< Boqorradii Labaad 5 >

1 Haddaba Nacamaan oo ahaa sirkaalkii ciidanka boqorka Suuriya wuxuu ahaa nin xagga sayidkiisa ku weyn oo ciso leh, maxaa yeelay, isaga ayaa Rabbigu reer Suuriya lib ku siiyey; oo weliba wuxuu ahaa nin xoog leh, laakiinse baras buu qabay.
Basi Naamani, amri jeshi wa mfalme wa Shamu, alikuwa mtu mkubwa na mtu mwenye kuheshimiwa mbele ya bwana wake, kwa sababu kwa ajili yake Yahwe aliwapa ushindi Washami. Pia alikuwa hodari, mtu shujaa, lakini alikuwa anaukoma.
2 Oo reer Suuriyana guutooyin bay ku baxeen, oo waxay dalkii Israa'iil ka soo dhaceen gabadh yar, oo iyana Nacamaan bilcantiisa ayay u adeegi jirtay.
Washami walikuwa wametoka kuongoza kikosi na kumchukua kijana mdogo wa kike kutoka nchi ya Israeli. Akamuhudumia mke wa Naamani.
3 Oo waxay sayidaddeedii ku tidhi, Hoogay, haddii sayidkaygu hor tegi lahaa nebiga Samaariya jooga wuu ka bogsiin lahaa baraskan.
Yule binti akamwambia bibi yake, “Natamani kwamba bwana wangu angelikuwa na nabii ambaye yupo Samaria! Halafu angelimponya bwana wangu ukoma wake.
4 Oo mid baa sayidkiisii u galay oo ku yidhi, Gabadhii dalka Israa'iil ka timid saas iyo saas bay tidhi.
Hivyo Naamani akaingia na kumwambia mfalme kile ambacho yule binti kutoka nchi ya Israeli alichokuwa amekisechosema.
5 Markaasaa boqorkii Suuriya wuxuu Nacamaan ku yidhi, War orod oo tag, oo anna warqad baan kuugu sii dhiibayaa boqorka dalka Israa'iil. Oo isna wuu tegey, oo wuxuu qaaday toban talanti oo lacag ah, iyo lix kun oo sheqel oo dahab ah, iyo toban iskujoog oo dhar ah.
Kisha mfalme wa Shamu akase, “Nenda sasa, na nitatuma barua kwa mfalme wa Israeli.” Naamani akaondoka na kuchukua talanta zake kumi za fedha, vipande elfu sita vya dhahabu, na nguo kumi za kubadilisha.
6 Oo wuxuu u keenay boqorkii dalka Israa'iil warqaddii lahayd, Haddaba markii warqaddanu kuu timaado, bal eeg, addoonkayga Nacamaan ah ayaan kugu soo diray si aad baraska uga bogsiisid.
Pia alichukua barua ya kumpelekea mfalme wa Israeli inayosema, “Sasa wakati hii barua itakapoletwa kwako, utaona kwamba nimemtuma mtumishi wangu Naamani kwako, hivyo basi utamponya ukoma wake.”
7 Oo markii boqorkii dalka Israa'iil warqaddii akhriyey ayuu dharkiisii iska jeexjeexay oo wuxuu yidhi, War ma anigaa ah Ilaah wax dili kara, waxna noolayn kara? Oo ninkanu ma saasuu nin iigu soo diray si aan baraska uga bogsiiyo? Waan idin baryayaaye bal u fiirsada siduu ii daandaansanayo.
Wakati mfalme wa Israeli alipoisoma ile barua, alichana mavazi yake na kusema, “Je mimi ni Mungu, niue na nirudishe uhai, kwamba huyu mtu anataka nimponye mtu ukoma wake? Inaonekana anatafuta mashindano na mimi.”
8 Oo markii Eliishaa oo ahaa nin Ilaah uu maqlay in boqorkii dalka Israa'iil dharkiisii iska jeexjeexay ayuu u cid diray boqorkii oo ku yidhi, War maxaad dharkaagii isaga jeexjeexday? Bal isagu ha ii yimaado, oo wuxuu ogaan doonaa in dalka Israa'iil nebi dhex joogo.
