< Boqorradii Labaad 7 >

1 Markaasaa Eliishaa yidhi, War maqla erayga Rabbiga. Rabbigu wuxuu leeyahay, Berrito hadda oo kale Samaariya iriddeeda koombo bur ah waxaa lagaga iibin doonaa sheqel, oo laba koombo oo shaciir ahna waxaa lagaga iibin doonaa sheqel.
الیشع جواب داد: «خداوند می‌فرماید که فردا همین وقت کنار دروازهٔ سامره با یک مثقال نقره می‌توانید سه کیلو آرد یا شش کیلو جو بخرید.»
2 Oo sirkaalkii gacantiisa boqorku ku tiirsanaa wuxuu ninkii Ilaah ugu jawaabay, Rabbiga oo samada daaqado ka fura mooyaane, ee sidee baa waxanu ku noqon karaan? Oo isna wuxuu ku yidhi, Bal ogow, indhahaaga ayaad ku arki doontaa, laakiinse waxba kama cuni doontid.
افسری که ملتزم پادشاه بود، گفت: «حتی اگر خداوند از آسمان غله بفرستد، این که تو می‌گویی عملی نخواهد شد.» الیشع به او گفت: «تو با چشمان خود آن را خواهی دید، ولی از آن نخواهی خورد.»
3 Haddaba iridda magaalada laga soo galo waxaa joogay afar nin oo baras qabay; oo iyana midba kii kaluu ku yidhi, War maxaynu halkan u fadhinnaa ilaa aynu ka dhimanno?
در این هنگام چهار مرد جذامی بیرون دروازهٔ شهر بودند. آنها به یکدیگر گفتند: «چرا اینجا بنشینیم و بمیریم؟
4 Haddaynu nidhaahno, Aan magaalada galno, de markaasna magaaladii waa abaar, oo kolleyba halkaasaynu ku dhimanaynaa. Oo haddaynu halkan iska fadhinnona waynu dhimanaynaa. Haddaba ina keena oo aynu ciidanka Suuriya u baxno; oo hadday na bixiyaan, waynu noolaan, hadday na dilaanna kolleyba waynu dhiman lahayn.
چه اینجا بمانیم و چه وارد شهر شویم، از گرسنگی خواهیم مرد. پس چه بهتر که به اردوگاه سوری‌ها برویم. اگر گذاشتند زنده بمانیم چه بهتر و اگر ما را کشتند، باز هم فرقی نمی‌کند، چون دیر یا زود از گرسنگی خواهیم مرد.»
5 Oo markaasay fiidkii kaceen inay tagaan xeradii ciidanka Suuriya, oo markay yimaadeen dibadda sare oo xeradii ciidankii Suuriya waxay arkeen inaan ciduna halkaas joogin.
پس آن شب برخاسته، به اردوگاه سوری‌ها رفتند، ولی کسی آنجا نبود.
6 Maxaa yeelay, Sayidku wuxuu ciidankii Suuriya maqashiiyey gaadhifardood sanqadhood, iyo fardo sanqadhood, iyo xataa ciidan weyn sanqadhiis; oo waxay isku yidhaahdeen, War boqorkii dalka Israa'iil wuxuu inoo soo kiraystay boqorradii reer Xeed, iyo boqorradii Masar inay inagu soo duulaan.
چون خداوند صدای ارابه‌ها و اسبان و صدای لشکر عظیمی را در اردوی سوری‌ها پیچانده بود، به طوری که آنها فکر کرده بودند پادشاه اسرائیل پادشاهان حیت و مصر را اجیر کرده، تا به آنها حمله کنند؛
7 Sidaas daraaddeed way kaceen oo carareen intay fiidkii ahayd. Waxayna ka tageen teendhooyinkoodii, iyo fardahoodii, iyo dameerahoodii, iyo xataa xeradiina siday ahayd; naftoodiina way la carareen.
پس هراسان شده، شبانه خیمه‌ها، اسبها، الاغها و چیزهای دیگر را که در اردوگاه بود گذاشته، از ترس جان خود فرار کرده بودند.
