< 2 Butros 2 >

1 Laakiinse waxaa dadkii ka dhex kacay nebiyo been ah, oo idinkana sidaas oo kale waxaa idinku dhex jiri doona macallimiin been ah, oo qarsoodi idinku keeni doona bidcinimo wax halligaysa, iyagoo diidaya xataa Sayidkii soo iibsaday, oo dushooda ku soo dejinaya halligaad dhaqso ah.
Були ж і лжепророки між людьми, як і між вами будуть лжеучителї, котрі введуть єресї погибелі, і відцуравшись викупившого їх Владики, приведуть на себе скору погибіль.
2 Kuwa badan baa raaci doona ficiladooda nijaasta ah, oo sababtooda ayaa loo caayi doonaa jidka runta ah.
І многі підуть за їх погибіллю, котрі дорогу правди хулити муть,
3 Damac xumaan bay hadallo iskayeelyeel ah idinkaga baayacmushtari doonaan, kuwaas oo xukunkoodii waa hore lagu xukumay uusan haatan raagayn, halligaaddoodiina ayan gam'ayn.
і в зажерливості придуманими словами вас підходити муть, для котрих суд з давнього часу не гаїть ся, і погибіль їх не дрімає.
4 Maxaa yeelay, Ilaah uma tudhin malaa'igihii dembaabay, laakiinse wuxuu iyagii ku tuuray cadaabta, oo wuxuu ku riday godad gudcur ah iyagoo xukun aawadiis loo hayo. (Tartaroō g5020)
Бо коли Бог ангелів, що згрішили, не пощадив, а кинув їх в окови пекельної темряви, і передав, щоб хоронено їх на суд; (Tartaroō g5020)
5 Oo dunidii horena uma u tudhin, laakiinse wuxuu badbaadshay Nuux, oo ahaa mid xaqnimada wax ku wacdiya, iyo toddoba qof oo kale, markuu daadkii ku soo daayay dunidii cibaadalaawayaasha.
і коли первого сьвіта не пощадив, а самовосьмого Ноя, проповідника правди, охоронив, повідь на сьвіт нечестивих допустивши;
6 Oo magaalooyinkii ahaa Sodom iyo Gomorana wuxuu ka dhigay dambas, oo intuu afgembi ku xukumay, ayuu masaal uga dhigay kuwii cibaadalaawayaal noqon lahaa,
і коли городи Содому й Гоморру засудив на руїну, обернувши в попіл, і поставивши, яко приклад для будучих безбожників,
7 oo wuxuu ka samatabbixiyey Luud kii xaqa ahaa oo aad loogu saxariiriyey sharcilaawayaashii dabiicaddoodii nijaasta ahayd.
а ізбавив праведного Лота, омерзенного розпустним життєм безбожників;
8 Waayo, ninkaas xaqa ahaa iyaguu dhex degganaa, oo waxaa naftiisii xaqa ahayd maalin ka maalin silciyey camaladoodii sharciga ka geesta ahaa markuu arkay oo maqlay.
(живучи бо між ними праведник той, дивлячись і слухаючи про беззаконні діла, день в день мучив праведну душу; )
9 Rabbigu waa yaqaan sida kuwa cibaadada leh jirrabaadda looga samatabbixiyo iyo sida kuwa aan xaqa ahayn loo hayo iyagoo ciqaaban ilaa maalinta xisaabta,
то й знав Господь побожних з покуси вибавляти, неправедних же хоронити про судний день на муки,
10 khusuusan kuwa jidhka raaca, iyagoo damaca nijaasta ah ku socda, oo sayidnimada quudhsada. Iyagu waa indha adag yihiin oo waa macangag, kamana cabsadaan inay kuwa derejada leh caayaan.
найбільше ж тих, що ходять в слїд за тілом в нечистому хотінню, і зневажають начальство; що сьміливі, самолюбні, не лякають ся хулити власть,
11 Malaa'iguhuna in kastoo ay iyaga itaal iyo xoogba ka badan yihiin, iyaga dacwo cay ah Rabbiga hortiisa kagama dacweeyaan.
хоч ангели, кріпостю і силою більшими бувши, не приносять проти них перед Господа докоряючого суду.