Ikawa wakati Elisha mtu wa Mungu aliposikia kwamba mfalme wa Israeli alichana nguo zake, akatuma neno kwa mfalme akisema, “Kwa nini umechana nguo zako? Muache aje kwangu sasa, na atajua kwamba kuna nabii katika Israeli.”
9 Markaasaa Nacamaan yimid, isagoo wata fardihiisii iyo gaadhifardoodkiisii, oo wuxuu soo hor istaagay albaabkii gurigii Eliishaa.
Basi Naamani akaja na farasi wake na mikokoteni yake ya kukokotwa na farasi na kusimama kwenye mlango wa nyumba ya Elisha.
10 Oo Eliishaa wargeeyuu u diray oo wuxuu ku yidhi, Tag oo Webi Urdun toddoba jeer ku maydho, oo jiidhkaagu mar kaluu kuu soo noqon doonaa, oo nadiif baad ahaan doontaa.
Elisha akamtumia mjumbe, akisema, “Nenda na ukazame mwenyewe katika Yordani mara saba, na ngozi ya mwili wako itajirudi; utakuwa msafi.”
11 Laakiinse Nacamaan wuu cadhooday oo tegey, oo wuxuu yidhi, Bal eega, waxaan mooday inuu isaga qudhiisu ii soo baxayo oo istaagayo, oo uu magaca Rabbiga Ilaahiisa ah iigu ducaynayo, oo uu gacantiisa meesha bukta dul marmarinayo, oo uu saas baraska ku bogsiinayo.
Lakini Naamani alikasirika na kuondoka na kusema, “Tazama, Nilidhani bila shaka angekuja kwangu na kusimama na kuliita jina la Yahwe Mungu wake, na kupitisha mkono wake kwenye sehemu ya ugonjwa na kuponya ukoma wangu.
12 War Abaanaah iyo Farfar oo ah webiyadii Dimishaq sow kama wanaagsana biyaha dalka Israa'iil oo dhan? Bal miyaanan iyaga ku maydhan karin oo nadiif ahaan karin? Sidaas daraaddeed wuu noqday, oo wuxuu tegey isagoo cadhaysan.
Je sio Abana na Faepari, mito ya Damaskasi, bora kuliko maji yote ya Israeli?” Je siwezi kuoga ndani yao na kuwa safi?” Hivyo akageuka na kwenda kwa hasira.
13 Laakiinse addoommadiisii ayaa u yimid oo la hadlay, oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbow, haddii nebigu wax weyn kugu amro sow ma aadan samayseen? Haddaba bal maxaa ka sahlan hadduu kugu yidhaahdo, Maydho, oo nadiif noqo?
Ndipo watumishi wa Naamani wakaja karibbu na kumwambia, “Baba yangu, kama yule nabii alikuamuru kufanya kitu kigumu, singelifanya? Je si zaidi basi, atakapokwambia rahisi, 'Zama mwenyewe na uwe safi?”
14 Markaasuu tegey, oo sidii ninkii Ilaah isaga ku yidhi ayuu yeelay, oo Webi Urdun ayuu toddoba jeer liimbaday; oo jiidhkiisiina mar kaluu u soo noqday isagoo u eg ilmo yar jiidhkiis, nadiif buuna noqday.
Ndipo akashuka chini na kuzama mwenyewe mara saba kwenye Yordani, akitii maelekezo ya mtu wa Mungu. Nyama ya mwili wake ikarudi tena kama nyama ya mwili ya mtoto mdogo, na alikuwa amepona.
15 Markaasuu ninkii Ilaah ku noqday, oo isagii iyo kooxdiisii oo dhammuba, intay yimaadeen ayay hortiisii soo istaageen; oo isna wuxuu yidhi, Bal eeg, haatan waan ogahay inaan dunida oo dhan Ilaah lagu arag dalka Israa'iil mooyaane, haddaba sidaas daraaddeed waxaan kaa baryayaa inaad qaadato hadiyaddayda anoo addoonkaaga ah.
