< Samuu'Eel Labaad 10 >

1 Taas dabadeedna boqorkii reer Cammoon ayaa dhintay, meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xaanuun ahaa.
И бысть по сих, и умре царь сынов Аммоних, и царствова сын его Аннон вместо его.
2 Markaasaa Daa'uud yidhi, Anigu Xaanuun ina Naaxaash, waxaan ugu roonaan doonaa sidii aabbihiis iigu roonaaday oo kale. Sidaas daraaddeed Daa'uud wuxuu u diray addoommadiisii inay ka soo tacsiyeeyaan aabbihiis. Oo addoommadii Daa'uudna waxay yimaadeen dalkii reer Cammoon.
И рече Давид: сотворю милость со Анноном сыном Наасовым, имже образом сотвори отец его милость со мною. И посла Давид утешити его рукою рабов своих о отце его. И приидоша отроцы Давидовы в землю сынов Аммоних.
3 Laakiinse amiirradii reer Cammoon waxay ku yidhaahdeen sayidkoodii Xaanuun, Ma waxaad u malaynaysaa in Daa'uud aabbahaa cisaynayo oo uu sidaas daraaddeed kuugu soo diray kuwa tacsiyada wada? Daa'uud sow uma soo dirin addoommadiisii inay magaalada baadhaan, oo ay soo basaasaan, oo ay dabadeedna afgembiyaan?
И реша старейшины сынов Аммоних ко Аннону господину своему: еда прославления ради отца твоего пред тобою посла к тебе Давид утешители? Не да испытают ли град, и соглядают его, еже разрушити его, посла Давид рабы своя к тебе?
4 Sidaas daraaddeed Xaanuun wuxuu qabsaday Daa'uud addoommadiisii, oo intuu gadhkoodii badh ka xiiray ayuu dharkoodiina dhexda ka kala gooyay xataa ilaa dabada, markaasuu iska eryay.
И взя Аннон отроки Давидовы, и остриже половину брад их, и обреза одеяния их половину даже до чресл их, и отпусти их.
5 Oo taas markii Daa'uud loo soo sheegay wuxuu iyagii u diray dad ka hor taga, waayo, nimankii aad bay u ceeboobeen. Boqorkiina wuxuu iyagii ku yidhi, Yerixoo iska jooga ilaa gadhku idiin soo baxo, dabadeedna soo noqda.
И возвестиша Давиду о мужех, и посла в сретение им, яко беша мужие тии обезчещени зело. И рече царь: седите во Иерихоне, дондеже возрастут брады вашя, и возвратитеся.
6 Oo reer Cammoonna markay ogaadeen inay Daa'uud isnacsiiyeen ayay u cid direen oo ka soo kiraysteen reer Suuriyihii Beytrexob degganaa, iyo reer Suuriyihii Soobaah degganaa labaatan kun oo nin oo lug ah, iyo boqorkii Macakaah oo isna wata kun nin, iyo raggii reer Toob oo iyana ahaa laba iyo toban kun oo nin.
И видеша сынове Аммони, яко посрамлени быша людие Давидовы: и послаша сынове Аммони, и наяша Сирию Вефраамлю, и Сирию Сувску и Роовлю двадесять тысящ пешцев, и царя Амалика Мааха тысящу мужей, и Истова дванадесять тысящ мужей.
7 Oo Daa'uudna markuu taas maqlay ayuu diray Yoo'aab, iyo ciidankii raggii xoogga lahaa oo dhan.
И слыша Давид, и посла Иоава и всю силу сильных.
8 Oo reer Cammoonna way soo baxeen, oo waxay dagaal isugu soo diyaariyeen iridda horteeda; oo reer Suuriyihii Soobaah ka yimid, iyo kuwii Rexob ka yimid, iyo raggii reer Toob iyo reer Macakaahna, duurkay keli ahaantood joogeen.
И изыдоша сынове Аммони, и устроиша брань пред враты града: Сириа же Сувска и Роов, и Истов и Амалик, едини (сташа) на селе.
9 Haddaba Yoo'aab markuu arkay in dagaal looga soo kacshay hore iyo dibba ayuu raggii reer binu Israa'iil ka xushay kuwii xuladka ahaa oo dhan, oo wuxuu u soo diyaariyey inay reer Suuriya la dagaallamaan.