12 Laakiinse kuwanu waa sida xayawaan aan caqli lahayn oo u dhashay in la qabsado oo la dilo, oo waxay caayaan wax aanay garanayn. Hubaal iyagu halligaaddooda ayay ku halligmi doonaan.
Сї ж як безсловесні зьвірі, природні, що родять ся на лови і забиттє, хулять, чого не розуміють, і в зотлїнню своїм загинуть,
13 Xaqdarradooda waxaa loogu abaalgudaa xaqdarro, oo waxaa iyaga la wanaagsan inay maalinnimada raaxaystaan. Iyagu waa waskhaamiin iyo ceebaalowyo, oo markay idinla feeysteeyaan waxay ku raaxaystaan khiyaanadooda.
і нагороду неправди приймуть. Солодкими вважають вони дочасні розкоші; вони самий сором і беззаконнє, розкошують в обманьстві своїм, їдаючи з вами;
14 Waxay leeyihiin indho sino miidhan ah oo aan dembi ka joogsan karin. Kuwa aan adkayn ayay sasabtaan, waxayna leeyihiin qalbi damacxumaan ku noqnoqda, oo waa dad nacladeed.
очі мають повні прелюбодїяння і неперестаючого гріха, надять душі неутверджені; серце в них навчене до зажерливосте, се - діти прокляття;
15 Jidkii qummanaa ayay ka leexdeen oo way ambadeen, waxayna raaceen jidkii Balcaam ina Becoor oo jeclaaday abaalgudka xaqdarrada.
котрі, опустивши праву дорогу, заблудили, йдучи дорогою Валаама, сина Восорового, що полюбив неправедну нагороду,
16 Laakiinse isaga waxaa loo canaantay xadgudubkiisii aawadiis. Dameer carrab la' ayaa ku hadlay dad codkiis, oo wuxuu joojiyey waallidii nebiga.
тільки ж мав кару за своє беззаконнє, бо підяремник нїмий, проговоривши чоловічим голосом, остановив нерозум пророка.
17 Kuwanu waa ilo aan biyo lahayn, iyo ceeryaamo uu duufaan kaxeeyo, oo waxaa iyaga daraaddood loo sii dhigay madowga gudcurka.
Се жерела безводні, хмари, хуртовиною гонимі, котрим чорна темрява на віки захована. (questioned)
18 Waayo, iyagu waxay ku hadlaan hadal faan ah oo aan micne lahayn, oo kuwa in yar kaga baxsanaya kuwa qaladka ku socda ayay ku sasabtaan damacyada jidhka xagga nijaasta;
Промовляючи бо великими і марними словами, принаджують хотїннєм тїла та розпустою тих, що ледво утїкли від живучих в блудї,
19 oo waxay iyaga ugu ballanqaadaan xorriyad, laakiinse iyaga qudhooduba waa addoommadii kharribaadda. Waayo, wixii ka adkaada nin ayaa isaga addoonsada.
обіцяючи їм волю, самі бувши слуги зотлїння; хто бо ким подужаний, того він і невольник.
20 Waayo, markii ay nijaasta dunida kaga baxsadeen aqoontii Rabbiga ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, haddii ay haddana ku dhex murgaan oo laga adkaado, xaalkooda dambe waa ka sii xumaadaa kii hore.
Коли бо, утїкши від нечистоти сьвіта через пізнаннє Господа і Спаса Ісуса Христа, однакож, знов замотавшись, бувають подужані, то останнє їх - гірше первого.
21 Intii ay jidka xaqnimada aqoon lahaayeen oo ay dib uga noqon lahaayeen amarka quduuska ah oo iyaga la siiyey, waxaa uga wanaagsanaan lahayd inayan aqoon jidkaas.
Лучче би їм було не пізнати дороги правди, як, пізнавши, одвернутись від переданої їм сьвятої заповіди.
22 Wixii maahmaahda runta ah lagu yidhi ayaa iyaga ku dhacay. Eeygu wuxuu ku noqdaa mantaggiisa. Doofaarraddii maydhatayna waxay dib ugu noqotaa gelgelinta dhoobada.
Довело ся ж їм по правдивій приповістї: "Пес вертаєть ся до своєї блювотини", а свиня, скупавшись, (іде) валятись у калюжу.

< 2 Butros 2 >