Naamani akarudi kwa yule mtu wa Mungu, yeye na watu wake wengine, na kuja na kusimama mbele yake. Akasema, “Tazama, sasa najua kwamba hakuna Mungu katika Dunia nzima isipokuwa katika Israeli. Kwa hiyo basi, chukua zawadi kutoka kwa mtumishi wako tafadhali.”
16 Laakiinse Eliishaa wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay nolosha Rabbiga aan hor taagnahaye inaanan waxba kaa qaadanayn. Oo isna wuu ku sii cadaadiyey inuu qaato, laakiinse Eliishaa wuu diiday.
Lakini Elisha akajibu, “Kama Yahwe aishivyo, ambaye nimesimama mbele yake, sintopokea chochote.”Naamani akamsihi Elisha apokee zawadi, lakini alikataa.
17 Markaasaa Nacamaan wuxuu yidhi, Haddii ayan saas ahayn weliba waxaan kaa baryayaa in anigoo addoonkaaga ah lay siiyo ciid intii ay laba baqal qaadi karaan, waayo, anigoo addoonkaaga ah, hadda ka dib Rabbiga mooyaane ilaahyo kale u bixin maayo qurbaan la gubo iyo allabari toona.
Hivyo Naamani akasema, “Kama sivyo, nakuomba ache apewe mtumishi wako pale mzigo wa baghala mbili za aridhi, kwa kuwa kuanzia sasa, mtumishi wako hatotoa tena sadaka ya kuteketezwa wala dhabihu kwa mungu yeyote isipokuwa Yahwe.
18 Oo waxakanna Rabbigu ha iga cafiyo anigoo addoonkaaga ah, markii sayidkaygu guriga Rimmon u tago inuu ku tukado, oo uu ku tiirsada gacantayda ee aan anna ku sujuudo guriga Rimmon gudihiisa, oo markaan ku sujuudo guriga Rimmon gudihiisa Rabbigu anigoo addoonkaaga ah ha iga cafiyo waxakan.
Katika jambo hili moja Yahwe anaweza kumsamehe mtumishi wako, hii ni, wakati mfalme wangu atakapoenda kwenye nyumba ya Rimoni kuabudu pale, na kujifunza kwenye mikono yangu na kumuinamia mwenyewe kwenye nyumba ya Rimoni, Yahwe aweze kumsamehe mtumishi wako katika hili jambo.”
19 Oo isna wuxuu isagii ku yidhi, Orod oo nabad ku tag. Sidaas daraaddeed in yar buu ka socday.
Elisha akamwambia, “Nenda kwa amani.” Hivyo Naamani akaondoka.
20 Laakiinse Geexasii oo ahaa midiidinkii Eliishaa oo ahaa ninkii Ilaah wuxuu yidhi, Bal eega, sayidkaygu wuu u tudhay Nacamaan kii reer Suuriya, oo wixii uu u keenayna waxba kama uu qaadan. Waxaan Rabbiga noloshiisa ugu dhaartay inaan intaan isagii ka daba ordo wax ka soo qaato.
Alikuwa amesafiri lakini umbali mfupi, wakati Gehazi mtumishi wa Elisha mtumishi wa Mungu alisema mwenyewe, “Tazama, bwana wangu amemuandaa huyu Naamani Mshami kwa kuacha kupokea zawadi kutoka kwenye mikono yake ambazo alizileta. Kama Yahwe aishivyo, Nitakimbia nikimfuata na kupokea kitu kutoka kwake.
21 Sidaas daraaddeed Geexasii wuxuu daba galay Nacamaan. Oo Nacamaanna markuu arkay mid soo daba ordaya ayuu gaadhifaraskiisii ka soo degtay inuu ka hor tago, oo wuxuu ku yidhi, War ma nabad baa?
