u cid direen oo ka soo kiraysteen reer Suuriyihii Beytrexob degganaa, iyo reer Suuriyihii Soobaah degganaa labaatan kun oo nin oo lug ah, iyo boqorkii Macakaah oo isna wata kun nin, iyo raggii reer Toob oo iyana ahaa laba iyo toban kun oo nin.
Watu wa Amoni walipoona kwamba wamenuka kwa Daudi, wakatuma wajumbe na kuwaajiri Washami wa Bethi Rehobu na Soba, askari elfu ishirini waendao kwa mguu, na mfalme wa Maaka pamoja na watu elfu, na watu wa Tobu elfu kumi na mbili.
7 Oo Daa'uudna markuu taas maqlay ayuu diray Yoo'aab, iyo ciidankii raggii xoogga lahaa oo dhan.
Daudi aliposikia, akamtuma Yoabu na jeshi lote la askari.
8 Oo reer Cammoonna way soo baxeen, oo waxay dagaal isugu soo diyaariyeen iridda horteeda; oo reer Suuriyihii Soobaah ka yimid, iyo kuwii Rexob ka yimid, iyo raggii reer Toob iyo reer Macakaahna, duurkay keli ahaantood joogeen.
Waamoni wakatoka na wakafanya mistari ya vita katika maingilio ya lango la mji wao, wakati Washami wa Soba na wale wa Rehobu, na watu wa Tobu na Maaka, wakasimama peke yao uwandani.
9 Haddaba Yoo'aab markuu arkay in dagaal looga soo kacshay hore iyo dibba ayuu raggii reer binu Israa'iil ka xushay kuwii xuladka ahaa oo dhan, oo wuxuu u soo diyaariyey inay reer Suuriya la dagaallamaan.
Yoabu alipoona mistari ya vita ikimkabili pote mbele na nyuma, alichagua baadhi ya waisraeli wajuao kupigana vizuri na akawapanga dhidi ya Washami.
10 Oo dadkii intiisii kalena wuxuu u dhiibay walaalkiis Abiishay, oo isna wuxuu u soo diyaariyey inay reer Cammoon la dagaallamaan.
Na sehemu iliyosalia ya jeshi, akawaweka chini ya Abishai nduguye, naye akawaweka katika mistari ya vita dhidi ya jeshi la Amoni.
11 Oo wuxuu yidhi, Haddii reer Suuriya iga xoog bataan, waa inaad i soo caawisaa, laakiinse haddii reer Cammoon kaa xoog bataan, markaasaan kuu iman doonaa oo waan ku soo caawin doonaa.
Yoabu akasema, “ikiwa Washami watakuwa na nguvu zaidi juu yangu, kisha wewe, Abishai, lazima uniokoe. Lakini ikiwa jeshi la Amoni litakuwa na nguvu zaidi juu yako, nitakuja kukuokoa.
12 Haddaba si fiican u dhiirranow, oo aynu rag u ahaanno dadkeenna, iyo magaalooyinka Ilaaheen aawadood; oo Rabbiguna ha sameeyo wixii la wanaagsan.
Iweni na nguvu, nasi tujioneshe kuwa wenye nguvu kwa ajili ya watu wetu na miji ya Mungu wetu, kwa maana Yahwe atatenda yapendezayo kwa ajili ya kusudi lake.
13 Sidaas daraaddeed Yoo'aab iyo dadkii la jirayba waxay ugu soo dhowaadeen inay la dagaallamaan reer Suuriya, oo iyana markaasay hortiisa ka carareen.
Hivyo Yoabu na askari wa jeshi lake wakasonga mbele katika vita dhidi ya Washami, waliolazimika kukimbia mbele ya jeshi la Israeli.
14 Oo reer Cammoonna markay arkeen in reer Suuriya carareen, ayay Abiishay iyana hortiisa saasoo kale uga carareen, oo waxay galeen magaaladii. Markaasaa Yoo'aab ka soo noqday reer Cammoon, oo Yeruusaalem yimid.
Jeshi la Amoni lilipoona kwamba Washami wamekimbia, nao pia wakakimbia kutoka kwa Abishai wakarudi ndani ya mji. Ndipo Yoabu akarudi kutoka kwa watu wa Amoni na akarejea Yerusalemu.
15 Oo reer Suuriyana markay arkeen in iyaga looga adkaaday reer binu Israa'iil hortooda ayay dhammaantood isa soo wada urursadeen.
Washami walipoona kwamba wameshindwa na Israeli, walijikusanya pamoja tena.
16 Markaasaa Hadarceser u cid diray oo soo wada kexeeyey reer Suuriyihii Webiga ka shisheeyey; oo waxay yimaadeen Xeelaam, iyagoo uu madax u yahay Shoobag oo ahaa sirkaalkii ciidanka Hadarceser.
Kisha Hadareza akatuma kuleta vikosi vya Washami ng'ambo ya Mto Frati. Wakaja Helamu pamoja na Shobaki, mkuu wa jeshi la Hadareza juu yao.
17 Taas waxaa loo soo sheegay Daa'uud, kolkaasuu reer binu Israa'iil oo dhan soo wada ururiyey, oo intuu ka soo gudbay Webi Urdun ayuu Xeelaam yimid. Markaasaa reer Suuriya isugu soo diyaariyeen inay Daa'uud la dagaallamaan, wayna la dirireen.
Daudi alipoambiwa, aliwakusanya Israeli wote pamoja, akavuka Yordani, na akafika Helamu. Washami wakajipanga katika mistari ya vita dhidi ya Daudi na wakapigana naye.
18 Oo reer Suuriyana way ka carareen reer binu Israa'iil. Daa'uudna wuxuu reer Suuriya ka laayay toddoba boqol oo gaadhifaras raggoodii iyo afartan kun oo fardooley ah, oo wuxuu dilay Shoobag oo ahaa sirkaalkii ciidankooda, halkaasuuna ku dhintay.
Washami wakakimbia mbele ya Israeli. Daudi akaua askari mia saba wa magari na askari wa farasi elfu arobaini. Shobaki mkuu wa jeshi lao alijeruhiwa na akafa huko.
19 Oo markii boqorradii Hadarceser addoommada u ahaa oo dhammu ay arkeen in iyaga reer binu Israa'iil hortooda looga adkaaday ayay la nabdeen reer binu Israa'iil, wayna u adeegeen. Oo saas aawadeed reer Suuriya way ka cabsadeen inay mar dambe reer Cammoon caawiyaan.
Wafalme wote waliokuwa watumishi wa Hadareza walipoona kuwa wameshindwa na Israeli, walifanya amani na Israeli na wakawa watumishi wao. Hivyo washami wakaogopa kuwasaidia watu wa Amoni tena.

< Samuu'Eel Labaad 10 >