8 Oo kuwii baraska qabayna markay yimaadeen xeradii dibaddeeda sare ayay teendho galeen, oo wax bay cuneen, waxna way cabbeen, markaasay halkaas ka qaateen lacag, iyo dahab, iyo dhar, oo intay tageen ayay soo qarsadeen; oo haddana way soo noqdeen oo waxay galeen teendho kale, oo halkaasna wax kalay ka qaateen, oo intay tageen ayay soo qarsadeen.
جذامی‌ها وقتی به کنار اردوگاه رسیدند، به خیمه‌ها داخل شده، خوردند و نوشیدند و نقره و طلا و لباسی را که در خیمه بود با خود بردند و پنهان کردند. سپس وارد خیمهٔ دوم شده، اموال آن را نیز برداشتند و پنهان کردند.
9 Markaasay isku yidhaahdeen, War wax wanaagsan ma samaynayno, waayo, maanta waa maalin war wanaagsan, oo annana waynu iska aamusan nahay. Haddaynu sugno ilaa waagu ka beryo hubaal belaayo baa inagu dhici doonta; haddaba ina keena oo aynu xaalkan reerkii boqorka u soo sheegno.
ولی بعد به یکدیگر گفتند: «ما کار خوبی نمی‌کنیم. نباید ساکت بنشینیم؛ باید این خبر خوش را به همه برسانیم. اگر تا فردا صبح صبر کنیم بلایی بر سرمان خواهد آمد. بیایید فوری برگردیم و این خبر خوش را به قصر پادشاه برسانیم.»
10 Sidaas daraaddeed way yimaadeen, oo waxay u dhawaaqeen magaalada iridjoogayaasheedii; oo way u warrameen oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaannu galnay xeradii ciidanka Suuriya, oo halkaas ninna ma joogin, codna laguma maqal, laakiinse waxaa joogay fardihii xidhxidhnaa, iyo dameerihii xidhxidhnaa, iyo teendhooyinkii oo sidoodii iska ahaa.
پس آنها رفتند و آنچه را که اتفاق افتاده بود به نگهبانان دروازهٔ شهر خبر داده، گفتند: «ما به اردوگاه سوری‌ها رفتیم و کسی در آنجا نبود. اسبها و الاغها و خیمه‌ها سرجایشان بودند، ولی حتی یک نفر هم در آن حوالی دیده نمی‌شد.»
11 Oo isna wuxuu u yeedhay iridjoogayaashii, oo iyana waxay saas u soo sheegeen reerkii boqorka ee gudaha joogay.
نگهبانان نیز این خبر را به دربار رساندند.
12 Markaasaa boqorkii habeennimadii toosay oo addoommadiisii ku yidhi, Haatan waxaan idin tusayaa wixii ay reer Suuriya nagu sameeyeen. Iyagu way og yihiin inaynu gaajaysan nahay, oo sidaas daraaddeed xeradii way ka baxeen oo duurka ku dhuunteen, oo waxay isyidhaahdeen, Markay magaalada ka soo baxaan ayaynu iyagoo noolnool qabqabanaynaa, oo magaalada ayaynu galaynaa.
پادشاه از رختخوابش بیرون آمد و به افرادش گفت: «من به شما می‌گویم که چه شده است. سوری‌ها می‌دانند که ما گرسنه هستیم، پس برای اینکه ما را از شهر بیرون بکشند، از اردوگاه بیرون رفته، خود را در صحرا پنهان کرده‌اند. آنها در این فکر هستند که وقتی از شهر خارج شدیم به ما هجوم بیاورند و اسیرمان کنند و شهر را به تصرف خود درآورند.»
13 Oo mid addoommadiisii ka mid ahaa ayaa ugu jawaabay, Waxaan kaa baryayaa in qaar wado shan faras oo kuwa magaalada ku hadhay ah, (maxaa yeelay, iyagu waxay la mid yihiin sida dadkii Israa'iil ka hadhay oo dhan, oo waxay la mid yihiin sida dadkii Israa'iil ee le'day oo dhan, ) oo aynu dirno iyagu ha soo arkeene.