Hivyo Gehazi akamfuata Naamani. Wakati Naamani alipomuona mtu mmoja anakimbia akimfuata, aliruka chini kutoka kwenye gari yake kuonana naye na kusema, “Je kila kitu kiko sawa?”
22 Oo isna wuxuu ku yidhi, Waa nabad. Oo sayidkaygii baa i soo diray oo wuxuu kugu soo yidhi, Haddeerba waxaa ii yimid laba nin oo dhallinyar oo qoonkii nebiyada ah oo ka yimid dalka buuraha leh oo reer Efrayim; haddaba waxaan kaa baryayaa inaad iyaga siiso talanti lacag ah iyo laba iskujoog oo dhar ah.
Gehazi akasema, “kila kitu kiko sawa. Bwana wangu amenituma, akisema, 'Tazama, sasa wamekuja kwangu kutoka nchi ya mlima ya Efraimu vijana wawili wa watoto wa manabii. Tafadhali, wapatie talanta ya fedha na nguo mbili za kubadilisha.”
23 Markaasaa Nacamaan yidhi, Oggolow oo qaad laba talanti oo lacag ah. Wuuna ku sii adkeeyey, oo labadii talanti wuxuu ugu xidhay laba kiish, oo wuxuu ugu sii daray laba iskujoog oo dhar ah, oo weliba wuxuu u saaray laba midiidinnadiisii ah, oo iyana intay u qaadeen ayay hortiisa socdeen.
Naamani akajibu, “Ninafuraha kubwa kukupatia talanta mbili.” Naamani akamsihi Gehazi na kujaribu talanta mbili za fedha kwenye mifuko miwili ya kubebea, pamoja na nguo mbili za kubadilisha, na kutandaza kwa wafanyakazi wake wawili, ambao walikuwa wamebebea ile mifuko miwili ya fedha mbele ya Gehazi.
24 Oo markuu buurtii yimid ayuu gacmahoodii ka qaaday, oo guriguu dhigtay; nimankiina wuu iska diray oo way tageen.
Wakati Gehazi alipokuja kwenye ule mlima, alichukua ile mifuko ya fedha kutoka kwenye mikono yao na kuificha kwenye nyumba; akawatuma wale watu, na wakaondoka.
25 Oo isagiina intuu gudaha galay ayuu sayidkiisii hor istaagay. Markaasaa Eliishaa ku yidhi, Geexasiiyow, xaggee baad ka timid? Isna wuxuu yidhi, Anigoo addoonkaaga ahu meella ma tegin.
Wakati Gehazi alipoingia na kusimama mbele ya bwana wake, Elisha akamwambia, “Umetokea wapi, Gehazi?” Akajibu, “Mtumishi wako hakwenda mahali.”
26 Oo isna wuxuu isagii ku yidhi, War sow qalbigaygu kulama socon markii ninku gaadhifaraskiisii ka soo noqday inuu kaa hor yimaado? War haatan ma wakhti lacag la qaataa oo ma wakhti la qaataa dhar, iyo beero saytuun ah, iyo beero canab ah, iyo ido, iyo dibi, iyo niman addoommo ah, iyo naago addoommo ah?
Elisha akamwambia Gehazi, “Je roho yangu haikuwa na wewe wakati yule mtu alipoyarudisha magari yake ya farasi ili kukutana na wewe? Je uu ni mda wa kupokea pesa na nguo, mashamba ya mzaituni na mizabibu, na kondoo na Ng'ombe, na watumishi wakiume na watumishi wakike?
27 Haddaba waxaa adiga iyo farcankaagaba idinku dhegi doona weligiin Nacamaan baraskiisii. Oo wuxuu hortiisii ka tegey isagoo baras qaba oo u cad sida baraf cad oo kale.
Basi ukoma wa Naamani utakuwa kwenye uzao wako daima.” Basi Gehazi akatoka kwenye uwepo wake, mwenye ukoma kama theluji.

< Boqorradii Labaad 5 >