И виде Иоав, яко бысть на него противное лице брани сопреди и созади, и избра от всех юнош Израилевых, и устрои их противу Сириан,
10 Oo dadkii intiisii kalena wuxuu u dhiibay walaalkiis Abiishay, oo isna wuxuu u soo diyaariyey inay reer Cammoon la dagaallamaan.
останок же людий даде в руце брату своему Авессе и устрои я противу сынов Аммоних,
11 Oo wuxuu yidhi, Haddii reer Suuriya iga xoog bataan, waa inaad i soo caawisaa, laakiinse haddii reer Cammoon kaa xoog bataan, markaasaan kuu iman doonaa oo waan ku soo caawin doonaa.
и рече (Иоав ко Авессе): аще укрепится Сириа паче мене, и будете мне на спасение: аще же укрепятся сынове Аммони паче тебе, и будем спасати тя:
12 Haddaba si fiican u dhiirranow, oo aynu rag u ahaanno dadkeenna, iyo magaalooyinka Ilaaheen aawadood; oo Rabbiguna ha sameeyo wixii la wanaagsan.
мужаимся и укрепимся о людех наших и о градех Бога нашего, и Господь сотворит благое пред очима Своима.
13 Sidaas daraaddeed Yoo'aab iyo dadkii la jirayba waxay ugu soo dhowaadeen inay la dagaallamaan reer Suuriya, oo iyana markaasay hortiisa ka carareen.
И прииде Иоав и людие его с ним на брань на Сирию, и побегоша от лица его.
14 Oo reer Cammoonna markay arkeen in reer Suuriya carareen, ayay Abiishay iyana hortiisa saasoo kale uga carareen, oo waxay galeen magaaladii. Markaasaa Yoo'aab ka soo noqday reer Cammoon, oo Yeruusaalem yimid.
И видеша сынове Аммони, яко бежаша Сириане, и бежаша от лица Авессы и внидоша во град. И возвратися Иоав от сынов Аммоних, и прииде во Иерусалим.
15 Oo reer Suuriyana markay arkeen in iyaga looga adkaaday reer binu Israa'iil hortooda ayay dhammaantood isa soo wada urursadeen.
И видеша Сириане, яко падоша пред Израилем, и собрашася вкупе.
16 Markaasaa Hadarceser u cid diray oo soo wada kexeeyey reer Suuriyihii Webiga ka shisheeyey; oo waxay yimaadeen Xeelaam, iyagoo uu madax u yahay Shoobag oo ahaa sirkaalkii ciidanka Hadarceser.
И посла Адраазар, и собра Сирианы, иже об он пол реки Халамака, и приидоша во Елам: и Совак старейшина силы Адраазаровы пред ними.
17 Taas waxaa loo soo sheegay Daa'uud, kolkaasuu reer binu Israa'iil oo dhan soo wada ururiyey, oo intuu ka soo gudbay Webi Urdun ayuu Xeelaam yimid. Markaasaa reer Suuriya isugu soo diyaariyeen inay Daa'uud la dagaallamaan, wayna la dirireen.
И возвестиша Давиду, и собра всего Израиля, и прейде Иордан, и прииде во Елам. И устроишася Сириане на Давида, и брашася с ним,
18 Oo reer Suuriyana way ka carareen reer binu Israa'iil. Daa'uudna wuxuu reer Suuriya ka laayay toddoba boqol oo gaadhifaras raggoodii iyo afartan kun oo fardooley ah, oo wuxuu dilay Shoobag oo ahaa sirkaalkii ciidankooda, halkaasuuna ku dhintay.
и бежаша Сириане от лица Израилтян. И отя Давид от Сирии седмь сот колесниц и четыредесять тысящ конник, и Совака старейшину силы его уби, и умре тамо.
19 Oo markii boqorradii Hadarceser addoommada u ahaa oo dhammu ay arkeen in iyaga reer binu Israa'iil hortooda looga adkaaday ayay la nabdeen reer binu Israa'iil, wayna u adeegeen. Oo saas aawadeed reer Suuriya way ka cabsadeen inay mar dambe reer Cammoon caawiyaan.
И видеша вси царие раби Адраазаровы, яко падоша пред Израилем, и пребегоша ко Израилю и работаша им: и убояшася Сириане спасати ктому сынов Аммоних.

< Samuu'Eel Labaad 10 >