یکی از درباریان در جواب او گفت: «بهتر است چند نفر را با پنج اسبی که برای ما باقی مانده به آنجا بفرستیم و موضوع را تحقیق کنیم. مردم اینجا همه محکوم به مرگ هستند، پس بهتر است به هر قیمتی شده این را امتحان کنیم.»
14 Oo sidaas daraaddeed waxay wadeen laba gaadhifaras iyo fardahoodii; oo boqorkii baa wuxuu ka daba diray ciidankii Suuriya, oo wuxuu ku yidhi, Ordoo soo arka.
پس دو ارابه با اسبهای باقیمانده حاضر کردند و پادشاه چند نفر را فرستاد تا ببیند چه بر سر لشکر سوری آمده است.
15 Oo iyana waxay daba socdeen ilaa Webi Urdun; oo bal eeg jidka oo dhan waxaa ka buuxay dhar iyo weelal ay reer Suuriya iska xooreen intay degdegayeen. Oo wargeeyayaashiina intay soo noqdeen ayay saas boqorkii u soo sheegeen.
آنها رد پای سوری‌ها را تا کنار رود اردن دنبال کردند. تمام جاده از لباس و ظروفی که سوری‌ها در حین فرار به زمین انداخته بودند، پر بود. مأموران بازگشتند و به پادشاه خبر دادند که سربازان سوری همه فرار کرده‌اند.
16 Markaasaa dadkii baxay oo waxay dhaceen xeradii reer Suuriya. Haddaba koombo bur ah waxaa lagu iibiyey sheqel, laba koombo oo shaciir ahna waxaa lagu iibiyey sheqel, oo waxay noqotay sidii erayga Rabbigu ahaa.
به محض شنیدن این خبر، مردم سامره هجوم بردند و اردوگاه سوری‌ها را غارت کردند. پس همان‌گونه که خداوند فرموده بود، در آن روز سه کیلو آرد به یک مثقال نقره و شش کیلو جو به همان قیمت فروخته شد.
17 Markaasaa boqorkii sirkaalkii uu gacantiisa ku tiirsanaa ku amray inuu iridda u taliyo; laakiinse dadkii baa ku tuntay isagoo iridda jooga, oo wuu dhintay sidii ninkii Ilaah sheegay kolkii boqorku isaga u soo dhaadhacay.
پادشاه ملتزم خود را دم دروازهٔ شهر گذاشت تا بر رفت و آمد مردم نظارت کند. ولی هنگامی که مردم هجوم آوردند، او زیر دست و پای آنها کشته شد، همان‌گونه که الیشع، وقتی پادشاه به خانهٔ او آمده بود، آن را پیشگویی کرد.
18 Oo waxay noqotay sidii ninkii Ilaah boqorkii ula hadlay isagoo leh, Berrito hadda oo kale Samaariya iriddeeda laba koombo oo shaciir ah waxaa lagaga iibin doonaa sheqel, koombo bur ahna waxaa lagaga iibin doonaa sheqel;
الیشع به پادشاه گفته بود که روز بعد، کنار دروازهٔ شهر، شش کیلو جو و سه کیلو آرد هر یک به یک مثقال نقره فروخته خواهد شد.
19 oo sirkaalkii baa wuxuu ugu jawaabay ninkii Ilaah, Rabbiga oo samada daaqado ka fura mooyaane, ee sidee baa waxanu ku noqon karaan? Oo isna wuxuu ku yidhi, Bal ogow, indhahaaga waad ku arki doontaa, laakiinse waxba kama cuni doontid.
ولی ملتزم پادشاه جواب داده بود: «حتی اگر خداوند از آسمان غله بفرستد، این که تو می‌گویی عملی نخواهد شد.» و الیشع نیز به او گفته بود: «تو با چشمان خود آن را خواهی دید، ولی از آن نخواهی خورد.»
20 Haddaba isagii sidii baa ku dhacday; maxaa yeelay, isagii dadkii baa ku tuntay isagoo iridda jooga oo wuu dhintay.
درست همین‌طور شد؛ او در کنار دروازه، زیر دست و پای مردم ماند و کشته شد.

< Boqorradii Labaad 7 >